Madaxweyne Geele oo caddaystay colaadda uu hayo Somaliland, iyo xukuumadda Somaliland oo aan ka jawaabin hadaladii diblomaasiyadda ka fogaa ee kasoo yeedhay madaxweyne Geelle.
Waxaa dhawaan idaacadda BBCda waraysi siiyey madaxweynaha Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geele, madaxweynaha oo laga waraystay arrimo badan oo ku saabsan xaaladaha Somalida iyo ta guud ee mandaqaddaba geeska Afrika ayaa magaalada New York ee xarunta Jimciyadda ka dhaxaysa safar u tegay wuxuu la kulmay Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.
Isagoo halkaas u tegay inuu u olaleeyo in la taageero xukuumadda Federalka ku meelgaadhka ah ee Somaliya ee gadh wadeenka u yahay shiikh Shariif Shiikh Ahmed ee hadda ka talisa in ka yar 2 KM magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Geele oo isagu kamid ah madaxda Geeska Afrika ee kasoo horjeeda in Somaliland hesho aqoonsi caalami ah, sidoo kalena isagu aan qarsanba colaada uu hayo Somaliland, ayaa mar wax laga waydiiyey in haddii doorashada soo socota ay si fiican u dhacdo ay taasi horseedi doonto in la aqoonsado Somaliland.
madaxweyne Geelle oo si ixtiraamdarro oo cadho leh uga jawaabay su’aashii wuxuu yidhi: " oo leesh? Maxaa loo aqoonsanayaa", waxaanu sheegay in Somaliland ay ka dhacdeen doorashooyin fara badan oo ay kamid ahaayeen doorashada madaxweynuhu markaas kuwaas horeba lama aqoonsane maxaa loo aqoonsanayaa ee soo kordhay hadda?
Hadaladan qayaxan ee kasoo baxay madaxweynaha Djibouti waxay soo saartay dareenka dhabta ah ee Ismaciil Cumar Geele ka qabo aqoonsiga Somaliland, taasoo iyadu ay iska caddahay inaanu diyaar u ahayn oo qudha inuu aqoonsado Somaliland, laakiin uu sidoo kalena ugu jiro olale sidii Somaliland aanay u heli lahayn aqoonsi caalami ah.
Haddaba madaxweyne Geele oo isagu dadaal balaadhan ugu jira siduu dawlad uga samayn lahaa Somaliya, sidoo kalena dadaal badan ugu jira sidii Somaliland aanay u heli lahayn aqoonsi caalami ah, waxaana Djibouti tiraba saddex jeer ay qaban qaabisay shirar lagu heshiisiinayo Somaliya, iyadoo ku xumaynaysa qaddiyada gooni isutaaga Somaliland.
Waana halkii dawladdii ugu horraysay ee shirkii dibuheshiinta Somalida ee dhacay July 1991kii lagu qabtay laguna ansixiyey dawladdii Cali Mahdi ee uu sii dhisay markuu dalka kasii baxaayey Siyaad Barre January 1991.   
Waxaa kale oo dalka Jabuuti lagu qabtay shirkii Carta May 2000 ee lagu soo doortay dawladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan. Taasoo aanay ka qayb galin Somaliland, laakiin xukuumadda Djibouti ku casuntay dad shacab ah oo loo casumay qaab qabiil waxaana halkaas lagu qoray in qabiilka Isaaqu yahay mid kamid ah qabiilka Dirka iyadoo taariikhda lagu qoray inuu Isaaqu kamid yahay dadka laga tirada badan yahay markii la waayey cid shirka uga qayb gasha oo metesha.
Waxaa kale oo Djibouti lagu qabtay shirkii dibu heshiisiinta kooxaha Somaliya ee dhammaadkii 2008kii, taasoo bishii January 2009ka lagu doortay madaxweyne Shiikh Sharif Shiikh Ahmed.
Waxaana jirtay in wakhtigii uu socday shirkii Carta ee 2000 ay xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti aad u xumaadeen, markii ay caddaatay in xukuumadda Djbouti ay Somaliland u maleegayso qorshe ay rabto inay ku bur buriso, hasa yeeshee waxaa arrintaasi is badashay markuu dhintay madaxweyne hore ee Somaliland mudane Maxamed x. Ibrahim Cigaal May 2002dii.
Djibouti oo dadka u arkaan inay tahay dawlad aad u itaal daran, laakiin afweyn leh oo qaybo kamid ah dalkeeda ay haysato Eleteria, amaankeedana uu ilaasho ciidamada Faransiiska waxaa nasiib darro ah in madaxweyne Riyaale uu markii la doortay iyadoo aan Djbouti mawqifkeedii waxba ka badalin ugu baxay silama filaan ah booqasho kedis ah oo aan lasii shaacin, intii ka danbaysana waxaa had iyo jeer xukuumadda Djibouti soo dhawaysaa oo buun buunisaa dhibaatooyinka ka taagan dalka Somaliya iyadoo la ogyahay inaanay wanaag u ahayn dadka Somaliya laakiin ay dillaasho oo mashaariic kaga soo qaadato waddamada carabta iyo bulshada caalamkaba.
