Soo dhoweyntii Suldaan Cismaan Suldaan Cali iyo Burco
Dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Togdheer ayaa si diiran u soo dhoweysay Suldaan Cismaan Suldaan Cali, iyo Maxamed Faarax Aadan oo ahaa Xubintii la xidhnaaa Suldaanka Xabsiga Mandheera, Suldaanka oo Kolanyo Baabuur ahi ay hogaaminayso ayaa Gelbis ku soo maray Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Burco ka dibna Suldaanka iyo Xubnihii Gudida Dhaqan Gelinta shareecada Islaamka waxay Dadweynihii kale hadleen Fagaaraha khayriyada Burco.

Ugu horeyn waxaa hadalka bilaabay Nuur Faarax oo ahaa Xubnihii Shir gudoonka Gudida Dhaqan Gelinta Shareecada Islaamka wuxuuna yidhi Shreecada Ha noolaato, Ha hirgasho, halagu dhaqmo, Run Ilaahay Haloo Sheego, Waa maalintii aynu isagu soo baxnay Kitaabka Ilaahay kor uqaadistiisa, Waa maalin aynugu soo baxnay in aynu is bar bar taagno oo codkeena, Maalkeena, isla bar bar taagno shareecada Islaamka kor loo qaado oo la dhaqan geliyo, ragii ugu horeeyey ee loo xidhay ee arintaa Calanka Qaaday Waxaan leeyahay Suldaan Cismaan iyo raga kale Waxaad mudateen Karaamada iyo Sharafta ummadiina.
Waxaan leeyahay Diinta ilaahay Nina looga gaban mayo waa in la fuliyaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka Waa loo dhimanyaa, Waa lasku xidhiyaa, waa in loo adkaystaa oo loo dagaalamo, waxaa ugu karaama badan Qof Ilaahay Dartii loo xidho, Kitaabka Ilaahay ee laga Tegay Qofka kor uqaada ee laga tegay ayaa u karaama badan.
Waxaad u diyaar garawdaan in aad difaacdaan Diintiina, Dadka Diintiina Wada, in ay beentu dhamaato, Runtana ay dhalato, Dawlada haday tahay iyo haday Cid kaleba tahay ba waa in ay ka quusataa in ummada wax kale ku hogaamiyaan, Ninka doonaya in uu ummada hoggaamiyaa waa in uu kitaabka Gacantiisa Midig Saaran yahay, Suldaan Cismaan, Maxamed Faarax Aada, Maxamed Maxamuud Nuur, Raga loo xidhay Diinta Islaamka Reer Burco, Burco Maanta Nasiib ayey leedahay Somaliland Dhexdeeda weligeed Nasiibkaas ayey lahayd.waxay ahayd meesha dulmiga diida ee Xaqa Horseed, Intaynu Qabyaalad ku dhimanay iyo Qudhun miyaanayn ahayn in aynu ku dhimano Kitaabka Ilaahay.
Waa in ay Quustaan kuwa munaafiqiinta ah, Qolada Maamulku in aanay dadka qasbi Karin ummada waa in ay maamulkeeda Qasabto.
Waxaa Khudbadii la wareegay Suldaan Cismaan Suldaan Cali wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay ALLAAHU AKBAR, ALAAHU AKBAR, Ilaahay baa Weyn, Ilaahay Baa Sareeya, Isagaa Awooda leh, isagaa mahad leh, intaa ka dib aad iyo aad waxaan idinka mahad celinayaa dhamaan Waayeel, Culimo, Waxgarad, iyo Dhalinyaraba, intaad ka kooban tihiin sida sharafta leh ee aad ii soo dhoweyseen aniga iyo Maxamed Faarax ee aad uga damqateen Xadhiga Dulmiga ah, ee Nalagu Afduubay, anagoo Dadkayaga iyo Dalkayagaba waxba u dhimin
Waxaa weeye waa idin mahad celinayaa waan ku farax sanahay Ilaahay Subxaana Watacaalaa Aduunkan isagaa iska leh, MAYNAAN ODHAN CALAN MA JIRO, MAYNAAN ODHAN DASTUUR MA JIRO, MAANAAN ODHAN DAWLAD KALE AYAANU HALKAN KA DHISAYNA, waxaanu nidhi weeye in Kitaabka Ilaahay sida ay udhigatay ee Dastuurka ku qoran loogu dhaqmo oo loo dhaqan geliyo, oo aan la dhaqan gelin BAYNAL CODe XEER BAANIYAAL iyo Wax la malmaluuuqay, inta Kitaabka lagu dhaartay oo Calanka lagu dhigay oo ummadu Goosatay oo hadana hoosta la dhigo hadana dabadeed cidii soo hadal Qaada la yiraahdo waa QARAN DUMIS waxaan idiin sheegayaa kuwa qaran dumiska ahi waa kuwa AFKA FAQASHTA KA BARTEEN EE AAN WAX KALE U WEHLIN, Qofka dan ka hadla la yiraahdaa waa QARAN DUMIS WAA LAHJADII FAQASHTA, WAA LAHJADII DALKA LAGA XOREEYEY.
