Golis News
Home | Entertainment | Religion | Gallery | About Us | Contact us
Bogga cusub ee Hambalyadda ee guusha Kulmiye iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenka Cusub
Warqad Sagootin Ah oo Ahmedou Ould Abdallah u Soo Direy Soomaalida
TAARIIKHDA IYO WAXQABADKA SIILAANYO
Qudbadihii Musharaxiinta Maxaa Kaga Baxay?
Laxaadkii Udub Iyo Liica Jira
Faysal Cali waraabow hakadhigan gabaad Kitaabka quraanka adigoo aan ka soo bilaabin xisbigaaga.
Naqdi khudbadii Madaxweyne Rayaale ka jeediyey khayriyadda maalintii Khamiista ee 3da June 2010 ee ku saabsanayd olalaha doorashada ee xisbiga UDUB.
Faallo: Xidhiidhka Turkiga & Isreal oo jar kasii dhacaya
Somaliland peace and democracy is threatened by religious fundamentalist groups and Criminal networks of Pirates
Ku Shubasho Mise Ka Xoogid Waa Midkee Hadalka Wasiir Cawil
Gorfeynta Golisnews:Sadex 'Ka' Xisbigii Ay Isku Raacdo Ayaa Helay Doorashada Kaash+Khaadhadh+ Koomishan.
Munaasabad ballaadhan oo lagu xusaayey gudagalkii SNM ee 27 May 1988 oo lagu qabtay magaalada London:
Gorfeynta Golisnews:Kushabashada Doorashada Iyo Ka Hortaga Ku Shubashadu Waa Kar Saaran Koomishanka Iyo Kooxaha Tartamayaba. Yaanse Lagu Kadsamin
Madaxweyne Geele oo caddaystay colaadda uu hayo Somaliland, iyo xukuumadda Somaliland oo aan ka jawaabin hadaladii diblomaasiyadda ka fogaa ee kasoo yeedhay madaxweyne Geelle.
 
Qaybtii 2-aad: Xabsigii Bilaa Xukunka Ahaa, Xeerkii Deg Deg Ahaa iyo Xaakinadii Bilaa Maxkamadda Ahaa Sannadkii 1996-kii ilaa 1997-kii‎



Qaybtii 2-aad: Xabsigii Bilaa Xukunka Ahaa, Xeerkii Deg Deg Ahaa iyo Xaakinadii Bilaa Maxkamadda Ahaa Sannadkii 1996-kii ilaa 1997-kii‎

)












Waxaynu akhristayaal qormadii tani ka horaysay ku soo qaadanay dhacdadii koobaad ee iga soo martay xeerka xukunka deg dega ah sannadkii 1997-kii waxay qormadu inoo joogtay askartii na wadday oo na keentay Saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa halkii ayeynu ka sii ambaqaadayna.

 

Annagoo weli ku jirna gaadhigii yara ee Land Roverka ahaa ayaa mid ka mid ah askartii na wadday wuxuu nagu bilaabay dhirbaaxo laag, iyo qori dabadii, wakhtigaasi waanu katiinadaysanahay oo mid kasta oo lixdayada ka mid ah ka kale waxaa ugu xidhan katiinad gacanta, waxaanay lugaha nagaga xidheen suumankii ay naga fureen, waxay na istaajiyeen saf dheer waxaana hareeraha naga gallay ugu yaraan 20 askari oo ahaa ciidamadii Militeryga iyo kuwa Booliiska, gudaha Saldhiga dhexe ee Hargeysa ayaa nalagu hubsaday, marka gaydhka koobaad ee saldhiga la dhaafo waxaa barxadda hore loogu tagaa askari taagan oo bilaa dirays ah, wuxuu u muuqday nin aan laba caano maal ama ka badan indho isku keenin, timahiisa waxaa ka muuqatay kala daadsanaan, iyado timahu ay weliba ku baxeen, indhahiisu waxay ahaayeen casaan, wuxuu gacanta ku hayey xabbad sigaar ah, markii nala keenay ayuu si fudud oo bilaa dareen ah u yidhi askarigaasi "waarya magacaagga kii ku dhalay iyo tii ku dhashay isa soo raaciya" af soomaaliga qalafsan ee ka baxsan akhlaaqda suuban ee ka soo baxaya afka ninkaasi ayaa i fajac geliyey balse haddana naftayda ayaan su'aal weydiiyey ahayd bal duruufta ku wareegsan eeg meeshu dhex joogo, gidaaradda waxaa ka muuqday daranyo aad u balaadhan, goobta waxaa ka soo unkamaayey ur aad u foolxun oo aanan halkani ku qiyaasi karin.

