Golis News
Home | Entertainment | Religion | Gallery | About Us | Contact us
Bogga cusub ee Hambalyadda ee guusha Kulmiye iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenka Cusub
Warqad Sagootin Ah oo Ahmedou Ould Abdallah u Soo Direy Soomaalida
TAARIIKHDA IYO WAXQABADKA SIILAANYO
Qudbadihii Musharaxiinta Maxaa Kaga Baxay?
Laxaadkii Udub Iyo Liica Jira
Faysal Cali waraabow hakadhigan gabaad Kitaabka quraanka adigoo aan ka soo bilaabin xisbigaaga.
Naqdi khudbadii Madaxweyne Rayaale ka jeediyey khayriyadda maalintii Khamiista ee 3da June 2010 ee ku saabsanayd olalaha doorashada ee xisbiga UDUB.
Faallo: Xidhiidhka Turkiga & Isreal oo jar kasii dhacaya
Somaliland peace and democracy is threatened by religious fundamentalist groups and Criminal networks of Pirates
Ku Shubasho Mise Ka Xoogid Waa Midkee Hadalka Wasiir Cawil
Gorfeynta Golisnews:Sadex 'Ka' Xisbigii Ay Isku Raacdo Ayaa Helay Doorashada Kaash+Khaadhadh+ Koomishan.
Munaasabad ballaadhan oo lagu xusaayey gudagalkii SNM ee 27 May 1988 oo lagu qabtay magaalada London:
Gorfeynta Golisnews:Kushabashada Doorashada Iyo Ka Hortaga Ku Shubashadu Waa Kar Saaran Koomishanka Iyo Kooxaha Tartamayaba. Yaanse Lagu Kadsamin
Madaxweyne Geele oo caddaystay colaadda uu hayo Somaliland, iyo xukuumadda Somaliland oo aan ka jawaabin hadaladii diblomaasiyadda ka fogaa ee kasoo yeedhay madaxweyne Geelle.
 
Ku Shubasho Mise Ka Xoogid Waa Midkee Hadalka Wasiir Cawil


 


Markaasi oo kale lalama doodo, lalama dagaalamo lalama murmo ee kursiga ayuunba laga hoos qaada markay usoo dhawaadaan" ayuu yidhi Xuseen Cali Ducaale Wasiirka maaliyadda Somaliland. Ku Shubasho Mise Ka Xoogid Waa Midkee Hadalka Wasiirku.


Waxase aan shaki ku jirin in doorashada 26 June ay si weyn uga duwanaan doonto kuwa hore oo ina soo maray, marka ay noqoto nin laga helay oo tagi waayey iyo nin helay oo looga tagi waayey,



Wasiirka Maaliyada ayaa ku tilmaamay hadal meel ka dhac iyo gafba ku ah hanaanka doorashooyinka ee dalka ka hirgalaya ee ololihisii bilaabay, wasiirku waxaa ku dooday in uu dagaal u gali doono gar iyo gardaraba leh in uu ka ilaaliyo kursiga xisbiga ay sida weyn isku hayaan ee Kulmiye, Wasiirku ma u sheegin aragti siyaasadeed oo ay ay kaga duwaan yihiin iyo dhab ahaan waxa ay yeeli doonaan hadii laga adkaado doorashada, balse waxaa uu durba furka ka tuuray shaki weyn oo maalmahan danbe isa soo taray oo ahaa in aan dalkan sida la filayo wax waliba u noqon kuwa ku dhamaada guul iyo in laysku hibeeyo Kursiga.



Waxaa wasiirku dibada soo dhigay qorshe hoose oo dhigaya in marka ay guushu foolka ku soo hayso kooxda ay is hayaan ay ayaar ka dhex qaadi doonaan, maxay noqon kartaa hadaba fasiirada hadalka wasiirku. 



1: Ku shubasho cad oon geed loogu soo gaban oo la si qorsheyey in ay jirto

2: In ay jirto in la mustafeyn doono kooxaha Komishanka oo ay iyana ku dhawaaqi doonaan in guushu raacday xisbiga Udub

3: In Udub go'aan ku gaadhay gar iyo gar daraba in aanay kurisga ka kicin kuna dhaganaadaan wax kasta oo ay ku qaatana yeeli doonaan.

