Faallo: Xidhiidhka Turkiga & Isreal oo jar kasii dhacaya
Dawladda Turkiga ayaa sheegtay inay xidhiidhka ay la lahayd Isreal ay halkii ugu hoosaysay gaadhsiinayso, kadib markii Yuhuuddu dileen 9 Turki ah oo saarnaa markabkii Flotilla ee dhowaan Israel weerartay lana wareegtay.
Raysal Wasaaraha Turkiga Rajib Dayib Ordogan ayaa sheegay inaanu u arkin dhaqdhaqaaqa Xamaas urur xagjira ama argagixiso ah, taas bedelkeedana uu aaminsan yahay inuu yahay urur u dagaalamaya madax banaanida dalkiisa.
Raysal wasaare Ordogan ayaa noqday nin go'aamo culus ka qaatay Yuhuudda , lana soo baxay awoodo cusub oo uu ku diidayo danaha Israel, isaga oo si toos ah uga dhiidhiyey xumaanta iyo gardarrada Yuhuudu ku hayso Falastiiniyiinta. Raysal wasaaruhu wuxu ku dhawaaqay in la dhimo ganacsiga iyo iskaashiga lala leeyahay Israel, wuxuna ugu baaqay Israel inay budhcadnimada adduunka ay ku hayso joojiso.
Madax sarsare oo dawladda Israel oo kulan la qaadanayay safiirka Turkiga u jooga Israel ayaa waxay kula dhaqmeen si diblomaasiyadda ka baxsan, kadib markii ay ku fadhiisiyeen kuris gaaban oo aan calankii Turkiguna miiska saarnayn. Ariintaas waxa markiiba ka cadhoday xukuumadda Ankara, waxayna Televiv kala soo baxday safiirkeeda iyada oo Yuhuuda ka dalbatay inay raali gelin degdega kasiiyaan arrinkaas. Israel oo yaaban libaaxa helay ee mudada 24 saacadood gudahood kaga dalbaday raali gelinta aya qortay warqad raali gelina.
Hase yeeshee xiisada labada dal halkaas kumay joogsan ee waxa jirtay in shirkii dhaqaalaha caalamka looga hadlayay ee Davos ayaa raysal wasaare Ordogan ka baxay kadib markii uu muran dhex maray isaga iyo madaxweynaha Yuhuudda Shimon Peres.
Shilkii ugu danbeeyeyna ee lagu laayay hawlwadeenada gargaarka ee saarnaa markabka Flotilla wuxu xiisada Israel iyo Turkiga gaadhsiiyay halkii ugu sarraysay. Si badheedh ah oo aan cabsi lahayn ayuu Ordogan markaas uga hadlay arrinkaas, isaga oo sheegay inay Israel qoomamayn doonto.
Madaxweyne Cabdalle Guul iyo Raysal wasaare Rajeb Dayib Ordogan waa laba nin oo soo nooleeyey magaca Turkiga , iyaga oo sidoo kale dalka Turkiga oo askarta cilmaaniyiinta ahi awoodda lahayd si tartiib tartiib ah uga takhalusay awooddii xad dhaafka ee ciidamada qalabka sida, una soo nooleeyey sharaftii Islaamka. Labadan hogaamiye waxay taageero wayn ka heleen dunida Muslimka iyo dalkoodaba waxayna ku suntanyihiin geesiyaal u babac dhigay siyaasadda iyo awoodda waxashnimo ee dawlad isku sheegta Israel.
Haddaba waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya Israel iyo Turkiga:
Dalka Turkigu wuxu saaxiib dhaw la ahaa dalka Israel. Dawladda Turkigu waxay ahayd dawladii Muslima ee ugu horaysay ee aqoonsata Israel 1949.
Labada dal waxa dhex maray xidhiidh ganacsi oo xora kaas oo qalinka lagu duugay sanadkii 2000 .
Dawladda Turkigu waxay Israel la gashay heshiis mudadiisu tahay 20 sanno oo ay biyo siinayso Israel.
Ciidamada Turkigu waxay hub kasoo iibsadaan Israel waxayna la sameeyaan tababarro.
Waxa Isreal iyo Turkigu leeyihiin iskaashi milateri iyo mid ku saabsan samaynta hubka ee labada dal kaas oo la saxeexay sanadkii 1996.
Dalka Turkiga waxa sanadkastaba intii muddo ah yimaada dalxiisayaal Yuhuud ah ,kuwaas oo lacag badan soo galiya dalka Turkiga.
Waqtigan la joogana dawladda Israel waxay Turkiga u samaynaysaa 10 diyaaradood oo ah nooca bilaa duuliyaha ah ee iswada iyo qalabkooda kuwaas oo ay ku kacayso lacad dhan 183 Milyan oo doollar.
Ugu danbayn, madaxda Turkiga ee Cabdalla Guul iyo Ordogan waxay tusaale fiican u noqdeen madaxda Carabta ee kursi jacayl dartii far keliya dhaqaajin la' iyaga oo maalin kasta walaalahooda Falastiiniyiinta lagu hor gawraco. Madaxda Carabta ayaa intooda badani noqdeen kuwo cabsi ay ka qabaan Israel afkii juuqda gabay iyo kuwo kale oo danahooda gaarka ah ilaashanaya amaba ay maslaxad kursi kusii fadhi ahi ugu jirto dilalka lagu hayo Falastiiniyiinta, waxase jira inyar oo fara ku tirisi oo iyaga laftooda awoodda ay leeyihiin kooban tahay amaba doorka ay ka ciyaari karaan waxtarka Falastiin keligood yahay mid aan sidaas usii buurnayn kuwaas oo dhaama kuwan hore waxayna yihiin Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiirka Sudan iyo Bashaar Al-Asadka Suuriya.
Wiilkii is waalaba wiil waabiyaa hela, allaylehe mar haddii dawladdii Isreal ee laga jiifsan waayay uu Turkigu keligii afka u dhigtay isaga oo weliba haddii uu danihiisa gaarka ah ilaashanyo ka fekeri lahaa inaanu la colloobin Isreal waqti xaadirkan uu doonayo inuu ku biiro midawga Yurub, balse intuu taas meel iska dhigay Israel ku noqday laf dhuungashay kuna yidhi " Caga dhigo" .
Axmed Maxamuud Cilmi -Shawqi
Golisnews Reporter
|