Golis News
Home | Entertainment | Religion | Gallery | About Us | Contact us
Bogga cusub ee Hambalyadda ee guusha Kulmiye iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenka Cusub
Warqad Sagootin Ah oo Ahmedou Ould Abdallah u Soo Direy Soomaalida
TAARIIKHDA IYO WAXQABADKA SIILAANYO
Qudbadihii Musharaxiinta Maxaa Kaga Baxay?
Laxaadkii Udub Iyo Liica Jira
Faysal Cali waraabow hakadhigan gabaad Kitaabka quraanka adigoo aan ka soo bilaabin xisbigaaga.
Naqdi khudbadii Madaxweyne Rayaale ka jeediyey khayriyadda maalintii Khamiista ee 3da June 2010 ee ku saabsanayd olalaha doorashada ee xisbiga UDUB.
Faallo: Xidhiidhka Turkiga & Isreal oo jar kasii dhacaya
Somaliland peace and democracy is threatened by religious fundamentalist groups and Criminal networks of Pirates
Ku Shubasho Mise Ka Xoogid Waa Midkee Hadalka Wasiir Cawil
Gorfeynta Golisnews:Sadex 'Ka' Xisbigii Ay Isku Raacdo Ayaa Helay Doorashada Kaash+Khaadhadh+ Koomishan.
Munaasabad ballaadhan oo lagu xusaayey gudagalkii SNM ee 27 May 1988 oo lagu qabtay magaalada London:
Gorfeynta Golisnews:Kushabashada Doorashada Iyo Ka Hortaga Ku Shubashadu Waa Kar Saaran Koomishanka Iyo Kooxaha Tartamayaba. Yaanse Lagu Kadsamin
Madaxweyne Geele oo caddaystay colaadda uu hayo Somaliland, iyo xukuumadda Somaliland oo aan ka jawaabin hadaladii diblomaasiyadda ka fogaa ee kasoo yeedhay madaxweyne Geelle.
 
Xaaladaha Kala Duwan ee Ceerigaabo/Sanaag: Warbixin- Weriye Cabdikariim Siciid Saalax

Muuqaalka Guud ee Magaalada Ceerigaabo waa mid iska fiican laakiin uma dhigmo magaalooyin  waaweyn ee dalka, waa magaalo ka yar Burco iyo Hargeysa in yar aad moodid inay ka weyntahay Berbera waxay ku jirtaa god waxaad nad moodaa inay koobantahay, waa magaalo ay dadka degan ku tilmaameen (Ardul Ajdaad) oo ah Dhulkii awoowayaasha maadaama ay ku aasanyihiin Awoowo yaashii ama faracii hore ee Dadka Soomaalida ah sida la sheegay waxa ku Aasan Aabayaasha reer Somaliland sida Sheekh Isxaaq, Sheekh Samaroon, Sheekh Daarood, iyo waliba shuyuukh kale oo ka tafiirmay iyaga sida ay ii sheegeen Dadweynaha reer Ceerigaabo qaar aan waxka weydiiyey Magaalo ahaan maaha Magaalo la jewi ah magaalooyinka kale ee dalka waa Magaalo aad Askar iyo Ciidan aad u saldhigyo Ciidan Badan aad na waxay ku kalaalaysaa oo ay xidhiidh Ganacsi la wadaagtay Dalka aan is-hayno ee Putland oo cidhiidhi badan ku haya dhul ka Somaliland.

 

Degmada Ceerigaabo waa mid soo jireen ah oo lagu qiyaasi karo xiligii la aasaasay ama la degay 1920 kii sida uu ii sheegay odey dhaqameed aan wax ka weydiiyey degsiimadii u horeysay ee Ceerigaabo, waxay ahayd degmo xiligii Gumaysigii ingiriiska hoostagta Gobolka Togdheer oo laga xukumo..

 

Guud ahaan Dadweynaha Ku dhaqan waa Dad reer Somaliland waxa aad uga muuqda daal markasta kaasi oo uu sabab u yahay magaalada oo raf iyo dhagax ah kabuhuna si yar ku idlaanayaan sidaasi oo ay tahay dad yari kuma noola ee way dad badan tahay.