4: In Udub ay si weyn uga walaacsan tahay sida dadku ay uga heli lahayd taageero taasina ay hadalka wasiirka ka dhigayso mid dhab ahaan fahansan in aanu jirin wax weyn oo dadka codka bixinaya laga fishaa, marka aay uga doc wareegaan meel kale.



Waxaa ay noqon doontaa arintani mid fajaciso iyo yaab ku rida inta badan dad weyne faro badan oo isha ku haya hab u socodka doorashada iyo hadalada ay is dhaafsanayaan Siyaasintu wakhtiga doorashada oo wax kasta oo niyada iyo qalbigooda ku jirta dibada soo dhigaya, waxaana laga filayaa in ay siyaasintu u hogaansamaan najiitada doorashada kuna qancaan in dadku cida ay doortaan ay tahay cida saxda ah ee ay siiyeen kalsoonida shanta sano ee soo socda laguna ixtiraamo, yey se dhicin in laysku cariyo in hadii qolo guusha hesho in aanay sina u aqbali doonin qoloda kale taaso gaf iyo mee ka dhac ku noqon doonta hanaanka aynu cagta saarnay.



Waxase la filayaa in ay digniin iyo dardaar warinba u noqon doonta hadalka wasiirka kooxda u sida weyn u dhaliilay ee ku tilmaamay in ay yihiin kuwa dadka isku dilay oo qolo qolo u kala kaxeyey, taaso durba Ololaha doorashadu noqday mid ka baydhaya tubtii loo jeexayna noqonaya mid ololiyaha dhinbilaha colaada iyo xiqdiga ah oo kala kaxaynaya beelaha walaalaha ah, waxayna mar kale ina xasuusinaysaa in aan Siyaasiyiinta maantu wali ka korin dharabtii qabiilka  iyo abaabulinta iyo kicinta fidno huraday. Waana nasiib daro kale oo ku habsatay Somaliland in aan siyaasintu shacbi weynaha ula shir iman wax weyn oo ay kaga duwan yihiin kuwa ay loolamayaan, siyaasado iyo qorshayaal siyaasadeed oo ay dalka ku hagaayaan, balse laynagu cariyo cabsi iyo dardaar warin.



Waxase aan shaki ku jirin in doorashada 26 June ay si weyn uga duwanaan doonto kuwa hore oo ina soo maray, marka ay noqoto nin laga helay oo tagi waayey iyo nin helay oo looga tagi waayey, halka ay ku danbayso waxa aynu sugi wakhtigeeda, balse isku qabsashada guusha doorashadu waa mid ifaafaleeheedii uu wasiirku si cad maanta u bayaamiyey isagoo taabtay in guushu marka ugu danbaysa ee codka laga soo dhamaado ay iman doonto in ay si fudud u sheegan doonaan in guushu raacday.

 

 Waxase ku bas beeli doona dadka masaakiinta ah ee dacdaradu haystay ilaa iyo lixdan kii maantana mustaqbal madow cagta saaraya,iyagoo nasiib aan u yeelan hogaamiyaal wanwanaagsan oo noloshooda iyo ta ubadkooda dar yeela balse ku dul ciyaara dheel ay adagtahay in ay wax badan ka dheefaan oo aan dhib iyo rafaad ahayn, Waxaana la gudboon hogaamiye kasta oo siyaasi ah in dalkan uu fiiriyo wakhtiga adag ee ku jiro in uu tudho dadka uu matalayo hadiise taa la waayo qofna ku dhex xaragoon maayo nabada iyo wanaaga uu ku dhex haysto meesha uu joogo, hadii sharciga iyo kala danbayntu luntana waxaa ay wax ka soo gaadhayaan noqon maayo kuwa kiishadu u buuxdo kolba meeshii ay rabaana u dhoofi kara basle kuwa aan Kaashna haysan kuna kadeedan magaalooyinka iyo miyigaba ee ay gadhwadeenka u yihiin siyaasinta maanta sida weyn iskugu haya siyaasada dalka mucaraid iyo muxaafidba ha loo tudho dadka.

