Golis News
Home | Entertainment | Religion | Gallery | About Us | Contact us
Bogga cusub ee Hambalyadda ee guusha Kulmiye iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenka Cusub
Warqad Sagootin Ah oo Ahmedou Ould Abdallah u Soo Direy Soomaalida
TAARIIKHDA IYO WAXQABADKA SIILAANYO
Qudbadihii Musharaxiinta Maxaa Kaga Baxay?
Laxaadkii Udub Iyo Liica Jira
Faysal Cali waraabow hakadhigan gabaad Kitaabka quraanka adigoo aan ka soo bilaabin xisbigaaga.
Naqdi khudbadii Madaxweyne Rayaale ka jeediyey khayriyadda maalintii Khamiista ee 3da June 2010 ee ku saabsanayd olalaha doorashada ee xisbiga UDUB.
Faallo: Xidhiidhka Turkiga & Isreal oo jar kasii dhacaya
Somaliland peace and democracy is threatened by religious fundamentalist groups and Criminal networks of Pirates
Ku Shubasho Mise Ka Xoogid Waa Midkee Hadalka Wasiir Cawil
Gorfeynta Golisnews:Sadex 'Ka' Xisbigii Ay Isku Raacdo Ayaa Helay Doorashada Kaash+Khaadhadh+ Koomishan.
Munaasabad ballaadhan oo lagu xusaayey gudagalkii SNM ee 27 May 1988 oo lagu qabtay magaalada London:
Gorfeynta Golisnews:Kushabashada Doorashada Iyo Ka Hortaga Ku Shubashadu Waa Kar Saaran Koomishanka Iyo Kooxaha Tartamayaba. Yaanse Lagu Kadsamin
Madaxweyne Geele oo caddaystay colaadda uu hayo Somaliland, iyo xukuumadda Somaliland oo aan ka jawaabin hadaladii diblomaasiyadda ka fogaa ee kasoo yeedhay madaxweyne Geelle.
 
TAARIIKHDA IYO WAXQABADKA SIILAANYO

TAARIIKHDA IYO WAXQABADKA SIILAANYO



TAARIIKHDII WAXBRASHO:


Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE islamarkaasna ah musharaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo wuxuu ku dhashay tuulada Dheryalay oo ka tiran degmada Ballidhiig ee gobolka Togdheer. Waxbarashadiisii hoose wuxuu ku dhamaystay magaalada Shiikh. Waxbarashadii dugsiga sarena wuxuu ku qaatay magaalada Boorame. 

Markuu waxbarashadiisa dugsiga sare dhamaystay sannaddii 57kii Mr. Siilaanyo wuxuu u kicitimay dalka Ingriiska halkaasuu ka sii watay waxbarashadiisii sare. Sannadkii 1958kii-60kiina wuxuu magaalada London ee carriga Ingiriiska ku qaatay waxbarashadii diyaar garawga jaamacadda ee advanced level. Sannadkii 1960kii wuxuu waxbarashadiisii jaacamadeed ka bilaabay Jaamacadda Manchester ee dalka Ingiriiska waxaanu bartay cilmiga dhaqaalaha Sannadku markuu ahaa 1965kii wuxuu jaamacadda Manchester ku dhamaystay waxbarashadiisii jaamacadeed waxaanu ka qaatay ashahaada sare ee Masterka.

Mr. Siilaanyo markuu dhamaystay waxbarashadiisa jaamacadeed wuxuu Kusoo noqday dalka si uu cilmigiisa uga faa’ideeyo dalkiisa iyo dadkiisaba. Waxaanu dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Somaliya kasoo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin kuwan hoose:

SHAQADA IYO WAAYO ARAGNIMADA:

1965kii wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka.

1969kii-1973kii Mr. Siilaanyo wuxuu ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka
1973-1978 wuxuu ahaa Wasiirkii Ganacsiga
1973-1980 wuxuu ahaa guddoomiyaha guddida Dhaqaalaha ee Qaranka 1980-1982kii wuxuu mar labaad noqday Wasiirka Ganacsiga.