Hadii aan u dhaadhacno Xaaladaha Kala duwan ee magaalada Ceerigaabo waa sedan:-

 

Dadweynaha & Nolosha :-

 

Waxa ku dhaqan shacbi qiyaas ahaan xoogaa ka yar dadka ku dhaqan Burco, Dadka reer Ceerigaabo waxay u badanyihiin Dad waaweyn oo Odayaal ah maadaama ay inta badan Maqaaxiyaha iyo meelaha la isugu yimaado ay fadhiyaan Odayaashu kuwaasi oo ka sheekaynaya Xaalada Guud ee Soomaaliyada Qasan iyo tan haatan Somaliland ku sugantahay.


Marka aad eegto Dadweynaha reer Ceerigaabo waxay aad ula tacaalaan Dhaxanta oo halkaasi fara baas ku haysa taasi oo heerka ay gaadhsiisay aadan arkaynba hablaha Wajigooda maada ay Xidheen Niqaabka oo aad uga badan Haweenka reer Ceerigaabo isticmaalkiisu kaasi oo markii aan ka yaabay aan waxka weydiiyey Gabadh reer Ceerigaabo ah waxa hablaha u wada xidhay niqaabka waxay tidhi “ Habluhu walaal waxay ka baqayaan inay wajiga ka jajabaan sidaasi darted iyagoo dhaxanta la tacaalaya ayey isticmaalaan Niqaabka balse way yaryihiin inta sida sharciga ah u sidataa niqaabka”

Sidaasi oo ay tahay ayey raguna isticmaalaan Koodhadhka iyo  buudhka adag ee loo isticmaalo dhaxanta.

Reer Ceerigaabo guud ahaan kuma tiirsana Shaqo Dawlada oo Haayada ugu weyn ee Dawladeed waa Deegaanka oo kaliya waxa ka shaqo gala wax ka sideetan qof taasi oo uu qeexay Duqa Degmadaasi, sidaas oo ay tahay waxay dadku inta badan ictimaadaan is xoogsiga iyo xoog ku dirirka shaqooyinka kale ee iska caadiga ah.

Dhinaca Maceeshada iyo Noloshu waa mid aad moodid inay kala mid tahay Burco xaga qiimayaasha badan kooda inkastoo ay ku kala duwanyihiin Cuntooyinka la isticmaalo oo aanu mudadii yarayd ee aan ku sugnaa kaliya aad hudheelada ka helaysid Cuntooyin u badan Hilibka oo marna Suqaar laga dhigay marna Hilib ahaan loo cunayo taasi oo uu aad uga badan yahay miyaga ama reer Guuraa oo ku xeeran magaalada darted waxa iyaguna si fudud loo helo loona Cabaa Caanah Darayga ah ee Subaxnimadii la soo lisay oo aad mararka qaarki is odhanayso yaa iska jooga uun oo sika cuna hilibkaasi.

Goobaha Cuntada laga helo maalintii waa hudheelada cuntada oo isida caadada ah laga helo Bariis, Baasto iyo Hilib oo aan wax taraxaaba jirin, halka habeenkii ay hudheeladu galin hore iska rawaxaan oo aad ka cuntaynayso macmacaanlayaasha iyo meheradaha laga helo Saanbuuska, kackaca, iyo saanwijka taasi oo aan Berbera laga isticmaalin  in ta badan.

 

Caafimaadka & Shaqooyinka:

 

Ceerigaabo waa magaalo aad  uga liidata dhinaca Caafimaadka marka la  dhinac dhigo degmooyinka kale ee dalka arintaasina waxay keentay in Dadweynuhu ku naf baxaan jidka u dhexeeya burco iyo Ceerigaabo marka qof dumar ah oo fooli hayso lala cararo waxay la gaadhaysaaba waa wax yar waxaana gaadhaysa inta nolosha wax uga hedheen uun. Arintaasi oo aan maayarka wax weydiiyay ayuu sheegay inay wasaradau dhakhaatiirtii ka badelayso Cisbitaalka guud ee magaalada haatana uu yahay meel madahn oo aan cidna lagu daweyn Karin taasi waxay keentay in ciidanka qaranka e ku dhaawacmay baabuur dhacay laga qaado cisbitaalkaasi kadib markii wax daawo iyo dhakhaatiir ah looga waayey waana goobta kaliya ee la odhan karo Wasaarada dhan ee Caafimaadku way ka hawlgashaa Gobolka dhan taasina waa ayaan darada haysata dalkeena dhan ee aan sheegano oo ay galisa Xukuumada Somaliland ee todoba toban jirsatay waana ayaan daro wiil 17 jir ah oo koob shaaha soo cadeyn waayey islaamihii hore waxay odhan jireen waa kahyr ma qabe sidaasi darted Ceerigaabo way ka liidataa dhinaca caafimaadka waliba si aad u xun..


