Golis News
Home | Entertainment | Religion | Gallery | About Us | Contact us
Bogga cusub ee Hambalyadda ee guusha Kulmiye iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenka Cusub
Warqad Sagootin Ah oo Ahmedou Ould Abdallah u Soo Direy Soomaalida
TAARIIKHDA IYO WAXQABADKA SIILAANYO
Qudbadihii Musharaxiinta Maxaa Kaga Baxay?
Laxaadkii Udub Iyo Liica Jira
Faysal Cali waraabow hakadhigan gabaad Kitaabka quraanka adigoo aan ka soo bilaabin xisbigaaga.
Naqdi khudbadii Madaxweyne Rayaale ka jeediyey khayriyadda maalintii Khamiista ee 3da June 2010 ee ku saabsanayd olalaha doorashada ee xisbiga UDUB.
Faallo: Xidhiidhka Turkiga & Isreal oo jar kasii dhacaya
Somaliland peace and democracy is threatened by religious fundamentalist groups and Criminal networks of Pirates
Ku Shubasho Mise Ka Xoogid Waa Midkee Hadalka Wasiir Cawil
Gorfeynta Golisnews:Sadex 'Ka' Xisbigii Ay Isku Raacdo Ayaa Helay Doorashada Kaash+Khaadhadh+ Koomishan.
Munaasabad ballaadhan oo lagu xusaayey gudagalkii SNM ee 27 May 1988 oo lagu qabtay magaalada London:
Gorfeynta Golisnews:Kushabashada Doorashada Iyo Ka Hortaga Ku Shubashadu Waa Kar Saaran Koomishanka Iyo Kooxaha Tartamayaba. Yaanse Lagu Kadsamin
Madaxweyne Geele oo caddaystay colaadda uu hayo Somaliland, iyo xukuumadda Somaliland oo aan ka jawaabin hadaladii diblomaasiyadda ka fogaa ee kasoo yeedhay madaxweyne Geelle.
 
Warqad Sagootin Ah oo Ahmedou Ould Abdallah u Soo Direy Soomaalida

Nairobi(Golisnews.com)-Warqad ku socota Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool (No. 26) Neyroobi, 28 Juun 2010 As-Salaamu Calaykum, Saaxiibayaasha qiimaha iyo qaayaha leh, Maalmo yar ka dib waxaan soo dhameystiri doonaa hawshii aan Soomaaliya ka hayay waxaana ku biiri doonaa Xarunta Qaramada Midoobay si aan u qabto hawlo kale. Ku dhowaad saddex sanno ayaan waddankiina ka shaqeeyay anigoo la shaqeeyay walaalo iyo saaxiibo kala duwan oo ka kala socda dalka, gobolka iyo caalamkaba.


Waqtigii aan hawshan hayay wuxuu ahaa waqtigii noloshayda shaqo ugu xiiso badnaa uguna qiimo badnaa, taasina waxay si fiican iibartay Afrikada Bari iyo Geeska Afrika iyo waddankiinaba. Maanta weli waxaa igu jirta xiisaddii iigu jirtay maalintii iigu horeysay hawshaydan. Markaan imid inaan ballaabo shaqadayda waxaan maskaxda ku hayay saddex arrimood: Ugu horeyntii, waxaan dareemay, welina waan dareensanahay, inaan in badan u ekahay dadka Soomaaliyeed, maxaa yeelay waxaan idin la wadaagaa taariikhda iyo dhaqanka oo ay ka mid tahay garashada geela. Shakhsi ahaan, mid ka mid ah saaxiibadayda Mauritaaniyiinta ah, oo aan dugsiga wada dhiganay, ayaa waxay is guursadeen qof Soomaali ah markay labaduba ay arday ka ahaayeen Faransiiska.


Ugu dambeyntiina, waxaan waaya aragnimadaydii hore ka bartay saameynta xun ee dagaal sokeeye oo dheer ku yeelan karo dhaqanka iyo asluubta dadka iyo weliba rabitaankooda adag ee ay ku doonayaan inay ku badbaadaan si ay u arkaan nabaddii oo soo noqota, taasoo kicinaysa xiisadda dadweynaha. Waxaan jecelahay inaan dhowr arrimood wax ka sheego maalin ka hor intaanan tagin:



  1. Waxaan mahad u soo jeedinayaa Soomaalida fara badan oo da’ kasta leh, taariikh kala duwan leh, kana soo jeeda gobollo iyo meelo kala duwan oo aan la kulmay. Waxaan ugu mahadinayaa garashadooda, saaxiibtinimadooda iyo siday uga go’antahay inay waddankooda u shaqeeyaan. Dadkaasu aad bay u badanyihiin wayna adagtahay in tiro lagu soo koobo, laakiin qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay leeyihiin dareen siyaasadeed mararka xataa qaarkoodna siyaasaddayba isaga soo horjeedaan. Hase yeeshee, dhammaantoodu waa wadaniyiin, waxaana ku mahadinayaa qaybta ay ka qaateen shaqadayda iyo waxay u qabteen waddankooda iyo sida u muujiyeen dareen mas’uuliyadeed iyo sharafba.

