Weftigii reer Ghana oo Berbera booqasho hal maalin ah ku qaatay
Wefti ka socda wadanka Ghana oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gudiga arimaha dabada ee Barlamaanka Ghana Mr. ADUSA ayaa maanta socdaal kooban ku yimi magaalada Berbera ee xarunta u ah gobol xeebeedka saaxil.
Weftigan oo ay ka hortageen isla markaana ay qaabileen Gudoomiye kuxigeenka G/Saaxil Soobe iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor Xoor ayaa waxay Berbera joogeen mudo kooban oo aan ka badnayn saacado mudadaasi ayey weftigu socdaalo kala duwan ku mareen Xarunta Dekeda Berbera iyo Xeebta batalaale iyagoo ay weftigu warbixin ka dhegeysteen isla markaana su'aalo ku weydiiyeen Maareeyaha Dekeda Cali xoor xoor oo u sharaxay weftiga marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Dekeda Berbera heshiisyada ay gashay iyo kaalinta ay kaga jirto Dalka Somaliland.
Weftigan oo ka kooban afar iyo toban xubnood oo barlamaan iyo xubno kale isugu jira waxa wehelinayeen Xildhibaano Wakiilada ah, xoghayaha Wakiilada iyo Saxafiyiin Caalami ah oo ka socda Idaacada LBC International iyo Idaacada Ghana State TV oo halkaasi maareeyaha ku weydiiyey su'aalo kala duwna oo intuba la xidhiidha Dekeda iyo hawlaheeda.
may jirin wax barnaamijyo ah ama heshiisyo ah oo ay ka wada hadleen madaxda saaxil iyo weftigani hadana waxa ay sheegeen weftigani inay aad u la dheceen sida wanaagsan ee loogu sood dhaweeyey dalka somaliland iyagoo caasimada dalkana kaga qeyb qaatay xuskii 18 may oo siweyn looga xusay somaliland halka uu isla bilow gii sanadkan uu Madaxweyne Rayaale Dalka Ghana kaga qeyb qaatay xuskii xornimadoodi 50 aad ee ay ka qaateen gumaysigii ingiriiska.
Sikastaba ha ahaate waxay weftigu ku qaateen magaalada Berbera Qado sharaf uu sameeyey Maareeyaha Dekeda Berbera iyagoo mudadii qadada ku sugnaa guriga madaxtooyada ee Berbera.
Cabdikariim Siciid Saalax
Berbera Somaliland
+25224441209
|