Golis News
Home | Entertainment | Religion | Gallery | About Us | Contact us
Bogga cusub ee Hambalyadda ee guusha Kulmiye iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenka Cusub
Warqad Sagootin Ah oo Ahmedou Ould Abdallah u Soo Direy Soomaalida
TAARIIKHDA IYO WAXQABADKA SIILAANYO
Qudbadihii Musharaxiinta Maxaa Kaga Baxay?
Laxaadkii Udub Iyo Liica Jira
Faysal Cali waraabow hakadhigan gabaad Kitaabka quraanka adigoo aan ka soo bilaabin xisbigaaga.
Naqdi khudbadii Madaxweyne Rayaale ka jeediyey khayriyadda maalintii Khamiista ee 3da June 2010 ee ku saabsanayd olalaha doorashada ee xisbiga UDUB.
Faallo: Xidhiidhka Turkiga & Isreal oo jar kasii dhacaya
Somaliland peace and democracy is threatened by religious fundamentalist groups and Criminal networks of Pirates
Ku Shubasho Mise Ka Xoogid Waa Midkee Hadalka Wasiir Cawil
Gorfeynta Golisnews:Sadex 'Ka' Xisbigii Ay Isku Raacdo Ayaa Helay Doorashada Kaash+Khaadhadh+ Koomishan.
Munaasabad ballaadhan oo lagu xusaayey gudagalkii SNM ee 27 May 1988 oo lagu qabtay magaalada London:
Gorfeynta Golisnews:Kushabashada Doorashada Iyo Ka Hortaga Ku Shubashadu Waa Kar Saaran Koomishanka Iyo Kooxaha Tartamayaba. Yaanse Lagu Kadsamin
Madaxweyne Geele oo caddaystay colaadda uu hayo Somaliland, iyo xukuumadda Somaliland oo aan ka jawaabin hadaladii diblomaasiyadda ka fogaa ee kasoo yeedhay madaxweyne Geelle.
 
Madaxweyne Geele oo caddaystay colaadda uu hayo Somaliland, iyo xukuumadda Somaliland oo aan ka jawaabin hadaladii diblomaasiyadda ka fogaa ee kasoo yeedhay madaxweyne Geelle.

Waxaa dhawaan idaacadda BBCda waraysi siiyey madaxweynaha Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geele, madaxweynaha oo laga waraystay arrimo badan oo ku saabsan xaaladaha Somalida iyo ta guud ee mandaqaddaba geeska Afrika ayaa magaalada New York ee xarunta Jimciyadda ka dhaxaysa safar u tegay wuxuu la kulmay Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.  


Isagoo halkaas u tegay inuu  u olaleeyo in la taageero xukuumadda Federalka ku meelgaadhka ah ee Somaliya ee gadh wadeenka u yahay shiikh Shariif Shiikh Ahmed ee hadda ka talisa in ka yar 2 KM magaalada Muqdisho.


 

 


 

 

 

 

 

 

 

Madaxweyne Geele oo isagu kamid ah madaxda Geeska Afrika ee kasoo horjeeda in Somaliland hesho  aqoonsi caalami ah, sidoo kalena isagu aan qarsanba colaada uu hayo Somaliland, ayaa mar wax laga waydiiyey in haddii doorashada soo socota ay si fiican u dhacdo ay taasi horseedi doonto in la aqoonsado Somaliland.

 

 

 

madaxweyne Geelle oo si ixtiraamdarro oo cadho leh uga jawaabay su’aashii wuxuu yidhi: " oo leesh? Maxaa loo aqoonsanayaa", waxaanu sheegay in Somaliland ay ka dhacdeen doorashooyin fara badan oo ay kamid ahaayeen doorashada madaxweynuhu markaas kuwaas horeba lama aqoonsane maxaa loo aqoonsanayaa ee soo kordhay hadda?


 Hadaladan qayaxan ee kasoo baxay madaxweynaha Djibouti waxay soo saartay dareenka dhabta ah ee Ismaciil Cumar Geele ka qabo aqoonsiga Somaliland, taasoo iyadu ay iska caddahay inaanu diyaar u ahayn oo qudha inuu aqoonsado Somaliland, laakiin uu sidoo kalena ugu jiro olale sidii Somaliland aanay u heli lahayn aqoonsi caalami ah.

