Magaalo xeebeeda Berbera: Muraayad laga arki karo fadhiidnimada Xukuumada iyo xeeladaheeda gurracan, Q2AAD
Berberi wax go’ lagu qaadoka weyn: Oday dhaqameed reer Berbera ah
Maadaama aan qoraalka intiisii hore xooga ku saaray dhacdadii cusbitaalka Hargeysa ka dhacday dhamaadkii 2005 (HALKAN RIIX SI AAD QORAALKA 1AAD U AKHRIDO), dhacdada lafteeduna raad xoog leh iyo isu ekaani ka dhaxayso dhacdo dhawaan ka dhacday Bariga magaalo xeebeeda Berbera oo ay ku lug lahaayeen Ciidan marnna lagu sheegay ciidanka qaranka Somaliland, hadana lagu magac dhabey ciidanka Booliska iyo dhallinyaro hubaysan oo ka soo jeeda Beesha Bariga Berbera ayaan door biday in aan ku bilaabo odhaahda kor ku xusan.
Inta aynaan guda gellin dhacdadan aynu xusnay iyo waayaha ku gedaaman, bal aynu isyara dultaagno waayaha Berbera lafteedu magaalo ahaan, horumar ahaan iyo deegaan ahaanba ku jirto maanta iyo halka haykalkeedii magaalonimo iyo inay hanato noqotana xeebta ugu weyn uguna caansan bariga Afrika. Marka hore Berberi waxay ka mid tahay Bogcadaha illaahay uu Somalialnd iyo dadkeeda ku manaystay waana meel ahmiyad, waxtar iyo magacba ugu sugan yahay Somalialnd waxaana lagu sheegi karaa dekeda ugu qiimaha badan uguna istaraatiijisan guud ahaan Bariga Afrika. Berberi waa il dhaqaale oo qaranka Somaliland iyo dhakhligiisa wax ku kordhin karta, waana dekada dabooli karta baahida dhinaca Badda ee Somaliland iyo in badan oo la deris ah. Runtuse waxa weeye muuqaalka ay maanta leedahay magaalo xeebeeda Berberi waa meel u eg in laga hayaamay oo dadkii camairi jirey ee degaanka ku ahaan jirey uga guurey magaalooyinka kale ee Somalialnd, gaar ahaan Hargeysa, Burco iyo deegaamada berbera ku dhow dhow laftooda. Sababaha keenay in dhulkaas loo guuro waxaa ugu weyn iyada oo laga waayey adeegyadii aasaasiga ahaa ee shacabku ka sugayey in Xukuumadu ka hirgeliso oo ay ugu horayso koronto joogta ah si loogu adeegsado qaboojiyayaal maadaama Berberi aad u kulushahay.
Arrimaha kale ee soo dedejiyey digarogashada shacabkii Berbera waxaa ka mid ah dhaqaale xumo soo wajahday dadkii maadaama ay isha keli ah ee magaaldu ahayd Dekeda oo ay yaraadeen adeegyadii wax lagaga soo dejin jirey iyo kuwii wax ka raristuba. Waxay sidaas hadaba Berberi ku weydey dhaqaale iyo xaami dadka iyo adeegyada ah oo lagu yaqaaney. Waxaaba intaas sii dheer maamul xumo baahsan oo mararka qaar muujinaya in qaar ka mid ah adeegyada dadweynaha ka dhexeeya oo ay ugu horayso Dekedu aanay kuba jirin dakhliga dawlada dhexe heer gobol iyo mid degmona hadalkeedaba daa. Waxaad arkaysaa in tiro dad ah oo cayimani ay Berbera kula kacayaan maamul guraccan oo ku salaysan kala qaybinta, iska horkeenka iyo ku danaysi iyaga oo qaarna ku beer laxawsanaya in ay qolo ugu adeegayaan in kalena u muujinaya inay fogaynayaan si ay danahooda sidaas ku fushadaan kuna urursadaan intii caruurta agoomaha ah ee ka timi qoysaska hantida yar iyo naafada loogu adeegi lahaa.waxaa xusid mudan in aanay intan aynu xusnay ee ku talax tagtay Burburinta, kala qaybinta iyo beerlaxawsiga aan waxba ka jirini aanay wax dan ah u haynin qolo iyo qabiilna, danta