Mr. Siilaanyo oo kamid ahaa aasaasayaashii ururkii SNM ee ka socday Dhinaca gudaha Somaliya, ka dib markuu u adkaysan waayey dhibaatadii iyo dibin daabadii Siyaad Barre ku hayey ummadda Somaliyeed gaar ahaana kuwa kasoo jeeda Somaliland, wuxuu sannadkii 1982kii go’aansday inuu dalka ka baxo oo ka qayb qaato halgankii dhinaca ka ahaa kaligii taliye Siyaad Barre si ummadda looga xoreeyo nidaamkii kali talisnimo.

Isla intuu Mr. Siilaanyo joogay London wuxuu lecturer ka bixin jiray Jaamacado ku yaal Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaanu olalayn jiray qaddiyada xornimo udirirka ee uu gadhwadeenka u ahaa ururkii SNM.

HALGANKII SNM IYO DOORKUU KA QAATAY:

Isla markuu Mr. Siilaanyo dibadda u baxay wuxuu ku biiray halgankii dheeraa ee ummadda lagaga xoraynaayey taliskii Siyaad Barre waxaanu SNM kasoo qabtay xilal kala duwan.
Isla sannadihii 1982-1984 wuxuu noqday guddoomiyaha ururkii SNM ee laanta London. Wuxuu kaloo intuu London joogay u doodi jiray xuquuqda aadmiga ee ku tacadiyi jiray taliskii markaas talada hayey waxaanu la shaqayn jiray ururada xuquuqda aadmiga ee African Watch iyo Amnest International.

Mr. Siilaanyo oo ahaan jiray guddoomiyihii hore ee SNM 1984-1990 waxaa Lagu tilmaamaa inuu yahay guddoomiyii ugu wakhtiga dheeraa uguna fir fircoonaa ee soo qabta talada ururkii SNM. Intuu SNM ka madaxda ahaa wuxuu ururku guul balaadhan kasoo hooyey halgankii ballaadhnaa ee Shacbiga Somaliland ku qaadeen taliskii hore ee Siyaad Barre.

Ururkii SNM oo lagu tilmaamo inuu sababay burburkii nidaamkii hore ee kali kataliska ahaa ee Siyaad Barre, ummadda reer Somaliland u horseeday inay mar labaad xorriyadooda lasoo noqdaan. Waxaana dadka qaarkii u arkaan in Mr. Siilaanyo laba daraale ninkii markaas ay iska soo horjeedeen ee Siyaasad Barre ku eryaday hadal iyo xirfad, dhinaca siyaasadda gudaha iyo dibadana uu albaab walba kasoo xidhay.

DOORKUU KA QAATAY DHISMAHA QARANKA IYO NADADAYNTA SOMALILAND

Mr. Siilaanyo markii dalka la xoreeyey 91kii kama fadhiisan siyaasadda waxaana uu ka qayb galay dibudhiskii iyo horumarkii dalka. Sannadihii 93-97kii wuxuu ahaa mudane ka tirsan golaha wakiiladda, taasoo ku lahaa haybad iyo wax kaqabad laguna bartay daacadnimo iyo toosinta talada dalka.

Mr. Siilaanyo oo lagu tilmaamo inuu yahay shakhsiyaadkii tirada tiradaa yaraa ee ka danbeeyey deganaanshana iyo xasiloonida Somaliland, waxaana loo arkaa inuu dhawr jeer Somaliland ka badbaadiyey dhibaato kusoo fool leh. Ugu horrayn sannadkii 1990kii markii dalka la xoreeyey wuxuu u tafa xaytay nadadaynta iyo xasiloonida Somaliland waxaanu guddoomiye u ahaa guddidii la odhan jiray Forum for Peace oo lagu tilmaamo inay yihiin kuwii ka danbeeyey nabadgelyada iyo xasiloonida ka hana qaadaySomaliland.

Mr. Siilaanyo wuxuu ka mid ahaa madaxdii sare ee SNM ee taga gobolada Awdal, Sanaag, iyo Sool isagoo u olalaynaaya nabadgelyada iyo xasiloonida Maandeeq. Mr. Siilaanyo wuxuu kamid ahaa madaxdii hoggaaminaayey shirarkii bilawgii 91kii ka dhacay magaalooyinka Berbera iyo Burco laysugu hawaynaayey beelaha reer Somaliland ee walaalaha ee uu iska horkeenay nidaamkii hore ee Siyaad Barre.

