Golis News
Home | Entertainment | Religion | Gallery | About Us | Contact us
Bogga cusub ee Hambalyadda ee guusha Kulmiye iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenka Cusub
Warqad Sagootin Ah oo Ahmedou Ould Abdallah u Soo Direy Soomaalida
TAARIIKHDA IYO WAXQABADKA SIILAANYO
Qudbadihii Musharaxiinta Maxaa Kaga Baxay?
Laxaadkii Udub Iyo Liica Jira
Faysal Cali waraabow hakadhigan gabaad Kitaabka quraanka adigoo aan ka soo bilaabin xisbigaaga.
Naqdi khudbadii Madaxweyne Rayaale ka jeediyey khayriyadda maalintii Khamiista ee 3da June 2010 ee ku saabsanayd olalaha doorashada ee xisbiga UDUB.
Faallo: Xidhiidhka Turkiga & Isreal oo jar kasii dhacaya
Somaliland peace and democracy is threatened by religious fundamentalist groups and Criminal networks of Pirates
Ku Shubasho Mise Ka Xoogid Waa Midkee Hadalka Wasiir Cawil
Gorfeynta Golisnews:Sadex 'Ka' Xisbigii Ay Isku Raacdo Ayaa Helay Doorashada Kaash+Khaadhadh+ Koomishan.
Munaasabad ballaadhan oo lagu xusaayey gudagalkii SNM ee 27 May 1988 oo lagu qabtay magaalada London:
Gorfeynta Golisnews:Kushabashada Doorashada Iyo Ka Hortaga Ku Shubashadu Waa Kar Saaran Koomishanka Iyo Kooxaha Tartamayaba. Yaanse Lagu Kadsamin
Madaxweyne Geele oo caddaystay colaadda uu hayo Somaliland, iyo xukuumadda Somaliland oo aan ka jawaabin hadaladii diblomaasiyadda ka fogaa ee kasoo yeedhay madaxweyne Geelle.
 
“Waxa cad in Madaxweyne Rayaale Cagta saaray wadadii keli-talisnimo iyo cabudhinta shacabka”. Xisbiga KULMIYE.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo loogu talogalay xuska munaasibada 18-ka May oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Saxansaxo, wuxuu u dhignaa sidan:-


 


“Munaasibadda ciidda sannad guuradda 16aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Xoriyadda Somaliland darteed, aniga oo ku hadlaaya magacayga, iyo kan guud ahaan Xisbiga Kulmiye, Guddi fulin , Gole Dhexe, iyo xubnaba, Gudo iyo dibedba, Taageerayaasha iyo Xubnaha Xisbiga ,  waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan Shacbiga Weynaha reer Somaliland , meel kasta oo ay joogaanba, waxaanan sanadka sanadkiisa u rajaynayaa inay ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.


      


Intaas ka dib,  Waxaa kaloo aan idiinku hambalyeynayaa  inaynu nahay maanta  Qaran  haykalkiisu  u dhan , haysta nabadgelyo buuxda oo aanay dalal badan oo adduunka ahi haysan, oo sameeyey horumar laxaad leh iyadoo aanay jirin cid ka caawisay.


 


Sidaasi darteed, waxaan munaasibaddan darteed mar labaad hambalyo u dirayaa shaqaalaha , Ciidamada Qalabka sida , Ganacsatada, haweenka , dhallinyarada  iyo Qurbo-joogga  reer Somaliland ee goor iyo ayaan ku hawlahan sidii  ay dalkoodan u horumarin lahaayeen.


 


Waxaan doonayaa in aan wax yar idiinka iftiimiyo xaaladda dalku halka ay maanta marayso, waxa marag ma doonta ah in Somaliland uu masiirkeedii maanta maraayo meel aan la saadaalin Karin mustaqbalkeeda inkastoo aynu dedaalnay oo wax badan qabsanay, hadana waxaa laga baqayaa inaynu  mar kale dib ugu noqoto godkii dheeraa ee lagaga soo saaray dhiiga malaayiin u god galay, qaar u naafoobay iyo hanti faro badan oo u bur-burtay.