 

Mid kasta oo lixdayadii ka mid ahaa ayaa si daran doori ah magacyadayadii uu nooga qaatay, waxyaabaha aanan iloobin waxaa ka mid ahaa wiil ka mid ah wiilashii ay na soo wada qabteen ayaa lugta midig ka jabna oo maalmahaasi ka soo kabtay jabniin, markii uu arkay in nala sii gelinaayo meel madaw oo gudaha jeelka dhexe ah ayuu si cod dheer u yidhi "adeer aniga wallaahi lugba u jaban ma xamilaayo halkaad igu wadaan" askarigii ayaa ku yidhi waar adigu kaalay oo ka soo hadh, waxaan is idhi naxariis badana, balse haddana qadar ka dib ayaan arkay iyadoo safka xagge danbe nalaga soo geliyey, qalbigayga oo ay murugo badani ka muuqatay ayaa is xasuusiyey Wakhtigii Xukunkii Hitler ee dagaalkii labaad ee dunida ayaa yuhuudi uu dagaalka ku qabtay ayaa islaan ka mid ah oo wadatay ilmo yar mid kalana xanbaarsana ku kalana dagta ku wadatay ayuu ka naxay balse wuxuu yidhi ha ku horayn wershadii yuhuudda googaynaysaye safka xagga danbe ka soo gal, waxaan is idhi askarigu ma casharadii Hitler ayuu si fiican u akhristay.

 

waxaa na soo hor gallay laba askari tiro kale oo aan ku qiyaasay 9-na waa ay na hor iyo daba galleen, waxaa nala keenay meel haddii indhaha gacanta laga geliyo aanad waxba arkaynin, mid ka mid ah askartii na hor socotay ayaa qol aanu hortaagnayn fure ula soo baxay waxaa qolka dhexdiisa ka dhex qaylyaaya dad aan is idhi hortaayo ayaa lagu sii xidhay, qaybo ka mid ah dadkaasi waxaa ay iila muuqdeen dad aan xiskoodu fayoobayn markaan u fiirsaday weedhaha ay ku hadlayeen ama ku gurxamayeen qadarkii yara ee aanu hortaagnayn qolkaasi, waxay gudaha noo soo geliyeen qolkaasi markaa aniga dareenkan qaatay wuxuu ahaa meesha waxaa ku jira waa dad aan xiskoodu fayoobayn waxaana ay idinla damacsanyahiin in khasare idin kal gaadho, waxay gudaha noo dhigeen qolkaasi waxaan xagga danbe ka sii maqlaayey albaabka oo si xoog ah loo xidhaayey, inyar markii aanu joognay ayaa qolooyinkii gudaha ku jiray ee naloo keenay waxay bilaabeen inay indhaha nagaga qabtaan Lighterska sigaarka lagu shito iyagoo marna shidaya marna bakhtinaya, intaasi waxay cayayeen diinta iyo malaa'igta wax ka nabadgelyeyna ma jirin waxay bilaabeen inay markaasi dagaal nagu bilaaban waanu is qabsanay waxaan maqli jiray maah maah soomaaliyeed oo tidhaahda " Jiirna waa ka naf bisadna waa ka cayaar" qadar markii aanu is haysanay oo aanu laba isku soo beeganay ayaan mid ka mid ah codkiisa aqoonsaday waxaan ku idhi waar miyaanad ina hebel ahayn haa ayuu yidhi markaasanu is garanay, meesha waxaa ka soo kakamaya ama ka soo uraya kaadi iyo saxarada bini'aadmiga oo qudhuntay gebi ahaanba qolka meel la istaagi karo malaha ama la fadhiisan karo waxaana sida durdurka u socda kaadi, maadama aan loo ogolayn dadku dibadda ula baxaan.

 

Habeenkii oo dhan waxaan ku qaadanay sara jooga, qolku wuxuu ahaa mugdi, saacado aanu wakhtiga ka eegano, wakhtigu wuxuu ahaa qabow aad u badan waa bishii ugu danbaysay sannadkii 1996-kii waxaana soo galaayey jiilaal, bal ka feker akhriste shakhsi aan garanaynin sababta loo soo xidhay, shakhsi aan weligii danbe gelin, oo aan xabsi loogu soo xidhin, maskaxdaydu waxay inbadan ku qaadatay tallow waa maxay waxani lagugu haysta, tallow ma cid kale ayaa lagugu khaldaya, afku waa juuq gabay, labadayda daan dhaxanta dhacaysa darteed ayey gariirayaan, labada gacmoodna waxaan dugsi uga dhigay laabta oo ah halka bina'dmiga dhaxantu ka soo gasho.

