Diyaar garawga Xuska 18 May ayaa si fiican uga muuqda Magaalada Burco Gudaheeda waxaad arkaysaa Calamadaha Astaanta Somaliland oo lagu xidhay Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Burco iyo Goobaha Dadweynaha isugu yimaadaan.
Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Cabdi Xuseen Siciid ayaa kormeer balaadhan ku sameeyey dhamaan xafiisyada Hayada Dawliga Gobalka Togdheer iyadoo loo diyaargarobayo ka qayb qaadashada Xuska 18 May, oo ah Maalinta Jamhuuriyada Somaliland kala soo noqotay Madax banaanideeda Dalweynihii Somaaliya laysku odhan jirey.
Gudoomiyaha Gobalka Togdheer wuxuu kormeerkiisa ku tegay dhamaan Dugsiyada Dawliga ah ka jira Gobalka Togdheer taas ardayda wax kabarata Dugsiyaadaas ay u diyaar garoobayaan ka qayb qaadashada Munaasibadan Qaaliga ah.
Dhinaca kale Dawlada Hoose Burco ayaa diyaarisay kooxda Muusikada Baan Boy oo iyadu halkaa ku sameenayay tijaabada Maritaanka Xuska 18 May, ee ka dhici doona Fagaaraha Khayriyada Burco. Dawlada Hoose Burco waxay sameysay diyaarinta dhismaha Khayriyada Burco iyo Wadooyinka Magaalada Meelihii Biyaha Fadhiisteen oo ay dhigeen Ciida.
Xuska Sanad Guurada 16 aad ee Goonu Isu taaga Madax banaaninda Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka dhacaysa lixda Gobal ee ka kooban tahayDalka mar iyadoo weliba Sanad Walba Xuskaasi uu dhaco si heer Qaran ah.
Dadweynaha Gobalka Togdheer ayaa sugay madaxda kala qayb qaadan doonta Munaasibadan Qaaliga ah iyadoo waqtiyadaa looga faa,iidaysto Fursadaha Siyaasada Dalka in wax looga Sheega Bulshada Gobalka Togdheer.
Madaxda Xisbiyad Qaran ee Gobalka Togdheer ayaa iyaguna dhinacooda Muujiyey u Diyaargarawga xuska 18 May, Xafiisyada Xisbiyada Qaranka ayaa waxaa ka muuqda diyaar garaw iyadoo sudhay Calanka Xisbiyada, Calanka Jamhuuriyada Somaliland waxaa la filayaa in Madaxda Xisbiyada Qaran ee ay kala qayb qaataan Munaasibadan Qaaliga ah iyadoo Wufuud Balaadhan laga sugayo dhinaca Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Dhamaan Ciidamada Qaranka Bilayska, Milatariga, iyo Asluubta ayaa muujiyey Diyaargarawga Munaasibada Xuska 18 May, waxaad arkaysaa Wadooyinka Magaalada Burco Ciidamada Bilayska oo ku maraya Roondo.
Siciid Axmed Raage
Golisnews Burco