Dhinaca Shaqada, labadan qodob ayaa isku wasaarad ah sidaas oo ay tahay shaqada sida ugu fudud lagu helo Ceerigaabo ama Gobolka sanaag guud ahaan ba waa shaqada ciidanka ama askarinimada taasi oo aad arkayso dhalinyaro badan oo ku odhanaya waxaan ahay Ciidan ama askari Dawlada ka qaatay mushahar shaqada kale ee soo raacdaana waa tan maqaaxiyaha ama goobaha ganacsiga ee sida garka ah loo leeyahay oo ay dhalinyarta qaarkood ka hawlgalaan, mana jirto Haayada Dawladeeda oo boqol qof oo reer ceerigaabo ahi u shaqo tagaan marka laga yimaado Askarinamada oo ah shaqada sida ugu fudud lagu helo..

 

Waxbarashada & Dhaqanka :-

 

Waa magaalo aan la odhan Karin way ku xuntahay waxbarasha hadana lama odhan karo way ku wanaagsantahay oo taasi waxay ka muuqan lahaayeen Ardayda Waxka bartaa Natiijooyinka Sare Imtixaanaadka Dalka sidaas oo ay tahay dadweynaha reer Ceerigaabo ee wax barta waxa lagu qiyaasi karaa ilaa sided kun oo qof sida uu ii sheegay macalin bare ahi, Goobaha wax laga Barto waxa u muhiimsan Dugsiyada Dawlada oo kala leh heerarkii Caadiga ahaa sida Hoose, Dhexe, Sare wax jaamacad ama Maxad sare ahina kama jiraan waxase ka jiray Goobo lagu barto Culuumta ay kamidka yihiin Computerka Internetka, Xisaabta iyo Luuqadaha sida ingiriisida.

Dhibaatada ugu balaadhan ee dadka reer Ceerigaabo ka haysata Waxbarashada waa Iyagoo aan helin macalimiin Tayo leh Goobaha Aqoonta loo doonto ka hawlgala kuwaasi oo ay u horeeyaan Dugsiyada Dawlada, balse arintaasi dalka oo dhan ayey kala simantahay inkastoo ay ka liidato maadaama aanay ka hawlgalin Macalimiinta Jaamacadaha dalka kasoo baxay ee ka hawlgala dalka oo dhan sidaas oo ay tahay Ceerigaabo aad ayey uga liidataa Waxbarashada sikastaba ha ahaate bal hadaan eegno dhaqanka iyo hidaha waa arin aad ay ugu wanaagsantahay Ceerigaabo marka la barbardhigo magaalooyinka kale kuwaasi oo ay dheertahay Odayaashii odey dhaqameedyada timaha cas ee maqaaxiyaha ku shawraya kuwaasi oo aad moodaysid inay joogaan ardaayadii reer guraaga miyiga, dhinaca kale ceerigaabo waa magaalo ay ku yartahay dhaqan xumada iyo fiidyowguba kuwaasi oo aanad inta badan arkayn inkastoo lagu daawada aflaamta hindiga ah iyo ciyaarahaba hadana sida magaalooyinka kale ee dalka uguma badna, habeenkii socodka dadku ma badna mana aha meel in badan laga soo jeedo ee waxa la kala xeroodaa sagaalada iyo wixii ka horeeya sidaasina darted way yartahay xumaantii magaalooyinka waaweyn ka suurogashaa oo aad ayaa loo kala baqaa habeenkii ugudanbeyntii Ceerigabo waa magaalo aad moodid miyi Dhaqankuna ku yara jiro.