Sannadihii 1993kiina wuxuu qayb libaax ka qaatay isu soo dhawaanshaha beelahii taageersanaa SNM oo xilligaas qaarkood xurgufi dhex martay. Sidoo kalena wuxuu ka shaqeeyey sannadihii 94-96kii dibuheshiisiintii iyo soo afjaradii colaaddii sokeeye ee beelaha Somaliland ee soo wada galay halgankii SNM. Mr. Siilaanyo wuxuu hormuud ka ahaa shirkii Caynaan ee lagu qabtay magaalada Caynaba, shirkaas oo bud dhig u ahaa soo afjaradii khilaafkii siyaasadeed ee dhex maray beelaha Somaliland. Waxaanu door fiican ka ciyaaray shirarkii ka dhacay sannadkii 96kii Durruqsi iyo Beer.

Sannadii 1997 markii Cigaal dib loosoo doortay wuxuu kamid ahaa golaha wasiirada waxaana uu soo qabtay xilalka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorshaynta. Wakhtigii uu hayey Wasaaradda Maaliyadda oo u leehay waayo aragnimo badan waxaa uu sugay oo caadi ka dhigay shilling Somaliland oo uu ku jiray qiimo dhac badani, waxaa kaloo uu wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u dejiyey qorshe miisaaman oo ay ku hawl galaan.

Mr. Siilaanyo intuu hayey Wasaaradda Qorshaynta ee Somaliland wuxuu sameeyey talooyin balaadhan oo wax ku oola waxaanu sameeyey qaab iyo nidaam ay ku shaqeeyaan dawladda dhexe iyo ururada caawimada baxsha ee waddanka joogaa, waxaana hirgalay mashaariic intuu ahaa isuduwaha hay’adaha caawimada baxsha. Waxaana jirtay in is casiladiiisii aanay ku farxin ururada samafalku oo arkaayey inuu yahay siyaasi sare oo aragti dheer oo lala shaqayn karo, waxaa kaloo iyana is casiladaas walaac ka muujiyey waddamada jiiraanka ee ee ku bahoobay urur gobaleedka IGAD oo ay qaarkood xidhiidh aad u qoto dheer la leeyihiin.

Mr. Siilaanyo waxaa kaloo laga ixtiraamaa waddamada reer Galbeedka waxaana uu xidhiidh dhow la yeehay waddamada Yurubta midowday,Maraykanka iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

Sannadkii 2001 oo ay dalka ka taagnayd khilaaf siyaasadeed oo ba’ani oo ku salaysan habka loo qabanaayo doorashada ka dhacaysay Somaliland, Mr. Siilaanyo wuxuu u tafaxaytay sidii u caadada ahayd inuu dhex dhexaadiyo labadii dhinac ee markaas xurguftu ka dhexaysay oo kala ahaa xukuumaddii iyo mucaaridkii xilligaas. Mr. Siilaanyo inkastaanu ku guulaysan inuu heshiisiiyo labadii dhinac, wuxuu seh ku guulaystay inuu qaboojiyo oo qanciyo labadii dhinac ee is hayey. Taasoo horseeday inaan labadii dhinac ee is hayey ayna ku kicin waxaan dani ugu jirin qaranka.

DHIIRIGELINTA HANNAAN SOCODKA DIMOQRAADIYADDA SOMALILAND



Mr. Siilaanyo isagoo dhiirigelinayaa hannaan socodka dimoqraadiyadda Somaliland wuxuu bishii Mey 2002 aasaasay xisbiga Nabadda, Midnimada iyo Horumarka ee KULMIYE. Xisbiga KULMIYE himiladiisu waa inuu dhiso dawlad kooban oo tayo leh oo hanata talada dalka si bulshadu u hesho daryeelka ay u baahan yihiin, dalkuna u gaadho horumarka la hiigsanaayo ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Sidaan la socono KULMIYE wuxuu kamid yahay saddexda ee Xisbi ee qaranka waxaanu guul balaadhan kasoo hooyey saddexdii doorasho ee u danbeeyey ee kala ahaa doorashadii degaanka, madaxweynaha 2003kii, tii Golaha wakiilada ee 2005kii.

