Golis News
Home | Entertainment | Religion | Gallery | About Us | Contact us
Bogga cusub ee Hambalyadda ee guusha Kulmiye iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenka Cusub
Warqad Sagootin Ah oo Ahmedou Ould Abdallah u Soo Direy Soomaalida
TAARIIKHDA IYO WAXQABADKA SIILAANYO
Qudbadihii Musharaxiinta Maxaa Kaga Baxay?
Laxaadkii Udub Iyo Liica Jira
Faysal Cali waraabow hakadhigan gabaad Kitaabka quraanka adigoo aan ka soo bilaabin xisbigaaga.
Naqdi khudbadii Madaxweyne Rayaale ka jeediyey khayriyadda maalintii Khamiista ee 3da June 2010 ee ku saabsanayd olalaha doorashada ee xisbiga UDUB.
Faallo: Xidhiidhka Turkiga & Isreal oo jar kasii dhacaya
Somaliland peace and democracy is threatened by religious fundamentalist groups and Criminal networks of Pirates
Ku Shubasho Mise Ka Xoogid Waa Midkee Hadalka Wasiir Cawil
Gorfeynta Golisnews:Sadex 'Ka' Xisbigii Ay Isku Raacdo Ayaa Helay Doorashada Kaash+Khaadhadh+ Koomishan.
Munaasabad ballaadhan oo lagu xusaayey gudagalkii SNM ee 27 May 1988 oo lagu qabtay magaalada London:
Gorfeynta Golisnews:Kushabashada Doorashada Iyo Ka Hortaga Ku Shubashadu Waa Kar Saaran Koomishanka Iyo Kooxaha Tartamayaba. Yaanse Lagu Kadsamin
Madaxweyne Geele oo caddaystay colaadda uu hayo Somaliland, iyo xukuumadda Somaliland oo aan ka jawaabin hadaladii diblomaasiyadda ka fogaa ee kasoo yeedhay madaxweyne Geelle.
 
Socdaalki Dheeraa ee Burco ilaa Ceerigaabo, Deegaanadaasi waa sidee?

Waxay ahayd habeenimo fiid ah oo ay goor sheegto ku beegnayd 7:30 pm markii aanu ka baxnay Burco baabuurkaasi oo ay lahayd shirkada Alxarbi oo ahaa nooca xamuulka qaada, xiligaas jawigu wuxu ahaa mid aad u degan una qabow badan waxaanu halkaas ka bilownay socdaal dheer oo aanu ku marnay wada u dhaxaysa labada jiidood ee isku Snaag iyo Togdheer, abooro 12kii habeenimo ayey ahayd markii aanu gaadhnay Oog halkaasi oo aanu kusoo afjarnay 5 saacadood oo uu gaadhigu marayey Wadada laamiga ah soo na dhex jibaaxnay tuulooyin badan oo wada lahaa Istabo uu baabuurku ku hakanayey oo lacag cashuur ah laga qaadayye,  islamarkaana waxaanu u baydhnay wadada Rafka taasi oo si toos ah noo geynaysa Ceerigaabo inkastoo aanu xiligaasi sii marnay magaalooyin ay kamid ahaayeen Badweyn, Gowsaweyne,kuwaasi oo aanu marnay xili habeenimo ah waxaanu gaadhnay waaberigii oo ku beegnayd afartii subaxnimo  Banka caanka ah ee Bancade kaasi oo aanu seexanay mudo labo saacadood ah kadib waxaanu si toos ah u bilownay socdaalkayagii waxaanuna ukala marnay tuulooyinkaasi sidatan:



Tuulada Sincaro:

Waa tuulo yar oo ku talo bananka labada ah ee Bacnade iyo Karamaan Dhexdoooda halkaasi oo aanu ka quraacanay barqadii waxay tuulo labo sakadood ah waxaanu ka quraacanay Maqaaxi Islaani haysatay taasi oo ay na dhexmarta sheeko intii aanu ku guda jirnay Quraacda waxaan weydiiyey oo aanu ku idhi Hooyo Ma somaliland baa halkani mise aa pudland? Markaasay tidhi Hooyo anagu waxaanu nahay reer Somaliland laakiin Dawlada Somaliland meel ay maraysaba ee anagaa sheegana, markaasay ku dartay Hooyo adigu ma waxaad tahay kuwii dadka waali jiray ee Gaalada ahaa (haayadaha) ? Mayee waxaanu nahay Hormoodkii Saxaafada Somaliland Wargeyska Geeska Afrika iyo Website la yidhaahdo