 
Waxaana jira waftiyo fara badan ka socda Somaliland oo had iyo jeer booqda dalka Djibouti, iyadoo Somaliland xafiisyo ka furatay Djibouti oo dhawr jeer la xidhay sababo aan caddayn. Waxaana dawladda Djiboutina marar badan ballan ku qaaday inay xafiis ka furanayso Somaliland.
Laakiin xafiis ay ka furato daayo ilaa immika wafti rasmi ah oo ka socda dawladda Djbout booqasho kumay imanin Somaliland, halka markastaba madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka Somaliland , Wasiirada Somaliland iyo dhamaan masuuliyiinta xukuumadduba ay si joogta ah utagaan Djibouti.
Waxaana cajiib ah labada shacbi ee Somaliland iyo Djibouti oo ah dad walaalo ah oo ka dhaxayso ixtiraam iyo jaarnimo taariikhiya aanay xukuumadda Djibouti marnaba xeerin xidhiidhkaas soo jireenka ah.
Waxaa kale oo bulshada reer Somaliland ay is waydiinayaan xukuumadda DJibuuti Cadowga iyo saaxiib kay la tahayb bulshada Somaliland, taasoo u muuqata in labada hoggaamiye ee Somaliland iyo Djibouti ay ka dhaxayso xidhiidh iyo saaxiibtinimo shacsi ah, laakiin madaxweyne Geele aanu lasaaxiib ahayn Somaliland.
Iyadoo la sheegay in Ismaciil Cumar Geele oo ah kalitaliye xukun jecel oo kursiga ka dhaxlay adeerkii Xasan Guuleed oo ka asaasaqay kursiga, aanu marnaba jeclaysan dimoqraadiyadda rasmiga ah ee kahana qaaday Somaliland, taasoo uu u arko inay hujuum ku hayso kursigiisa iyo shuruucda iyo distoorka dawladdii Djibouti ee aawadii loo badalay si uu kursiga ugu sii fadhiyo intu xusulkii xabaal ka sarreeyo.
Madaxweyne Geele wuxuu waraysigaas aan kor kusoo xusnay ku sheegay in ictiraafka caalamiga ah ee ay doonayso Somaliland ku xidhan yahay Somaliya, aanay Somaliya ka doonaan ictiraafkaas oo ay Somaliland ay wada hadal la yeeshaan oo ay Somaliya waydiistaan, kana baryaan inay ka go’aan Somalida inteeda kale.
Arrintan uu ku baaqayo Madaxweyne Geele ayaan ahayn mid suurtagal ah waayo wuu ogyahay in hadda dawlad metesha Somaliya oo lala xaajooda in aanay jirin, isagoo sheegay in xukuumadda Shiikh Sharif ay ka taliso dhawr kilomitre oo Muqdisho ah.
Markaas muu sheegin cidda uu leeyahay Somaliland hakala hadasho ma Xisbul islaam oo dhulka badh haystaa, ma shiikh sharifbaa oo dhawr kilomir haystaa, ma Alshabaabaa oo inta badan dalka ka talisaa, mise waa Allasunna waljamaaca oo iyaga qudhoodu meelo mid ah Somaliya ka talisa. Markaas muucaddayn madaxweyne Geelle cidda uu leeyahay Somaliland hawada hadleen.
Midda kale haddii ay tahay in qolo waliba ay arrimaha dhexdooda ah iyagu dhammaystaan ee waddamada Geeska Afrika ay iyagu xallishaan muxuu hadda dhawrkii sano ee lasoo dhaafay madaxweyne Geelle dunida u leeyahay hanala dhex galo Djbouti iyo Eleteria oo ay dhul isku hayaan, markaas arrintaas badalkeeda reer Somaliland waxay leeyihiin idinku Djibouti ahaan wada hadla oo murankiina xallila idinka iyo dawladda Eleteriya, xalkuna idinkuu idinku xidhan yahay ee haka doonina meel kale.
Waxaanan aad uga xumahay in madaxeyne Geelle oo caddaystay collaadda uu qabo Somaliland aan xukuumadda Somaliland wax jawaab ah ka bixin hadaladii diblomaasiyadda ka fogaa ee kasoo yeedhay madaxweyne Djibouti ee ku saabsanaa qaddiyadda gooni isutaagga Somaliland.
Waxaanad moodaa in shacbiga iyo dawladda Somaliland si qayaxan u taageeray Djibouti dagaaladii ka dhacay iyaga iyo Eleteria oo xitaa caawimo arrin iyo adduunba ah ka gaysteen arrintaas, in aanu Geele marin aboolkoodii oo markastaba uu maleegayo qorsheyaal ka dhan ah gooni isu taagga iyo ictiraafka Somaliland.
Waxaanan hubaa in Somaliland oo gaadhay horumar balaadhan oo la taaban karo muddadii 19 sanodood ahaa ee jirtay, wakhti aan fogayna ay heli doonto ictiraaf caalami ah oo aanay cidnaba ka baryin.
Cabdi Cabdillahi Xasan,
Golisnews reporter
London, UK
|