Gorfeynta Golisnews:Sadex 'Ka' Xisbigii Ay Isku Raacdo Ayaa Helay Doorashada Kaash+Khaadhadh+ Koomishan.
Dad badani waxay si weyn u sugayaan doorashada ololeheedii ka bilowday
dalka Somaliland, waxa ay ku dhamaan doonto iyo cida ay guushu kama
danbaynta raaci doonto, waxaana dad badan oo khabiira ahi ay durba farta
ku fiiqayaan in ay iska cadahay cida la siin doono guusha doorashada,
iyagoo durba cuskaynayaa qodobo waaweyn oo runtii aad iyo aad u
xasaasiya, wakhtigan in la bildhaamiyo se ay tahay wax lama huraan ah.
Xisbiga talada dalka hayaa waa xisbiga kaliya ee ila hada aan soo
bandhigan qorshihiisa siyaasadeed ee uu dalka ku hogaaminayo mudada
shanta sano ee soo socota, waa xisbiga kaliya ee imika uun ku baraarugay
in uu dar dar galiyo ololihiisa doorashada isagoo maalmo yar uun ka hor
magacaabay gudi cusub, firfircoonaanta ololaha doorashada ayaan laga
dareemiin i laa hada, malaha xisbigu carcartii iyo golaaftankii faraha
badnaa ee looga bartay doorashooyinkii hore,durba waxaa dibada xisbiga
uga baxay xubno waaweyn oo misaan culus ku laha isla maalmo yar uun ka
hor intii aan lagu dhawaaqin wakhtiga uu bilaabayo ololaha doorashada.
Madaamooy tahay doorasho madexweyne cida la dooranahaya ee Musharax u ah
Udubna uu yahay Madexweynaha oo laga filayo in uu dibada ugu soo baxo
shacbi weynaha reer Somaliland si uu codkooda u waydiisto in ay siiyaan
markale, kana dhaadhiciyo wixii dhib ah ee ay sheeganayaan ayaan u
muuqaan nin jecel in uu dhex muquurto suaalo iyo cadho badan oo ay dadku
ka qabaan wax badan oo intii maamuulka uu hayey uu galay oo noocyo kala
duwan ahba.
Kaash: Marka ay noqoto sadexda Xisbi Xisbul xaakinku waa uga fursad
iyo lacag ba badan yahay marka la bar bar dhigo labada kale, waxaa la
rumaysan yahay in ay jirto lacag aan cadaad lahayn oo dhawaan la soo
dabacay, waxaa jira lacago badan oo ah hantidii qaranka ee la xaraashay,
waxaa jira lacago badan oo shirkado shisheye laga qaaday, waxaana u
siii dheer dakhliga joogtada ee soo gala dawlada oo ku dhaca gacanta
Madexweynaha, Madexweyne Riyaale hadii uu isku dayo in uu jeebka gacanta
galiyo wakhtiga doorashada waxaa heli karaa fursad hadii ay doorashadu
iib noqon lahayd oo la baayacayo uu ku gadan karo, waxaana sida dayaxa
shan iyo tobnaad cad in aanu baqo ka qabin lacag la'aan iyo Kaash
dhamaan doona midna, waxaana uga fursad badan yahay cidkasta hadii ay
noqoto in lacag wax laysku dhaafsan karo taaso fursad usiin karta uu ku
dhaafi karo kuwa kula loolamaya oo aan u jilib dhigi karin quwada iyo
faraha ay leedahay lacagta uu hayso. Markaa dhanka Kaashka waxaa ku
horeysa Udub waxayna wax yar ula jirtaa oo ay kaabiga ku haysaa
hanashada kursiga labada musharax midba halacsanayo.
Kaadhadhka: Waxaa si weyn saxafada iyo warbaahinta dalka looga
sheegay in ay jirto dad badan oo qaatay Kadhaadh halka la sheegay in
guryo la geystay Kadhaadh, taasi waa arin labada kooxoodba ay eedeeda
isku marinayeen Saxafada xorta ah, waxaa jirta arin kale oo aan la
sahlan karin taaso khatarteeda leh sahlina karta in doorashada si fudud
loogu shuban karo, waxaynu ognahay in horaantii sanadkii hore
Madexweynuhuu uu ku eedeyey hayadii uu dalka ka eryey in ay Datadii
dadka ay la tageen Nairobi, taasi waxay ku keentay dalka waji gabax,
waxaana eeda iska lahaa Komishankii hore oo aan ahayn mid madex baanaan,
waxaase is weydiintu tahay, ma dhici kartaa in DATAda maantuna gacanta u
gashay Xisbil Xaakinka oo uu heli karo in uu soo dabaci karo Kadhaadh
badan oo hadhow meelaha fogfog la geeyo kuwaas oo dad badan i ay ku
codayn karaan, Waxaana iyana ilaa hada cadayn inta Kadhaadh ee soo
hadhay, iyo bal dhab ahaan cida ay yihiin tirada ay leeg yihiin, iyo
guud ahaanba tirada kama danbaynta ah ee codaynaysa, hadii aan tirada
ilaa hada laga dhawaajin Ololihii doorashaduna bilowday waxaa laga yaaba
in ay arintu noqon doonto muhmal in dhab ahaantii la ogaado tirada guud
ee isku diwaan galisay codbixinta. Waana arin imika u taal xisbiyadu in
ay ku khasbaan Komishanku in ay dibada soo dhigaan, tiraadaasi. Hadii
ay tahay in Kaadhaadh la soo dabacan karo, Data la xadi karo, tiro badan
oo Kadhaadh ah la iibsaday, Xisbil Xakinku waa uga fursad iyo faraba
dhuudhuban yahay labada xisbi ee kale taasina waxay ku sii dhawaynaysaa
kasbashada kursiga loo loolamayo.