Waxaana shacbiga badankiisu aaminsanyahay in KULMIYE ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday 2002kii, laakiin dawladdu wax is dhaafisay oo iyadoo adeegsanaysa haybaddii, awooddii iyo hantidii qaranka ay afduubtay natiijadii doorashada oo si aan xaq ahayn loogu dhawaaqay in xisbiga UDUB ku doorashadii guulaystay, inkastoo xisbiga KULMIYE caddeeyey inuu isagu doorashada ku guulaystay, Mr. Siilaanyo wuxuu markii danbe isagoo u tudhaaya oo dhowraya danta qaranka uu ka tanaasulay mawqifkii hore ee ahaa inuu isagu ku guulaystay doorashadii madaxweynimada. Mr. Siilaanyo oo loo arko nimaan jeclayn iskuna dhejin xukunka wuxuu maskabkii u sarreeyey maandeeq ee shacbigu u doorteen ka doorbiday xasiloonida iyo nabadgelyada dadkiisa iyo dalkiisa waxaanu kaga dhabeeyey hadalkii uu yidhi intii muranka natiijada 
doorashadu socotay ee ahaa : “Somaliland cidkastaba anigaa uga lexojeclo badan dagaal iyo xasilooni darrana kama dhacaymayso”.


Mudane Siilaanyo wuxuu kale oo samir iyo dulqaad ka muujiyey labadii sanadood ee doorashda madaxweynaha dib loo dhigay, taasoo khilaaf iyo muran siyaasadeed oo cakiran dalka gelisay, taasoo markastaba mudane Siilaanyo uu isagu tanaasulay isagoo xeerinaaya danta guud iyo jirintaanka iyo qaranimada Somaliland. 


Mudane Siilaanyo wuxuu doorashadan dhici doonta 26ka Juun 2010 yahay musharraxa madaxeynaha, waxaana la saadaalinayaa inuu ku guulaysan doono inuu qabto jagada ugu mudan maandeeq ee ah madaxweynaha qaranka. Markaas waxaan ku boorinayaa dhammaan shacbiga Somaliland inuu codkooda ugu deeqan mujaahid Ahmed Siiaanyo si uu wax ugu qabto dalka iyo dadkaba. 


SHAKHSIYADDA SIILAANYO

Mr. Siilanyo waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin daacad ah oo wakhtigiisii u lumiyey inuu adeego dadkiisa iyo dalkiisaba. Mr. Siilanyo waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin aamin ah oo loogu iman karo ammaanada loo dhiibo, sidoo kalena hawl kar ah oo kasoo dhalaala xilka loo dhiibo.

Mr. Siilaanyo waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin deggan oo aan deg degin, waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay siyaasi xeelad dheer oo aragti fog. Mr. Siilaanyo waxa la yidhaadaa waa nin dadka jecel oo ummaddu aanay ukala sokayn.

Mr. Siilaanyo waa nin hadalka baaliqi ku ah oo dadka ka dhaadhin kara fikradiisa oo hadal ku qancin kara dadka taageersan iyo kuwa dhaliilsanba. Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin jecel midnimada iyo wadajirka.

Ugu danbayna waxaa lagu tilmaamaa in Mr. Siilaanyo yahay nin nabad jecel waxaana la yidhaahdaa waa tabliiqiga nabadda Somaliland. Waxaanan odhan karnaa waa siyaasigii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo intuu maskabka ugu mudan ee shakhsi aadmi ah ifka ka qabto ku guulaysto ( Madaxweyne qaran), haddana faraha ka qaado isagoo doorbidaaya deganaanshaha iyo xasiloonida dalkiisa.

Waxaana xaqiiq ah inuu Mr. Siilaanyo dadkiisa uga tegidoono dhaxal la taaban karo oo ay xusi doonto taariikhda soo jireenka Somaliland. Ugu danbayna waxaan odhan karnaa Mr. Siilaanyo waa halyeyga Somaliland “ Somaliland hero ” ee qaranka ka saari kara wakhtigan kala guurka ee laga guurayo qaabkii beelaha loona hayaamaayo habka dimoqraadiyadda ee ku dhisan nidaamka axsaabta badan.

Refrence:

Taariikh nolaleedka Siilaanyo waxaan ka helay qayb kamid ah:

1. KULMIYE website, Ahmed Siilaanyo CV.
2. Waraysiyo aan la yeeshay qaar kamid ah madaxdii SNM iyo siyaasiyiin
kale oo Somaliland ah
3. Waraysiyo aan la yeeshay qaar kamid ah
shacbiga Somaliland ee dhex
dhexaadka ah iyo qaar kamid ah
taageerayaasha xisbiga KULMIYE.