 

Dhalinta & Ciyaaraha :

 

Ceerigaabo waa magaalo aad ay dhalinyaradu ugu yartahay oo aad ay yartahay sida aad ku aragto raxan dhalinayro ah oo meel maraysa ama goob wada joogta marka loo la garab dhigo magaalooyinka dalka ee ay gidaarada iska fadhiyaan dhalinyaradii dugsiyada Sare ka baxday kuwaasi oo shaqo la’aantu indhaha ka riday dadka reer Ceerigaabo waa dad ay aad ugu yaryihiin dhalinyaradu inkasta oo aad arkayso dhalinta haweenka oo iyagu saameyn weyn ku leh suuqyada magaalada oo ay maalintii aad u dhex mushaaxaan inkastoo aan waqtiyada habeenkii laba arkin..

Ceerigaabo maaha magaalo dhalinyaro badan waa magaalo ay ku noolyihiin dadka habeenkii ka caraabaa reer miyiga ahi kuwaasi oo xidhiidhka u badan la wadaaga magaalada dadka magaaladana dhaxanta iyo qabowga darted ma jirto xarago badan iyo kulamada dhalinyarada casrigan ee magaalooyinka ku badan taasina waa  ta ay ceerigaabo kusii yara haysato dhaqankii hore ee soomaalida.

Ciyaaruhu waa qeyb kamid ah waxa ugu badan ee ay dhalinyaradu xiisayso waana la ciyaaradaa oo reer Ceerigaabo iyagaaba Haysta Koobkii Gobolada ee u danbeeyey taasi oo aad looga xiiseeyo kubada iyo Ciyaaradeeda intii aanu joognay aniga iyo Saaxiibkay Maxamed Xuseen Cali (Dumush-yare) waxa magaalada ka suurogashay labo ciyaarood oo ay wada yeesheen Koox reer Ceerigaabo ah iyo Koox reer Burco ah ciyaartii hore oo ay labada kooxoodba isla dhaafi waayeen barbar dhac gool iyo gool ah balse maalintii labaad ayey dhexmarta kooxda reer Ceerigaabo iyo Caafi Burco ciyaar aad loo soo agaasimay oo ay Dadweynaha reer Ceerigaabo ku daawanayeen 2000 shiling somalidii hore ah, ciyaartaas oo ay kasoo qeyb galeen boqolaal katirsan Dadweynaha reer ceerigaabo ayey Kooxda reer Burco ee Caafi ku adkaatay 2:0 waxaana laga badiyey reer Ceerigaabo , dhinaca ciyaaraha caalamiga ah ee reer Yurubka waa lagu daawada waxaana halkaasi kula daawanay reer Ceerigaabo ciyaar dhexmartay Arsenal V Blackburn oo ay arsenal ku adkaatay 2:0 oo ay ukala dhaliyeen ciyaarahanada Henry iyo  Kolo toure dadweyne isugu jiray dhalin iyo dhalinta cuslaatayba way daawanayeen inkastoo magaalada labo goobood oo kaliya lagu daawado..


Sikastaba ha haatee dhalinyarada reer ceerigaabo waxay kala siamnyihiin Koobabka CIyaaraha gobolada dalka oo waxay kaliya oo ciyaaraan Koobka ramadaanta oo ay soo qabanqabiso Wasaarada Ciyaaruhu balse Wasaaradu waa ku guuldaraysatay inay ka fuliso wareegyo ay kusoo baxaan dhalintu kagana jeestaan balwada iyo xumaha kale taasna waa mid dalka kala mid yihiin …dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dhalinyarada haystana waxa kamid ah Tahriibta iyo balwada oo labaduba cadowga dhalinyarada ah…

 

Xukuumada & Dawladnimada:-

 