www.golisnews.com
haddii aan ku tusanay waa kan nuqul kamid ah wargeyska Geeska Afrika ee waad akhrisan kartaa intii u dhiibay hal cadad oo wargeyska ah, kadib waxan ku idhi Hooyo waxaad ka warantaa Ganacsiga iyo hawlaha Tuuladan? markaasay tidhi waxaanu galaabta iyo safarada u doonanaa Boosaaso oo iminka waxaan ka sukeeyey labo cisho alaabaan kasoo iibsaday, markaa maalin dhaweyd baanu aragnayba Wasiirki Ciidamada Somaliland oo halkan marayaa markaas ayaaban is idhi war somaliland waa wax jira malaha, waxaaban ka yaabay sidii u gaashaanaa wasiirkaasi. sheekadaas gaaban kadib quraacdii ayaan dhamaysanay waxaanuna halkaasi kasii anba qaadnay socdaalkayagii mudo lix saac ayaanu ku guda jirnay bananka la yidhaahdo Bancade iyo Karamaan.



 

Degmada CeelAfweyn:

Waa Degmo kamid ah Gobolka Sanaag, waxay ahayd markii u horeysay ee aan arko inkastoo aan hore u maqli jiray hadana sidaan u haystay iyo siday noqotay waa kala duwanayd waxaan moodayey tuulo uun balse waxaanu tagnay magaalo weyn oo aan ku qiyaasay inay isleegyihiin Sheekh, halkaasi oo aanu ku tukanay salaaadii Duhur waanu ka qaadaynay,inkastoo aan daydayey  Gudoomiyaha Degmadaasi hadana kumaan guulaysan inaan helo Maayarka waxaan waraysatay Dadweynaha Degmada waxay u kaakeeyeen dad iska ganacsada iyagoo iigu sheegay ganacsiga u weyn ee ay ddegmadu isticmaashaa inay tahay Iibka Xoolaha Nool iyo wixiila halmaala waxaana laga isticmaala dhamaan deegaamadani lacagtii hore ee soomaaliya iyadoo kaliya la isticmaalo kunnka iyo shanta boqol oo kaliya xiligani waa xili barwaqo ah, waxaa iska durdur ah caanaha oo lagu cabayaa qiimo jaban Guud ahaan degmadu way qurux badan tahay waana mid aad u degan dadka waxay wada aaminsanyihiin Qadayida Somaliland inkastoo aanu jirin Maamul Dawli ah oo si sax ah u hawlgala sid ay ii sheegeen qaar kamid ah Dadweynaha reer Ceelafweyn.


Intaasi kadib waxaanu sii anba qaadnay abaaro sedexdii galabnimo ee isniintii socdaalkayagii waxaanuna sii marnay Tuulada God Caanood halkaasi oo sida ka muuqatay ah meel aad u caano badan waxaanu ka cabnay Caano waxayna in yar u jirtaa Ceerigaabo oo waa Tuulada ugu xigta Magaalada.



Dayaca Wadooyinka iyo Fidin la'aanta maamulka Dawlada:

Deegaamadaas aanu marnay waxay ahayd mid aad ay uga muuqato dayac dhinaca Xukuumada Somaliland iyadoo ay dadweynuhu aad u aaminsanyihiin qadiyada Somaliland balse ay waayeen Xukuumadii u shaqeyn lahayd ee gaadhi lahayd, taasi oo ay u raacday Wado xumo ka jirta deegaankas oo aanu gaadhiguba dhaqaaqi karayn iyadoo ay jirtay haayada Wadooyinka Somaliland ee lacagta iska qaadatay maadaama foosta kasta u dulsaarantahay lacag adagi hadana arki maysid iyadoo wax mashaariic wadooyinka ah fulinaysa iyadoo ay arintaasi Haayadaha Dalka kala mid tahay.


Dhinaca Kale waxaad arkaysaa Kantaroolo ay taalo bir yar iyo maro isku xidhan oo geed usoo fadhiyaan sedex askari ama labo askari oo aad u darxumaysan taasi oo aanay Xukuumadu marna mudadaas ay soo jirtay u hawlgalin fidinta Maamulka Dawliga ah iyo Gaadhsiinta Lacagta Dalka oo dhan taaisna ay tahay karti darada Xukuumada Daahir Riyaale Kaahin, ugudanbeyntii waxaanu safarkyagii kusoo afjarnay Ceerigaabo oo aanu kusoconay soona galnay waqti habeenimo ah, warbixin balaadhan ayaanu ku eegi doonaa Xaaladaha Magaalada marka aan waxka fahmo.