  2. Waxaan jecelahay inaan mahad u soo jeediyo hoggaanka Dowladda Federaalka KMG oo aan la shaqeeyay tan iyo markaan imid. Waxaan hoggaanka hadda talada haya ugu baaqayaa inay eegaan hawlaha muhimka ah iyo inay maskaxda ku hayaan sawirka hadda iyo ka mustaqbalka ee dalka iyo xukuumaddooda, intay eegi lahaayeen danaha muhimadda dhow leh. Hase yeeshee, waa inaan sii wadnaa taageerada aan siino, maxaa yeelay iyagaa Soomaaliya Adduunka u metela.Waxaan jecelahaya inaan mahad u soo jeediyo una hambalyeeyo Madaxweyneyaasha Puntland iyo Somaliland sida ay ugu dadaalaan xasilloonida, arrimaha dhaqaalaha iyo amaanka.

  3. Dowlado badan ayaa si dhab ah u doonaya inay taageeraan dalkiina . Hase ahaatee, run ahaantii, sumcadda guud ee ay Soomaaliya ku leedahay Afrika iyo Bariga Dhexe waxaa sannadahan si xun u dhaawacay falaka hoggaanka (xukuumadda iyo mucaaradka) Muqdisho. Waxaa loo baahanyahay dadaal dheer oo joogto ah si loo beddelo sawirkaas xun. Dowladaha dimuqraaddiga ah ee Reer Galbeedka, sida Midowga Yurub, Norway iyo Maraykanka inta badan siyaasad ahaan way tasaamux badan yihiin waxayna si gaar ah u eegaan xaaladda jaaliyadaha qurba joogta ah dhowr sababood awgood. Waxay ila tahay si loo dhowro fiirada gaarka ah, iyo gaar ahaan xushmada caalamka, idinka oo ah xubnaha jaaliyadda qurba joogta ah waa inaad sii waddaan u hogaansanaanta shuruucda waddankiina cusub idinkoo si degan oo dhib la’aan ah gacan uga geysanaya sidii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa inay mar kale cagaheeda ku istaagto. Marna lama heli karo hoggaan la isku wada raacsanyahay, laakiin iyadoo ay jiraan dhibaatooyinka hadda taagan, weli waxay ila tahay inay lama huraan tahay in xal loo helo Soomaaliya oo xasillooni hesha iyadoo la raacayo tasaamus siyaasadeed.

Ha daciifina, hana quusanina; idinkaa guuleysanaya haddaad Alle rumeysantihiin. (Suuradda 3, Aayadda 138)


Waddankiinu wuxuu horumar ka sameeyay meelo muhim ah intaan hawshayda hayay. Inkastoo ay jiraan dhibaatooyin gudaha ka socda, waxaa hadda jirta Dowlad sannad iyo bar jirsatay oo ka dhalatay Heshiiskii Jabuuti oo la saxiixay bishii Agoosto 2008. Heshiiskan, oo ahaa kii ugu horeeyay oo caynkiisa ah oo Soomaaliya laga hirgeliyo oo aan ka soo bixin dowlad gaar ah ee gobolka, waxaa si buuxda u taageeray Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Dowladaha Islaamka, iyo Midowga Yurub. Waxaan goobjoog ka ahaa Faransiiska, Ingiriiska, iyo Maraykanka, iyadoo Urur Goboleedka IGAD-na uu si waxtar leh u taageerayo hirgelintiisa. Heshiisku wuxuu si gaar ah ugu horseeday bixitaanka ciidamada Ethiopia laakiin kooxaha mucaaradka oo sheegi jiray inay u dagaallamayaan inay cidamaas dalka ka saaraan oo keliya, waxay sii wadeen colaaddii. Horumar la taaban karo ayaa laga gaaray Dastuurka oo nuqulka qabyoqoraalkiisa la soo bandhigi doono 1da bisha Luulyo, oo ku began 50 guuradii ka soo wareegtay madaxbannaanida dalka.