Haayadaha Dawlada Somaliland guud ahaan magaalada waa ay ku leeyihiin xafiisyo badan waxaanuna aragnay Wasaarado badan oo Xafiisyadoodu ka furanyihiin inkasta oo aanaan aragba Xafiis Wasaaradeed oo shaqeyn xiliyada subixii balse waanu arki jirnay Xafiis tabeele sudhanyahay oo ay ku xardhanyihiin macnaha wasaarada ku hawlgasha, Guud ahaanba shaqaalaha Dawlada ama Haayadaha Dawlada ee ay u waaweyn yihiin Dawlada Hoose iyo Xafiiska Gobolka waxa loo soo shaqo tagaa sagaalka suabxnimo iyadoo ay dadka reer Ceerigaabo isak nabaan dhaxanta , labadaasi haayadood ayaa ah kuwa ugu sida caadiga ah u shaqeeya ayaa hadana xiligaasi inta badan loo soo shaqo tagaa, Dawlada Hoose ee Ceerigaabo waa Xarun Dawlad Hoose oo dalka ah tii ugu liidatay dhisme ahaan ee aan arko intaan arkayey Xarumaha Dawlada Gobolada iyo degmooyinka iskadaa waxkale oo malaha deyr ku wareegsan Xafiisyada waxaanan aad ula yaabay mar aan galay xafiiska Duqay oo aan halkaasi waraysi kaga qaadayey Astaamaha dawladnimo waxa kaliya ee ka ay indhahaygu ku dheceen waxay ahayd hal calan oo aad u yar oo aan Tawxiidkii iyo xidigtii toona lahayn oo  miiska Duqa saarnayd halka Xafiisyada kale ee Dawlada lagu arko Astaanata ama Cxalanka Dawlada Hoose e Degmadaasi iyo calanka Somaliland si haysan u saran miiska Masuulkasta oo ka hawlgala Haayadaha Dawalada ee Gobolada Dalka.

Xafiiska Duqa Ceerigaabo ee uu yaalay calankaas bilaa Tawxiidka iyo Xidigta ahi marka loo eego xafiisyada kale ee isla Dawlada Hoose oo uu kamid yahay ka Xoghayaha Fulinta oo aan  waxba miiska u saarnayn habayaraatee xataa shamac yarna taasi waxa ksii daran oo aadan ba arkayn qof lagu odhanayo waa xildhibaan ama waa Golaha Deegaanka degmadaasi waxaana dhibaatasaas ka makhraati kacaysa Maayarka Ceerigaabo oo ah ninka kaliya ee kursi Maayarnimo ku fadhiyo si bilaa buuq iyo muran ah tan iyo intii la doortay Golayaasha Deegaanka dalka halka maayarka labaad ee aan xilka laga qaadin yahay caasimada Jiciir oo isaga markasta lagu arko warbaahinta dalka xurgufta u dhaxeysa Golihiisu markastana ku badbaaday digreeto wasiir iyo hoolka shirarka oo la xidho taasina waxay ka makhraati kacaysa inay jirto cududii Golaha Deegaanku balse  Maayarka Ceerigaabo bal wax uu ku akhriyeyba garan maayee waxa uu ku fadhiyaa si aad u layaab badan oo aanu jirinba Gole deegaan oo isu yimaada ama aad ku arkayso xaruntakana doodad anta guud ee Degmada Ceerigaabo oo aad u liidata..


Dhinaca kale waxa isna iskaba yar is ixtiraamka masuuliyiinta Dawlada ee degmadaasi waxaana taas ka makhraati kacaysa sheekadii layaabka badnayd ee lagu daabacay warbaahinta dalka ee uu Isuduwe ka tirsan Xukuumada dhexe ku uleeyey badhasaabka Gobolka Sanaag taasina aanay meelnaba ka dhicin dalka intaas leeg masuul Dawladeed oo midkale gacan u qaada..

