Golis News
Home | Entertainment | Religion | Gallery | About Us | Contact us
Bogga cusub ee Hambalyadda ee guusha Kulmiye iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenka Cusub
Warqad Sagootin Ah oo Ahmedou Ould Abdallah u Soo Direy Soomaalida
TAARIIKHDA IYO WAXQABADKA SIILAANYO
Qudbadihii Musharaxiinta Maxaa Kaga Baxay?
Laxaadkii Udub Iyo Liica Jira
Faysal Cali waraabow hakadhigan gabaad Kitaabka quraanka adigoo aan ka soo bilaabin xisbigaaga.
Naqdi khudbadii Madaxweyne Rayaale ka jeediyey khayriyadda maalintii Khamiista ee 3da June 2010 ee ku saabsanayd olalaha doorashada ee xisbiga UDUB.
Faallo: Xidhiidhka Turkiga & Isreal oo jar kasii dhacaya
Somaliland peace and democracy is threatened by religious fundamentalist groups and Criminal networks of Pirates
Ku Shubasho Mise Ka Xoogid Waa Midkee Hadalka Wasiir Cawil
Gorfeynta Golisnews:Sadex 'Ka' Xisbigii Ay Isku Raacdo Ayaa Helay Doorashada Kaash+Khaadhadh+ Koomishan.
Munaasabad ballaadhan oo lagu xusaayey gudagalkii SNM ee 27 May 1988 oo lagu qabtay magaalada London:
Gorfeynta Golisnews:Kushabashada Doorashada Iyo Ka Hortaga Ku Shubashadu Waa Kar Saaran Koomishanka Iyo Kooxaha Tartamayaba. Yaanse Lagu Kadsamin
Madaxweyne Geele oo caddaystay colaadda uu hayo Somaliland, iyo xukuumadda Somaliland oo aan ka jawaabin hadaladii diblomaasiyadda ka fogaa ee kasoo yeedhay madaxweyne Geelle.
 
Waa Sidee Xaaladaha Kala Duwan ee Magaalada Burco?? Warbixin :Weriye Cabdikariim Siciid Saalax

Waa Sidee Xaaladaha Kala Duwan ee Magaalada Burco??

 

Warbixin :

 

Weriye Cabdikariim Siciid Saalax

Sep 02, 2006 : Burco Somaliland

 

HorDhac"

Booqasho qaadatay Mudo hal todobaad ah oo aan ku joogay magaalada Caasimada u ah Gobolka Togdheer ahna Hooyadii lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland markaan qiimeeyey Xaaladaheeda kala duwan waxaan diyaariyey Warbixintan.

 

Sidoo kale Waxaan Waraysiyo la yeeshay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere, Khabiirka Dhisaya Biriishka labaad ee Burco Eng, Faarax Xuseen. kuwaasi waanu idiin soo gudbinay isla xiligii...............

 

Muuqaalka guud ee magaalada Burco waa mid aad u wanaagsan waqti xaadirkan marka lo eego xiliyadi hore ee ay Burco soo martay. Guud ahaan magaalada waxa ka socda Dhismayaal kala duwan waana magaalo koriinkeedu socdo oo ay marba marka ka dambaysa wax ku kordhayaan....

 

Burco waa caasimada Labaad ee dalka Somaliland waa magaaladii lagaga dhawaaqay gooni isutaaga Somaliland sannadkii 1991kii waxana lagu tilmaamaa Hooyada Somaliland balse sidii aan ka filayey inay ula haysato xukuumada Somaliland marka aad eegto dhinacyo badan ayey ka gaabisay Xukuumadu inay Burco wax ku tarto sida lacagta oo ay isticmaalaan oo ah  tii hore ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.
Dadka reer Burco waa dad aad u aaminsan Qadiyada Somaliland, waa dad ku adag diinta islaamka waxaana ka muuqata astaamaha diinta islaamka marka aad eegto labisaada iyo dhaqankooda oo ah kii hore kamana taabo galin dhaqanka reer galbeedka ee dharka dhajiska ah la xidho, Muuqaalka magaalada aad ka qaadanaysaa waa mid aad u sareeya marka loo eego baryihii hore oo la odhan jiray dadka reer Burco waxay sitaan budh iyo Toori, Haatan wax budh iyo Toori ah inaad aragtaa way kugu yaraanaysaa waxaad moodaa in ay arimahaas horumar weyn ka sameeyey haatana uu amaanku aad u adagyahay waana magaalo amaankeeda la isku lahayn karo waqti xaadirkan.
Bal hadaba aad eego Burco iyo Xaaladaheeda nololeed bulsheed, siyaasadeed, waxbarashada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, dhalinyarada


