Golis News
Home | Entertainment | Religion | Gallery | About Us | Contact us
Bogga cusub ee Hambalyadda ee guusha Kulmiye iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenka Cusub
Warqad Sagootin Ah oo Ahmedou Ould Abdallah u Soo Direy Soomaalida
TAARIIKHDA IYO WAXQABADKA SIILAANYO
Qudbadihii Musharaxiinta Maxaa Kaga Baxay?
Laxaadkii Udub Iyo Liica Jira
Faysal Cali waraabow hakadhigan gabaad Kitaabka quraanka adigoo aan ka soo bilaabin xisbigaaga.
Naqdi khudbadii Madaxweyne Rayaale ka jeediyey khayriyadda maalintii Khamiista ee 3da June 2010 ee ku saabsanayd olalaha doorashada ee xisbiga UDUB.
Faallo: Xidhiidhka Turkiga & Isreal oo jar kasii dhacaya
Somaliland peace and democracy is threatened by religious fundamentalist groups and Criminal networks of Pirates
Ku Shubasho Mise Ka Xoogid Waa Midkee Hadalka Wasiir Cawil
Gorfeynta Golisnews:Sadex 'Ka' Xisbigii Ay Isku Raacdo Ayaa Helay Doorashada Kaash+Khaadhadh+ Koomishan.
Munaasabad ballaadhan oo lagu xusaayey gudagalkii SNM ee 27 May 1988 oo lagu qabtay magaalada London:
Gorfeynta Golisnews:Kushabashada Doorashada Iyo Ka Hortaga Ku Shubashadu Waa Kar Saaran Koomishanka Iyo Kooxaha Tartamayaba. Yaanse Lagu Kadsamin
Madaxweyne Geele oo caddaystay colaadda uu hayo Somaliland, iyo xukuumadda Somaliland oo aan ka jawaabin hadaladii diblomaasiyadda ka fogaa ee kasoo yeedhay madaxweyne Geelle.
 
Magaalo xeebeeda Berbera: Muraayad laga arki karo fadhiidnimada Xukuumada iyo xeeladaheeda gurracan, Q2AAD

Berberi wax go’ lagu qaadoka weyn: Oday dhaqameed reer Berbera ah

 

Maadaama aan qoraalka intiisii hore xooga ku saaray dhacdadii cusbitaalka Hargeysa ka dhacday dhamaadkii 2005 (HALKAN RIIX SI AAD QORAALKA 1AAD U AKHRIDO), dhacdada lafteeduna raad xoog leh iyo isu ekaani ka dhaxayso dhacdo dhawaan ka dhacday Bariga magaalo xeebeeda Berbera oo ay ku lug lahaayeen Ciidan marnna lagu sheegay ciidanka qaranka Somaliland, hadana lagu magac dhabey ciidanka Booliska iyo dhallinyaro hubaysan oo ka soo jeeda Beesha Bariga Berbera ayaan door biday in aan ku bilaabo odhaahda kor ku xusan.

 

Inta aynaan guda gellin dhacdadan aynu xusnay iyo waayaha ku gedaaman, bal aynu isyara dultaagno waayaha Berbera lafteedu magaalo ahaan, horumar ahaan iyo deegaan ahaanba ku jirto maanta iyo halka haykalkeedii magaalonimo iyo inay hanato noqotana xeebta ugu weyn uguna caansan bariga Afrika. Marka hore Berberi waxay ka mid tahay Bogcadaha illaahay uu Somalialnd iyo dadkeeda ku manaystay waana meel ahmiyad, waxtar iyo magacba ugu sugan yahay Somalialnd waxaana lagu sheegi karaa dekeda ugu qiimaha badan uguna istaraatiijisan guud ahaan Bariga Afrika. Berberi waa il dhaqaale oo qaranka Somaliland iyo dhakhligiisa wax ku kordhin karta, waana dekada dabooli karta baahida dhinaca Badda ee Somaliland iyo in badan oo la deris ah. Runtuse waxa weeye muuqaalka ay maanta leedahay magaalo xeebeeda Berberi waa meel u eg in laga hayaamay oo dadkii camairi jirey ee degaanka ku ahaan jirey uga guurey magaalooyinka kale ee Somalialnd, gaar ahaan Hargeysa, Burco iyo deegaamada berbera ku dhow dhow laftooda. Sababaha keenay in dhulkaas loo guuro waxaa ugu weyn iyada oo laga waayey adeegyadii aasaasiga ahaa ee shacabku ka sugayey in Xukuumadu ka hirgeliso oo ay ugu horayso koronto joogta ah si loogu adeegsado qaboojiyayaal maadaama Berberi aad u kulushahay.

