“Waxa cad in Madaxweyne Rayaale Cagta saaray wadadii keli-talisnimo iyo cabudhinta shacabka”. Xisbiga KULMIYE.
Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo loogu talogalay xuska munaasibada 18-ka May oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Saxansaxo, wuxuu u dhignaa sidan:-
“Munaasibadda ciidda sannad guuradda 16aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Xoriyadda Somaliland darteed, aniga oo ku hadlaaya magacayga, iyo kan guud ahaan Xisbiga Kulmiye, Guddi fulin , Gole Dhexe, iyo xubnaba, Gudo iyo dibedba, Taageerayaasha iyo Xubnaha Xisbiga , waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan Shacbiga Weynaha reer Somaliland , meel kasta oo ay joogaanba, waxaanan sanadka sanadkiisa u rajaynayaa inay ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.
Intaas ka dib, Waxaa kaloo aan idiinku hambalyeynayaa inaynu nahay maanta Qaran haykalkiisu u dhan , haysta nabadgelyo buuxda oo aanay dalal badan oo adduunka ahi haysan, oo sameeyey horumar laxaad leh iyadoo aanay jirin cid ka caawisay.
Sidaasi darteed, waxaan munaasibaddan darteed mar labaad hambalyo u dirayaa shaqaalaha , Ciidamada Qalabka sida , Ganacsatada, haweenka , dhallinyarada iyo Qurbo-joogga reer Somaliland ee goor iyo ayaan ku hawlahan sidii ay dalkoodan u horumarin lahaayeen.
Waxaan doonayaa in aan wax yar idiinka iftiimiyo xaaladda dalku halka ay maanta marayso, waxa marag ma doonta ah in Somaliland uu masiirkeedii maanta maraayo meel aan la saadaalin Karin mustaqbalkeeda inkastoo aynu dedaalnay oo wax badan qabsanay, hadana waxaa laga baqayaa inaynu mar kale dib ugu noqoto godkii dheeraa ee lagaga soo saaray dhiiga malaayiin u god galay, qaar u naafoobay iyo hanti faro badan oo u bur-burtay.
Somaliland waxay ku dhisnayd, kuna soo caano maashay wada-tashi iyo is-garabsi ay mar walba kaga gudubto marxalada la soo gudboonaata, kuwaas oo aynu ka xasuusan karno shirarkii faraha badnaa ee min halgankii ilaa iyo dib-ula- soo noqoshadii Somaliland .
Maanta oo ay inagu gedaaman yihiin duruufo badan oo gudo iyo dibedba leh, waxay ahayd in aynu isku duubni ka xoog badan kuwii hore kaga gudubno, balse ma muuqato, waxa aad u xoog badan kala fur-furnaanta Hay’adaha Dawliga ah, khilaafyada sharci iyo habacsanaanta guud.
Nidaamka iyo habkeena Dawladnimo ee aynu qaadanay ama aynu ku dhaqmayno, Madaxweynaha ayaa ah hogaamiyaha Xukuumada, markay tahay xaga fulinta, marna waa hogaamiyaha guud ee Qaranka, oo miisaankeedu yahay isku xidhaha iyo isku duba-ridaha yoolka la hiigsanayo, isaga oo daadihinaaya garabyadiisa garsoorka iyo xeer-dejinta, oo la isku yidhaahdo Dawlada, balse u kala madax banaan waajibaadka, isaga oo garab wadaaya tan qaranimo ee ay la wadaagaan Axsaabta Qaranku, balse ma muuqato daadihintaasi.
Sanadkan 2007-ka waxaynu la kawsanay Siyaasad hor leh oo aynaan hore u soo arag, oo Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadiisu ay la soo baxeen iyo ajandayaal uu ka leeyahay Madaxweyne Rayaale Siyaasada waaga cusub ee Somaliland, waxaana ka mid ah:
1. Madaxweyne Rayaale wuxuu is-hortaagay meel marinta go’aanada iyo tilmaamnaha dastuuriga ah ee ka soo baxa Golaha Wakiilada, waxaanu noqday caqabada koowaad ee kariirada ku noqotay hanaankii wada-shaqayneed ee Goleyaasha Qaranka. Laga soo bilaabo tan iyo maalintii la doortay Shir-guddoonka Golaha Wakiilada,. Madaxweyne Rayaale marna ma muujin dabac wada-shaqayneed, isla markaana ma aqbalin oo ma sexeexin, amaba kuma dhaqmin xeer, Qaraar I.W.M, ee ka soo baxay Golaha Wakiilada noocay doonaanba ha ahaadaane, waxaana uu nidar ku galay in aanu wax wada-shaqayn ah la yeelan Golaha Wakiilada, ilaa ay maanta xaaladiisu marayso qoraalba iima soo qori karaan Golaha Wakiilada, kuna amray xoghayihiisa gaarka ah in aanu Golaha Wakiilada wax waraaqo ah ka qaban.
2. Madaxweyne Rayaale, wuxuu si badheedh ah albaabka uga saaray, xaruntoodiina ula wareegay komishinkii Doorashooyinka oo ay ahayd in komishan kale oo la isku raacsan yahay xilka kala wareego.
