Dabaaldega Xuska 18, May 2007 iyo Fagaaraha Khayriyada Burco
Dabaaldega Xuska 18, May 2007 iyo Fagaaraha Khayriyada Burco
Munaasibada Xuska 18 May oo si heer qaran ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday fagaaraha khayriyada Burco Munaasibadaas oo ay soo qayb galeen Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Cabdi Xuseen dheere, Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Maxamauud Axmed Xasan, Madax dhaqameedyo, Cuqaal, iyo dhamaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Munaasibadan ugu horeyn waxay ku bilaabatay Salaan Sharaf ay Bixiyeen Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Kooxda Muusikada Baan Boy, intaas ka dib waxaa bilaabmay khudbado dhaadheer oo taarikhiya waxaa Kelmada kowaad qaatay Gudoomiyaha Golaha Deegaan Maxamuud Axmed Xasan oo sheegay in ay Somaliland Madax banaanideedii la soo noqotay 18 May, 1991 oo laga dhawaaqay Gobalka Togdheer manta farxad ayey inoo tahay sida wanaagsan ee aynu isugu soo baxnay waad arkaysaan debaaldegan.
Munaasibadan waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Eng Faysal Cali Waraabe oo sheegay in uu marti qaad ka haystay wadamo dibada ah waxaan ka door biday in aan munaasibadan kala qayb qaato bulshada Reer Togdheer oo ah halkii laga dhawaaqay Somaliland, walaalayaal waxaan idiin sheegayaa in aynu ilaashano Xoriyadeena Qaaliga ah, Qabiil iyo Qaran Meel mawada Galaan marka aynu quluubteena isu soo jeedsato ayeynu helaynaa aqoonsiga, sida aad la socotaan dhowaan waxaanu ka nimid safar dibadeed oo aanu ku soo maray Wadamada Africa waxaanu qabnaa rajo weyn in la ictiraafo inta ka horeysa 2008.
Waxaan idiin sheegayaa Somaliland waxay leedahay Cadaw badan oo hareeraha ina xiga Sida Jabuuti iyo Dawlada C/laahi Yusuf, Jabuuti waad ogtihiin abaalka aynu u galnay walaalayaa C/laahi Yusufna hore Soomaaliya waynu isku laynay waana ka kuu laysanay isagoo jooga Garoowe ayuu sheegan jirey Somaliland Maantana Waa la tegayaa Xuduuda Somaliland Dhahay iyo Laas caanood waa Somaliland, Walaalayaal waa in aynu ciidan keena dhisanaa oo ku ilaalinaa qaranimadeena waad arkaysaan Dhaawaca ka muuqda daaraheena iyo dhafooradeeda .
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo la hadlayey Dadweynaha Reer Togdheer wuxuu ku baraarujiyey in ay ilaashadaan Midnimadooda iyo Quluubtooda hadaad hagaajisaan wax waliba walaal waa inoo hagaagayaan waxaana idiin rajaynayaa in Sanadkaa Sanadka Xiga aynu ku gaadhno Guul iyo Barwaaqo.
Gebagebadii waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo sheegay in mustaqbalka Somaliland uu manta marayo halkii ugu wacnayd waxaan idin leeyahay aynu samirno wax badan ayaanu og nahay waxaad arki doontaa iyadoo manta Somaliland dib loogu soo noqday Munaasibadan qiimaheeda waanu wada garanaynaa Fariidna waa garanayaa nacasna loo sheegi mayo.
Mujaahidiintii Xoreysay Dalka Qaar ka mid ayaa iyaguna ka hadlay munaasibadan oo sheegay in ay Madax Banaanida Somaliland tahay lama taabtaa sidaa waxaa yidhi Mujaahid Faarax Qoor Gaab oo ka hadlay Munaasibada Xuska 18, May 2007.
Siciid Axmed Raage
Golisnews Burco.
rageyare@hotmail.com
Mobile Phone: 4430715
Sawirada waad sugeysaan
|