 

 Arrimaha kale ee soo dedejiyey digarogashada shacabkii Berbera waxaa ka mid ah dhaqaale xumo soo wajahday dadkii maadaama ay isha keli ah ee magaaldu ahayd Dekeda oo ay yaraadeen adeegyadii wax lagaga soo dejin jirey iyo kuwii wax ka raristuba. Waxay sidaas hadaba Berberi ku weydey dhaqaale iyo xaami dadka iyo adeegyada ah oo lagu yaqaaney. Waxaaba intaas sii dheer maamul xumo baahsan oo mararka qaar muujinaya in qaar ka mid ah adeegyada dadweynaha ka dhexeeya oo ay ugu horayso Dekedu aanay kuba jirin dakhliga dawlada dhexe heer gobol iyo mid degmona hadalkeedaba daa. Waxaad arkaysaa in tiro dad ah oo cayimani ay Berbera kula kacayaan maamul guraccan oo ku salaysan kala qaybinta, iska horkeenka iyo ku danaysi iyaga oo qaarna ku beer laxawsanaya in ay qolo ugu adeegayaan in kalena u muujinaya inay fogaynayaan si ay danahooda sidaas ku fushadaan kuna urursadaan intii caruurta agoomaha ah ee ka timi qoysaska hantida yar iyo naafada loogu adeegi lahaa.waxaa xusid mudan in aanay intan aynu xusnay ee ku talax tagtay Burburinta, kala qaybinta iyo beerlaxawsiga aan waxba ka jirini aanay wax dan ah u haynin qolo iyo qabiilna, danta guudna kuba xajiimoodaan. Waxaa xusid mudan in ay hada xabsiga ku jiraan koox uu ugu horeeyo xisaabiyihii Bangiga Berbera oo lagu tuhunsanyahay lunsiga malaayiin lacagta Somalialand ah, kadib markii xisaab xidh deg deg ah lagu soo booqday mad madow badanina soo baxay. Waxaa haboon in la soo dhaweeyo hallaha noocan oo kale ah ee in yar oo ka mid ah muwaadiniintu ay isku deyayaaan in ay ku badbaadiyaan hantida qaranka. Qof kasta oo u dhashay Somaliland waxa deeqi kara cadaaladda, cadaaladana waxaa u baahan wadanka oo dhan waxaase cad in Berberi uga sii jilicsantahay cid walba. Waxaa mudan in laga hadlo in dhaqanka qalooca iyo maamul xumada ka jirta Berberi ay tahay oo keli ah muraayad laga arki karo qaabka uu maanta u shaqeeyo maamuklkii ay Somaliland wada dhisatay ee loo han weynaa. Waxaa tusaale fudud ugu filan qof kasta qaabkii loola dhaqmay muwaadin dhowaan dekeda Berbera ku soo xidhay markab shidaal sida isaga oo ruqsad ka haysta xafiiskii ku shuqulka leh ee Somalialnd oo laga horjoogsadey in uu si xor ah wadankiisa uga ganacsado. Waxaa laga wada dheregsanyahay in dhacdadani dib Hargeysa iyo xafiiska Somaliland ugu sareeya ugu soo noqootay ayna gallen xallinteeda waxgarad badan oo wejigabax iyo lama arag kala kulmay Daahir Riyaale oo xafiiska loogu doortay in uu ummada u adeego ee aanu qaar dhaqaalohooda iyo noloshooda curyaamin. Waana waxyaaabaha fashilmay ee debeda u soo baxay waxaase ka badan inta aan cidina ka hadal ee dulmiga, xatooyada iyo iska horkeenku ugu horeeyo. Mar hadii aynu ka hadlayno cadaalad iyo cid xuquuqdoodii aasaasiga ahayd lagu xadgudbey waxaa lama huraan ah in la xuso Mujaahid Gaboobe iyo hawl wadeenada HAATUF media Group oo hab xaaraan ah ku xidhan mudo dheer. Waxaa haboon in la qiro in ay u xidhan yihiin iyaga oo baadi goob ugu jira xuquuqda uu leeyahay muwaadinka Somaliland ayna saacadan aan qoraalka samaynayo ku jiraan nooc ka mid ah halganka. Waxaa la wada ogyahay inta sumcad xumo Somalialand ay usoo jiidey arrinatn HAATUF iyada oo bulshada Somaliland gudo iyo debedba ku hawlan yihiin raadinta ictiraaf laga helo caalamka ayaa caqabadaha ina hortaagan waxaa ka mid ah magac xumo iyo hab dhaqan xumo lagula kacayo muwaadainka Somaliland. Suaal: Hadii Somaliland tixgellinweydey muwaadinkeeda, waa ayo cidda ay tixgelinaysaa ee ay ictiraaf ka raadinaysaa? Waxaan jecelahay in aan halkan ku xuso hadal ka soo baxay nin ah weriye madax banaan oo Ingiriis ah kana soo qayb galay Banaan bixii dhawaan London lagu qabtay ee lagu taageerayey gooni isu taaga Somalaland. Hadalada ka soo baxay waxaa ka mid ahaa “Although Somaliland seems to have made progress, it is pitty that media is now punished in Somaliland, which can only damage your search for statehood”. Taas oo fasiraad ahaan macneheedu noqonayo: Inkaska oo Somalialand u muuqwato inay ku talaabsatay horumar , waa ayaan darro in la ciqaabayo warbaahinta. Taasi waxa ay dhaawacaysaa oo keliya doonista aad dooneysaan in aad dal madax banaan noqotaan”.