 


Somaliland waxay ku dhisnayd, kuna soo caano maashay wada-tashi iyo is-garabsi ay mar walba kaga gudubto marxalada la soo gudboonaata, kuwaas oo aynu ka xasuusan karno shirarkii faraha badnaa ee min halgankii ilaa iyo dib-ula- soo noqoshadii Somaliland .


 


Maanta oo ay inagu gedaaman yihiin duruufo badan oo gudo iyo dibedba leh, waxay ahayd  in aynu isku duubni ka xoog badan kuwii hore kaga gudubno, balse ma muuqato, waxa aad u xoog badan kala fur-furnaanta Hay’adaha Dawliga ah, khilaafyada sharci iyo habacsanaanta guud.


 


Nidaamka iyo habkeena Dawladnimo ee aynu qaadanay ama aynu ku dhaqmayno, Madaxweynaha ayaa ah hogaamiyaha Xukuumada, markay tahay xaga fulinta, marna waa hogaamiyaha guud ee Qaranka, oo miisaankeedu yahay isku xidhaha iyo isku duba-ridaha yoolka la hiigsanayo, isaga oo daadihinaaya garabyadiisa garsoorka iyo xeer-dejinta, oo la isku yidhaahdo Dawlada, balse u kala madax banaan waajibaadka, isaga oo garab wadaaya tan qaranimo ee ay la wadaagaan Axsaabta Qaranku, balse ma muuqato daadihintaasi.


 


Sanadkan 2007-ka waxaynu la kawsanay Siyaasad hor leh oo aynaan hore u soo arag, oo Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadiisu ay la soo baxeen iyo ajandayaal uu ka leeyahay Madaxweyne Rayaale Siyaasada waaga cusub ee Somaliland, waxaana ka mid ah:


 


1.   Madaxweyne Rayaale wuxuu is-hortaagay meel marinta go’aanada iyo tilmaamnaha dastuuriga ah ee ka soo baxa  Golaha Wakiilada, waxaanu noqday caqabada koowaad ee kariirada ku noqotay hanaankii wada-shaqayneed ee Goleyaasha Qaranka. Laga soo bilaabo tan iyo maalintii la doortay Shir-guddoonka Golaha Wakiilada,. Madaxweyne Rayaale marna ma muujin dabac wada-shaqayneed, isla markaana ma aqbalin oo ma sexeexin, amaba kuma dhaqmin xeer, Qaraar I.W.M, ee ka soo baxay Golaha Wakiilada noocay doonaanba ha ahaadaane, waxaana uu nidar ku galay in aanu wax wada-shaqayn ah la yeelan Golaha Wakiilada, ilaa ay maanta xaaladiisu marayso qoraalba iima soo qori karaan Golaha Wakiilada, kuna amray xoghayihiisa gaarka ah in aanu Golaha Wakiilada wax waraaqo ah ka qaban.    


 


2.   Madaxweyne Rayaale, wuxuu si badheedh ah albaabka uga saaray, xaruntoodiina ula wareegay  komishinkii Doorashooyinka oo ay ahayd in komishan kale oo la isku raacsan yahay xilka kala wareego.


 


3.   Madaxweyne Rayaale, waxa uu mar kale si macno darro ah u maamulay arrimihii ka taagnaa  Sanaag Bari, khaasatan dagaaladii niyad jabka ku riday Bulshada reer Somaliland ee ka dhacay deegaanka Dhahar, iyada oo aan cidina ka awood badnaan ciidankeena.


 


4.   Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadiisu, xayiraadii Xoolaha markii ilaahay inaga qaaday, waxay hadana gacanta u geliyeen Ganacsade reer Sucuudi Carabiya ah, oo kooto (Monopoly) ku qaadanaya qiimo hoose, oo sida wararku sheegayaan ay gacan dhiibayaal ka yihiin Wasiiro Xukuumada ka tirsan iyo rag ganacsadayaal ah, arintaas oo sida dastuurkeenu qoraayo ka soo horjeeda (Ganacsigu waa xor). Heshiis baal-marsan Dastuurka waxa waajibku  ahaa in loo gudbiyo golaha Wakiilada, haddii kale waa waxba kama jiraan.


