Golis News
Home | Entertainment | Religion | Gallery | About Us | Contact us
Bogga cusub ee Hambalyadda ee guusha Kulmiye iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenka Cusub
Warqad Sagootin Ah oo Ahmedou Ould Abdallah u Soo Direy Soomaalida
TAARIIKHDA IYO WAXQABADKA SIILAANYO
Qudbadihii Musharaxiinta Maxaa Kaga Baxay?
Laxaadkii Udub Iyo Liica Jira
Faysal Cali waraabow hakadhigan gabaad Kitaabka quraanka adigoo aan ka soo bilaabin xisbigaaga.
Naqdi khudbadii Madaxweyne Rayaale ka jeediyey khayriyadda maalintii Khamiista ee 3da June 2010 ee ku saabsanayd olalaha doorashada ee xisbiga UDUB.
Faallo: Xidhiidhka Turkiga & Isreal oo jar kasii dhacaya
Somaliland peace and democracy is threatened by religious fundamentalist groups and Criminal networks of Pirates
Ku Shubasho Mise Ka Xoogid Waa Midkee Hadalka Wasiir Cawil
Gorfeynta Golisnews:Sadex 'Ka' Xisbigii Ay Isku Raacdo Ayaa Helay Doorashada Kaash+Khaadhadh+ Koomishan.
Munaasabad ballaadhan oo lagu xusaayey gudagalkii SNM ee 27 May 1988 oo lagu qabtay magaalada London:
Gorfeynta Golisnews:Kushabashada Doorashada Iyo Ka Hortaga Ku Shubashadu Waa Kar Saaran Koomishanka Iyo Kooxaha Tartamayaba. Yaanse Lagu Kadsamin
Madaxweyne Geele oo caddaystay colaadda uu hayo Somaliland, iyo xukuumadda Somaliland oo aan ka jawaabin hadaladii diblomaasiyadda ka fogaa ee kasoo yeedhay madaxweyne Geelle.
 
Jawaab rasmi ah oo Guddida Xisbiga Kulmiye (UK) Ka bixisay cabashadii Maxamed Aar.

Jawaab rasmi ah oo Guddida Xisbiga Kulmiye (UK) Ka bixisay cabashadii Maxamed Aar.




Guddida KULMIYE UK oo jawaab ka bixisay dhaleecayn uu usoo jeediyey Guddoomiyihii hore ee KULMIYE UK Mudane Maxamed Cabdillahi ( Maxamed Aar) kasoo dhawaan qaar kamid ah warbaahinta Somaliland ku shaaciyey hadalo aan laga filayn oo ku duraayo siyaasadda xisbiga qaranka ee KULMIYE.


 


Haddaba guddida KULMIYE UK waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen eedaymahaas xisbiga loo soo jeediyey, waxaanay sheegeen inaan Maxamed Aar is casilin laakiin uu ka dhammaaday muddadii la doortay. Haddaba qoraal arrintaas ku saabsan oo soo gaadhay Golisnews waxay u qornayd sidan:  


 


"Waxa aan filayaa in dadka badidiisu akhriday maqaal lagu soo qoray shebekadaha warbaahinta ee Somaliland. Sida cad maqaalkaa qorihiisu waa Maxamed Aar oo ahaan jiray Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Kulmiye (UK).

Waxa aan filayaa aniga oo ah Axmed Yuussuf ahna Guddooimye ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye (UK) kuna hadlaya magaca Guddida Kulmiye UK in aanay jirin cid iiga xog ogaalsani arrimaha u soo qaaday Maxamed Aar iyo waxa ku kallifay. Waxa aan haddaba doonayaa ina aan wax ka idhaahdo cabashada uu soo jeediyay. Waana tan:

Waa marka u horreysa e Maxamed aar Guddoomiye uma ahayn Xisbiga Kulmiye (UK) laga soo bilaabo badhtamihii bishii February 2007. Sidaa darteedna aanu sheegan karin kuna hadli karin magac guddoomiye. Waxa mansab la iska casilaa marka aad xilkiisa haysid markaa sidee buu isu casili karaa qof aan xilba saarnayni?