 

Sharci darada Maamul ee kajirta :

 

Magaalada Ceerigaabo oo ah magaalo ka fog dalka intiisa kale hadana aan lahayn wado wanaagsan oo loo maro si dhib yarna looga soo noqda ayey ka jirtaa sharci daro maamul oo aad u xun taasi oo ay kamid tahay Wakaalada Biyaha Ceerigaabo oo hoos tagta Dawlada Hoose halka ay gobolada kale dalka ama degmooyinka kale tahay Haayada Gaar ah taasina waxay keenaysa inay ku dakhliga Wakaaladu Qasnada Dawlada Hoose sida uu sheegay Maayarka Ceerigaabo isaga ka hadlaya wax qabadkiisa ayuu yidhi” Waxaan hal baabuur u iibiyey Wakaalada Biyaha Degmada iyo lix kale oo uu Dawlada Hoose u iibiyey”  taasina ay ka makhraati kacayso wakaaladu inay tahay haayad kamid ah Dawlada Hoose

Dhinaca kale waxa jirta mar aan waraystay  bulshada reer Ceerigaabo oo aan waxka weydiiyey sababta Maayarka Ceerigaabo u fadhiyo kurisiga ayuu mid kamid ah dadkii weydiiyey yidhi “Runtii Maayarku xoog ayuu ku haystaa jagadan, golihii deegaankuna waxa uu noqday qaar isak taga iyo qaar iskaba daaya iyagoo nacaya is jiidjiidashada dhexdooda ah, Ismaaciil waxa uu xubnaha kaledheeraa markii hore oo uu dhaqaalaha ka dhisnaa markuu xoogaa haystayna uu ku xoogaysta meesha kuna xididaystay sidaas oo ay tahay isaga ayaa kursiga ku fadhiya” inkasta oo uu muwaadinkaasi diiday inaan magiciida baahiyo hadana waxa uu ka makhraati kacay waxyaabah xaqaa’iq ah ee ka jira Ceerigaabo..

 

Saxaafada & isticmaalka Warbaahinta :

 

Ceerigaabo waa magaalo kamid ah magaalooyinka ama degmooyinka aan sida taxanaha ah u helin warbaahinta dalkeena uu hor kaco jaraa’idku taasi oo ay sababta u tahay  wado la’aan iyo masaafada dheer ee uu ka fogyahay gobolku dalka intiisa kale sidaasi darteed  dadweynuhu lama socdaan waxa ka dhaca dalka intiisa kale maadaama uu jaraa’idku yahay ka faaloodaha u weyn ee xaalada dalkeena waxaanay dadka reer Ceerigaabo dhegeystaan taas badalkeeda BBC-da oo haatan ah xarun lagag waramo inta badan Koonfurta soomaaliya oo aan ahayn idaacad reer  waqooyi balse ahaan jirtay xiliyadii hore taasi waxay ka saartay meesha u dhug lahaantii dadka reer sanaag ee Xaalada dalka ama la socoshadii saansaanta siyaasadeed ee is jiid jiidashada Xukuumada  iyo Mucaaridka isla markaana waxa ku yar magaalada ceerigaabo rajada dadkeena  ee Somaliland nimada iyo  aqoonsiga caalamiga ah.

Dadweynaha reer Ceerigaabo kaliya waxay daawadan ama dhegeystaan Telefishanka Aljazeera iyio BBC-da waxa isan mar mar isagoo baarixiya yimaada Jaraa’idka haatan Maamulka Wargeyska Geeska Afrika ayaa u suurogalin doona dadweynaha reer Ceerigaabo helitaan jaraa’idka oo kasoo horeyn doona sidii markii hore ay u iman jireen oo aan ku qeybiyey magaalada intii aan joogay nuqulo kamid ah….

Ugudanbeyntii waxaad moodaa inay reer Sanaag ama reer Ceerigaabo aanay kaba warhayn Dagaalka cusub saxaafada Somaliland iyo Xukuumada Rayaale ee haatan u bilowmay iyo waliba dagaalka meeshii ugu sareysay gaadhay sanadkii hore ee warbaahinta ah una dhexeeya Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka ah..

