Xummadii qabyaalada oo hoose u dhacday

 

 

 

 

 

Xummadii kulmiye  oo Kasaanjabtay, karkii iyo kulaylkii Qabyaalada oo hoose u dhaadhacay  dhawr karkaar.
 
Dawlada qaadhaan diidyada ee tayada leh.
 
Hamud Duale
 

Maanta ayaan M/weyne Axmed Maxamed Maxamud Hanbalyaynayaa. Lug danbeysid waxaan u noqday waxaan iska hubsanayey bal dadka ummaddan u adeegya ee uu magacaabo. Ma mashxaradayo laakiin waxaan ku farxsanahay qaadhaan diidkii beelaha ayuu hawlgeliyey.
Waxaan werwer weyn ka qabey oo aan is odhan jirey markaan eego gadaha M/weyne Axmed Maxamed Maxamud:“Dibi gaboobey iyo awr duqoobey midna dib looma laylyi Karo”.
 
Haddana sidaas oo ay tahay  marwalba waxaa masgaxdayda ka guuxi jirey markuu dhalinyarada ahaa ee Xamar la joogey halhays uu yidhi oo ahaa: “Reer waqooyigu umma baahna aabahay goblan ee waxay u baahan yihiin nidaam dawli ah oo cadaalad ku dhisan.”.
Waxaa kale oo weli masgaxdayda ka sii qoyan,  oo jirtey in muddadii uu halganka ku jirey maalinta laga waraysto BBC-da codkarnimadiisa, aftahanimadiisa iyo haybadiisa hogaamineed uu hadalkiisu taaban jirey qofkasta oo Somaliyeed oo dhegeysta. Boqolaal baasuuqe oo ciidanka SNM  rido ayuu hadalkiisu la qiimo ahaa.
Haddaba maanta markaan arkay kooxda uu xushay aad ayaan ugu farxay, inkasta oo xaq u leeyahay in uu markuu doono bedeli karo oo aanan is wada siineyn, waayo  hore ayaan ugu soo joogey magacyaan xanbaarsan sixir iyo burhaan, buurta dheer dhakadeeda lagu karo, kadibna mid mid loo soo shalwiyo, Oo guulwadayaal iyo nin  beelaysan lagu bedelo. M/weynaha ayaa ka mid ahaa, dhallinyartii mutacallimiinta ahayd ee Siyaad Bare dadka judhii hore ka iibiyey ee safka hore la soo wadhay.
 
Waxba yaanan xusuustaa si wadine, waxaan ku soo ooday:
 
“Haddii uu isleeyahay toga kaga talaw oo isticmaal isagaa Axdigii iyo Aaminkiiba furaaya oo aftidayda ma haysto”.
 
Dawlada uu Madaxweynuhu soo dhisay waa dawlad tayo ka muuqato oo aqoon iyo xilkasnimadi ku dheehan tahay. Badankoodu beel ku faanta iyo beel ay ku faanaan midna ma jirto. Dawladu waxay ka kooban tahay qaadhaan diidka beelaha oo lagu yara dhex badhxay Qaadhaan ururiyaashii iyo calan sidayaashii  Kulmiye ee qurba joogta.
Waxaa kale oo uu M/weynuhu u sed kordhiyey Haweenka oo saamigoodii hogaaminta dalka wuxuu gaadhsiiyey sedex jago. Taasina waxay muujinaysaa isbedelka bulsho ee soconaya in uu la jaanqaadaayo.  Haddii beelaha cid soo dirta la yidhaa ma jirto beel gabadh soo dirsanaysaa, beel waliba waxay keeni lahayd laba xiniinyoodle wax boobi yaqaan.
Haddaba shacbiga waxaa la gudboon in ay isha ku hayaan  sida hawsha loo wadaa in ay sidii rabeen ee codka ku bixiyeen ay tahay.
Golaha Adeegayaasha shacbigu waxa kale ma ah, waa kuwaad u dirateen in ay idiin adeegaan oo masharka siisaan. Ha u qaadanina marka la idin yidhaa waa wasiir in madax idiin yihiin. Idinka ayaa u madaxa oo ku lacag siiya in uu mid adhiga idiin raaco, mid geela idiin raaco, mid lo’ada idiin raaca, mid beerta idiin  falo,  mid maqasha raaca, mid nirgaha soo xereeyo. Mid dameeraha iyo fardaha idiin jiro. Waa raga aad canaan lahaydeen hadduu geelu xera ka waydaarto oo uu waraabe cunno. Madax baad tihiine shacbiyow ayaan la idinku  baqamaalin kelmadaha afka qalaad sida wasiir oo kale, Midbaase jirta khaadimkaaga haddii aad ka doonto wax qalad ah oo qaloocan oo aanad xaq u lahayn, isaga ayaa kuu madax noqonayaa.  Dawladu waa boyso idiin adeegeysa waxaad xaq ugu leedihiin ka doona, ha ka doonina waxaanad xaq u lahayn, leex leex iyo laablaab haddaad kula dhaqantaan, waxaad u fasaxdeen in uu xilkaad u dhiibateen danihiisa gaar u adeegsado.
 
