Laxaadkii Udub Iyo Liica Jira
Udubkii lama odhan karo waa wada liicay, balse tubta ay ku socoto waa in ay sida ugu dhakhaha badan uga weecataa. Cabsigalintana ay ka door bidaa Rajo iyo yididilo horleh.
Xisbiga Udub waxaa soo waajahday arimo waa weyn oo waji gabax ku noqday
hogaanka Xisbiga sidoo kale lama filaan iyo u qaadan waaba ku noqday
inta badan taageerayaashii xisbiga iyo dad badan oo filayey in Xisbigu
uu ka car car iyo fir fir coonaan doono kuwa uu haatan tartanka kula
jiro, Waxaana durba lays waydiinayaa mudada yar ee uu socday Ololaha
doorashada iyo wakhtigii doorashada oo kaabiga inagu soo haya, bal in
dhab ahaan ay sida wax u socdaan ay wax ka badaalaan, si ay uga baxsan
karaan guul daro weyn oo ku dhici karta wakhtiga doorashada.
Xisbigu waxaa uu lahaa laxaad iyo quwad aad iyo aad uga weyn kuwa kula
loolamaya jagada, waxaa uu lahaa hanti faro badan taaso la filayey in
maalmaha Ololaha ooda laga furi doono, in Madexweynuhuu qorshaysay tab
iyo xeelo siyaasadeed oo ku galayo doorashada isagoo adeegsan doona
khibrada iyo khasnada buuxsan tay, Waxaana dad badani ka filayeen in
Madexweynuhu uu isku dayi doono in dad weynaha ka dhaadhiyo wax qabad
la'aanta iyo in uu xooga saaro in dadka uu mar labaad ka kasbado
kalsoonida uu ku dhex lahaa 2003. Waxaa Madexweynuhuu awoodi lahaa in uu
durba darojo siiyo ciidamada, in Mushaharka shaqaalaha dawlada kor u
qaado, in uu xooga saro in uu qabyo tiro Biirijka Hargeisa, In dadka
masaakiinta ah uu wax taro in uu soo booqdo Hospitalada iyo meelaha
dadka jiljilicsani joogaan, in uu wax badan oo wasiira ah oo lagu
eedeyey musuq uu dibada dhigo in uu ololaha doorashada madexa u soo
galiyo aqoon yahano cusub iyo xubno fir fircoon oo ka madhan wax badan
oo Udub lagu eedeyo. Waxaa Madexweynuhuu awood u lahaa in uu wax ka
badal ku sameeyo dhamaan qaybaha kala duwan ee xisbiga, uu lacagtii
Burco badalo, rajo weyn iyo yidiilo ayey galin lahayd wax badana laga
rumaysan lahaa.
Maxaa keenay Liica UDUB: Wax qabad la'aanta waxaa u sii dheer
Kaliday baa saxsan,dhamaan qaybaha ay ka tirsan tahay xisbigu waxaa uu
noqday wax gacanta u galay koox gaara oo aan ku xidhnayn xubnaha xisbiga
u jooga qaybaha kala duwan ee deegaanada iyo gobolada dalka, waxaa gadh
wadeen looga dhigay rag ku si foobay kala qaybin iyo cunsiriyada oo ay
wehel ka dhigteen maalmihii ugu danbeyey ee Ololaha doorashada, waxay
soo kor mariyeen tirsiga iyo xajimayn runtii dad weyne badan ay ka
daalaan, waxay door bideen cabsi halkii ay rajo iyo wax qabad u sheegi
lahayeen dadka, Sumcada madexda Udub ololaha doorashada loo igmaday
waxay noqdeen kuwa aad dadka wax badan ka kasban karin basle markasta oo
ay hadlaan dhaliya in taageerayaal badani ka sii baxaan, taasna waxay
ahayd in ay jirto isku xidhnaan iyo qiyaas ah bal halka ay wax ka si
yihiin iyo sida ugu dhakhsaha badan in loo sixi karo, waxaa Xisbiga la
odhan karaa waxaa jira arin ayna meesha dhigin in doorashadu sida
degdega ah u dhici karto oo ay amiin kordhin, Waxaa iyana meesha ka
madhnayn in Xubnihii xisbiga aan la siin tixgalin iyo dhiiri galin basle
looma arag wax loo baahan yahay, in dhismaha xisbigu noqday uun inta
Madexweynaha gaadhi kartaa iyo in kooban oo ay adagtahay in ay ka bixi
karaan xisbiga, Waxaa si weyn taageerayaasha xisbigu u saluugeen Madexda
Xisbil xaakimka oo aan ku talaabsan wax dad weynaha reer Somaliland
farax galin kara, taasi waxay dhabar jab ku noqotay in ay ka dhaadhicin
karaan dad kale in ay ku soo biriyaan xisbiga.
Maxaa hada la gudboon Udub si ay uga badbaado ceeb ka raacda doorashada
Udubkana liica looga ilaaliyo . Lama odhan kara way u dhamaatay UDUB
wali waxay haystaan fursad ay wax badan oo coda ku raadsan karaan
kalsoonida shacab ku kasban karaan ugu yaraan in aanay ceeb weyn oo aan
la arag ka raacdo, in madexweynuhu sida ugu dhakhsaha badan uu wax ka
badalo habka uu wado ololaha doorashada, in uu dad weynaha u sheego in
uu yahay nin jecel nolosha nabada iyo dalka oo uu isku tuso nin isagu
dibada ka ahayn balse la wadaaga dhif iyo dheefba, in uu meelkasta iyo
degmo kasta ku tago gaadhi lug ee iska dhaaafo in uu bilaabo wax ka sii
riday sumcada dadkana ka fogayn kara, waa in uu Madexweynuhuu isku dayaa
in uu furo lacagta uu hayo kuna dadaalo in aanu isku heli karayn Lacag
Jeclaysi iyo Siyaasi jecel kursiga in uu wax kasta u huro, waxaana
Madexweynaha la gudboon in niyadiisu ay gasho in aan kursiga maanta
ahayn kii 2002 ee uu yahay mid loogu jiro halgan sidii laga riixan
lahaa.
Xisigu waxaa uu leeyahay xunbo iyo dad badan oo wax garada oo ka saari kara dhidhida uu haatan xisbigu lugaha kula jiro, waana in safka hore Ololaha doorashada wax laga badalo sida ugu dhakhsaha badan, dibno loogu noqdo istaraajiyada uu xisbgu doonayo in uu ku guulaysto doorashada.
Waxaa aynu wax walba kala ogaan doonaa maalmaha ugu danbeeya ee Ololaha
iyo in uu UDUB liica jira oo noqon doono mid aan maaro loo helin oo sii
weynaan doono, iyo in Madexweynuhu geesinimo la iman doono uu kaga
adkaan karo kuwa ay sida weyn isku hayaan ee la filan karo in ay kaga
guulaystaan kursi uu ku fadhiyey sideed sano oo nabad iyo baadhaadhe ah.
Waxaana Madexweynaha sumcadiisu ay ku dhamaan doonta kolba inta uu kaga
hadho damaca siyaasadeed hadii dadku diidaan.
Daauud Gillingill
gilingil@hotmail.com
|