Golis News
Home | Entertainment | Religion | Gallery | About Us | Contact us
Bogga cusub ee Hambalyadda ee guusha Kulmiye iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenka Cusub
Warqad Sagootin Ah oo Ahmedou Ould Abdallah u Soo Direy Soomaalida
TAARIIKHDA IYO WAXQABADKA SIILAANYO
Qudbadihii Musharaxiinta Maxaa Kaga Baxay?
Laxaadkii Udub Iyo Liica Jira
Faysal Cali waraabow hakadhigan gabaad Kitaabka quraanka adigoo aan ka soo bilaabin xisbigaaga.
Naqdi khudbadii Madaxweyne Rayaale ka jeediyey khayriyadda maalintii Khamiista ee 3da June 2010 ee ku saabsanayd olalaha doorashada ee xisbiga UDUB.
Faallo: Xidhiidhka Turkiga & Isreal oo jar kasii dhacaya
Somaliland peace and democracy is threatened by religious fundamentalist groups and Criminal networks of Pirates
Ku Shubasho Mise Ka Xoogid Waa Midkee Hadalka Wasiir Cawil
Gorfeynta Golisnews:Sadex 'Ka' Xisbigii Ay Isku Raacdo Ayaa Helay Doorashada Kaash+Khaadhadh+ Koomishan.
Munaasabad ballaadhan oo lagu xusaayey gudagalkii SNM ee 27 May 1988 oo lagu qabtay magaalada London:
Gorfeynta Golisnews:Kushabashada Doorashada Iyo Ka Hortaga Ku Shubashadu Waa Kar Saaran Koomishanka Iyo Kooxaha Tartamayaba. Yaanse Lagu Kadsamin
Madaxweyne Geele oo caddaystay colaadda uu hayo Somaliland, iyo xukuumadda Somaliland oo aan ka jawaabin hadaladii diblomaasiyadda ka fogaa ee kasoo yeedhay madaxweyne Geelle.
 
Xuskii 18 may iyo Magaala Berbera bye Weriye Cabdikariim Siciid Saalax

 



18-May-07 oo ah maalintii xornimada Somaliland ay kala soo noqotay dalkii somaliya oo ay mideysnaayeen mudo kow iyo lixdan sanadood ah kadib halgan qadhaadh ayey Somaliland xornimadeedii qaadatay mar labaad xiligaasi oo laga dhawaaqay Magaalada Burco (18.05.1991) oo haatan laga joogo lix iyo toban sano, ayaa maanta siweyn looga xusay Berbera sanad guuradii lix iyo tobnaad ee xornimada Somaliland.

Sikastaba ha ahaate manta ayey dadweynaha reer berbera u dabaal degeen si aad u qurux badan ooh ore loo soo bandhigin farxadaasi oo dadka reer Berbera u dheerayd murugo kale taasi oo ahayd Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Deegaanka Berbera oo geeriyooday shalay  Subaxnimadii abaaro 7:30 sida la sheegay Marxuum Maxamed Cumar Yasir (Bitiile)  habeen hore abaaro 10kii habeenimo ayuu koomo galay subaxnimadii manta waa uu geeriyooday iyadoo aad looga naxsanyahay oo khudbadkasta lagu xusayey ayaa xagana laga dabaaldagayey aduunku waa hadhkaas labadiisa galine.

Madashii saaka ayaa kulmisay madaxda Gobolka Saaxil sida Gudoomiyaha Gobolka Maxamed Cabdilaahi, Gudoomiyaha Deegaanka Berbera Siciid Daa'uud Cilmi, Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor Xoor, taliyayasha Ciidamada bada iyo qeybta saaxil, Ururada Bulshada, Culimada, iyo dadweynaha reer Berbera oo idil.