Ta labaad Aar waxa uu ku cawday in Xisbiga ay aafaysay qabyaaladi. Taa waxa aan
ka odhanayaa: Soomaalida ayaa tidhaa baroortu ceesaanta ka wayn. Aniga cidi iigama war roona waxa Maxamed Aar ku kallifay ina uu caynkaa yidhaahdo. Dhawr
goor ayaan anigu Aar ku idhi haddii aad doonayso dib ayaa laguu dooranayaa ee hadhkaaga ha ka didin. Qabyaalad Maxamed lagu sameeyo ma jirto ee waxa weeye
ciiro uu doonayo ina uu isku qariyo. Runtuna wax weeye ‘cadkaa haddaan anigu cuni wayo waan ciidaynayaa’.



Waxa uu dhawr goor ku celceshay in Kulmiye baal maray xeerkiisii iyo hab dhaqankii u yaallay. Runtu waxa ay tahay in Kulmiye gaar aniga iyo xubnihii kale ee nagu la jiray Guddida ina aannu ka diidnay Aar markii uu yidhi xeerka ha la ii jebiyo oo yaan doorasho la gelin. Waxa uu in badan isku dayay in si aan waafqsanayn xeerka xisbiga oo aan ahayn dimuqraadiyad na loogu kordhiyo sii haynta xilka. Taa Guddida inteeda kale way ka diiday. Halka ‘sartu ka qudhutayna’ waa halkaa.

Waxa ayaan darro ah in ninkii xisbigu ku aaminay jagadii ugu sarraysay xisbiga qurbajooggiisa uu yidhaahdo Xisbiga waxaa ku jira dad duminaya qarannimada Somaliland. Waxay Soomaalidu ku maahmaahda meel la salaaxo oo madax ka sarraysaa ma jirto . Bal isaga ayaa guddoomiye u ahaa ee yaa kale oo uu uga fadhiyay ina ay wax ka qabtaan kuwa uu leeyahay waa qaran dumis?
Midda kale, dadka reer Somaliland way ogyihiin ciddii dalka u soo halgantay iyo kaalinta ay kaga jiraan Kulmiye maanta. Kulmiye waxaa ku jira oo hiil iyo bhoba la ag taagan kuwii naftooda u huray Somaliland. Hadal nin cadhaysani yidhina waxba ma yeelayo.

Su’aasha ictiraafka ee uu leeyahay god walba waan u galay waxa aan ka leeyahay inta aniga iyo xubnaha kale ee Guddida kaga baxday Aar meelna kaga may bixin. Runtii waxaan odhanyaa, faanna ha nagu ahaatee, annaga ayaa ka badsannay dadaalkii ku baxay guushaa uu sheeganayo. Laakiinsee koox isku duuban ayaannu ahayn dhibaatada iyo dheefta ka timaadda dadaalkayaga waannu u siman nahay.

Waxa kale oo uu ka hadlay xisaabxumo xagga dhaqaalaha iyo lacagyow lagu shubtay jeeb. Waxaan taageerayaasha iyo dadweynaha ree Somaliland-ba u sheegaynaa ina aanay jirin lacag loo diray Xisbiga intii aannu annagu haynay xilka Guddida Kulmiye UK. Waxa kale oo aynnu ognahay in aan Xisbiga dukaammo u furnayn oo aanay jirin meel kale oo wax ka soo galaan. Markaa lacagta uu sheegayo ee uu leeyahay jeebab ayaa lagu shubtay xagguu ka keenay?

Ugu dambayn waxa uu Aar sheegay mudahaaradyo lagu dhigo madaxda qaranka marka ay dibadaha u marayaan hawlo qaran. Gaar ahaan in hadda lagu muadahaaridi doono Madaxweyne Ku Xigeenka oo hadda ku sugan dalkan United Kingdom.
Annagu sida aannu ka war qabno ma ogin cid abaabulaysa muddaharaadyo lagu dhigayo Madaxweyne Ku Xigeenka. Runtii sheekadaasu waxay u eg tahay mid ka timi xagga Soomaaliweynta.

Waxaan ku soo gunaanadayaa hadalka haddii Maxamed Aar mansab jacayl ka saaray Kulmiye dalkiisa iyo dadkiisana wuu ka saari ee ha la ogaado. Maxamed Aar miyuu iloobay ammaantii iyo ku faankii uu khudbadkasta marka uu furayo uu ku muraaqoon jiraay? Ma niyadbaa aanay markaas ka ahayn mise marka uu kursigii waayay ayuu cay iyo wuxuu doono ku hadlayaa?".