 


5.   waxa lala dhako faarsan yahay socdaalada qarsoodiga ah ee lama filaanka ah, ee Madaxweynuhu ugu kicitimay dhinaca Ethiopia ee la leeyahay  waxa uu la kulmay C/laahi Yuusuf iyo dhawaaqyada uu Madaxweynuhu khudbadihiisa ku sheegayo, keligiina ku go’aaminaayo masiirka Ummadda reer Somaliland ee uu leeyahay waanu la hadlaynaa C/laahi Yuusuf, iyada oo wax badan oo siyaasada Xukuumadeena ahi ay mugdi ku jiraan.


 


 


6.   waxa kale oo wax lala yaabo ah, in  Madaxweyne Rayaale naqdiga miisaaniyada 2007-da iyo dib-ugu celinta Golaha Wakiilada uu u adeegsaday Sharciga nidaamka Xisaabaadka Qaranka (Regulation for the Account of the State)  Lr. 87/96 iyo Sharciga xisaabaad maaliyadeedka Qaranka Lr. 90/96 (Financial and Accounting procedure of the state)  ee ku soo baxay xeer Madaxweyne Lr. Reff: JSL/XeerM/249 ee 15/05/1996 ee uu saxeexay Madaxweyne Marxuun Mohamed X. Ibraahin Cigaal, ahaydna xiligii lagu dhaqmaayey Axdi Qarameedka (National charter), iyada oo laga guuray Axdi Qarameedkii, loona guuray ku dhaqanka Dastuurka, awoodna uu Golaha uu siinayo qodobka 55aad ee Dasuurka Qaranka, kaasoo uu gebi ahaantiiba Madaxweynuhu dafiray.


 


7.   Madaxweyne Rayaale wuxuu ku gacansaydhay soo jeedintii Golaha Guurtida ee ahayd in miiska wada hadalka la isugu yimaado, si loo saxo khilaafyada siyaasadeed iyo sharciyeed ee soo kala dhex galay hay’adha Siyaasadeen ee hogaaminta Qaranka, sida Xukuumada, Goleyaasha iyo Axsaabta Qaranku,   taasoo ay aqbaleen dhamaan intii kale, Madaxweynaha mooyaane.


 


8.    Madaxweyne xigeenka ayaa laba jeer soo jeediyey in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka Siyaasadeed, intaba waxa ku gacan saydhay Madaxweynaha (jawaabtiisuna waxay noqotay ha karaamo seegina habaar la igu kari waa, iyo anigaa la igmaday). 


 


9.    Cabudhinta saxaafadda xorta iyo xadhigii Haatuf ayaa iyaguna ahaa wax yaalaha uu Madaxweyne Rayaale ku kacay ee Dastuurka  dhaawaca ku ah, iyo isagoo waliba inta uu saxaafadda u yeedhay yidhi, waan hadlayaa , Su’aalna layma weydiin karo, taasoo tilmaamaysa jidkii kelitalisnimada.   


 


10.                     Waxa iska cad in Madaxweyne Rayaale Cagta saaray wadadii keli-talisnimo iyo cabudhinta shacabka. Waxa  taa daliil cad u ah xawliga ay Guddiyada nabad-galyo u xidhxidhayaan muwaadiniinta aan wax dembiya lahayn, iyada oo uu waxba kama jiraan ka dhigay xuquuqdii Dastuuriga ahaa ee shacabka, ee ay waajibka ku ahayd Rayaale ilaalinta iyo difaaca xuquuqda muwaadiniinta, waxaanuna canbaaraynaynaa xadhigii lagula kacay   madaxii  hay’adda Xuquuqal Insaanka ee Shuuro net, iyo Saxaafaddii u doodaayey dadka dulma ee ay xidhxdiheen guddiyada  Nabadgelyadu.


   


Gebogabo:


 


Annagu waxaanu mar walba ku talinaa in mushaakilaadka iyo khilaafyada jira lagu xalilo wada tashi iyo wada xaajood, taasi ayaanu ku taaganahay mar walba, oo horena loogu soo caano maalay.


 


Waxaan mar kale hambalyo leeyahay dhammaan dadweynaha reer Soimaliland , inay sanadka sanadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo”.


 


Khadar H. Hussein


Golisnews.


Hargeysa JSL.