3. Madaxweyne Rayaale, waxa uu mar kale si macno darro ah u maamulay arrimihii ka taagnaa Sanaag Bari, khaasatan dagaaladii niyad jabka ku riday Bulshada reer Somaliland ee ka dhacay deegaanka Dhahar, iyada oo aan cidina ka awood badnaan ciidankeena.
4. Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadiisu, xayiraadii Xoolaha markii ilaahay inaga qaaday, waxay hadana gacanta u geliyeen Ganacsade reer Sucuudi Carabiya ah, oo kooto (Monopoly) ku qaadanaya qiimo hoose, oo sida wararku sheegayaan ay gacan dhiibayaal ka yihiin Wasiiro Xukuumada ka tirsan iyo rag ganacsadayaal ah, arintaas oo sida dastuurkeenu qoraayo ka soo horjeeda (Ganacsigu waa xor). Heshiis baal-marsan Dastuurka waxa waajibku ahaa in loo gudbiyo golaha Wakiilada, haddii kale waa waxba kama jiraan.
5. waxa lala dhako faarsan yahay socdaalada qarsoodiga ah ee lama filaanka ah, ee Madaxweynuhu ugu kicitimay dhinaca Ethiopia ee la leeyahay waxa uu la kulmay C/laahi Yuusuf iyo dhawaaqyada uu Madaxweynuhu khudbadihiisa ku sheegayo, keligiina ku go’aaminaayo masiirka Ummadda reer Somaliland ee uu leeyahay waanu la hadlaynaa C/laahi Yuusuf, iyada oo wax badan oo siyaasada Xukuumadeena ahi ay mugdi ku jiraan.
6. waxa kale oo wax lala yaabo ah, in Madaxweyne Rayaale naqdiga miisaaniyada 2007-da iyo dib-ugu celinta Golaha Wakiilada uu u adeegsaday Sharciga nidaamka Xisaabaadka Qaranka (Regulation for the Account of the State) Lr. 87/96 iyo Sharciga xisaabaad maaliyadeedka Qaranka Lr. 90/96 (Financial and Accounting procedure of the state) ee ku soo baxay xeer Madaxweyne Lr. Reff: JSL/XeerM/249 ee 15/05/1996 ee uu saxeexay Madaxweyne Marxuun Mohamed X. Ibraahin Cigaal, ahaydna xiligii lagu dhaqmaayey Axdi Qarameedka (National charter), iyada oo laga guuray Axdi Qarameedkii, loona guuray ku dhaqanka Dastuurka, awoodna uu Golaha uu siinayo qodobka 55aad ee Dasuurka Qaranka, kaasoo uu gebi ahaantiiba Madaxweynuhu dafiray.
7. Madaxweyne Rayaale wuxuu ku gacansaydhay soo jeedintii Golaha Guurtida ee ahayd in miiska wada hadalka la isugu yimaado, si loo saxo khilaafyada siyaasadeed iyo sharciyeed ee soo kala dhex galay hay’adha Siyaasadeen ee hogaaminta Qaranka, sida Xukuumada, Goleyaasha iyo Axsaabta Qaranku, taasoo ay aqbaleen dhamaan intii kale, Madaxweynaha mooyaane.
8. Madaxweyne xigeenka ayaa laba jeer soo jeediyey in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka Siyaasadeed, intaba waxa ku gacan saydhay Madaxweynaha (jawaabtiisuna waxay noqotay ha karaamo seegina habaar la igu kari waa, iyo anigaa la igmaday).
9. Cabudhinta saxaafadda xorta iyo xadhigii Haatuf ayaa iyaguna ahaa wax yaalaha uu Madaxweyne Rayaale ku kacay ee Dastuurka dhaawaca ku ah, iyo isagoo waliba inta uu saxaafadda u yeedhay yidhi, waan hadlayaa , Su’aalna layma weydiin karo, taasoo tilmaamaysa jidkii kelitalisnimada.
10. Waxa iska cad in Madaxweyne Rayaale Cagta saaray wadadii keli-talisnimo iyo cabudhinta shacabka. Waxa taa daliil cad u ah xawliga ay Guddiyada nabad-galyo u xidhxidhayaan muwaadiniinta aan wax dembiya lahayn, iyada oo uu waxba kama jiraan ka dhigay xuquuqdii Dastuuriga ahaa ee shacabka, ee ay waajibka ku ahayd Rayaale ilaalinta iyo difaaca xuquuqda muwaadiniinta, waxaanuna canbaaraynaynaa xadhigii lagula kacay madaxii hay’adda Xuquuqal Insaanka ee Shuuro net, iyo Saxaafaddii u doodaayey dadka dulma ee ay xidhxdiheen guddiyada Nabadgelyadu.
Gebogabo:
Annagu waxaanu mar walba ku talinaa in mushaakilaadka iyo khilaafyada jira lagu xalilo wada tashi iyo wada xaajood, taasi ayaanu ku taaganahay mar walba, oo horena loogu soo caano maalay.
Waxaan mar kale hambalyo leeyahay dhammaan dadweynaha reer Soimaliland , inay sanadka sanadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo”.
Khadar H. Hussein
Golisnews.
Hargeysa JSL.
|