Saaka waxa madasha ka Hadlay culimada Magaalada qaarkood sida Macalin Muuse  oo aad ugu dheeraaday in diinta la xejiyo laguna daqmo isla markaana sheegay inay Somaliland tahay muqadas lama taabtaan ah, waxa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera Siciid Daa'uud Cilmi oo ku dheeraaday jiritaanka Somaliland inuu yahay mid lama taabtaan ah waxaana uu yidhi "Runtii maanta gobolkan aynu ku noolahay waa xasaasi waxyaabo badan baa kusoo kordhay halka la inooga soo bu'aayo waad arkaysaan in Xamar Cabdilaahi Yuusuf kasoo hanjabayo waxyaabo badan buu kusoo dhuumanaya cadowga Somaliland oo uu soo siyaasadeynayo, markaa waxaan leeyahay waar khilaafka dhexdeeno waxba maaha qoluun baa sax noqon doonta, isla markaa ayaanu khilaafku ama mucaaradadu noqonin mid wax dumayi oo wax ina yeelaa kaasi maaha khilaaf ee waa mu'aamarad"

Gudoomiye Siciid Waxa uu ku dheeraaday in la difaaco qaranimada Somaliland oo manta cadowyadii ugu badnaa iska leh isagoo arimahaasi bayaaminayana waxa uu yidhi “ Somaliland manta codowgeedu aad buu usoo tafa xeydanyahay markaa waxa la doonayaa inaynu inaguna u tafo xaydano difaaceeda ayaa la doonayaa oo la dhaafo waxa dhexdeena ah oo aan lagu fogaan khilaafka oo la noqdo sidii sided iyo sideedtan kii iyo 1991 kii xiliyadaasi oo aynu dalka usoo marnay dagaal qadhaadh iyo halgan dheer”

Duqa Degmada Berbera oo Siciid Daa'uud Cilmi oo ka hadlaya geerida ku timid gudoomiye kuxigeenkiisa marxuum Bitiile ayaa yidhi “waxa saaka geeriyooday alle ha unaxariistee bitiile oo ahaa gudoomiye kuxigeenka golaha deegaanka Berbera oo runtii ah geeri ina wada sugaysa balse aad aynu uga wada naxnay maadaama uu ka baxay reer Berbera iyo qoyskii & qaraabadiisaba oo aan u rajaynayo in illaahay ka siiyo samir iyo iimaan inaga iyo iyagaba”

Maayarku ugu danbeyntii waxa uu hambalyo u diray dhamaan shacbiga reer Somaliland kan reer Berbera waxaanu yidhi “waxaan  hambalyo iyo bogaadin la xidhiidha ciidan manta u diryaaa shacbiweynaha Somaliland guud ahaan gaar ahaan kan reer Berbera anigoo ku hadllaya magaca Golaha Deegaankla Berbera, shaqaalaha Dawlada Hoose dhamaan shacbiga Berbera waxaan leeyahay illaahay ciidan ciideeda ha inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo”

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Cabdilaahi Maxamed waxaana hadaladiisii kamid ahaa oo uu yidhi "marka hore waxaan aad uga xumahay geerida maayar kuxigeenka Berbera marxuum bitiile waanuna ka tacsiyadeynaynaa dhamaan reer Berbera iyo qaraabadiisiiba isagoo ahaa nin in badan inoo soo shaqeeyey haduu u ahaa nin ganacsade ah oo uu cashuurta bixin jiray iyo markii u danbaysay ee uu ahaa maayar kuxigeenka aad na waanu uga xunahay"

Waxa kale oo uu badhasaabku ka hadlay dhoofka xoolaha ayaa sheegay oo yidhi “baryahan danbe waxa jiray muran ka taagan dhoofka xoolaha oo niman baa is eryanaya waana niman baayacmushtari ah oo macaash doon ah niman nin waliba doonaya inuu caalamka isagu saaro garabka hadaba danteenu waxa weeyo danta dalku waa in dhaqdhaqaaq xoolaha ah la helo, waxaan soo maray xeryihii aad ka yaxyaxaysay ee raga iska hoos hurdeen oo aan qof joogin nin waliba xooluu doonay ama wuu raacay ama wuu soo iibinayaa markaa waa lakala dhaqaaqay oo dhaqdhaqaaqa noocaas ahi dalka oo dhan ayuu faa'iido u yahay inagana waa inoo faa'iido oo waa tii bahal busaaradi baryahan inagu habsatay iminka tii shaaha iibinaysay baa dhaqaaqday tii qaadka iibinaysay baa dhaqaaqday markaa inagu hadaynu reer Berberanahay waxay danteenu ku jirtaa inaynu soo dhaweyno dhaqdhaqaaqaas xoolaha ee aan soo dhaweyno nabad galyadana aan ilaashano”