Saaxiibkaa u dir
Jul 08 Somalia's Al-Shabab vow to step up jihad against AU
Jul 01 Taariikh Nololeedkii Madaxweynaha La Doortay (The Elected President) Ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Jul 01 Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Khudbadiisii Ugu Horeeyey Jeediyey Isagoo aad iyo aad u faraxsan Una Hambalyey Shacabka Somaliland Intii U Codaysay IYo Kuwii Ka Codeeyey
Jul 01 War Deg Deg Ah:Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Loo Doortay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland
Jul 01 Hargeysa (GLN) waxaanu akhristayaashayada ugu baaqaynaa in minidada soo socda ay kala socdaan cidii ku guulaysatay doorashadii madaxtinimada sonaliland
 
Somaliland: A radical change?
The Roots of the Islamic Conflict in Somalia
The impoverished majority in most African countries are denied their constitutional rights.
Rejecting Taghut is a condition of Tawheed
The Islamic view of creativity
XIDHIIDHKA ETHIOPIA IYO SOMALILAND. By A.S.Botan.
Maxaa lagu hadoodilayaa caleema saarka ugaaska beesha CIISE
Waxa keliya ee aduunku maanta inoogu soo joogsanayaa waa Xukuumada Riyaale oo meesha ka tagta.
The Voting for Sharia in Somalia
Ma dhabaa Jaamacada Burco sida Diinkay u socotaa?
Mr.Riyaale, Show Me The Achievements of This Government, What Have You Done For a Power And Time
Maamulka hadda ka jira oo Berbera ka dhigay Meel Ka- Guureen ah / Sumcad Xumona u soo jiiday.. (Warbixin Magaalada Berbera)……
Maanso, Maqaal, iyo Qosol: Halyeeyada Birma-geeydo Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen, Abidjan , Ivory Coast
Maqaal Daba Socda Maxaa Is Ka Badalay Dhaqan Xumayenta Dhalaanka iyo Caarka
Madaxweyne Riyaale Socdaalkiisa iyo Duruufaha ku Gedaaman Gobalka Togdheer BY Mubaarig Axmed Xasan
Habmalyo iyo Bogaadin ku socota Ahmed Adan xaaji Omar (Axmed Sangoore)
DHIDAR XABAALO QODAY QUDHUN BUU UGA DHACAA!!!!!!
NIMANYAHAW NIN GOBAAN AHAY OY GUNNI RIFAYSAAYE:.
Dhulgariirka Siyaasadeed ee Riyaale iyo Udub la baraysteen Hargeysa, yay dani ugu jirtaa?
WAA NAXLI FOGAADEY IYO XANUUN DHOOF DALKA KU YIMI!!!!!!!!.
MADAXDA XISBIYADA WAA MADAXDA QARANKA EE MAXAA LOO RASAASEEYEY?
Xalka Somaliland halka uu ku jiro.
QOYSKEEDII AYEY WAX-TARIWEYDEYE MA KACAANKEY WAX TAREYSAA
Baaq taagero
The Innocent Palestinians: The Forgotten People.
Marwadu sir weyn bay bixisay:
Inner Dimensions of Hajj
Somaliland miyeyna laanta afka Somalilaga ee BBC shaqaalaheeda dalka ka sari Karin
Waa ta la yaabanyahay!!
Faa'iidada Bisha Barakeysan Ee Ramaadaan?
Kulmiye, a party of quality , standard, equal apportunities & accountability
UDUB's Political night-mares to start right from Riyale's Return home!!
Ina sulub maysagaa xaqa u siiyey Riyaale inuu Xaraashi karo Hantida ma Guurtada ee Qaranka?!!
Advice to Muslims in Ramadhan
Buur-Madoobayaal cusub miyaa, carruurtan kulmiye ka dhextoostey?!!
Hadal dhanaan oo Dambe lama dhegeysanayo ee Madaxweynaha & Guurtidu ha u sheegaan Ummadda mandateka ay haystaan ee Distooriga ah!
WARQAD KU SOCOTA SHIRKA BEELWAYNTA H/JECLO UGA SOCDA DEGMADA GAR ADAG...
"nabada khal khal ha gelin"
© Copyright 2005 - 2006 Golis News. All rights reserved.