Faysal Cali waraabow hakadhigan gabaad Kitaabka quraanka adigoo aan ka soo bilaabin xisbigaaga.
Hargeysa (golisnews ) maqaalkaygan waxaan ku eegayaa maxaa ka dhab ah kitaabka uu faysal cali waraabe la soo baxay faynalkaambaynka?
bal marka hore aan iswaydiino xisbiga Ucid iyo dhaqanka dhabta ah ee ka dhex jira, xisbiga UCID barnaamuj siyaasadeedka dhabta ahee uu soo saaray ee uu mustaqbalka ku dhaqayo wadanka kama muuqato meel ay diinta islaamku kaga jirto inuu ku dhaqayo, taa macnaheeduna waa in xisbiga UCID kaga baxayo maalmaha adag ee xisbiyadu ku loolamayaan hanashada shacabka.
faysal maaha nin hadalkiisu miisaman yahay isla markaana ka dhabeeya waxa uu yidhaahdo isla markaana afkiisa iyo ficilkiisu isma turjumayaan waayo afkana waxa uu inaga yidhi diintaan wadanka ku dhaqaya, qoraalna waxa uu inoogu sheegay in uu xeeararka iyo dastuurka ku dhaqmayo, faysal waxa uu la mid yahay sheekh shariifkii yidhi diinta islaamka ayaan wadanka ku xukumayaa ee aanay ansixintii baarlamaankaba dhaafin halkiina lagu ilaabay,
hadaan gadaal ugu noqono xubnaha ugu sareeye ee xisbigiisa bal aan soo qaadano xoghayaha guud ee arimaha dibeda u qaabilsan Eng. Faadumo Madar, waa gabadh si heersare ah ula jaanqaaday reer galbeedka waana gabadha xisbiga guud ahaan amarada ugu danbeeya bixisa isla markaana ah aas aasayaasha, waatan hoos ku sawiran iyada oo la kulmaysa madxweynaha south Afrika Jacu Suma,

 waatan iyana gudoomiyaha dhalinyarada ee xisbiga UCID ee wadanka NORWAY, Zuhur Wacays oo iyana ah mid ka mida xubnaha xisbiga dhexdiisa laga qadariyo,
 isku soo duuboo xisbiga UCID waa xisbiga keliya ee la ogyahay in ay u badan yihiin dad reer galbeedka dhaqankooda qaatay isla markaana wadamada scandanivianka ku soo samaystay ururkan, hadaba Faysal iyo xisbigiisa UCID waxaan leenahay kitaabku ka weyn wax kaambayn lagu galo iyada oo dhaqangelintiisa aan laga run sheegayn,
Suleymaan Cabdisitaar Dubad hargeysa somaliland cabdisitaar@hotmail.com
 |
 |
|