Sheeko Gaaban: Agoon Afar Waalid Leh

Lodon(Golisnews.com)-
 
 




Inkasta oo aannu nahay agoon, haddana waxaanu leennahay 4 waalid. Laba waa na dhaleen, laba waa na dhibeen; laba waa na dhaqeen, laba waa na dhiseen; laba waa na jecel yihiin, labana waanu jecel nahay; laba waa isku kaaya haystaan, labana waa iska kaaya haystaan; laba waa labadayada waalid weyne (Aabe iyo hooyo) labana waa labadayada waalid yare (Filimada Kaartoonka iyo Game).
 
 

Colaad gaamurtay baa gurigayaga ka dhisaalan. Hadh iyo habeen waa la is hiifayaa, waana la is haaraamayaa; waa la is dagaalayaa, waana la is dooxayaa; waa la is af lagaadeynayaa, waana la is af qaadayaa; si baa loo kala aargoosanayaa, si baana loo kala awood badan yahay. Hooyaday inkasta oo ay aabahay ka xoog yar tahay haddana waa ka xanaaq dhaw dahay oo indhaha ayuun bay kaga dhacdaa. Waxaan is idhi malaha markii ay yar yaraayeen bay ka adkaan jirtay.

Hirdankan joogtada ahi wuxuu maankayaga ku sameeyay ladh, waxaanu uurkayaga kaga tegay boog. Waxa uu carqaladeeyay habsami u socodka koriinkayaga, waxaanu wiiqay la jaanqaadka bulshada aannu la noolahay. Waxa la nagu beeray cuqdad iyo calool xumo aannu u haynno cid walba. Hooyadayo inta badan waa masayrsan tahay, waxaanay ka fikirtaa aabahayo, mararna waxaanuba is nidhaa waxay ka fikiraysaa ciddii ay ku bedeli lahayd. Aabahayana inta badan waa maqan yahay, ama waa mirqaansan yahay. Annaguna inta badan waannu murugaysannahay ama waanu muraara dilaacsannahay.

Gurigayagu waa dugsi waxaana yimaadda asxaabta hooyadayo. Mid waliba waxay ka eed sheegataa saygeeda iyo reerkooda, waxaanay soo quftaa xumaantiisa. Ma maqal hooyaday oo aabahay xumaan mooyee samaan ka sheeganaysa. Mararka qaarkood inta aan u adkaysan waayo sida ay u rifayso odayga ayaan iskaga ag kacaa. Waxaan is idhaa Alla yaa inan rag ogaysiiya waxa ay xaawalay dumar ka sheegayso. Iga walla guur baad sheegtee inaanu uba dhawaadeen!

Maalinta ay sheekadoodu ugu xiisaha iyo xaladda badan tahay waa maalinta ay ka sheekaynayaan laba is furay, laba is haysta iyo laba la isku diidey. Maalinta ay sheekadoodu ugu naxdinta badan tahayna waa maalinta ay ka sheekaynayaan naag lala guursadey ama mid lala guursan rabo. Kama naxsana gabadhaa lala guursdey waxayse ka naxsan yihiin in tan oo kaleay ku dhacdo. Maalintaas oo kale waxa aabo sugaysa xisaab iyo xasarad wada socda. Marka uu guriga soo cag dhigo ayaa sida carruurta iyo si ka daran canaan diirka lagaga saaraa. Ul uun baan loola tegin, erayse looma hanbeeyo. Haddii loola tagana kama hadleen baan filayaa, waayo ishiisa ayaad ka garataa. Intii dabadiisa laga odhan jiray baa hortiisa laga leeyahay. Isna wax dareen ah ma muujinayo, mana muujin karo! Haddii ubadku kor u ooyaan, isagu hoos buu u ooyayaa oo ilmadu uurkiisa ayay dib ugu noqonaysaa. Wuxuu garan la’ yahay waxa uu sameeyay. Waxa kale oo aanu ka warqabin wax uu sameeyo. Aamus baa ka soo hadhay. Aamuskuna kama aha dulqaad iyo dabeecad wanaag ee waa ka itaal iyo arrin xumo oo wax uu samayn karo ayaaba iska yar.

Hortayada ayaa lagu bah dilayaa oo lagu bajinayaa isna wax kasta oo ku dhaca wuxuu u tirinayaa waayaha iyo waqtiga oo uu eedda saarayo. Run ahaantii aan kuba sifowno dhallaankii waalidkood dhalmada baraye, waxaannu naqaannaa dhibta aabahayo haysata iyo halka ay uga timid, goorta ay u timid. Isaga ayaa u sabab ah, waayo wuxuu diidey shaqo; wuxuu diidey wuxuu ninka ku ahaa; waxa kale oo uu diidey wuxuu ku ilaashan lahaa ragannimadiisa oo ah inuu agaasinka guriga iyo ababinta ubadka si hufan oo haadsan uga qayb qaato. Halkaas ayuu caasha soo dhigayaa inta uu wax cuno waxna cabo. Isaga oo aad xoogga dameer moodo ayuu ku raalli noqday qaadashada caydh loogu talo galay dad laxaad la’ ama dhiman, ama gabow la gabax yidhi. Markaasaa daad u soo galay, oo uu kolba xunbo cuskanayaa.

