MUDANE AHMED SIILAANYO WUXUU QAADEY TALAABO WANAAGSAN

(Fakrada akhristaha Golisnews.com)-






Marka hore waa wax ilaahay loo mahadnaqo ah, in ina riyaale iyo maamulkiisii dulinka badnaa ilaahay inaga kaxeeyey iyadoo aan dhibaato weyni dalka ka dhicin.  Marka labaad waxaan tahniyad, bogaadin u dirayaa shacabka reer Somaliland oo maanta doortey hogaan loo hanweyn yahay lagana filayo hawlo faro badan inuu u qabto  wadanka iyo bulshada reer Somaliland. Waxaa iyaduna wax ilaahay loogu mahadnaqo ah nabad gelyada, raababka,iyo rajada wanaagsan ee laga qabo dowlada u hogaanka ka yahay mudane Ahmed Siilaanyo.

Anigoo ka mid ah taageerayaashii xisbiga kulmiye ee isbedel doonka ahaa, waxaan guud ahaan ku faraxsanahay, sida wanaagsan ee uu u soo xushey dadka dowladiisa ka mid noqonayaa, markii aan akhriyey liiska waxaa ii soo baxdey inay dadkani yihiin dad lagu soo xushey , aqoon, waayo aragnimo, iyo aaminimo, waxaa kale oo lagu xushey  rag, dumar , da isku dhaf ah iyo beelaha reer Somaliland oo dhan.

Waxaa iyaduna jirta oo aan been ahay in dad badani ka biyo diiday qaabka wasiirada loo soo xuley,  iyo tirade ay ka kooban yihiin oo dadka qaarkii u arko tiro aan yareyn. Hadaba waxaa iyaduna jirta  si kasta oo uu ahmed siilaanyo yeelo ama wax u soo dhiso inama wada qancineyso waayo waxaynu ka koobanahay umad ujeedo badan kale leh.

Waxaa xusid mudan in dib loo jaleeco wixii  hogaanka cusub loo doortey  oo ahaa inuu sameeyo dowlad kooban, tayo leh, wax qabneysa, dadka ka naxeysa, cadaalad wadanka ku soo dabaasha, dariiq cusub oo wanaagsan jeexda, isbedel dhab ah sameysa, umada karaamadeedii dib u soo celisa, la dagaalanta xoolaha umada ee la xalaalsadey , dabo gasha xoolihii umada ee la lunsadey, iyo kuwo badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin.

Markaa waxaynu leenahay aniga iyo inta ila dareenka ah marka hore guud ahaan talaabadani waa talaabo wanaagsan, laakiin shacabweynaha reer Somaliland waxay sugayaan  wax qabad  iyo in lagaga dhabeeyo wixii loo balan qaadey oo ah in lala dagaalamo Jahliga, Faqriga, Cadaalad xumada, Masuqmaasuqa, Qaadka, burburka qoyska wax qabad la, aanta iwm.


Bulshada reer Somaliland waa ilaa 2,500,000 , hadii la helo maamul jiheysan ku dhisan aqoon qoto dheer. Waxaa suuro gal ah in qof kasta oo reer Somaliland ah la daboolo baahiyihiisa kale duwan, inagoo si cilmiyeysan uga shaqeynsan doona, gacanka bada cas, xoolaha nool, beeraha, wershadaha yar yar, dibiiciga dhulka ku jira, kaluumeysiga dekedaha dalka iwm.



Ibrahim Mohamoud Ali Galbeed

Ibrahali1@aol.com

UK/London

One Response to “MUDANE AHMED SIILAANYO WUXUU QAADEY TALAABO WANAAGSAN”

  1. ismail o ahmed says:

    s/land ha kala dayso beerka jecli (wasiir tayo wacan) xaydha jecli (qabiil wasiir ku qaybsi). wasiiradan waa kuwo lagu farxo. aqoontooda, kartidooda, dadnimadooda iyo daacadnimadooda. waa jirta oo rag/dumar badan waa ka maqanyihiin meesha. dawladii ma dhamma hay’adihii baa hadhay, badhisaabadii, agasima yaashii guud, iyo maamulo badan oo kale. wax qabadku korka maaha ee waa hoosta. wasiir lama wada noqon doono. aynu garab galo kuwan. silaanyo waa ku amaananyahay talabadan wacan ee aan hore looga baran s/land. waa bilow wacan oo lagu faano.

    waxa uu dhalinyaradda u qabtay oo abaal u ku mutaystay waxa ugu fiican, maskaxdda uu meesha isugu keenay, ee sal iyo aasaas u noqon doonta is bedel dhab ah oo aan hore loo arag. Intooda badan Wassiiradanni u may soo shaqo tegin ee waxtarka dalka ayey hawlahoodii uga yimaadeen. Ilahay ha la garab galo oo ha u sahlo ayaan leeyahay

    dhamaantiin bashbash iyo barwaaqo
    s/alnd alloow daryeel.

    Ismail O Ahmed

Trackbacks/Pingbacks


Leave a Reply

  • JSB Rotate Image 1
  • JSB Rotate Image 2
  • JSB Rotate Image 1

Polls

Sidee u aragtaa in wadahadal Somaliland lagasho jabhadda SSC?

View Results

Loading ... Loading ...

Choose a date

September 2010
M T W T F S S
« Aug    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930