Ragga iyo haweenka la doonayo in ay isbedelkii loo baholyoobey hirgaliyaan waa kuwan qaadhaan diidyadii iyo Maasiyada loo kala diray. Colka xogiis waxay doonayaan in beelaha loo adeego ee aan loo adeegsan magacooda dano gaar ahaaneed, waa sidaan ku bartay anigu qaar badan oo ka mid ah, haddii ay ged cusub la soo baxaan waaba loo wada joogi.
 
 
 
1. Meesiga  Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka caalamiga  Qaadhaan diid Maxamed C/laahi Cumar. Iskii iyo kartidiisa
2. Meesiga Arimaha Gudaha  Qaadhaan diid. Maxamed Cabdi gaboose waa qaadhaan diid heer qaran ah oo doonaya in aan beesha la adeegsan ee loo adeego.
3. Meesiga Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta  Qaadhaan diid. Sacad Ali Shire. Shaqo iyo qaran mooyee beeshiisu hore duco iyo habaarba ugala quusatay
4. Meesiga Maaliyada  Qaadhaandiid Maxamed Xaashi Cilmi Qaadhaan diid No. 1 shaqo iyo qalin aan agoonta lagu xadin oo aan dhiig qabiil lagu khadayn ayuu sitaa oo uu la godgelayaa.
5. Meesiga Hawlaha Guud iyo Gaadiidka  Qaadhaandiid Xuseen Axmed Caydiid. Waa safka hore ma innagaa aragnaba beel magaciisa ku tasbiixsanaysa
6. Meesiga Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aadan dhaqan ahaan waa qaadhaandiid oo sidoodaba haweenka qaadhaan lama weydiin jirin , xilna looma dhiiban jirin.
7. Meesiga Caafimaadka  Qaadhaan diid  Xuseen Muxumed Maxamed  Ma hayno beel ku tasbiixsata amma uu ku tasbiixsado
8. Meesiga Gaashaandhiga qaadhaandiid Axmed Xaaji Cali Cadami Waa hore ayuu kud iyo cadhaba reebay oo ay beelnimo kala quusteen  beel tirsanaysa iyo beel uu tirsanayaa midna ma jirto.
9. Meesiga Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska C/risaaq Khaliif Axmed
10. Meesiga Xanaanada Xoolaha Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga qaadhaandiid  Axmed Xaashi Oday beel uu dudayu iyo beel ka dudayaa midna ma jirto
11.Meesiga Boosaha iyo Isgaadhsiinta C/risaaq Ibraahin Maxamed
12. Wasiikra Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Prof Ismaaciil Muumin Aare
13.Meesiga Diinta iyo awqaafka Sheekh Khaliil C/laahi Axmed
14. Meesiga Shaqada iyo Ariamaha Bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac
15. Meesiga Kaluumaysiga Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekadaha Dr. Maxamd Yaasiin Xasan
16. Wasiikra Wasaarada Macdanta Biyaha iyo Tamarta Dr. Xuseen Cabdi Ducaale
17. Wasiikra Wasaarada Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dhaqanka Maxamed Xaashi Madar
18. Meesiga Beeraha Qaadhaan diid Faarax Cilmi Maxamuud
19. Meesiga Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabd
20. Meesiga  Warfaafinta C/laahi Jaamac Cismaan
(Geel jire)

Leave a Reply

  • JSB Rotate Image 1
  • JSB Rotate Image 2
  • JSB Rotate Image 1

Polls

Sidee u aragtaa in wadahadal Somaliland lagasho jabhadda SSC?

View Results

Loading ... Loading ...

Choose a date

September 2010
M T W T F S S
« Aug    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930