Cabdikariim Siciid Saalax
Ceerigaabo Golis NEws
+2525778187
suldaan14@yahoo.com

Saaxiibkaa u dir
Jul 08 Somalia's Al-Shabab vow to step up jihad against AU
Jul 01 Taariikh Nololeedkii Madaxweynaha La Doortay (The Elected President) Ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Jul 01 Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Khudbadiisii Ugu Horeeyey Jeediyey Isagoo aad iyo aad u faraxsan Una Hambalyey Shacabka Somaliland Intii U Codaysay IYo Kuwii Ka Codeeyey
Jul 01 War Deg Deg Ah:Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Loo Doortay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland
Jul 01 Hargeysa (GLN) waxaanu akhristayaashayada ugu baaqaynaa in minidada soo socda ay kala socdaan cidii ku guulaysatay doorashadii madaxtinimada sonaliland
 
Somaliland: A radical change?
The Roots of the Islamic Conflict in Somalia
The impoverished majority in most African countries are denied their constitutional rights.
Rejecting Taghut is a condition of Tawheed
The Islamic view of creativity
XIDHIIDHKA ETHIOPIA IYO SOMALILAND. By A.S.Botan.
Maxaa lagu hadoodilayaa caleema saarka ugaaska beesha CIISE
Waxa keliya ee aduunku maanta inoogu soo joogsanayaa waa Xukuumada Riyaale oo meesha ka tagta.
The Voting for Sharia in Somalia
Ma dhabaa Jaamacada Burco sida Diinkay u socotaa?
Mr.Riyaale, Show Me The Achievements of This Government, What Have You Done For a Power And Time
Maamulka hadda ka jira oo Berbera ka dhigay Meel Ka- Guureen ah / Sumcad Xumona u soo jiiday.. (Warbixin Magaalada Berbera)……
Maanso, Maqaal, iyo Qosol: Halyeeyada Birma-geeydo Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen, Abidjan , Ivory Coast
Maqaal Daba Socda Maxaa Is Ka Badalay Dhaqan Xumayenta Dhalaanka iyo Caarka
Madaxweyne Riyaale Socdaalkiisa iyo Duruufaha ku Gedaaman Gobalka Togdheer BY Mubaarig Axmed Xasan
Habmalyo iyo Bogaadin ku socota Ahmed Adan xaaji Omar (Axmed Sangoore)
DHIDAR XABAALO QODAY QUDHUN BUU UGA DHACAA!!!!!!
NIMANYAHAW NIN GOBAAN AHAY OY GUNNI RIFAYSAAYE:.
Dhulgariirka Siyaasadeed ee Riyaale iyo Udub la baraysteen Hargeysa, yay dani ugu jirtaa?
WAA NAXLI FOGAADEY IYO XANUUN DHOOF DALKA KU YIMI!!!!!!!!.
MADAXDA XISBIYADA WAA MADAXDA QARANKA EE MAXAA LOO RASAASEEYEY?
Xalka Somaliland halka uu ku jiro.
QOYSKEEDII AYEY WAX-TARIWEYDEYE MA KACAANKEY WAX TAREYSAA
Baaq taagero
The Innocent Palestinians: The Forgotten People.
Marwadu sir weyn bay bixisay:
Inner Dimensions of Hajj
Somaliland miyeyna laanta afka Somalilaga ee BBC shaqaalaheeda dalka ka sari Karin
Waa ta la yaabanyahay!!
Faa'iidada Bisha Barakeysan Ee Ramaadaan?
Kulmiye, a party of quality , standard, equal apportunities & accountability
UDUB's Political night-mares to start right from Riyale's Return home!!
Ina sulub maysagaa xaqa u siiyey Riyaale inuu Xaraashi karo Hantida ma Guurtada ee Qaranka?!!
Advice to Muslims in Ramadhan
Buur-Madoobayaal cusub miyaa, carruurtan kulmiye ka dhextoostey?!!
Hadal dhanaan oo Dambe lama dhegeysanayo ee Madaxweynaha & Guurtidu ha u sheegaan Ummadda mandateka ay haystaan ee Distooriga ah!
WARQAD KU SOCOTA SHIRKA BEELWAYNTA H/JECLO UGA SOCDA DEGMADA GAR ADAG...
"nabada khal khal ha gelin"
© Copyright 2005 - 2006 Golis News. All rights reserved.