Nolosha Iyo dadweynaha:-


Burco marka aad eegto nolosha iyo dadka ku nool waxaan odhan karnaa waa magaalo dad aad u faro badan ku noolyihiin nolosha iyo quutal daruuriga waxaad moodaa inuu dhexdhexadyahay marka aad u eegto magaalooyinka kale ee Somaliland.
Burco dadka ku nool waxa lagu qiyaasay ilaa 700 oo kun sida ay sheegeen odoyaal ku dhaqan magaalada, dadku aad ayey u kala dabaqado duwanyihiin Waa nin iyo Waagii, dadku waxay u qeybsamaan ilaa saddex dabaqadood, waa ta hore dabaqada Tujaarta  iyo ganacsatada, dabaqada Dhexe ee dadka iska caadiga ah iyo Dabaqada Dadka danyarta ah waxaanad mooda magaalo aan isla haysan oo uu nin waliba waqtigiisa la socdo.


Dadweynaha reer Burco marka aad eegto siyaasada iyo warbaahinta siday ula socdaan. warbaahinta waxaad markasta arkaysaa iyago daawanayaa Telesiishanka Aljazeera ee ku hadla afka carabiga kaaso ay kala socdaan arrimaha bariga dhexe, arimaha Soomaaliya taasna waxay kala mid yihiin Gobolada Dalka marka laga reebo Hargaysa oo laga dawado Telefiishanada dalka, Idaacadaha waxay dhagaystaan Idaacada BBC-da warbaahinta dalka waxa yimaadaa Jaraa’idka, waxaana kala badan jaraa’idka magaaladu hesho iyo dadka ku nool. Taas oo macnaheedu yahay dadku jaraa’idkana ma wada helaan. dada.


 Waxbarashada:- 


 Magaalada Burco aad ayey ugu fiicantahay waxbarashada marka loo eego dagaaladii iyo qalaasihii ay kaga danbaysay dalka intisa kale waxaana ku yaala dugsiyo ilaa 86 dugsi oo isugu jira Hoose, dhexe iyo afar dugsi oo ah kuwa sare iyo hal jaamacad oo ah University Of Burco.


Dadweynaha reer Burco waxaad moodaa inay aad wax u bartaan oo ay waxbarashada wadaan guud ahaan marka aad eegto qiyaasta dadka wax barta waxaan odhan karnaa waa ilaa 60% oo u badan dhallinyaro.
Siciid Axmed Raage waxa uu maamule ka yahay Dugsiga Hoose dhexe IFTIN isagoo sharaxad ka bixinaya siday Ubadka wax ugu dhigaan waxa uu yidhi " Dugsigan aad soo booqato waxa kamid yahay Dugsiyada gaarka lo leeyahay waa dugsi hoose dhexe Manhajka waxaanu ka hoose ku bixinayaa Carabi halka aanu ka dhexe ku siino manhajka Ingiriisi, waxaanu ardayda kusoo ururinaa basas u shaqeeya iskuulka dhamaan xafaadaha magaalada ayaan ka soo ururinaa waxaana dhigtaa arday ka badan ilaa 300 arday" Kaasi waxa uu ahaa Maamulka Dugsiga Hoose dhexe ee IFTIN.
Burco aad ayey u wanaagsantahay waxbarashada balse waxa siweyn loo eedeynayaa wasaarada waxbarasahada oo dadka markaad weydiiso Waxbarasahda gaarka ah iyo Xukuumada tee baa fiican waxa qiraal ah inay tan gaarka ahi aad uga horeyso ta kale.