 

Daauud Gillingilll

Saaxiibkaa u dir
Jul 08 Somalia's Al-Shabab vow to step up jihad against AU
Jul 01 Taariikh Nololeedkii Madaxweynaha La Doortay (The Elected President) Ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Jul 01 Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Khudbadiisii Ugu Horeeyey Jeediyey Isagoo aad iyo aad u faraxsan Una Hambalyey Shacabka Somaliland Intii U Codaysay IYo Kuwii Ka Codeeyey
Jul 01 War Deg Deg Ah:Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Loo Doortay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland
Jul 01 Hargeysa (GLN) waxaanu akhristayaashayada ugu baaqaynaa in minidada soo socda ay kala socdaan cidii ku guulaysatay doorashadii madaxtinimada sonaliland
 
Somaliland: A radical change?
The Roots of the Islamic Conflict in Somalia
The impoverished majority in most African countries are denied their constitutional rights.
Rejecting Taghut is a condition of Tawheed
The Islamic view of creativity
XIDHIIDHKA ETHIOPIA IYO SOMALILAND. By A.S.Botan.
Maxaa lagu hadoodilayaa caleema saarka ugaaska beesha CIISE
Waxa keliya ee aduunku maanta inoogu soo joogsanayaa waa Xukuumada Riyaale oo meesha ka tagta.
The Voting for Sharia in Somalia
Ma dhabaa Jaamacada Burco sida Diinkay u socotaa?
Mr.Riyaale, Show Me The Achievements of This Government, What Have You Done For a Power And Time
Maamulka hadda ka jira oo Berbera ka dhigay Meel Ka- Guureen ah / Sumcad Xumona u soo jiiday.. (Warbixin Magaalada Berbera)……
Maanso, Maqaal, iyo Qosol: Halyeeyada Birma-geeydo Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen, Abidjan , Ivory Coast
Maqaal Daba Socda Maxaa Is Ka Badalay Dhaqan Xumayenta Dhalaanka iyo Caarka
Madaxweyne Riyaale Socdaalkiisa iyo Duruufaha ku Gedaaman Gobalka Togdheer BY Mubaarig Axmed Xasan
Habmalyo iyo Bogaadin ku socota Ahmed Adan xaaji Omar (Axmed Sangoore)
DHIDAR XABAALO QODAY QUDHUN BUU UGA DHACAA!!!!!!
NIMANYAHAW NIN GOBAAN AHAY OY GUNNI RIFAYSAAYE:.
Dhulgariirka Siyaasadeed ee Riyaale iyo Udub la baraysteen Hargeysa, yay dani ugu jirtaa?
WAA NAXLI FOGAADEY IYO XANUUN DHOOF DALKA KU YIMI!!!!!!!!.
MADAXDA XISBIYADA WAA MADAXDA QARANKA EE MAXAA LOO RASAASEEYEY?
Xalka Somaliland halka uu ku jiro.
QOYSKEEDII AYEY WAX-TARIWEYDEYE MA KACAANKEY WAX TAREYSAA
Baaq taagero
The Innocent Palestinians: The Forgotten People.
Marwadu sir weyn bay bixisay:
Inner Dimensions of Hajj
Somaliland miyeyna laanta afka Somalilaga ee BBC shaqaalaheeda dalka ka sari Karin
Waa ta la yaabanyahay!!
Faa'iidada Bisha Barakeysan Ee Ramaadaan?
Kulmiye, a party of quality , standard, equal apportunities & accountability
UDUB's Political night-mares to start right from Riyale's Return home!!
Ina sulub maysagaa xaqa u siiyey Riyaale inuu Xaraashi karo Hantida ma Guurtada ee Qaranka?!!
Advice to Muslims in Ramadhan
Buur-Madoobayaal cusub miyaa, carruurtan kulmiye ka dhextoostey?!!
Hadal dhanaan oo Dambe lama dhegeysanayo ee Madaxweynaha & Guurtidu ha u sheegaan Ummadda mandateka ay haystaan ee Distooriga ah!
WARQAD KU SOCOTA SHIRKA BEELWAYNTA H/JECLO UGA SOCDA DEGMADA GAR ADAG...
"nabada khal khal ha gelin"
© Copyright 2005 - 2006 Golis News. All rights reserved.