Badhasaabka oo ka hadlaya sanadkan waxa uu kaga duwanyahay kuwii hore ayaa yidhi “sanadkan waxaad moodaa inuu ka duwanyahay kuwii hore oo Dawlada Hoose ayaa wax badan ka qabatay Wadooyinkii iyo laydhkiiba runtii Maayar Siciid aad buu u dadaalay waxaan odhan karaa waa ninkii mudada yar ee uu joogay ugu wax qabadka badnaa markaa cidii ka hortimaadana anagu shanta calaacalood baanu saaraynaaye sidaas ogaada”

Waxa kael oo uu ka hadlay badhasaabku warshada Laydhka waxaanu yidhi "waxay warshadii laydhku inoo furmi doontaa bisha lixaad ee june ama bilowgeeda ama dhamaadkeeda mid uunba laydhna waad heli doontaa waxaanan filiyaa inuu noqdo mid jaban oo kan ka jaban hadii xooluhu sidaas usii socdaana waxaynu helaynaa faraj oo nina nin eegi mayo”

Badhasaabku waxa kale oo uu ka hadlay arinta cisbitaalka Berbera waxaanu yidhi "meel baanu u tag weynay hadaanu nahay deegaanka, Gobolka,wasaarada Caafimaadka meeshaasna waad garanaysaan oo waa cisbitaalka runta marka aynu usoo noqono ugu yaraan waxaan dadaalayn dhakhaatiirtii yar yarayd ee joogay meesha todoba shil baa ka dhacay wadooyinka mararka qaarkood baa la waayaa wax dhiig joojin baa laga waayaa oo aqbali mayno dhakhtarkii ma joogo marka qof dhaawaca la keeno markaa ma yeelayno in dhakhtarku iska maqnaado waananu joogtaynayna kormeerka dhakhtarka”

Ugudanbeyntii waxa uu u baaqay bulshada reer Berbera iyo tijaarta waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay dadweynaha reer Berbera dhakhtarku in la isugu tago ayuu u baahanyahay, waxaan leeyahay tujaartana waydinka caawinaya dhakhtarada boosaaso iyo kuwa kaleba ee waxa la yidhi ahlu bayt axaq ee kan ayaa idiinka baahan caawimo oo haluu furo sanduuq wax loogu uruuriyo”

Xafladan ahayd xuska ayaa waxa kale oo hadalo kala duwan oo ay ku muujinayaa shucuurtooda ka jeediyey halkaasi gudoomiyayaasha Urarada bulshada ee DANGARAD, HALGAN, MURUQ & MASKAX, SANDAY, ILWAAD, iyo qaar kale oo badan kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Caasha Hinda oo aad ugu dheeraatay xornimadii Somaliland iyo Faadumo Cali oo sheegtay in loo baahanayahay in la ilaaliyo jiritaanka Somaliland, ururadaasi dhamaan waxay soo bandhigeen astaano ay ku muujinayaan qaranaimada iyo jiritaanka Somaliland siday muqadaska u tahay  dhinaca kale Dawlada Hoose ama Golaha Deegaanka Berbera oo maayarku horkacayo ayaa soo sameeyey garamaan ay ku xardhanyihiin Somaliland waa muqadas sidoo kalena uu ku sawiranyahay calanka Somaliland .