Waxaa sidoo kale horumar la taaban karo laga gaaray hannaanka ay degisay shirkadda xisaabinta caalamiga ah ee, PricewaterhouseCoopers, oo deeqbixiyeyaasha u ogolaanaya inay lacag ugu soo diraan Dowladda KMG ah si hufan oo aan madmadow ku jirin. Hannaanku wuxuu ogolaanayaa in si degdeg ah oo dabacsan waddankiina lacag loogu soo diro. Waxay kaloo deeqbixiyeyaasha siinaysaa siyaabo kala duwan oo ay ka dooran karaan oo ay kaalmada ku soo gaarsiiyaan. Soomaaliya waxay mar kale ku jirtaa ajendaha caalamka. Sidaad xusuusan kartaan, Shirkii Brussels, oo la qabtay bishii Abrill 2009, waxaa shirguddoomiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Guddoomiyeyaasha Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.


Waxaa kan ka dambeeyay bishii May ee sannadkan Shirkii Istanbul, oo ay wada qabteen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Dowladda Turkey, kaasoo ay ka soo qaybgaleen ganacsato badan oo Soomaali ah iyo kuwo kale oo caalamka ka socda. Labada kulanba waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin caalami ah oo heer sare ah oo ay ka mid ahaayeen dhowr wasiir oo shisheeye. Nabad waqti bay qaadanaysaa sababtoo ah waxaa meesha ku jira dano gaar ah oo isugu jira kuwo gudaha ah iyo kuwo caalami ah oo ay ka mid yihiin ganacsi iyo kalluumeysi sharci darro ah, qashin sun ah oo badda lagu daadiyo iyo burcad badeed. Laakiin Dowlad go’aan adag leh oo ay Soomaalidu ogolyihiin Bulshada Caalamkuna taageersantahay ayaa sameyn karta horumar aan ka soo waabasha lahayn ee laga gaara xasilloonida.


Waa in la xusuustaa in Bulshada Caalamku ay horey u taageertay Dowlado tag daran oo liita xilliyada dagaallada sokeeye, sida kii ka dhacay Bosnia, Cambodia, Kosovo, Liberia, iyo Sierra Leone, iwm. Soomaaliya waxay mudantahay in sidaa loola dhaqmo si ay u hesho xasilloonideeda iyo ta gobolkaba maxaa yeelay annagoo idil waxaan wada danaynaynaa inaan aragno nabad ka dhalata dalkiina. Si taa loo gaaro, Dowladda KMG an waa inay tallaabooyin horey u qaaddaa bulshada caalamkana, gaar ahaan Qaramada Midoobay, waa inay si degdeg ah Muqdisho ugu guuraan si ay ugu dhowaadaan dhibbanayaasha. Si wax loogu qabto dhibbanayaasha, waxaa loo baahanyahay in shaqo badan la qabto si isla xisaabtan la’aanta wax looga qabto. Mar kasta waxaan oran jiray caddaalad la daahiyay waa caddaalad la diiday. Ujeeddadu waa in marxaladda kala guurka si nabad ah lagu soo gunaanado oo lala shaqeeyo Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Dowladaha Islaamka iyo gaar ahaan walaalihiina gobolka ee xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD


Xafiiskay wuxuu hadda sameeyay koox shaqo ee la shaqeeya Midowga Afrika iyo IGAD. Runtii Alle marna ma beddelo xaaladda dad ilaa iyo ay laftoodu isbeddelaan. (Suuradda 13, Aayadda 10) Ergeyga Gaarka ah ee cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Augustine Mahiga, oo u dhashay Tanzania, oo aan aniga aqaano, wuxuu la iman doonaa waayo- aragnimo ballaaran uu ka soo helay waddankiisa iyo dibaddaba, wuxuuna taageero adag gobolka ka heli doonaa si Soomaaliya looga xoreeyo colaadda iyo qaska. Markaan macasalaama idin leeyahay, anigoo raacaya dhaqankeena Islaamka, waxaan jeclahay inaan cafis weydiisto dhammaan dadka laga yaabo inaan si uun wax ugu dhimay. Hadday taa dhacday, marna kuma jirin niyaddayda inaan qofna dhibo, markaa waxaan jeclahay inaan weydiisto cafis iyo musaamaxo.