Dhaqaalaha & Ganacsiga :-


Marka aad eegto ila dhaqaalaha magaaladu ay leedahay ee la isla yaqaanay waxay ahayd Burco oo ahayd Saylada ugu weyn Somaliland ee iibka xoolaha taasina haatan waxa u laaban albaabada tan iyo xiligii la joojiyey Dhoofkii xoolihii la geyn jiray wada gacanka carbeed, Haatan dhamaan dalku waa kasoo kabtay dhaqaalihii ishaa kaliya ahaa ee xoolaha nool, Burco  sido kale way kasoo kabatay oo aad ayuu isaga socda ganacsi aan xadlahayn hadaba markaad eegto xidhiidhada ganacsi ee ay burco la leedahay aduunka waxay siweyn ugu xidhantahay oo dhaqdhaqaaqeed alacageed laga xukumay suuqyada magaalada muqdisho taasoo sabab ay u tahay lacagta giinbaarta ah ee ka dhaxayso iyaga iyo dalkii hore la isugu odhan jiray soomaaliya oo aad u ragaadisay dhaqaalaha Gobolka guud ahaan gaar ahaan magaalada Burco.
Xiligii Madaxweyn Cigaal ee uu dalka u qeybinayey lacagta Somaliland Burco way diiday waxaanay ku sababeeyeen in la isku dhacayey lacagtaas oo ay ku tilmaameen in lagu darsanayey mid kasta hal zero oo jeebkaaga ah, Haddaba marka aad arintaas waxka weydiiso waxay tilmaameen inay reer burco ku saxsanaayeen diiditaanka balse haatan ayey u oomanyihiin wax ka bedela lacagtaas oo aanay jirin dawlad usoo jeeda dhinacooda ama arimahaas waxka qabanaysa  maadaama wax ka qabashada lacagtaas balamo badan ay u qaaday Xukuumada Somaliland haddana wax ka socday aanay jirin ayey dadweynaha ku dhaqan burco ak muujiyeen walaac aad u weyn aafada ay ku hayso lacagtani waxa jirta in 100 & 50 shiling ee lacagtan kaliya laga isticmaalo jiida u dhaxaysa Burco ilaa Ceel afweyn oo ah degmo ka tirsan Gobolka Sanaag, habayaratee lagama isticmaalo dalkii hore la isugu odhan jiray soomaaliya waxay ku dhex wareegtaa ilaa burco ilaa ceel afweyn taasina waa aafo kale oo aad ula degtay dhaqaalaha gobolkan Togdheer.
dhinaca kale ganacsigu waa kala dabaqado duwan yahay waana m id markasta socda haday noqoto ganacsiga shirkadaha waaweyn kan dadka caadiga ah waa mid furan oo socda waqti kasta, isku soo wada duub oo burco dhaqaalaha guud ahaan gobolka Togdheer wa mid aad u liita o ay ragaadisay lacagta giinbaarta oo lagu qiyaasay inay gaadhayso ilaa 250 kun US dolers ah.


 Mashaariicda Horumarinta Gobolka iyo Dhismaha:-


 Guud ahaan hgobolka Waxa ka socda mashariic badan oo horumarineed oo uu kow ka yahay  mashruuca biriishka labaad ee Burco  oo haatan ay bilaabantay qeybtiisii u dambeeyey kadib markii uu u xayirnaa muddo.
Mashruuca labaad ee haatan ka socda Burco waa warshada labaad ee soo saari doonta saabuunta budada ah iyo ta adag oo magaceeda la yidhaado warshada saabuunta ee BAIL oo ay leedahay shirkada Ganacsiga Indhadeero lana bilaabay xiligii uu noolaa Guddoomiyihii shirkadaasi Alle ha u naxariistee Cabdi Cawad Cali Indhadeero, kadib markii aan booqdey xarunta warshadaas dhawaanw waxaan kula soo kulmay niman jayniis ah oo si weyn u shaqeyn oo aan hadlayn ba waxaanay wadeen shaqo ad u adag oo weli may dhamaystirin balse sida uu ii sheegay Enginerka Warshada sameynaya waxay furmaysaa bishan sagaalaad gudaheeda.
waxa iyaguna ka hawlgala magaalada warshado badan sida warshada hargaha ta saabuunta iyo qaar kale.
Dhismayaasha magaaladu waa qaar socda markasta oo ay siweyn u kordhayaan saacad ba saacada ka danbaysa wax ayaa kuso kordhaya waxa magalada ku arkay Misaajid weyn oo uu dhistay shirkada indhadeero o aan weli lagu bilaabin salaadii oo sida ay wadaado ii sheegeen dhawaan la furi doonaa waana nooca lo yaqaano masjidu jaamica, ugudanbeyn  magaalada horuymarkeeda iyo koriinkeedu waa mid aad u sareeya waxaanay siweyn uga dhisantay xaafada la yidhaahdo Ogtober iyadoo ay magaalada kusoo kordheen xaafado badan oo ay kamid yihiin London, Germany iyo kuwa kale dadka reer burco mar aan wax ka weydiiyey sababta magacyadan logu bixiyey waxay ii sheegeen in laga soo bixiyey magaalooyinka logu magacdaray.


Dhalinayarada:


 Waxa si weyn dhibaato ugu haya magaalada Burco dhalinayradii oo si weyn uga tahriibay oo aad uga baxay magaalada Burco oo markasta la soo sheegayo raxan dhallinyaro ah oo gaadhay dalka liibiya oo ah dariiq looga sii gudbo qaaradda Yurub.
Sida kale dhallinayradu waxa ay ka tahriibayaan oo ay ka baxayaan waa dhibaatooyin la soo darsay una baahan wax ka qabasho weyn in laga sameeyo.