guudna kuba xajiimoodaan. Waxaa xusid mudan in ay hada xabsiga ku jiraan koox uu ugu horeeyo xisaabiyihii Bangiga Berbera oo lagu tuhunsanyahay lunsiga malaayiin lacagta Somalialand ah, kadib markii xisaab xidh deg deg ah lagu soo booqday mad madow badanina soo baxay. Waxaa haboon in la soo dhaweeyo hallaha noocan oo kale ah ee in yar oo ka mid ah muwaadiniintu ay isku deyayaaan in ay ku badbaadiyaan hantida qaranka. Qof kasta oo u dhashay Somaliland waxa deeqi kara cadaaladda, cadaaladana waxaa u baahan wadanka oo dhan waxaase cad in Berberi uga sii jilicsantahay cid walba. Waxaa mudan in laga hadlo in dhaqanka qalooca iyo maamul xumada ka jirta Berberi ay tahay oo keli ah muraayad laga arki karo qaabka uu maanta u shaqeeyo maamuklkii ay Somaliland wada dhisatay ee loo han weynaa. Waxaa tusaale fudud ugu filan qof kasta qaabkii loola dhaqmay muwaadin dhowaan dekeda Berbera ku soo xidhay markab shidaal sida isaga oo ruqsad ka haysta xafiiskii ku shuqulka leh ee Somalialnd oo laga horjoogsadey in uu si xor ah wadankiisa uga ganacsado. Waxaa laga wada dheregsanyahay in dhacdadani dib Hargeysa iyo xafiiska Somaliland ugu sareeya ugu soo noqootay ayna gallen xallinteeda waxgarad badan oo wejigabax iyo lama arag kala kulmay Daahir Riyaale oo xafiiska loogu doortay in uu ummada u adeego ee aanu qaar dhaqaalohooda iyo noloshooda curyaamin. Waana waxyaaabaha fashilmay ee debeda u soo baxay waxaase ka badan inta aan cidina ka hadal ee dulmiga, xatooyada iyo iska horkeenku ugu horeeyo. Mar hadii aynu ka hadlayno cadaalad iyo cid xuquuqdoodii aasaasiga ahayd lagu xadgudbey waxaa lama huraan ah in la xuso Mujaahid Gaboobe iyo hawl wadeenada HAATUF media Group oo hab xaaraan ah ku xidhan mudo dheer. Waxaa haboon in la qiro in ay u xidhan yihiin iyaga oo baadi goob ugu jira xuquuqda uu leeyahay muwaadinka Somaliland ayna saacadan aan qoraalka samaynayo ku jiraan nooc ka mid ah halganka. Waxaa la wada ogyahay inta sumcad xumo Somalialand ay usoo jiidey arrinatn HAATUF iyada oo bulshada Somaliland gudo iyo debedba ku hawlan yihiin raadinta ictiraaf laga helo caalamka ayaa caqabadaha ina hortaagan waxaa ka mid ah magac xumo iyo hab dhaqan xumo lagula kacayo muwaadainka Somaliland. Suaal: Hadii Somaliland tixgellinweydey muwaadinkeeda, waa ayo cidda ay tixgelinaysaa ee ay ictiraaf ka raadinaysaa? Waxaan jecelahay in aan halkan ku xuso hadal ka soo baxay nin ah weriye madax banaan oo Ingiriis ah kana soo qayb galay Banaan bixii dhawaan London lagu qabtay ee lagu taageerayey gooni isu taaga Somalaland. Hadalada ka soo baxay waxaa ka mid ahaa “Although Somaliland seems to have made progress, it is pitty that media is now punished in Somaliland, which can only damage your search for statehood”. Taas oo fasiraad ahaan macneheedu noqonayo: Inkaska oo Somalialand u muuqwato inay ku talaabsatay horumar , waa ayaan darro in la ciqaabayo warbaahinta. Taasi waxa ay dhaawacaysaa oo keliya doonista aad dooneysaan in aad dal madax banaan noqotaan”.
La soco qaybaha danbe oo aynu ku qali doono Biyo dhaca qoraalka
Abokor I Xasan
Tafatirka guud, Golisnews.com
|