XIDHIIDHKA ETHIOPIA IYO SOMALILAND. By A.S.Botan.
Waxaan Salaamayaa Saxaafada iyo macaamiishaba, waxaan Illaahay Kheyr u weydiinayaa Ummaddisa Raacday jidhkiisa, gaar ahaanna magaca Soomaalida, intaas ka dibna kuwa Reer Somaliland Aamiin aamiin.
Waxaan inyar ku darsanayaa Doodaas ku saabsan maxay reer Somaliland ka faa'iideen xidhiidhka dalka aan jaarka nahay ee Ethopia, waana xaqiiq in su'aashu timaado, waayo shay kastaa waa waajib inaad ogaato khasaare iyo faa'iido kiisa kugu badan, hadduu faa'iidadu badnaato waad sii wadeysaa isticmaalkiisa, haddii khasaaruhu batona waa inaad meel kale uga wareegtaa, arrintaas noolaha ayaaba u abuuran, xataa Xoolaha ayaa kala yaqaan meesha u daaq badan iyo meesha aanay waxba ka goyneyn, kana maaga inay u dareeraan meel aanay wax badan ka faa'iideyn.
Aan ku soo noqdo dulucda arrintan, ee Kelmidda Xidhiidh waa arrin u dhex ah laba qof,Qoys. Qabiil,ama labo Qaran, halkaas waxaa ka cad waa Madaahilo, iyo wadaag oo ah isii, aan ku siiyee, sidaas darteeed ayaan labadan Waddan ama Ummaddood ay yihiin inay wadaagaan, isna weydaarsadaan waxyaabaha ay isaga baahin yihiin, ee aanay lakala maarmeyn, iyagoo ka illaallinaya waxyaabaha ka xumeynaya Cilaaqaadkaas, xumeyn kara, sida isagoo mid doona inuu isagu qaato faa'iidada oo dhan ama Bursado, taas waxaa u Daliil ah waxyaabihii keenay Dagaalkii Ethopia iyo Elerea oo Milez Doonay inuu qaato 80% ninkii kalena diidey waa taas aad arkeysaan maanta halka ay gaadhay, ilaa ay Colaadaasi saameyn weyn ku yeelato Dhamaan meel Soomaaliyi joogto sida Jabouti,Somaliland ama Somaalida kaleba oo mar aad Waddanka Eretea aad u soo dhoweyn jirey.
Aan eegno qodobo kooban Sida Dhaqaalaha, Nabadgelyada, Siyaasadda Arrimaha Debedda iyo Gudahaba ee labadan Ummadood:
1) Nabadgelyada:- Xadkaas dheer ee inoo dhaxeeya, iyo Kilalka Shanaad oo ay degaan ama ay leeyihiin Dad Soomaaliyeed oo ay Dawladda Ethopia gacanta ku hayso waxaan ka kaafinay Waddanka Ethopia inaan xidhiidh wanaagsan kala sameyno, inkastoo marmar lagu talax -tegay, iyaguse ilaa intaan gaadhney hagrasho weyn baa ka muuqata, waxaanaad moodaa Colaada ka Unkantay ONLFta iyo Dadka ka soo jeeda Somaliland inay Huriyeen Sirdoonka Ethopiaanku, Baabuurta la gubeyna dhaqankaasi muujinayo cadaawad shisheeye ama aan ka iman dad leh dhaqan Islaam iyo mid Somaliyeed ka madhan yahay, xataa haba sameeyaan ONLFtuye waa kuwo u adeegaya Cadaawad ajinebi. Tan labaad Ethopiaanku waxay hagradeen dhaqaalihii uga baaqday gacantaas ay ka heleen Reer Somaliland inay u bedelaan Horumar ummadnimo.
20 Xagga dhaqaalaha waxyaabihii in badan laga wada hadlay oo ah in Ganacsi xor ah uu dhexmaro labadan ummaddood, si dhaqaalahoodu kor ugu kaco, Bangiyada laga furo dhammaan magaalooyinka waaweyn, la dejiyo Sarifka lacagaha, la is dhaafsado Alaabooyinka daruuriga ah, la jaangooyo sixirka Cashuuraha, la wadaago Ashcaarta, la fududeeyo habka isu socodka Alaabooyinka, la sameeyo Rugaha Cashuuraha iwm, waxaa soo dhan waxay ku hadheen Waraaqahii lagu qoray, waxii faa'iido ah ee ka yimaadana Ethopiaanka ayaa iska leh, xagga reer Somaliland waa fadhiidh uun.
30 Siyaasadda Debedda iyo Gudaha:Waa jiraan wax yaabo aan badneyn, ama waa Dalka inoogu dhow xagga Arrimaha Debedda oo way jiraan Tanaasiilaad xooggaa ah, laakiin haddii ay doonayaan inay Somaliland wax la qabtaan gaar ahaan xagga Ictiraafka way qaban kari lahaayeen intaas in ka badan, waxaadse moodaa inay iyaga iyo Kenyaba ku heshiiyeen in aan Qaran xoog badani kaba dhalan Somaaliya Guud ahaan ay noqdaan meelo yar yar oo maamulo ay iyagu Xukumaan uun ka jiraan,weliba Ethopia waxay ka dhigatay dhammaan Somalida inay gacanteeda ku jirto, waxaanay ogeynina ka bixin soona gelin, waad ogeydeen waxaa ka dhacay maamuladii Abdulaahi yuusuf iyo Qaasin, waad ogtihiin kuwan ay iska yeesheen ee Putland, waad ogtihiin dhacdooyinka Kilalka-Shanaad, iyo dhammaan meesha ay ku dambeeyeen raggii soo xumay K.5aad.