 Haddaba madaxweyne Geele oo isagu dadaal balaadhan ugu jira siduu dawlad uga samayn lahaa Somaliya, sidoo kalena dadaal badan ugu jira sidii Somaliland aanay u heli lahayn aqoonsi caalami ah, waxaana Djibouti tiraba saddex jeer ay qaban qaabisay shirar lagu heshiisiinayo Somaliya, iyadoo ku xumaynaysa qaddiyada gooni isutaaga Somaliland.


 Waana halkii dawladdii ugu horraysay ee shirkii dibuheshiinta Somalida ee dhacay July 1991kii lagu qabtay laguna ansixiyey dawladdii Cali Mahdi ee uu sii dhisay markuu dalka kasii baxaayey Siyaad Barre January 1991.  See full size image


 

Waxaa kale oo dalka Jabuuti lagu qabtay shirkii Carta  May 2000 ee lagu soo doortay dawladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan. Taasoo aanay ka qayb galin Somaliland, laakiin xukuumadda Djibouti ku casuntay dad shacab ah oo loo casumay qaab qabiil waxaana halkaas lagu qoray in qabiilka Isaaqu yahay mid kamid ah qabiilka Dirka iyadoo taariikhda lagu qoray inuu Isaaqu kamid yahay dadka laga tirada badan yahay markii la waayey cid shirka uga qayb gasha oo metesha.


Waxaa kale oo Djibouti lagu qabtay shirkii dibu heshiisiinta kooxaha Somaliya ee dhammaadkii 2008kii, taasoo bishii January  2009ka lagu doortay madaxweyne Shiikh Sharif Shiikh Ahmed.


 Waxaana jirtay in wakhtigii uu socday shirkii Carta ee 2000 ay xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti aad u xumaadeen, markii ay caddaatay in xukuumadda Djbouti ay Somaliland u maleegayso qorshe ay rabto inay ku bur buriso, hasa yeeshee waxaa arrintaasi is badashay markuu dhintay madaxweyne hore ee Somaliland mudane Maxamed x. Ibrahim Cigaal May 2002dii.


 Djibouti oo dadka u arkaan inay tahay  dawlad aad u itaal daran, laakiin afweyn leh oo qaybo kamid ah dalkeeda ay haysato Eleteria, amaankeedana uu ilaasho ciidamada Faransiiska  waxaa nasiib darro ah in madaxweyne Riyaale uu markii la doortay iyadoo aan Djbouti mawqifkeedii waxba ka badalin ugu baxay silama filaan ah booqasho kedis ah oo aan lasii shaacin,  intii ka danbaysana waxaa had iyo jeer  xukuumadda Djibouti soo dhawaysaa oo buun buunisaa dhibaatooyinka ka taagan dalka Somaliya iyadoo la ogyahay inaanay wanaag u ahayn dadka Somaliya laakiin ay dillaasho oo mashaariic kaga soo qaadato waddamada carabta iyo bulshada caalamkaba.


 


Waxaana jira waftiyo fara badan ka socda Somaliland oo had iyo jeer booqda dalka Djibouti, iyadoo Somaliland xafiisyo ka furatay Djibouti oo dhawr jeer la xidhay sababo aan caddayn. Waxaana dawladda Djiboutina marar badan  ballan ku qaaday inay xafiis ka furanayso Somaliland.


 Laakiin xafiis ay ka furato daayo ilaa immika wafti rasmi ah oo ka socda dawladda Djbout booqasho kumay imanin Somaliland, halka markastaba madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka Somaliland , Wasiirada Somaliland iyo dhamaan masuuliyiinta xukuumadduba ay si joogta ah utagaan Djibouti.


 Waxaana cajiib ah labada shacbi ee Somaliland iyo Djibouti oo ah dad walaalo ah oo ka dhaxayso ixtiraam iyo jaarnimo taariikhiya aanay xukuumadda Djibouti marnaba xeerin xidhiidhkaas soo jireenka ah.