 

Cabdikariim Siciid Saalax

Weriyaha Golis ee Berbera

Cell Phone : +25224441209


Saaxiibkaa u dir
Jul 08 Somalia's Al-Shabab vow to step up jihad against AU
Jul 01 Taariikh Nololeedkii Madaxweynaha La Doortay (The Elected President) Ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Jul 01 Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Khudbadiisii Ugu Horeeyey Jeediyey Isagoo aad iyo aad u faraxsan Una Hambalyey Shacabka Somaliland Intii U Codaysay IYo Kuwii Ka Codeeyey
Jul 01 War Deg Deg Ah:Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Loo Doortay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland
Jul 01 Hargeysa (GLN) waxaanu akhristayaashayada ugu baaqaynaa in minidada soo socda ay kala socdaan cidii ku guulaysatay doorashadii madaxtinimada sonaliland
 
Somaliland: A radical change?
The Roots of the Islamic Conflict in Somalia
The impoverished majority in most African countries are denied their constitutional rights.
Rejecting Taghut is a condition of Tawheed
The Islamic view of creativity
XIDHIIDHKA ETHIOPIA IYO SOMALILAND. By A.S.Botan.
Maxaa lagu hadoodilayaa caleema saarka ugaaska beesha CIISE
Waxa keliya ee aduunku maanta inoogu soo joogsanayaa waa Xukuumada Riyaale oo meesha ka tagta.
The Voting for Sharia in Somalia
Ma dhabaa Jaamacada Burco sida Diinkay u socotaa?
Mr.Riyaale, Show Me The Achievements of This Government, What Have You Done For a Power And Time
Maamulka hadda ka jira oo Berbera ka dhigay Meel Ka- Guureen ah / Sumcad Xumona u soo jiiday.. (Warbixin Magaalada Berbera)……
Maanso, Maqaal, iyo Qosol: Halyeeyada Birma-geeydo Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen, Abidjan , Ivory Coast
Maqaal Daba Socda Maxaa Is Ka Badalay Dhaqan Xumayenta Dhalaanka iyo Caarka
Madaxweyne Riyaale Socdaalkiisa iyo Duruufaha ku Gedaaman Gobalka Togdheer BY Mubaarig Axmed Xasan
Habmalyo iyo Bogaadin ku socota Ahmed Adan xaaji Omar (Axmed Sangoore)
DHIDAR XABAALO QODAY QUDHUN BUU UGA DHACAA!!!!!!
NIMANYAHAW NIN GOBAAN AHAY OY GUNNI RIFAYSAAYE:.
Dhulgariirka Siyaasadeed ee Riyaale iyo Udub la baraysteen Hargeysa, yay dani ugu jirtaa?
WAA NAXLI FOGAADEY IYO XANUUN DHOOF DALKA KU YIMI!!!!!!!!.
MADAXDA XISBIYADA WAA MADAXDA QARANKA EE MAXAA LOO RASAASEEYEY?
Xalka Somaliland halka uu ku jiro.
QOYSKEEDII AYEY WAX-TARIWEYDEYE MA KACAANKEY WAX TAREYSAA
Baaq taagero
The Innocent Palestinians: The Forgotten People.
Marwadu sir weyn bay bixisay:
Inner Dimensions of Hajj
Somaliland miyeyna laanta afka Somalilaga ee BBC shaqaalaheeda dalka ka sari Karin
Waa ta la yaabanyahay!!
Faa'iidada Bisha Barakeysan Ee Ramaadaan?
Kulmiye, a party of quality , standard, equal apportunities & accountability
UDUB's Political night-mares to start right from Riyale's Return home!!
Ina sulub maysagaa xaqa u siiyey Riyaale inuu Xaraashi karo Hantida ma Guurtada ee Qaranka?!!
Advice to Muslims in Ramadhan
Buur-Madoobayaal cusub miyaa, carruurtan kulmiye ka dhextoostey?!!
Hadal dhanaan oo Dambe lama dhegeysanayo ee Madaxweynaha & Guurtidu ha u sheegaan Ummadda mandateka ay haystaan ee Distooriga ah!
WARQAD KU SOCOTA SHIRKA BEELWAYNTA H/JECLO UGA SOCDA DEGMADA GAR ADAG...
"nabada khal khal ha gelin"
© Copyright 2005 - 2006 Golis News. All rights reserved.