Dood furan oo Ku saabsan xadhiga hawl wadeenada HAATUF!
Waxaa muddo laba bilood ku dhow ku hira gacanta Ciidamada nabadgelyada ee Somaliland sadex ka mid ah shaqaalihii ugu sareeyey wargeyska madaxa banana ee HAATUF, iyada oo loo haysto qoraalo is daba jog ah oo ku soo baxay wargeyska, waxna ka iftiiminiyey musuq maasuq sawiro wata oo ay ku eedeeyeen qoyska Madaxtooyada Somaliland. Runtii sawirka ka muuqda halkani waa Mr GABOOBE oo loo dhaadhicinayo jeelka Mandheera. Hadaba akhristaha sharafta leh ee Golisnews waxaanu usoo bandhigaybnaa in ay nagala qayb qaataan dood furan oo ku saabsan bal sida ay u arkaan dhacdadaas.
Wuxuu akhristuhu diirada saari doonaa arrimaha ay ka mid yihiin:
1. Sida loo dheelitiri karo madaxbnaanida qowlka ( in qofku fekrediisa cabiro) iyo in la ilaaliyo xuquuqda sharafta shaqsiga ah ee muwaadinka.
2. Bal in akhristuhu hayo warar hoose oo ku saabsan fadeexado iyo musuq maasuq aan ilaa hada la ogeyn oo cid kale ku kacday
3. Sidee loo xakamayn karaa ku tagrifalka hantida kooban ee qaranka Somaliland?
Fadlan qoraalka noogu soo hagaaji: webmaster@golisnews.com
|