Dugsiga waxaannu aadnaa anaga oo cadhaysan, oo u cadhaysan gaalada yar yar ee aanu isku filka nahay; u cadhaysan barayaasha cad cad ee wax noo dhiga; u cadhaysan xataa naftayada. Wax badan macalimiintayadu waxay isku dayaan ogaanshaha halka ay salka ku hayso cadhadayadu. Waxa ay na weydiiyaan su’aalo doora oo ay ugu mudan yihiin miyaa la idin dilaa? Ma si xun baa la idiinla dhaqmaa? Maxaad tabanaysaan? Waase nagu hungoobaan oo waxba nagama helaan, anaga oo dhawrayna sharafta iyo karaamada waalidkayo. Waxay naga tagaan iyaga oo aan ku qanacsanayn warcelintayada. Guriga marka aanu nimaad ee aannu u warrano hooyadayo gacanta ayay afka galisaa, waxaanay cidda ugu dhaw ku tidhaa ubadkii baa la iga gaalaysiinayaa. Ma dareensana waalidkayagu inuu isagu si dadban noo gaalaysiinayo, waayo anagu hadba waxaanu raacaynaa cidii tacaamul wanaagsan aannu ku aragno. Hadba kii tacaamul xun uun baanu u aragnaa gaal.

Dugsiga annaga ayaa ugu tiro yar anaga ayaana ugu tayo xun. Ma kala jeclin inaannu gudubno iyo inaanu dhacno, waayo ma lihin han iyo hirasho, mana lihin himilo iyo horseed oo gaalada inaanu ku dayano waalidkayagaan ogolayn, xataa wanaagga. Annagu waalidkayo inaannu ku dayano ma rabno, waayo aahabayo wuxuu yaqaannaa qaad iyo qabiil, hooyadayana waxay taqaannaa xan iyo xafiiltan.

Jidka inta aanu ku soo jirno waxaannu la soo kulannaa waxyaabo badan oo ishayadu jeclaysato, uurkayaguna doono, afkayaguna u dhareeriyo, hase yeeshee, ma haysanno wixii lagu gadan lahaa. Adduunkayagii waxa lagu unkay daaro laga qotomiyay meelo laga soo hayaamay. Annaga oo isha iska eegayna ayaannu dhufanaa wixii dayacan ee aanu dhaayaha la helno. Marar waannu la galbannaa, mararna waa la nagu qabtaa. Waase la iska kaaya sii daayaa, waayo waxaan sidaa u sii ridnayn baannu muhannay. Waxaannu is nidhaa malaha waxa la idiin dhalay in daaro la idinka dhisto duunyana la idinka dhaqdo. Waxa kale oo aannu maankayaga u sheegnaa labadiina waalid iskuma guursan inay idin dhalaan ee waxay isku guursadeen inay hammigooda haqab tiraan, idinna si ku talo gal la’aana baad iskaga timaadeen. Ma naga rumaysan haddii aanu ku nidhaa shanta qaaradood ee adduunku ka kooban yahay saddex ka mid ah baa daaro nooga dhisan yihiin, guriga aanu deganahayna ma laha maktabad yar oo wax lagu akhristo.

Waalidkayagu hore waxba uma baran, haddana waxba ma barto, kumana talo jiraan. Haddii uu isagu waxbarashada wax adag u haysto, annaguna wax akhriska wax adag baanu u qabnaa, waayo yaraantayadii nalaguma ababin. Xataa kutub aanu akhrino la nooma gadin.


Muuqayaga kuma farxaysid, maryahagana kuma ildoogsanaysid, maankayagana hadalkiisaba daa! Waxaannu ku jirnaa nolol adag oo la sii adkeeyay; waanu asqaysannahay oo waxaannu ku hafanaynaa mawjado aannu garan la’nahay meel ay ka soo kacayaan iyo meel ay ku dhamaanayaan. Dalanbaabi baannu nahay daalaa dhacaaya. Cid kuwii noogu dhawaa ee aannu u ciirsan lahayn iyaga ayaa isku maran oo cunaha is haysta. Waxay iska dhigaan dad dantayda isku haysta, waxaanuse ognahay inay dantooda isku haystaan sida shilinka caydha ah ee ay nagu qaataan. Hadddii uu aabbe qaato waa uu ku qayilaa ama qaadhaan buu ku bixiyaa, haddii ay hooyo qaadatana hagbad bay ku gashaa ama heblaayo ayay u dirtaa. Waannu u baahanahay waxaase naga mudan daarta dalkii laga dhisayo.