Saaxiibkaa u dir
Jul 08 Somalia's Al-Shabab vow to step up jihad against AU
Jul 01 Taariikh Nololeedkii Madaxweynaha La Doortay (The Elected President) Ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Jul 01 Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Khudbadiisii Ugu Horeeyey Jeediyey Isagoo aad iyo aad u faraxsan Una Hambalyey Shacabka Somaliland Intii U Codaysay IYo Kuwii Ka Codeeyey
Jul 01 War Deg Deg Ah:Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Loo Doortay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland
Jul 01 Hargeysa (GLN) waxaanu akhristayaashayada ugu baaqaynaa in minidada soo socda ay kala socdaan cidii ku guulaysatay doorashadii madaxtinimada sonaliland
 
Somaliland: A radical change?
The Roots of the Islamic Conflict in Somalia
The impoverished majority in most African countries are denied their constitutional rights.
Rejecting Taghut is a condition of Tawheed
The Islamic view of creativity
XIDHIIDHKA ETHIOPIA IYO SOMALILAND. By A.S.Botan.
Maxaa lagu hadoodilayaa caleema saarka ugaaska beesha CIISE
Waxa keliya ee aduunku maanta inoogu soo joogsanayaa waa Xukuumada Riyaale oo meesha ka tagta.
The Voting for Sharia in Somalia
Ma dhabaa Jaamacada Burco sida Diinkay u socotaa?
Mr.Riyaale, Show Me The Achievements of This Government, What Have You Done For a Power And Time
Maamulka hadda ka jira oo Berbera ka dhigay Meel Ka- Guureen ah / Sumcad Xumona u soo jiiday.. (Warbixin Magaalada Berbera)……
Maanso, Maqaal, iyo Qosol: Halyeeyada Birma-geeydo Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen, Abidjan , Ivory Coast
Maqaal Daba Socda Maxaa Is Ka Badalay Dhaqan Xumayenta Dhalaanka iyo Caarka
Madaxweyne Riyaale Socdaalkiisa iyo Duruufaha ku Gedaaman Gobalka Togdheer BY Mubaarig Axmed Xasan
Habmalyo iyo Bogaadin ku socota Ahmed Adan xaaji Omar (Axmed Sangoore)
DHIDAR XABAALO QODAY QUDHUN BUU UGA DHACAA!!!!!!
NIMANYAHAW NIN GOBAAN AHAY OY GUNNI RIFAYSAAYE:.
Dhulgariirka Siyaasadeed ee Riyaale iyo Udub la baraysteen Hargeysa, yay dani ugu jirtaa?
WAA NAXLI FOGAADEY IYO XANUUN DHOOF DALKA KU YIMI!!!!!!!!.
MADAXDA XISBIYADA WAA MADAXDA QARANKA EE MAXAA LOO RASAASEEYEY?
Xalka Somaliland halka uu ku jiro.
QOYSKEEDII AYEY WAX-TARIWEYDEYE MA KACAANKEY WAX TAREYSAA
Baaq taagero
The Innocent Palestinians: The Forgotten People.
Marwadu sir weyn bay bixisay:
Inner Dimensions of Hajj
Somaliland miyeyna laanta afka Somalilaga ee BBC shaqaalaheeda dalka ka sari Karin
Waa ta la yaabanyahay!!
Faa'iidada Bisha Barakeysan Ee Ramaadaan?
Kulmiye, a party of quality , standard, equal apportunities & accountability
UDUB's Political night-mares to start right from Riyale's Return home!!
Ina sulub maysagaa xaqa u siiyey Riyaale inuu Xaraashi karo Hantida ma Guurtada ee Qaranka?!!
Advice to Muslims in Ramadhan
Buur-Madoobayaal cusub miyaa, carruurtan kulmiye ka dhextoostey?!!
Hadal dhanaan oo Dambe lama dhegeysanayo ee Madaxweynaha & Guurtidu ha u sheegaan Ummadda mandateka ay haystaan ee Distooriga ah!
WARQAD KU SOCOTA SHIRKA BEELWAYNTA H/JECLO UGA SOCDA DEGMADA GAR ADAG...
"nabada khal khal ha gelin"
© Copyright 2005 - 2006 Golis News. All rights reserved.