 Waxaa kale oo bulshada reer Somaliland ay is waydiinayaan xukuumadda DJibuuti Cadowga iyo saaxiib kay la tahayb bulshada Somaliland, taasoo u muuqata in labada hoggaamiye ee Somaliland iyo Djibouti ay ka dhaxayso xidhiidh iyo saaxiibtinimo shacsi ah, laakiin madaxweyne Geele aanu lasaaxiib ahayn Somaliland.

 Iyadoo la sheegay in Ismaciil Cumar Geele oo ah kalitaliye xukun jecel oo kursiga ka dhaxlay adeerkii Xasan Guuleed oo ka asaasaqay kursiga,  aanu  marnaba jeclaysan dimoqraadiyadda rasmiga ah ee kahana qaaday Somaliland, taasoo uu u arko inay hujuum ku hayso kursigiisa iyo shuruucda iyo distoorka dawladdii Djibouti ee aawadii loo badalay si uu kursiga ugu sii fadhiyo intu xusulkii xabaal ka sarreeyo.



 Madaxweyne Geele wuxuu waraysigaas aan kor kusoo xusnay ku sheegay in ictiraafka caalamiga ah ee ay doonayso Somaliland ku xidhan yahay Somaliya, aanay Somaliya ka doonaan ictiraafkaas oo ay Somaliland ay wada hadal la yeeshaan oo ay Somaliya waydiistaan, kana baryaan inay ka go’aan Somalida inteeda kale.


 


 


Arrintan uu ku baaqayo Madaxweyne Geele ayaan ahayn mid suurtagal  ah waayo wuu ogyahay in hadda dawlad metesha Somaliya oo lala xaajooda  in aanay jirin, isagoo sheegay in xukuumadda Shiikh Sharif ay ka taliso dhawr kilomitre oo Muqdisho ah.


 


Markaas muu sheegin cidda uu leeyahay Somaliland hakala hadasho ma Xisbul islaam oo dhulka badh haystaa, ma shiikh sharifbaa oo dhawr kilomir haystaa, ma Alshabaabaa oo inta badan dalka ka talisaa, mise waa Allasunna waljamaaca oo iyaga qudhoodu meelo mid ah Somaliya ka talisa. Markaas muucaddayn madaxweyne Geelle cidda uu leeyahay Somaliland hawada hadleen.

 


 


Midda kale haddii ay tahay in qolo waliba ay arrimaha dhexdooda ah iyagu dhammaystaan ee waddamada Geeska Afrika ay iyagu xallishaan muxuu hadda dhawrkii sano ee lasoo dhaafay madaxweyne Geelle dunida u leeyahay hanala dhex galo Djbouti iyo Eleteria oo ay dhul isku hayaan, markaas arrintaas badalkeeda reer Somaliland waxay leeyihiin idinku Djibouti ahaan wada hadla oo murankiina xallila idinka iyo dawladda Eleteriya, xalkuna idinkuu idinku xidhan yahay ee haka doonina meel kale.

 


 


Waxaanan aad uga xumahay in madaxeyne Geelle oo caddaystay collaadda uu qabo Somaliland aan xukuumadda Somaliland wax jawaab ah ka bixin hadaladii diblomaasiyadda ka fogaa ee kasoo yeedhay madaxweyne Djibouti ee ku saabsanaa qaddiyadda gooni isutaagga Somaliland.


 Waxaanad moodaa in shacbiga iyo dawladda Somaliland si qayaxan u taageeray Djibouti dagaaladii ka dhacay iyaga iyo Eleteria oo xitaa caawimo arrin iyo adduunba ah ka gaysteen arrintaas, in aanu Geele marin aboolkoodii oo markastaba uu maleegayo qorsheyaal ka dhan ah gooni isu taagga iyo ictiraafka Somaliland.  


 Waxaanan hubaa in Somaliland oo gaadhay horumar balaadhan oo la taaban karo muddadii 19 sanodood ahaa ee jirtay, wakhti aan fogayna ay heli doonto ictiraaf caalami ah oo aanay cidnaba ka baryin.