 

waxaan xasuustay tixdii gabayga ahayd ee

 

Nin habqamay hawaawiga saq dhexe oo hadraad tahaye
Higil baad ku nooshahay malaha hir iyo ceeryaane
Hoosiis dulliya baa indhaha kaa hadoodilaye
Dhegahaagu way ku hagradeen heedhe maqalkiiye
Ha na moodin lama haybsadaan sida halkiinaase
Dhankayaga dulmigu wuu ka hadhay heer kastuu yahaye
Hab caddaaliyaa fogba lagu dhaqaa hagar la'aaneede

 

Waxaan inbadan naftayda gooni ula faqaba waxaa dilaacay waagii, waxaana fallaadha cad ceeda waabari ka soo gashay godod waaweyn oo ay shimbiraha iyo cayayaan badani buux dhaafiyeen, waxaan indhaha la hellay halkaan habeenkaasi wakhtiga ku qaatay, nadaafad xumada, hiifta, urta ka soo kakamaysay iyo weliba aragti u xumida ayaa naftayda si weyn u diiqad gelisay, waxaan inbadan isweydiiyey tallow xorriyaddii somaliland qaadatay ma sidani ayey ku danbaysay, waayo weligay maankayga ma gelin bini'aadmi nool ayaa loo quudhi kara goobta caynkaasi ah in lagu maxbuuso.

 

Waxaanu goobtaasi ku jiray ilaa 10:00 subaxnimo waxaana goobta yimid ninka isagu saldhiga dhexe ee Caasimadda Hargeysa Taliyaha ka ahaan jiray oo hadda ah Hogaanka Hawlgalka ciidanka Booliiska Cabdilaahi Fadal, qadar yar ka dib ayaa qaar ka mid ah askarta xarunta booliisku waxay qolkii aanu ku xidhnayn la soo hor istaageen liis magacyadayadu ku qoranyahiin, waxaanay xaadiriyeen lixdayadii magac, dabadeed afar askartii ka mid ah ayaa na soo kaxeeyey waxaa nala keenay qol oxoga ka yar durugsan halkii aanu ku xidhnayn oo eka xafiis, waxaa dhex jooga nin madaw oo dhukuran xidhana dirayska cagaarka ah ee Booliiska oo aan is idhi lebiskiisu waa ka yar qurxoona kuwa askarta kale waxaa markiiba maankayga ku soo duxay inuu yahay nin gartayda aan u dhiiban karo, waxaa agtayda aan ka maqlaya weedh ay askartu ku ixtiramayso ninkani Taliye Cabdilaahi... Taliye Cabdilaahi....Taliye Cabdilaahi, aniga oo magaca meesha ka dayamaya ka faa'idaysanaya ayaan aniguna afka kala soo baxay weedh ahayd " Taliye Cabdilaahi Maxaa nalagu haysta adeer" dib ayuu isoo jaleecay indho aanay ka muuqanin naxariis wuxuuna si dhibyar iigu jawaabay "saw magaaladu idinkama  seexan waayin waa wallaahi ah inaad matagi doontaan wixii la idinku kibriyey" yaab iyo amakaag ayaan qaaday seexasho iyo hurdo tallow taliyaha ma war khaldanbaa loo sheegay, tallow ma adiga riyoonaya, tallow waxan aad arkaysa ma dhabba mise waa dhallanteed, waxaan ku celiyey " Taliye Cabdilaahi Ma Cadaalad ayaad noogu gar naqi mise sidaad jeceshahay bal gartayada dhegayso aniga maxaa la igu haysta" Mise Qosol ayaa jaanta ay isla wadheen Taliye Cabdilaahi Fadal iyo askartii Saldhigu waxaa xigay waa weedho ka soo baxay afka taliyaha oo ahaa "kaxeeya kaxeeya, waar iga kaxeeya caawa ayeynu shaqadooda dhamaynaynaaye". askartii ayaa dabadeed amarkii iyagoo si deg deg ah u qaadanaya waxay damceen inay nagu celiyaan goobtii, waxaan soo istaagay anigu Taliye Cabdilaahi i dishaya i daysaya anigu geli maayo kuna noqon maayo sababta oo ah maba garanayo waxaa la igu haysto, waxaa weli maskaxdayda ka guuxaya hurdo iyo laga seexan waayey, waa kelmadahii ka soo baxay afka Taliye Cabdilaahiye, ka dibna wuxuu Cabdilaahi Fadal si fudud u yeedhi waar haddii idin diidan halaloosiga u qabta.