Waxaa qoraalkan isku soo diyaariyay
Cabdi Cabdillahi Xasan (Mataan),
Hargeysa, Somaliland

Saaxiibkaa u dir
Jul 08 Somalia's Al-Shabab vow to step up jihad against AU
Jul 01 Taariikh Nololeedkii Madaxweynaha La Doortay (The Elected President) Ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Jul 01 Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Khudbadiisii Ugu Horeeyey Jeediyey Isagoo aad iyo aad u faraxsan Una Hambalyey Shacabka Somaliland Intii U Codaysay IYo Kuwii Ka Codeeyey
Jul 01 War Deg Deg Ah:Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Loo Doortay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland
Jul 01 Hargeysa (GLN) waxaanu akhristayaashayada ugu baaqaynaa in minidada soo socda ay kala socdaan cidii ku guulaysatay doorashadii madaxtinimada sonaliland
 
Somaliland: A radical change?
The Roots of the Islamic Conflict in Somalia
The impoverished majority in most African countries are denied their constitutional rights.
Rejecting Taghut is a condition of Tawheed
The Islamic view of creativity
XIDHIIDHKA ETHIOPIA IYO SOMALILAND. By A.S.Botan.
Maxaa lagu hadoodilayaa caleema saarka ugaaska beesha CIISE
Waxa keliya ee aduunku maanta inoogu soo joogsanayaa waa Xukuumada Riyaale oo meesha ka tagta.
The Voting for Sharia in Somalia
Ma dhabaa Jaamacada Burco sida Diinkay u socotaa?
Mr.Riyaale, Show Me The Achievements of This Government, What Have You Done For a Power And Time
Maamulka hadda ka jira oo Berbera ka dhigay Meel Ka- Guureen ah / Sumcad Xumona u soo jiiday.. (Warbixin Magaalada Berbera)……
Maanso, Maqaal, iyo Qosol: Halyeeyada Birma-geeydo Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen, Abidjan , Ivory Coast
Maqaal Daba Socda Maxaa Is Ka Badalay Dhaqan Xumayenta Dhalaanka iyo Caarka
Madaxweyne Riyaale Socdaalkiisa iyo Duruufaha ku Gedaaman Gobalka Togdheer BY Mubaarig Axmed Xasan
Habmalyo iyo Bogaadin ku socota Ahmed Adan xaaji Omar (Axmed Sangoore)
DHIDAR XABAALO QODAY QUDHUN BUU UGA DHACAA!!!!!!
NIMANYAHAW NIN GOBAAN AHAY OY GUNNI RIFAYSAAYE:.
Dhulgariirka Siyaasadeed ee Riyaale iyo Udub la baraysteen Hargeysa, yay dani ugu jirtaa?
WAA NAXLI FOGAADEY IYO XANUUN DHOOF DALKA KU YIMI!!!!!!!!.
MADAXDA XISBIYADA WAA MADAXDA QARANKA EE MAXAA LOO RASAASEEYEY?
Xalka Somaliland halka uu ku jiro.
QOYSKEEDII AYEY WAX-TARIWEYDEYE MA KACAANKEY WAX TAREYSAA
Baaq taagero
The Innocent Palestinians: The Forgotten People.
Marwadu sir weyn bay bixisay:
Inner Dimensions of Hajj
Somaliland miyeyna laanta afka Somalilaga ee BBC shaqaalaheeda dalka ka sari Karin
Waa ta la yaabanyahay!!
Faa'iidada Bisha Barakeysan Ee Ramaadaan?
Kulmiye, a party of quality , standard, equal apportunities & accountability
UDUB's Political night-mares to start right from Riyale's Return home!!
Ina sulub maysagaa xaqa u siiyey Riyaale inuu Xaraashi karo Hantida ma Guurtada ee Qaranka?!!
Advice to Muslims in Ramadhan
Buur-Madoobayaal cusub miyaa, carruurtan kulmiye ka dhextoostey?!!
Hadal dhanaan oo Dambe lama dhegeysanayo ee Madaxweynaha & Guurtidu ha u sheegaan Ummadda mandateka ay haystaan ee Distooriga ah!
WARQAD KU SOCOTA SHIRKA BEELWAYNTA H/JECLO UGA SOCDA DEGMADA GAR ADAG...
"nabada khal khal ha gelin"
© Copyright 2005 - 2006 Golis News. All rights reserved.