Fakrada akhristaha Golisnews.com-
Miyaanay ahayn in la qiimeeyoo qaabka wanaagsan ee maanta
xilwareejintu u dhacday.Habsamida iyo sharafta masuuliyiinta xilka isugu wareejiyeen ee waliba
isu hanbalyeeyeen[YAASALAAM] Qaabka wanaagsan ee aminiga iyo nabadglyadu ku jirto ee dhamaan umadu
u bogtay.
Martidii ka soo qayb gashay ee ka socotay wadamada REER GALBEEDKA IYO AFRICA OO AY KA MID AHAAYEEN JIBUUTI– ETHOBIA– IYO KENYA
Hay adaha caalimiga ee gargaarka ayaa ayagu ahaa qaar madasha joogay
SHacabka somaliland madaxdiisa iyo masuuliyiintiisa iyo dadwaynaha ayaa
ayaguna ahaa qaar madasha joogay oo taageero muujiyay
hadaba akhristoow miyaanay ahayn tusaale dhamaan wadamada africa ay ka qaataan dimuquraadiyada ka hirgashay somaliland.
Miyaanay maanta wadamamo badan oo qaarada asia iyo laatiin ameerica aynaan ka horayn.
miyaynaan ka horayn dhamaan wadamada bariga yurubta oo wali qaar badani
aanay gaadhin habkan dimuquraadiga ee aynu gaadhnay
SOMALILAND WAXBA UMA OG xataa westren worldka sheegta dimuquraadiyada
Kaliya waxay ina dhaamaan waa xaga dhaqaalaha iyo cilmiga oo ay inagaga horeeyaan.
Waxaan aad u hanbalyaynayaa madaxwaynihii hore mudane DAAHIR RAYAALE KAAHIN iyo ku xigeenkiisa AXMED YAASIIN .
Waxaan aad uga hanbalyaynayaa iyaga iyo masuuliyiinta kale ee sida fiican xilka
u wareejiyay waxaanan idiin rajaynayaa nolol aan dhib lahayn oo ku nasataan.
Waxaan kaloo hanbalyaynayaa madaxwaynaha cusub MUDANE AXMED MAXAMED MAXAMUUD SIIRAANYO iyo ku xigeenkiisa CABDIRAXMAAN SAYLICI
waxaan idiin rajanyanaa in ilaahay xilka idiin fududeeyo umadana cadaalad iyo
sinaan u samaysaan dalkana horumar gaadhsiisaan.
Waxan kaloo aad u hanbalyaynayaa kooxdii komishanka iyo si gaara gudoomiyahooda oo runtii aad u dadaalay.
waxa kaloo amaan mudan shacabka somaliland oo si fiican u muujiyay hawlkarnimo iyo nabadooy ilaaliyaan
waxa kaloo aan hanbalyaynayaa ciidanka poliska iyo taliyahooda MUDANE AXMED DUBAD SAQADHI OO habeena aan nasan intii doorashada iyo xilwareejintu socotay
Ciidanka qaranka iyo taliyahooda MUDANE TAANI ayaa ayaguna aad u dadaalay oo
xilkooda guday intii hawlahani socdeen.
Alayle la isma xaasidee maanta somaliland waa umad isa soo saartay aduunyadana tustay in dalkani yahay mid cadaalad iyo diuquraadiyad ku dhisan intii doorashadu socotay iyo maantoo xilwareejintii dhamaatay RINA GEES LAGAMA RIDIN halka wadamo badan oo africa iyo asia ka mida marka doorasho loo dhaqaaqo
boqolaal qof ku dhintaan loona burburiyo hantida iyo badeecadaha suuqa yaala ilaa guryaha mararka qaarkood la gubo.
Wabilaahi tawfiiq
siciid cabdi dheen