Galabtii marka aanu dugsiga ka soo rawaxno ee aanu guriga nimaad, afkana la helno wixii la noo qoray, waxaanu bilownaa qaylo iyo buuq waalidkayana iyaga oo dhibsanaya buuqayaga waxa ay noo shidaan fogaan arag (T.V). Waxa la noo geeyaa filim kartoon ama ciyaar fogaan arageed (Game). Labadan oo nooga dhigan labadayada waalid yare, sidii aannu u daawanaynay una ciyaaraynay waxaanu noqonay filim kartoon iyo Game. Waxaannu noqonnay wax soog soogan oo silloon oon sinaba ahayn. Waxaannu noqonnay wax waaweyn oon haddana nolosha waxba ka fahamsanayn. Waxaannu noqonnay wax iska nool oo sida xayawaanka waxna cuna waxna caba; waxaanu noqonnay wax habaaran oo wuxuu rababa sameeya. Waayuhu nagama dhigin sidan ee waxa naga dhigay labadayada waalid weyne, waayo way na hagradeen markii aannu yar yarayn ee aannu tilmaanta iyo toosintaba u baahnayn. Waxa la odhan karaa iyaga ayaaba u baahan toosin iyo tiirin.

Mar walba waxa sida ashahaadada la noogu celceliyaa dhaqankiinna barta. Waxa maankayaga ka degi la’ oo aannu warcelin u la’nahay weydiimahan: Dhaqanka wanaagsani ma is tixgalin la’aanta ninka iyo ooridiisa ka dhex taagan baa? Ma cuqdad iyo calool xumo loo qaado dadka aad la degan tahay baa? Ma been abuurka ninku walaashii waan qabaa ku soo kaxaynayaa? Ma 20 jirrinimo caydh ku qaadabaa? Ma walaalkaa xumaantiisa faafibaa? Ma xaaraan iyo xalaal waxaad heshaba cun baa ? Ma xaaskaaga ood wada joogtaan waanu kala tagnay dheh baa? Ma ubadkaaga garac aabbe laawe ah ku sheeg baa? Ma iska noolow sida ma yeedhaankaa ?

Haddii aanu intan midna ahayn maxaa loogu dhaqmayaa sidan? Maxaase loogu dhaqmi waayay sida uu yahay? Midda kale dhaqanku ma wax lagu dhaqmi jiray baa mise waa waxa hadda lagu dhaqmo? Mise waa labadaba? Kuu doonaba ha ahaadee wixii hore iyo waxa hadda jooga mar walba waxa mudnaanta leh waxa hadda jooga. Dhaqankii hore haddii uu lahaan jiray wanaag iyo xumaan, kan imika waxa gun dhig u ah intaa aan kor ku soo xusay. Markaa ma la odhan karaa dhaqan wanaagsan baannu leenahay? Midda kale waalidkayagu ma waxa uu khaldan yahay marka uu sidan guracan u dhaqmayo, mise marka uu naga rabo inaanu baarriyiin noqonno? Haddiise uu nacayo gaalada oo ay dhab ka tahay muxuu ka soo doonay dalkooda? Muxuuse u qaadanayaa lacagtooda? Muxuuse marka uu waajibkiisii gabay cid kale u eedaynayaa? Miyaanuse ogsoonayn in wax kasta oo uu ku dhaqmo aannu anaguna kaga dayaynayno isla jeerkaas.

Ugu danbayn wacnaan lahaydaa waalidkayagoo is jecel, oo daraadayo isku sabra, isku dulqaata, iskuna cafiya, cunfiga iyo cadhada ka reeb toonaada. Si togan oo toolmoonna uga taliya aayahayaga iyo mustaqbalkayaga. Wacnaan lahaydaase iyaga oo ogsoonaada dhibta aanu dareemayno markasta oo ay eray xun iyo af lagaado isku yidhaahdaan, iyo sida aannu is haysashadooda ugu magac iyo maamuus beelnay bulshada dhexdeeda. Aabo noo nax oo na wanaaji, hooyo noo naxariiso oo na wanaaji.

Guntii inta ku hamiyaysa guur waxaannu odhan lahayn haddii ay daan garaneyn sida ubad loo ababiyo loona tarbiyadeeyo, billaahi calaykum ha guursanina ee ka jooga! Ha is dhibina ubad la idin weydiin doono qimaamahana ha dhibina. Haddii kale dhala, oo dhiba, hadhawna ubadkii baa iga xumaadayeey af labadii ku dhaha.


Axmed Ismaaciil Maxamuud “Axmed Deeq”
E-Mail:
awliyo177@hotmail.com

Leave a Reply

  • JSB Rotate Image 1
  • JSB Rotate Image 2
  • JSB Rotate Image 1

Polls

Sidee u aragtaa in wadahadal Somaliland lagasho jabhadda SSC?

View Results

Loading ... Loading ...

Choose a date

September 2010
M T W T F S S
« Aug    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930