Waxaa weeye Ilaahay Kitaabkiisa ayaa saraynaya ma yeelaynayno dulmi, ma yeelayno waxaynaan dhigan, (waxaan ahayn miyeynu yeelnaa, miyaan iska seexdaa) Waxaa weeye Ina –Riyaale DALKA AFGANBI KUMA QABSAN, DASTUUR BAA U DHIIBAY, ISAGA IYO MUNAAFIQIINTA KU HOOS JIRTA . Dalka Afganbi kuma qabsan waa loo dhintay Dalka, kumanyaal baa u dhintay, kumanyaal baa u curyaamay, kumanyaal baa ciida hoosteeda ku jira, waxaa weeye waxaanu udhimanaynay in Ummada Dawlad ay leedahay Dhisanto, DAWLAD NIN LEEYAHAY DOONI MAYNO, Waxaa weeye ummada Dastuurka halagu dhaqo MAALKEEDA HA LOO NABAD GELIYO, Ummada Qawl keeda ha sareeyo waxaan doonayaa Kitaabka Ilaahay in uu Sareeyo Kitaabka ayeynu Dastuurka ku qoranay, Waa sharci been ma,aha,kuwa ay dhibayso wixii ummada dhigatay hala fuliyo, waxaanu leenahay Ilaahay Naarta ha Geeyo waxaan aniga ka kow ahay oo inta igala mida ugu baaqayaa aniga Dawlad kale iyo Somaliland Duminteeda Horseedayn oo leh Nabad Gelyada ha la ilaaliyo oo idin leh jiritaanka Somaliland hala ilaaliyo oo idin leh dastuurka ha lagu dhaqmo.
Waayo dadka Beenta loogu sheekeenayo Suldaanka wuxuu yidhi MAXKAMAD AYAAN HALKAN KAGA DHAWAAQAYAA, SULDAANKA WUXUU YIDHI SOMALILAND MA JIRTO, wax allaale waa been MUNAAFIQIINTA INA –RIYAALE IYO AFARTIISA KU SHAQAYSANAAYAAN ,Somaliland Burco ayaa laga dhawaaqay wixii aynu dhiganay ee intaas oo shira ku soo hadal qaadnay ,ee Calanka Tawxiidka ku qoran yahay halagu dhaqmo.
Beenta ma rabno , INA RIYAALE Ciidkii buu Been ku sheegay dadka hortiisa wuxuu yidhi Shareecada ayaan fulinayaa oo lagu dhaqmayaa, Markaan ka hadalnayna wuxuu yidhi Suldaan Cismaan Soo qabta, oo soo xidha, miyaanay Been ahayn, Waxaa inoo balana inaynu ku dhaqano wixii aynu dhiganay Dastuur baynu leenahay, Waxaan Weydiiyey Saraakiil waxaan ku idhi Nin akhriyey ma leedihiin Dastuurak Maya ayey Yidhaadeen.
Waxaa weeye Waxa INA RIYAALE Doonayo in Dalka ku maamulo oo ku cabudhiyo WUXUU JEEBKIISA KALA SOO BAXAY waxaan leeyahay waxba kama jiraan, waa been Shalay Wuxuu Waraaqda ku soo qorey Suldaan Cismaan WAAN CAFIYEY, WAR MUXUU CAFIYI KARAA, MA,ANAA CAFIS KA DOONAYA, WAAR DANBIGA AAN GALAY MUXUU YAHAY, DANBIGA AAN GALAY MUXUU YAHAY ,DANBIGA LAYGA CAFIYAYAA MUXUU YAHAY, WAA BEEN waxba kama jiraan ummada go,aan keeda waa in la hir gashaa.
Siciid Axmed Raage
Golisnews Burco
rageyare@hotmail.com
mobile 4430715
|