La soco qaybaha danbe oo aynu ku qali doono Biyo dhaca qoraalka



Abokor I Xasan



Tafatirka guud, Golisnews.com







 





 



 








Saaxiibkaa u dir
Jul 08 Somalia's Al-Shabab vow to step up jihad against AU
Jul 01 Taariikh Nololeedkii Madaxweynaha La Doortay (The Elected President) Ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Jul 01 Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Khudbadiisii Ugu Horeeyey Jeediyey Isagoo aad iyo aad u faraxsan Una Hambalyey Shacabka Somaliland Intii U Codaysay IYo Kuwii Ka Codeeyey
Jul 01 War Deg Deg Ah:Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Loo Doortay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland
Jul 01 Hargeysa (GLN) waxaanu akhristayaashayada ugu baaqaynaa in minidada soo socda ay kala socdaan cidii ku guulaysatay doorashadii madaxtinimada sonaliland
 
Somaliland: A radical change?
The Roots of the Islamic Conflict in Somalia
The impoverished majority in most African countries are denied their constitutional rights.
Rejecting Taghut is a condition of Tawheed
The Islamic view of creativity
XIDHIIDHKA ETHIOPIA IYO SOMALILAND. By A.S.Botan.
Maxaa lagu hadoodilayaa caleema saarka ugaaska beesha CIISE
Waxa keliya ee aduunku maanta inoogu soo joogsanayaa waa Xukuumada Riyaale oo meesha ka tagta.
The Voting for Sharia in Somalia
Ma dhabaa Jaamacada Burco sida Diinkay u socotaa?
Mr.Riyaale, Show Me The Achievements of This Government, What Have You Done For a Power And Time
Maamulka hadda ka jira oo Berbera ka dhigay Meel Ka- Guureen ah / Sumcad Xumona u soo jiiday.. (Warbixin Magaalada Berbera)……
Maanso, Maqaal, iyo Qosol: Halyeeyada Birma-geeydo Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen, Abidjan , Ivory Coast
Maqaal Daba Socda Maxaa Is Ka Badalay Dhaqan Xumayenta Dhalaanka iyo Caarka
Madaxweyne Riyaale Socdaalkiisa iyo Duruufaha ku Gedaaman Gobalka Togdheer BY Mubaarig Axmed Xasan
Habmalyo iyo Bogaadin ku socota Ahmed Adan xaaji Omar (Axmed Sangoore)
DHIDAR XABAALO QODAY QUDHUN BUU UGA DHACAA!!!!!!
NIMANYAHAW NIN GOBAAN AHAY OY GUNNI RIFAYSAAYE:.
Dhulgariirka Siyaasadeed ee Riyaale iyo Udub la baraysteen Hargeysa, yay dani ugu jirtaa?
WAA NAXLI FOGAADEY IYO XANUUN DHOOF DALKA KU YIMI!!!!!!!!.
MADAXDA XISBIYADA WAA MADAXDA QARANKA EE MAXAA LOO RASAASEEYEY?
Xalka Somaliland halka uu ku jiro.
QOYSKEEDII AYEY WAX-TARIWEYDEYE MA KACAANKEY WAX TAREYSAA
Baaq taagero
The Innocent Palestinians: The Forgotten People.
Marwadu sir weyn bay bixisay:
Inner Dimensions of Hajj
Somaliland miyeyna laanta afka Somalilaga ee BBC shaqaalaheeda dalka ka sari Karin
Waa ta la yaabanyahay!!
Faa'iidada Bisha Barakeysan Ee Ramaadaan?
Kulmiye, a party of quality , standard, equal apportunities & accountability
UDUB's Political night-mares to start right from Riyale's Return home!!
Ina sulub maysagaa xaqa u siiyey Riyaale inuu Xaraashi karo Hantida ma Guurtada ee Qaranka?!!
Advice to Muslims in Ramadhan
Buur-Madoobayaal cusub miyaa, carruurtan kulmiye ka dhextoostey?!!
Hadal dhanaan oo Dambe lama dhegeysanayo ee Madaxweynaha & Guurtidu ha u sheegaan Ummadda mandateka ay haystaan ee Distooriga ah!
WARQAD KU SOCOTA SHIRKA BEELWAYNTA H/JECLO UGA SOCDA DEGMADA GAR ADAG...
"nabada khal khal ha gelin"
© Copyright 2005 - 2006 Golis News. All rights reserved.