 

Muddo markii muran naga dhex aloosna aniga iyo askartii ayaa markii danbe waxaa la igu qanciyey inaanu gudaha gallo, waxaana askartii ay noo soo kaxaysay gudaha iyadoo mid ka mid ah askartaasi uu bilaabay gacan ka hadal, maalintii oo dhan waxaanu ku dhamaysanay hiiftii, haraadkii iyo goobtii isha iyo araga u darayd, waxaa kaga darran cayayaanka sida tukhaanka iyo Injirta oo sida koronkorada qolkaasi susumaya, abaaro 9:00 habeenimo ee habeenkii xigay ayaanu ka war hellay shanqadh xad dhaaf ah oo ka baxaysa qolkaanu ku xidhnay waxaana si deg deg ah nalooga soo saaray qolkii waxaa dibadda taagan ilaa shan iyo toban askari iyo laba kale oo aan dirays xidhnayn, mid ka mid ah ayaa gacanta wuxuu ku watay kiishash aan is idhi waa nooca allaabaha lagu guro, waxaanu ku yidhi mid askartii ka mid ah " mid mid iigu keen kurkaynu u gelinaynaaye" dabadeed wuxuu bilaabay inuu kurka noo geliyo kiishashkaasi aniga oo is idhi waxaa la idinka qarinaya qiyaas ahaan goobta la idinku wado. waxaa dusha naloo soo saaray gaadhi qabaal ah oo dusha shabag kaga xidhanyahay gacmahana waxaa la iskugu kaayo xidhay katiinado.

 

Gaadhigaasi markuu socday masaafad aan ku qiyaasay 15 daqiiqadood ayaa nala joojiyey waxaan maqlaayey dhawaqa dejiya, maadama aanan arkaynin oo indhaha aanu ka saabnayn goobta nalagu dejinaayey balse waxaan qiyaasay inaanay goobtaasi ahayn meel ka baxsan caasimadda Hargeysa , waxaa hareeraha isku kaaya haya dhawr askari  waxaan agtayda ka maqlaya guux aad u xoog badan, markii qadar gudaha naloo waday ayaan ka war hellay kiishkii madaxa iigu jiray oo la iga furay waxaan arkay goob qashaafado ku xidhanyahiin waxaa goob aan naga durugsanayn gaardiska ciidamada ku bixinaayey kolonyo ciidamada booliiska ah, waxaa markiiba aan gartay inay meeshu tahay saldhig militery balse weli iima cadda goobta ay tahay.

 

Gudaha ayaa naloo soo dhaqaajiyey waxaana nala keenay hool weyn oo isku wareeg ah, qadar ayaa halkii nala fadhiisiyey goobta waxaa is dhaaf dhaafaya ciidamo xad dhaaf ah, balse wajiyada i dhaafaya qof ka mid ah weli ma aqoonsanin, qadar markii aan indhaha la raacay waxaa hortayada yaalla miis dheer oo nooca shirarka loogu tallo gallaya waxaa miiska ku wareegsan kuraas, cidhifka galbeed waxaa yaalla Sawir weyn oo ah M/weynahii hore somaliland ilaahay ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, inyar markii aanu goobta ku sugnayn ayaa waxaa soo gallay niman muuqaal ahaan ka qurux badan dadkii aan goobta ku arkaayey oo aan wajiyadooda ka dareemay masuuliyad waa shan nin balse anigu mid ka mid ah ma aqoonsanin, mid ka mid ah ayaa fadhiistay kursigii loogu tallo gallay inta kalana waa hareero fadhiisteen, annaguna meel sida kuraasida Masraxa oo kale ah ayaanu fadhina wuxuu kor u qaaday loox weyn oo ay ku xardhanayd " Xarunta Ciidanka Danbi Baadhista Qarranka" markiiba maankaygu wuxu i siiyey inay goobtu tahay xaruntii loo yaqaanay Tulbataariyadda oo hadda xarun u ah ciidanka Danbi Baadhista ama (C.I.D-da ).