Aniga dhankayga, waan cafiyay kuwa si uun, anigoo jooga ama anigoo maqanba, hadal xun iga sheegay. Waxaan si gaar ah u xusuustaa qof profesoor ah oo iga filayay inaan u maalgeliyo xarun cilmibaaris uu isagu leeyahay oo igu soo jeesaday markuu ogaaday inayna taa suurtoobi karin. Rabiyow! Ha noo qabsanin haddaan illowno ama aan gefno (Suuradda 2, aayadda 285) Waad ku mahadsantihiin dhammaan kaalmadiina iyo taageeradiina


Walaalkiin Ahmedou _______________________________________________________________________________________________________


Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi Tel: +254 20 762 6805 / 6869 ama +254 733902020 ama 737400133 Fadlan eeg rugta Internet-ka (website): www.unpos.unmission.org

Saaxiibkaa u dir
Jul 08 Somalia's Al-Shabab vow to step up jihad against AU
Jul 01 Taariikh Nololeedkii Madaxweynaha La Doortay (The Elected President) Ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Jul 01 Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Khudbadiisii Ugu Horeeyey Jeediyey Isagoo aad iyo aad u faraxsan Una Hambalyey Shacabka Somaliland Intii U Codaysay IYo Kuwii Ka Codeeyey
Jul 01 War Deg Deg Ah:Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Loo Doortay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland
Jul 01 Hargeysa (GLN) waxaanu akhristayaashayada ugu baaqaynaa in minidada soo socda ay kala socdaan cidii ku guulaysatay doorashadii madaxtinimada sonaliland
 
Somaliland: A radical change?
The Roots of the Islamic Conflict in Somalia
The impoverished majority in most African countries are denied their constitutional rights.
Rejecting Taghut is a condition of Tawheed
The Islamic view of creativity
XIDHIIDHKA ETHIOPIA IYO SOMALILAND. By A.S.Botan.
Maxaa lagu hadoodilayaa caleema saarka ugaaska beesha CIISE
Waxa keliya ee aduunku maanta inoogu soo joogsanayaa waa Xukuumada Riyaale oo meesha ka tagta.
The Voting for Sharia in Somalia
Ma dhabaa Jaamacada Burco sida Diinkay u socotaa?
Mr.Riyaale, Show Me The Achievements of This Government, What Have You Done For a Power And Time
Maamulka hadda ka jira oo Berbera ka dhigay Meel Ka- Guureen ah / Sumcad Xumona u soo jiiday.. (Warbixin Magaalada Berbera)……
Maanso, Maqaal, iyo Qosol: Halyeeyada Birma-geeydo Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen, Abidjan , Ivory Coast
Maqaal Daba Socda Maxaa Is Ka Badalay Dhaqan Xumayenta Dhalaanka iyo Caarka
Madaxweyne Riyaale Socdaalkiisa iyo Duruufaha ku Gedaaman Gobalka Togdheer BY Mubaarig Axmed Xasan
Habmalyo iyo Bogaadin ku socota Ahmed Adan xaaji Omar (Axmed Sangoore)
DHIDAR XABAALO QODAY QUDHUN BUU UGA DHACAA!!!!!!
NIMANYAHAW NIN GOBAAN AHAY OY GUNNI RIFAYSAAYE:.
Dhulgariirka Siyaasadeed ee Riyaale iyo Udub la baraysteen Hargeysa, yay dani ugu jirtaa?
WAA NAXLI FOGAADEY IYO XANUUN DHOOF DALKA KU YIMI!!!!!!!!.
MADAXDA XISBIYADA WAA MADAXDA QARANKA EE MAXAA LOO RASAASEEYEY?
Xalka Somaliland halka uu ku jiro.
QOYSKEEDII AYEY WAX-TARIWEYDEYE MA KACAANKEY WAX TAREYSAA
Baaq taagero
The Innocent Palestinians: The Forgotten People.
Marwadu sir weyn bay bixisay:
Inner Dimensions of Hajj
Somaliland miyeyna laanta afka Somalilaga ee BBC shaqaalaheeda dalka ka sari Karin
Waa ta la yaabanyahay!!
Faa'iidada Bisha Barakeysan Ee Ramaadaan?
Kulmiye, a party of quality , standard, equal apportunities & accountability
UDUB's Political night-mares to start right from Riyale's Return home!!
Ina sulub maysagaa xaqa u siiyey Riyaale inuu Xaraashi karo Hantida ma Guurtada ee Qaranka?!!
Advice to Muslims in Ramadhan
Buur-Madoobayaal cusub miyaa, carruurtan kulmiye ka dhextoostey?!!
Hadal dhanaan oo Dambe lama dhegeysanayo ee Madaxweynaha & Guurtidu ha u sheegaan Ummadda mandateka ay haystaan ee Distooriga ah!
WARQAD KU SOCOTA SHIRKA BEELWAYNTA H/JECLO UGA SOCDA DEGMADA GAR ADAG...
"nabada khal khal ha gelin"
© Copyright 2005 - 2006 Golis News. All rights reserved.