|
|
|
|
Cajalad laga soo Duubay Nin Somaaliyeed oo Is-qarxinaaya.
Cajalad laga soo Duubay Nin Somaaliyeed oo Is-qarxinaaya.
Waxa laga soo saaray Television warka soo tabiya oo laga leeyahay Denmark, cajalad laga duubay nin la beegsaday Qarax Isbiimayn ah Ciidamada Ethiopia ee fadhigoodu yahay Mogdishu.
Sida uu tabiyey Television-kaasi oo layidhaahdo Tv2news ayaa ahayd in ninkaas oo Magaciisu ahaa Adam Salad Adam uu weerar ismiidaamin ah ku qaaday Xero miletary oo ku taal waqooyiga Muqdisho todobaadyo kahor.
Cajaladan ayaa waxaa ka muuqda ninkan oo akhriyaaya Aayado Quraan ah isla markaana sheegaya inuu ku jiro jihaad uuna weerar la beegsan doono xero ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya, isaga oo intaa ku daray in ciidamadaasi ay gacan siiyeen Dowlada Soomaaliya sidii loo burburin lahaa Maxkamadihii koonfurta Soomaaliya ka talinaayey muddo 6 bilood ah. Khabiir Danish ah oo ku takhasusay arimaha Argagixisada ayaa walaac ka muujiyey Is-qarxinta iyo Is-miidaaminta oo caan ka ahayd Bariga-dhex in ay iminka u soo gudbtay Geeska Afrika oo ahayd meel Colaadi dishootay.
Cajaladan ayaa la sheegay in laga helay xubin kamid ahaan jirtay Al Shabaab.
Kooxda Al Shabaab ayaa ah mid la sheego in ay xidhiidh la leedahay Al Qaaida, waxaana sanadkan horaantiisii cajalad ka soo baxday Al-qaacida lagu sheegay in hogaamiyaha Al Shabaab Aadan Cayrow uu noqon doono hogaamiyaha al-qaacida u jooga Soomaaliya. Adan Cayrow ayaa waliba lagu eedaynayey in uu yahay ninkii ka danbeeyey ee soo abaabuli jiray falalkii Argagixiso ee lala beegsaday Somaliland, kuwaas oo lagu laayey dad shisheeye ah oo ku sugnaa Somaliland. By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com
|
|
|
|