Waa Sidee Xaalada Degmada Garadag? Sidee ayaana looga mudaharaaday?
Waa Sidee Xaalada Degmada Garadag? Sidee ayaana looga mudaharaaday?
Muuqaalka Guud ee Degmada Garadag oo kamid ah Deegaanada Sanaag waa mid wanaagsan waxaanay u muuqataa mid korodhay oo weynaatay marka loo eego markii iigu horeysay ee aan tago oo ahayd 1994kii xiligaas ilaa iminka way isbadeshay waxayna noqotay magaalo muuq ahaan iyo baaxad ahaanba weyn, waxay yeelatay xafiis Degmo oo laga Maamulo,Waxa kaloo halkaasi ka suurogalay nidaam Dawli ah.
Dhinaca horumarka iyo isgaadhsiinta waxay yeelatay isticmaalka Telefoonka oo lagu isticmaalo oo laga hirgaliyey Shirkada Telesom Company.
Horumarka iyo weynaanta ay ku talaabsatay waa mid uu Gaadhsiiyey Maayarkii ugu mudada Dheeraa ee ay yeelato Degmadaasi Cabdiraxmaan Axmed Xayir oo naf iyo Maalba u horey Degmadaasi tan iyo intii uu ka ahaa Maayarka waxay noqotay Magaalo la jaan qaadey Qeyrkeeda inkastoo ay jiraan dhibaatooyin badan oo haysta dadka deegaankaasi hadana waa dad wax qabdasaday.
Cabdiraxmaan Axmed Xayir haatan maaha maayarka Magaaladaasi waxase uu galiyey waqti badan iyo dadaal badan taasi oo ay ka makhraati kaceen badiba dadweynaha deegaankaasi ee aan ka xog waraystay degmada, inkastoo la sheegayo in Dadweynaha reer garadag aanay aqoonba ninka wax u taraya iyo ka wax yeelayaba hadana waxaad moodaa inta Caqliga saxda ah lihi inay wax badan ka garaabayaan Horumarka Degmadu Gaadhay tan iyo intii uu Maayarka ka ahaa Cabdiraxmaan, waxaana wax la taaban karo ah hirgalinta Xafiiska Maamul ee ay leedahay Degmadaasi iyo dhismayaal kale oo waxbarasho.
waxaa la odhan karaa Magaaladaasi dhibaatada ugu weyn ee haysataa waa Wado xumo iyadoo arintaasi uu iiga waramay Maayarka Magaaladaasi Maxamed Cilmi oo sheegay inay aad uga xuntahay wadado oo uu dumay Dooxii Cadaadeed haatana ay ka fekerayaan siday wax uga qaban lahaayeen iyagoo kaashanaya Dadweynaha reer Garadag iyo qurbajooga deegaankaasi.
Mudaharaadkii degmadaasi
Maalintii doraad oo ay taariikhdu ahayd 16.01.2006 ayaa guud ahaanba dalka Somaliland siweyn looga banaanbaxay iyadoo lagu muujinayey isusoo baxaasi qadiyada gooni isu taaga Somaliland oo ay shacbiga reer Somaliland isla qaateen inay tahay mid lama taabtaan ah, Sidaasi oo kale ayaa Degmada Garadag oo katirsan Gobolka Sanaag oo aan kaga qeyb qaatay banaan baxaasi ayaa siweyn la isugu soo baxay iyadoo aad moodeysid dadweynaha halkaasi isugu yimid tiradooda tii u badnayd ee meel isugu timaada Degmadaasi waxay ahayd subaxnimo xili ay isqabsatay ilyartu dariiqyada magaaladaasi kadib socdaal laga soo bilaabay Khayriyada laguna maray Wada dhexmarta magaalada ayey dadweynaha halkaasi marayey ku dhawaaqayeen Halku dhigyo ay kamid ahaayeen “Gooni isu taaga Somaliland waa Muqadas’ sidoo kale dadweynahaasi waxay ku dhawaaqayeen oo ay qaadayeen heesta caanka ah ee tidhaahda “Anagu Xamar Dooni Mayno Dhibaatana u geysan mayno”.
Ugudanbeyntii Waxa halkaasi kala hadlay Dadweynaha isu soo baxay Maayarka Degmada Maxamed Cilmi, Taliyaha Qeybta Sanaag, Odey dhaqameed Axmed Siciid Gr oo ka tirsan odayaasha Degmadaasi oo dhamaantood Dadweynaha ku booriyey Adkeynta Midnimada Qaranka iyo difaaca Gooni isutaaga Somaliland.
Weriye Cabdikariim Siciid Saalax
Garadag Somaliland
Golis News Network
|