 


Waxa kale oo arin iska yar ah weriyayaasha Gobolka hawlgala oo aan ka waramin dayaca degmooyinka sanaag ka muuqda taasina oo aanan garanayn Weriyayaashaasi halka ay eegaan amaba ka hawlgalaan iyagoo Gobolka ku sugan…

 

La soco Qeybo kale …

 

Cabdikariim Siciid Saalax

Warbixin -Ceerigaabo

Safarkii Sanaag

Cell-Phone : +25224441209


Golis News Network

Saaxiibkaa u dir
Jul 08 Somalia's Al-Shabab vow to step up jihad against AU
Jul 01 Taariikh Nololeedkii Madaxweynaha La Doortay (The Elected President) Ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Jul 01 Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Khudbadiisii Ugu Horeeyey Jeediyey Isagoo aad iyo aad u faraxsan Una Hambalyey Shacabka Somaliland Intii U Codaysay IYo Kuwii Ka Codeeyey
Jul 01 War Deg Deg Ah:Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Loo Doortay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland
Jul 01 Hargeysa (GLN) waxaanu akhristayaashayada ugu baaqaynaa in minidada soo socda ay kala socdaan cidii ku guulaysatay doorashadii madaxtinimada sonaliland
 
Somaliland: A radical change?
The Roots of the Islamic Conflict in Somalia
The impoverished majority in most African countries are denied their constitutional rights.
Rejecting Taghut is a condition of Tawheed
The Islamic view of creativity
XIDHIIDHKA ETHIOPIA IYO SOMALILAND. By A.S.Botan.
Maxaa lagu hadoodilayaa caleema saarka ugaaska beesha CIISE
Waxa keliya ee aduunku maanta inoogu soo joogsanayaa waa Xukuumada Riyaale oo meesha ka tagta.
The Voting for Sharia in Somalia
Ma dhabaa Jaamacada Burco sida Diinkay u socotaa?
Mr.Riyaale, Show Me The Achievements of This Government, What Have You Done For a Power And Time
Maamulka hadda ka jira oo Berbera ka dhigay Meel Ka- Guureen ah / Sumcad Xumona u soo jiiday.. (Warbixin Magaalada Berbera)……
Maanso, Maqaal, iyo Qosol: Halyeeyada Birma-geeydo Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen, Abidjan , Ivory Coast
Maqaal Daba Socda Maxaa Is Ka Badalay Dhaqan Xumayenta Dhalaanka iyo Caarka
Madaxweyne Riyaale Socdaalkiisa iyo Duruufaha ku Gedaaman Gobalka Togdheer BY Mubaarig Axmed Xasan
Habmalyo iyo Bogaadin ku socota Ahmed Adan xaaji Omar (Axmed Sangoore)
DHIDAR XABAALO QODAY QUDHUN BUU UGA DHACAA!!!!!!
NIMANYAHAW NIN GOBAAN AHAY OY GUNNI RIFAYSAAYE:.
Dhulgariirka Siyaasadeed ee Riyaale iyo Udub la baraysteen Hargeysa, yay dani ugu jirtaa?
WAA NAXLI FOGAADEY IYO XANUUN DHOOF DALKA KU YIMI!!!!!!!!.
MADAXDA XISBIYADA WAA MADAXDA QARANKA EE MAXAA LOO RASAASEEYEY?
Xalka Somaliland halka uu ku jiro.
QOYSKEEDII AYEY WAX-TARIWEYDEYE MA KACAANKEY WAX TAREYSAA
Baaq taagero
The Innocent Palestinians: The Forgotten People.
Marwadu sir weyn bay bixisay:
Inner Dimensions of Hajj
Somaliland miyeyna laanta afka Somalilaga ee BBC shaqaalaheeda dalka ka sari Karin
Waa ta la yaabanyahay!!
Faa'iidada Bisha Barakeysan Ee Ramaadaan?
Kulmiye, a party of quality , standard, equal apportunities & accountability
UDUB's Political night-mares to start right from Riyale's Return home!!
Ina sulub maysagaa xaqa u siiyey Riyaale inuu Xaraashi karo Hantida ma Guurtada ee Qaranka?!!
Advice to Muslims in Ramadhan
Buur-Madoobayaal cusub miyaa, carruurtan kulmiye ka dhextoostey?!!
Hadal dhanaan oo Dambe lama dhegeysanayo ee Madaxweynaha & Guurtidu ha u sheegaan Ummadda mandateka ay haystaan ee Distooriga ah!
WARQAD KU SOCOTA SHIRKA BEELWAYNTA H/JECLO UGA SOCDA DEGMADA GAR ADAG...
"nabada khal khal ha gelin"
© Copyright 2005 - 2006 Golis News. All rights reserved.