 

La Soco Qaybta Xigta iyo Qormooyinkani....................


 

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Hargeisa, Somaliland

Mobile: 0025224481713


Saaxiibkaa u dir
Jul 08 Somalia's Al-Shabab vow to step up jihad against AU
Jul 01 Taariikh Nololeedkii Madaxweynaha La Doortay (The Elected President) Ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Jul 01 Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Khudbadiisii Ugu Horeeyey Jeediyey Isagoo aad iyo aad u faraxsan Una Hambalyey Shacabka Somaliland Intii U Codaysay IYo Kuwii Ka Codeeyey
Jul 01 War Deg Deg Ah:Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Loo Doortay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland
Jul 01 Hargeysa (GLN) waxaanu akhristayaashayada ugu baaqaynaa in minidada soo socda ay kala socdaan cidii ku guulaysatay doorashadii madaxtinimada sonaliland
 
Somaliland: A radical change?
The Roots of the Islamic Conflict in Somalia
The impoverished majority in most African countries are denied their constitutional rights.
Rejecting Taghut is a condition of Tawheed
The Islamic view of creativity
XIDHIIDHKA ETHIOPIA IYO SOMALILAND. By A.S.Botan.
Maxaa lagu hadoodilayaa caleema saarka ugaaska beesha CIISE
Waxa keliya ee aduunku maanta inoogu soo joogsanayaa waa Xukuumada Riyaale oo meesha ka tagta.
The Voting for Sharia in Somalia
Ma dhabaa Jaamacada Burco sida Diinkay u socotaa?
Mr.Riyaale, Show Me The Achievements of This Government, What Have You Done For a Power And Time
Maamulka hadda ka jira oo Berbera ka dhigay Meel Ka- Guureen ah / Sumcad Xumona u soo jiiday.. (Warbixin Magaalada Berbera)……
Maanso, Maqaal, iyo Qosol: Halyeeyada Birma-geeydo Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen, Abidjan , Ivory Coast
Maqaal Daba Socda Maxaa Is Ka Badalay Dhaqan Xumayenta Dhalaanka iyo Caarka
Madaxweyne Riyaale Socdaalkiisa iyo Duruufaha ku Gedaaman Gobalka Togdheer BY Mubaarig Axmed Xasan
Habmalyo iyo Bogaadin ku socota Ahmed Adan xaaji Omar (Axmed Sangoore)
DHIDAR XABAALO QODAY QUDHUN BUU UGA DHACAA!!!!!!
NIMANYAHAW NIN GOBAAN AHAY OY GUNNI RIFAYSAAYE:.
Dhulgariirka Siyaasadeed ee Riyaale iyo Udub la baraysteen Hargeysa, yay dani ugu jirtaa?
WAA NAXLI FOGAADEY IYO XANUUN DHOOF DALKA KU YIMI!!!!!!!!.
MADAXDA XISBIYADA WAA MADAXDA QARANKA EE MAXAA LOO RASAASEEYEY?
Xalka Somaliland halka uu ku jiro.
QOYSKEEDII AYEY WAX-TARIWEYDEYE MA KACAANKEY WAX TAREYSAA
Baaq taagero
The Innocent Palestinians: The Forgotten People.
Marwadu sir weyn bay bixisay:
Inner Dimensions of Hajj
Somaliland miyeyna laanta afka Somalilaga ee BBC shaqaalaheeda dalka ka sari Karin
Waa ta la yaabanyahay!!
Faa'iidada Bisha Barakeysan Ee Ramaadaan?
Kulmiye, a party of quality , standard, equal apportunities & accountability
UDUB's Political night-mares to start right from Riyale's Return home!!
Ina sulub maysagaa xaqa u siiyey Riyaale inuu Xaraashi karo Hantida ma Guurtada ee Qaranka?!!
Advice to Muslims in Ramadhan
Buur-Madoobayaal cusub miyaa, carruurtan kulmiye ka dhextoostey?!!
Hadal dhanaan oo Dambe lama dhegeysanayo ee Madaxweynaha & Guurtidu ha u sheegaan Ummadda mandateka ay haystaan ee Distooriga ah!
WARQAD KU SOCOTA SHIRKA BEELWAYNTA H/JECLO UGA SOCDA DEGMADA GAR ADAG...
"nabada khal khal ha gelin"
© Copyright 2005 - 2006 Golis News. All rights reserved.