  


 Cabdi Cabdillahi Xasan,


Golisnews reporter


London, UK


 


 


 


 


 


 


 


 

Saaxiibkaa u dir
Jul 08 Somalia's Al-Shabab vow to step up jihad against AU
Jul 01 Taariikh Nololeedkii Madaxweynaha La Doortay (The Elected President) Ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Jul 01 Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Khudbadiisii Ugu Horeeyey Jeediyey Isagoo aad iyo aad u faraxsan Una Hambalyey Shacabka Somaliland Intii U Codaysay IYo Kuwii Ka Codeeyey
Jul 01 War Deg Deg Ah:Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Loo Doortay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland
Jul 01 Hargeysa (GLN) waxaanu akhristayaashayada ugu baaqaynaa in minidada soo socda ay kala socdaan cidii ku guulaysatay doorashadii madaxtinimada sonaliland
 
Somaliland: A radical change?
The Roots of the Islamic Conflict in Somalia
The impoverished majority in most African countries are denied their constitutional rights.
Rejecting Taghut is a condition of Tawheed
The Islamic view of creativity
XIDHIIDHKA ETHIOPIA IYO SOMALILAND. By A.S.Botan.
Maxaa lagu hadoodilayaa caleema saarka ugaaska beesha CIISE
Waxa keliya ee aduunku maanta inoogu soo joogsanayaa waa Xukuumada Riyaale oo meesha ka tagta.
The Voting for Sharia in Somalia
Ma dhabaa Jaamacada Burco sida Diinkay u socotaa?
Mr.Riyaale, Show Me The Achievements of This Government, What Have You Done For a Power And Time
Maamulka hadda ka jira oo Berbera ka dhigay Meel Ka- Guureen ah / Sumcad Xumona u soo jiiday.. (Warbixin Magaalada Berbera)……
Maanso, Maqaal, iyo Qosol: Halyeeyada Birma-geeydo Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen, Abidjan , Ivory Coast
Maqaal Daba Socda Maxaa Is Ka Badalay Dhaqan Xumayenta Dhalaanka iyo Caarka
Madaxweyne Riyaale Socdaalkiisa iyo Duruufaha ku Gedaaman Gobalka Togdheer BY Mubaarig Axmed Xasan
Habmalyo iyo Bogaadin ku socota Ahmed Adan xaaji Omar (Axmed Sangoore)
DHIDAR XABAALO QODAY QUDHUN BUU UGA DHACAA!!!!!!
NIMANYAHAW NIN GOBAAN AHAY OY GUNNI RIFAYSAAYE:.
Dhulgariirka Siyaasadeed ee Riyaale iyo Udub la baraysteen Hargeysa, yay dani ugu jirtaa?
WAA NAXLI FOGAADEY IYO XANUUN DHOOF DALKA KU YIMI!!!!!!!!.
MADAXDA XISBIYADA WAA MADAXDA QARANKA EE MAXAA LOO RASAASEEYEY?
Xalka Somaliland halka uu ku jiro.
QOYSKEEDII AYEY WAX-TARIWEYDEYE MA KACAANKEY WAX TAREYSAA
Baaq taagero
The Innocent Palestinians: The Forgotten People.
Marwadu sir weyn bay bixisay:
Inner Dimensions of Hajj
Somaliland miyeyna laanta afka Somalilaga ee BBC shaqaalaheeda dalka ka sari Karin
Waa ta la yaabanyahay!!
Faa'iidada Bisha Barakeysan Ee Ramaadaan?
Kulmiye, a party of quality , standard, equal apportunities & accountability
UDUB's Political night-mares to start right from Riyale's Return home!!
Ina sulub maysagaa xaqa u siiyey Riyaale inuu Xaraashi karo Hantida ma Guurtada ee Qaranka?!!
Advice to Muslims in Ramadhan
Buur-Madoobayaal cusub miyaa, carruurtan kulmiye ka dhextoostey?!!
Hadal dhanaan oo Dambe lama dhegeysanayo ee Madaxweynaha & Guurtidu ha u sheegaan Ummadda mandateka ay haystaan ee Distooriga ah!
WARQAD KU SOCOTA SHIRKA BEELWAYNTA H/JECLO UGA SOCDA DEGMADA GAR ADAG...
"nabada khal khal ha gelin"
© Copyright 2005 - 2006 Golis News. All rights reserved.