Waxaan U Mahad Celinaya Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Waxaanan Ku Kalsoonahay Xukuumadiisa Cusub‏






Bismilaahi Raxmaani Raxiim, ilaahay ayaa mahad oo dhan u sugnaatay, naxariis iyo nabadgelyo buuxda korkiisa ha ahaato nebigeena Muxumed C.S.W, Waxaan ammaan iyo mahad kal iyo laab ah aan hawada u marinaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud iyo Xukuumadiisa cusub oo runtii saaka markii aan magacyada arkay ay i gashay yididilo iyo farxad aad u weyn oo maankayga iyo maskaxdu ay muddo baadi goobaysay.

Waxaan ilaahay uga beryaya xubnaha cusub ee la magacaabay in ilaahay xilka u fududeeyo, xilku ma hawl yara waa mid cirka, dhulka iyo buuraha dushooda ah ka hawl culus, waxaana Mudanayaal la idinku tijaabinaya oo aanu idinku tijaabin doona haddii aanu nahay shacabka dalkani iyo dadkani sida aad hawlkarnimo iyo daacadnimo iyo cadaalad ugu fashaan qarranka, xubnaha la magacaabay oo aan badankood aanu aqoon fiican aanu isku leenahay waxaan huba inaad tahiin dad aan ku aqaanay xilkasnimo, daacadnimo iyo waxqabad, waxaanan allaha weyn idiinka beryaya inuu xilka idinku asturo.

Waxaan u mahad celinaya Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo oo runtii ka dhabeeyey ballantii uu qaaday oo saansaanteeda aan durtaba ka arkaayo xukuumadda cusub, waxaanu ballan qaadayna haddii aanu nahay shacabka in aanu garab iyo gaashaan idiin noqono, waxaanan ka codsanaya warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland inay gacan siiyaan xukuumadda Cusub.

Walaalkiin Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
West Midlands, UK


diridhaba@gmail.com

Leave a Reply

  • JSB Rotate Image 1
  • JSB Rotate Image 2
  • JSB Rotate Image 1

Polls

Sidee u aragtaa in wadahadal Somaliland lagasho jabhadda SSC?

View Results

Loading ... Loading ...

Choose a date

September 2010
M T W T F S S
« Aug    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930