Arrimaha Gudaha: Waxaad ogtihiin sharciga Caalamiga ay ku sheegaan, Waddanna, ma fara-geliyo Arrimihiisa Gudaha Waddan kale bal aan eegno'e taasi ma ka jirtaa Ethopiaanka, iyo Somaliland, amaba Somalida kale, anigu waxaan qabaa waa maya, waxaad moodaa maamaulka Ethopia inayba iyagu ka taliyaan Arrimaha Gudaha ee Somaliland, taas bal meel ka eego waxaa jirey Nin aqoon yahan ah oo haysan jirey Sirdoonka Somaliland oo la odhan jirey Xuseen Kenyaati, Xuseen intii uu gacanta ku hayey Sirdoonka, waxa uu Waddanka ka badbaadiyey Hagardaamooyin badan, markki la eryeyna waad ogtihiin ilaa Madaxtooyadii la Hirdimey, warar Xogagfaal ah ayaa sheegaya cida ugu weyn ee uu meesha uga tegey tahay Ethopiaanka, waad ogtihiin Hubkii lalahaa Mudug baa laga keenay ee Wasiirka Arrimaha Guduhu ku eedeeyey Reer Galguudeed cidda qaadatay, iyo meesha ay ku dambeysey, waxaa soo dhammi waxay muujinayaan waxaan wanaag badan oo waara keeneyn, haddi aan madaxda Ethopiaanku la iman Hab ka xeeldheer oo ka duwan kan ay wadaan.
Waxaan ku gebagebeyynayaa, waqtigii Halganka Xaaladu sidaas waa ke gedisneyd oo Ethopiaanku baahi badan ayey u qabeen Jabhadaha, gaar ahaan SNM IYO SSDF, ilaa ay markii dambe isku dhaceen SSDF oo ay Gudoomiyahoodiina Jeel dhigeen, waxaa Itoopiya ku socday Halgankii Jamhadahii Tigree iyo ELeteriya markaas baahidaas ay qabeen ee badneyd oo Ruushkiina ka joojiyey Taageeradii ayaa qasbeysey inay Tanaasulaad badan bixiyaan maantase waa Baar-qabeynayaan, waxaad ku quduro qaadataan dhammaan maalin qudh ah ayey u wada yeedhayaan Shariif, Faroole, iyo Madaxweyne Riyaale, waxayna farayaan waxay doonayaan, kii yeeli waayana waa ka qaadayaan meesha uu joogo,haddii kale waa inuu sidaas u hoggaansamaa, taas waxaa u xaqiiq ah maxaa maanta ku dhacay Faroole in maamulkiisii la yidhaahdo kaa ma rabno, kaana keen, Sharrifkana waa sidaas, maxuu kaga duwan yahay Mudane Riyaale Raggas aan soo sheegnay?.
Maxaa ku dhacay Korneylkii waalaa ee u yeedhay Itoobiya, meeyey Cabdi-Qaasin iyo Ina Cumar Geelehii is watay, meeyey Cali khaliif Galydh?.
Hadal iyo dhamaantiis waxa Xaalku yahay Kalluulka weyni waxa uu ugaadhsadaa ka yaryar, Itoobiyaan waa 75 Million, Ciidan waalan oo aan loo Aabbo-yeeleyna waa haystaa, Siyaasadduna ay wax kuwadaan Tigreeguna maanta ma fiicna, sidii Mareykanka ayuu Geeska isku wadaa, sidaas daraadeed jawaabtu waxaa weeye Wadaagii ma muuqdo, waxaadse ogaataa Nin gabadh meheriyey ayaa lagu yidhi war maxaad gabadha aan maaligeedi joogin ku Meherisey, markaasuu yidhi dee Faataxada ayaan u cuskaday, markaas ayaa lagu yidhi oo ma mahersameysaa, markaas ayuu ku jawaabey, oo haddaa miyey uga dareysaa, arrinku waa sidaas, cid aan uga cararnoba maanta ma haynaa?
Kolay dedaal iyo maamul Hufanna maynaan helin oo doodooda marsan kara oo inaga dhexdeena ayaaba isku basaasna, Qaranimo cid aad ugala doodeyna waa yar tahay, iyana niman wax badan ogol maaha, taasiba waa ta keentay Dagaalkii u dhaxeeya Elateriya oo la aqoonsan yahay, dee ka warran kuwo aan laba ictiraafin, Quwad iyo Xoog lagaga baqona aan lahayn.
Ilaahay haynala jiro dhamaan Soomaalidana wax ka xumaaday ee daciifiyey ha tuso ee u kaday kheyr kood iyo kheyr xigahoodba, welina wey ku socdaan Jidkii Dulliga ilaa Jabouti laga soo bilaabo.
 |
 |
|