Koomishanka Qaranka: Waxay ku yimaadaan neceb iyo khaati bilaahi
laga is taagay Kuwii ka horeyey, umada waxay ka kasbadeen kalsooni aad
iyo aad u weyn, waxay noqdeen kuwa afgaaban oo aan iska garab hadlin,
kuwa ku kooban shaqada ay hayaan, kuwa ka hawl iyo kartiba badan kuwii
ka horeyey, kuwa soo dadajiyey wakhtigii doorashada oo aan la filayn in
ay ku dhacdo doorashado, kuwa iska fogeeyey in loo arko in ay Xisbul
Xakinka wax xidhiidha la leeyihiin, kuwa inta badan u muuqda kuwa madex
baanaan, waxay gaashan ka ku dhufteen in Cidamada Bilayska meelaha la
geeyey laga qaadin, waxay la yimaadaan waji ka badalan kuwii hore iyagoo
wasiirada qaarkood oo ka booday habkii badalada Kaadhka safada uga
jawaabay in ay tahay cidii cabasho wadaa ay warqad u soo qoraan, waxay
leeyihiin amaan waxayna kasbadeen kalsoonida kooxaha mucaaridka.
Awooda Komishanka Qaranku waa mid dastuurku siiyey waana mid si weyn ugu
cad dastuurka, balse Komishanka Qaranka waxaa ila hada laga laayahay in
ay Xisbul xaakinka ka hor istaagaan in ay kaligood isticmaalaan
adeegsiga hayadaha qaranka, Sida Idacadaha Tvyada iyo Jaraiidka dawlada
oo ku gaar ah dawlada, walow ay cabasho ka muujiyeen Xisbiga mucaaridku
taaso ay fariinta gaadhsiiyeen Komishanka Qaranka hadana dhag jalaq uma
ay siin, waxaa dastuurku siinayaa in dhamaan hayadaha dawladu ay toos u
hoos imanayaan Komishanka Qaranka taasoo ila hada awooda aanay
isticmaalin,Waxa sida oo kale dareen xooglihii ka jiraa, in aanay haba
yaratee sheegin sida dawlada looga xakamaynayo adegsida hantida qaranka,
iyo in Xisbul Xakinku aanu olole ku gali karin hanti Qaran,Maalmaha soo
socda waxa laga filaya in ay yihiin kuwo ku kooban uun hawlaha farsamo
ee ay hada wadaan iyo in ay noqdaan kuwa awoodii dastuurku siyey
adeegsada oo cid walba dabar iyo hogaan u sameeya, Xisbil xaakinkana
hagool faraaro leh kaga xidha isticmaalka hantida qaranka.
Hadii wax weyn oo is badala laga waayo Komishanka Qaranka oo ay
xaalkoodu noqdo aamus iyo yaan laga eed sheegan, waxa ay u dhowdahay in
amuuskaa iyo kalsoonida badan ee la siiyey ay noqdaan in dhexda bari
farta laga qaaniino iyagoo noqon doona Maska Jiifa, Waxaana fasiri doona
wakhtiga dhow ee inagu soo fooda leh oo ay najiitada doorashadu noqon
doonto wax sii cadaa oo la sii dajiey, taaso dad badan oo Reer
Somaliland ku noqon doonta filan waa, balse hadii Komishanka Qaranka uu
ku dhisan Xubno Sadex ah oo ka soo baxay Xisbul Xaakinka, kuwaas oo
doorashadii horeba guusha siiyey xisbigii ay ka soo jeedeen iyagoo
galaaftay kuwii ka horeyey ee Xisbiyada kale keeneen, ayaaa waxay u dhow
dahay in ay taariikhdu mar kale dib isku qori doonto, taaso ay guusha
gacanta looga galin karo Udub, Kulmiye oo kalsooni badan ku qaba
doorashada in uu ku guulaystana laga yaaba in uu ku qanci waayo, balse
halka looga dhaqaajin baa adkaan dooonta Komishan ay si weyn u
amaanayeen shalay in ay maanta ku eedeeyaan in ay la jiraan Xisbil
Xaakimka taaso ay adag tahay in ay shacbi weynaha ka dhaadhicin karaan.
Si kastaba ha ahaatee aynu dhowro wakhtiga dhow iyo Komishanka halka ay
kaga hadhaan wanaag.
Daauud Gelingill
info@golisnews.com
 |
 |
|