Qudbadihii Musharaxiinta Maxaa Kaga Baxay?
Tan iyo intii uu bilowday Ololaha doorashada madexweynimada ee sadexda
Musharax ugu tartamayaan doorashada madexweynimada, ee loo kala qayday
maalmaha ololaha ayaa xisbi waliba waxaa uu soo bandhigayey Musharaxa uu
wato in uu dadka ka dhaadhiciyo bal dhab ahaan waxa uu kaga duwan yahay
ka kale, si dad weynuhuu ay dhug weyn ugu yeeshaan meesha ay codkooda
marinayaan marka ay ku qancaan Hadalada iyo nuxurka ay xambaarsan yihiin
intaba. Sadexda Musharax waxay ku kala bilaaban hadalada iyo
qudbadahoodii hadalo laysku durayo layskuna eedaynayo, iyagoo mid waliba
sheegtay in uu yahay ka kaliya ee dalkan ka saari kara dhibta iyo
dhaqaale xumada uu ku jiro.
Sadexda Musharax waxay ku kala duwan yihiin arimo badan, waxaa Ololaha
doorashada lagu bilaabay Musharaxa Madexweynimada uga sharaxan Udub ahna
Madexweynaha Jamhuriyada Somaliland Dahir Riyale, Waxanu talada dalka
hayey in ku dhow sideed sano, Madexweynaha maalintaas waxa si weyn looga
dhur sugayey in uu keeno barmaamijyo cad cad oo kaga duwanaan dona kuwa
hamiga weyni ka hayo kursiga uu ku fadhiyo hada, waxana sidoo kale la
sadaalinayey in Madexweynuhuu uu hadaladii hore kuwa ka duwan keeni
doono oo wax badan kaga iftiminayo eedo badan oo mucaaridku hore ugu soo
jeediyeen, Balse Madexweynuhuu waxaa uu muuqday ku ku dhagan uun tubtii
hore ee ahayd is diidsinta iyo in uu eeda oo dhan dusha uga tuuro
Mucaaridka, Waxaa u madexweynuu qoraal dheer oo dadka ka dhex akhriyey
ku tilmaamay Mucaaridku in ay yihin kuwa ku guul daraystay intii ay
hogaanka Barlamanka hayeen, isagoo uga dan laha in uu dadka u tuso in la
arkay waxa ay yihiin, waxaana sidoo kale iska fogayey eeda had iyo goor
loo soo jeediyo ee ahayd darajo la'aanta cidaanka taaso oo iyana afka u
saaray hogaankii hore ee dawladii Snm oo anay cidaankan qaranka ee
maanta jira jirinba.
Waxayse labada hadal Madexweynaha ku noqdeen kuwa dhinbiil ku noqday
markii mid waliba sidiisa loogu jawaabay, Waxayna Madexweynaha ku
noqdeen kuwa aanu ka fiirsan wax macno ah oo weyna uma ay dhalin basle
waxaa kaga go ay dhibco waaweyn oo wax tar u noqon lahaa hadii uu hadal
ka ka duwanka odhan lahaa madasha, Waxana Gudoomiyaha Barlamanka oo si
jees jeesa ugu jawaabay Madexweynaha uu ku yidhi malaha Shirgudoonka
ayuu moodaya in ay kula tartamayaan Jagada Madexweyne nimada iyo
Hadalkii Gudoomiayaha Snm oo isna falaadh siyaasadeed oo xanuun weyn ku
reebtay riyaale ku soo ganay.
Madexweynuhu maalin labaadkii kama soo bixin gurigiisa, waxaanu soo
diray ololaha Madexweyne ku xigeenkiisa kaaso marki ugu horeysay sheegay
in xisbigu keenay Barmaamijkiisa siyaasadeed. Waxase dadka ka filayeen
in Madexweynuhu maalmaha kooban ee ololaha aanu maalina gafi doonin ee
mid waliba uu halkeeda ugu tagi doono taageerayasha xisbiga. Ma dhicin,
Talada Madexweynuhu waxay noqotay hadana in maalintii sadexaad uu u
ambabaxo safar dhinaca cirka uu ku sii maray oo ku adaay deeganka
Ceerigaabo oo loo tiriyo in ay jirto wadoi xumo. Madexweynaha walow si
weyn loogu soo dhaweyey hadana maalintii ku xigtay waxaa lahaa xisbiga
Kulmiye kaaso ka dhigay Ceerigaabo maalintaas uu madexweynuhuu joogay
dhoolo tus aan isagoo kale hore loo arag, waxayna maalintaas reebeen
hadal reer Cerigaabo dhagahooda ruxay oo ay si weyn ula dhaceen oo ahaa
Ma Madexweynaha isagiiiba soo mari kari waayey dhulka ayaa inoo dhisaya
wado maanta, taasi waxay Madexweynaha ku noqotay laf dhuunta u gaashay
markalena waxaa uu Madexweynuhuu ka muquurtay in uu la kulmo dad weynaha
ilaa iyo uu odayaasha gobolka gaar gaar ula kulmo.
Maalintii ay Ololaha u laha Madexweynuhuu waxaa fursad u helay in uu
fagaaraha khariida ee Ceerigaabo kala hadlo dad weynayha gobolkaasii,
iyagoo si weyn u nawilayey in Madexweynuhuu la yimaado qorshe cusub iyo
aragti ka duwan tii hore oo lagu kasban karo taageerayaal horleh kuwa
haatan ka sii baxayana lagu joojin karo, Balse Madexweynuhuu markale waa
dar jiidhay waxaana uu afka saaray eedo iyo hadalo aan looga fadhiyin,
waxaa uu Madexweynuhuu sidii looga bartay ku faanay in uu ahaa ninkii
qabtay doorashada, waxaase aanu garanaynayn in ay ahayd waajib qaran oo
ah dalkan in markasta uu doorasho galayo, waxaana uu sii garan waayey in
uu yahay kii doorashada ku guulaystay ee ay isaga wax tartay, Waxaanu
markale Madexweynuhuu eed u jeediyey mucaridka uu ku tilmaamay in ay
kala qaybinayaan dalkan, taaso iyana ahayd hadalo waa hore looga bartay.
Waxaase si weyn looga sugayey balan qaadyo hore oo fuli waayey iyo bal
waxaa maanta oo ay wax yari ka hadhsan tahay xiligii la doortay uu u
qaban karo gobolka uu ka soo raacay diyaarad khaasa.
Waxa Madexweyne Riyale hadlay ilaa hada laba goor waxaanu labada ku
hadlay hadal la mida kuwii hore looga bartay, cagajuglayn cabsi galin
iyo cambaarayn xisbiyada mucaaridka, waxaase looga fadhiyey in
Madexweynuhu keeno fikrad cusub iyo hab kale oo uu kasban karo taagerada
dad weynahaa. Waxaa iga baxay in Madexweynuhuu uu wali ku dhagan yahay
in uu yahay nin saxsan oo aan waxba biin waxa la shegaynaya aan dhag
jalaq u siin balse waxaa la gudboon in Madexweynaha hadala iyo qudbadaha
uu ku hadlayo yihiin kuwa aan shacabi weynuhu jeclaysan ilaa hada,
loogana fadhiyo kuwa wax tar iyo rajo galin kara ololiihiisa doorashada,
taaso ay tahay inuu ka leexdo tubta is qancin iyo isla toosnaanta
aminana in uu yahay nin wax badani ay ka khaldameen basle u baahan in
wakhti dheerada la siiyo.
Musharaxa Kulmiye Qaybta Labaad
Daauud Gilingil
 |
 |
|