Axmed Yuusuf
Guddooimye ku Xigeen- Kulmiye (UK







Saaxiibkaa u dir

Saaxiibkaa u dir
Jul 08 Somalia's Al-Shabab vow to step up jihad against AU
Jul 01 Taariikh Nololeedkii Madaxweynaha La Doortay (The Elected President) Ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Jul 01 Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Khudbadiisii Ugu Horeeyey Jeediyey Isagoo aad iyo aad u faraxsan Una Hambalyey Shacabka Somaliland Intii U Codaysay IYo Kuwii Ka Codeeyey
Jul 01 War Deg Deg Ah:Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Loo Doortay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland
Jul 01 Hargeysa (GLN) waxaanu akhristayaashayada ugu baaqaynaa in minidada soo socda ay kala socdaan cidii ku guulaysatay doorashadii madaxtinimada sonaliland
 
Somaliland: A radical change?
The Roots of the Islamic Conflict in Somalia
The impoverished majority in most African countries are denied their constitutional rights.
Rejecting Taghut is a condition of Tawheed
The Islamic view of creativity
XIDHIIDHKA ETHIOPIA IYO SOMALILAND. By A.S.Botan.
Maxaa lagu hadoodilayaa caleema saarka ugaaska beesha CIISE
Waxa keliya ee aduunku maanta inoogu soo joogsanayaa waa Xukuumada Riyaale oo meesha ka tagta.
The Voting for Sharia in Somalia
Ma dhabaa Jaamacada Burco sida Diinkay u socotaa?
Mr.Riyaale, Show Me The Achievements of This Government, What Have You Done For a Power And Time
Maamulka hadda ka jira oo Berbera ka dhigay Meel Ka- Guureen ah / Sumcad Xumona u soo jiiday.. (Warbixin Magaalada Berbera)……
Maanso, Maqaal, iyo Qosol: Halyeeyada Birma-geeydo Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen, Abidjan , Ivory Coast
Maqaal Daba Socda Maxaa Is Ka Badalay Dhaqan Xumayenta Dhalaanka iyo Caarka
Madaxweyne Riyaale Socdaalkiisa iyo Duruufaha ku Gedaaman Gobalka Togdheer BY Mubaarig Axmed Xasan
Habmalyo iyo Bogaadin ku socota Ahmed Adan xaaji Omar (Axmed Sangoore)
DHIDAR XABAALO QODAY QUDHUN BUU UGA DHACAA!!!!!!
NIMANYAHAW NIN GOBAAN AHAY OY GUNNI RIFAYSAAYE:.
Dhulgariirka Siyaasadeed ee Riyaale iyo Udub la baraysteen Hargeysa, yay dani ugu jirtaa?
WAA NAXLI FOGAADEY IYO XANUUN DHOOF DALKA KU YIMI!!!!!!!!.
MADAXDA XISBIYADA WAA MADAXDA QARANKA EE MAXAA LOO RASAASEEYEY?
Xalka Somaliland halka uu ku jiro.
QOYSKEEDII AYEY WAX-TARIWEYDEYE MA KACAANKEY WAX TAREYSAA
Baaq taagero
The Innocent Palestinians: The Forgotten People.
Marwadu sir weyn bay bixisay:
Inner Dimensions of Hajj
Somaliland miyeyna laanta afka Somalilaga ee BBC shaqaalaheeda dalka ka sari Karin
Waa ta la yaabanyahay!!
Faa'iidada Bisha Barakeysan Ee Ramaadaan?
Kulmiye, a party of quality , standard, equal apportunities & accountability
UDUB's Political night-mares to start right from Riyale's Return home!!
Ina sulub maysagaa xaqa u siiyey Riyaale inuu Xaraashi karo Hantida ma Guurtada ee Qaranka?!!
Advice to Muslims in Ramadhan
Buur-Madoobayaal cusub miyaa, carruurtan kulmiye ka dhextoostey?!!
Hadal dhanaan oo Dambe lama dhegeysanayo ee Madaxweynaha & Guurtidu ha u sheegaan Ummadda mandateka ay haystaan ee Distooriga ah!
WARQAD KU SOCOTA SHIRKA BEELWAYNTA H/JECLO UGA SOCDA DEGMADA GAR ADAG...
"nabada khal khal ha gelin"
© Copyright 2005 - 2006 Golis News. All rights reserved.