Mj Ahmed (Siilaanyo) Gaadhay Kursiga Ugu Sareeya Somaliland Iyo Welwelka Madaxda Saresare Xusbiga Kulmiye


Qalinkii Suleiman saeed Kabadhe(Danjiree)






Waxa aan salamayaa dhamaanba Bahwaynta saxafada Somaliland iyo Somaliyaba kuwaas oo kaga jira huru socadka geeska Africa gaar ahana gayiga Somaliland iyo Somaliyaba hal beeg wanaagsan iyo howl culus kuna shaqaynaya iskaa wax u qabso iyo waxa loo yaqaan isxilqaam duruufa badana ay ku xeeran yihiin hadii ay tahay xadhig iyo hanjabaad hadana aan dhag u jalaq siin ee si habsamiya u gudanaya howshooda wanad ku mahad san tihiin.waxa aan manta qalinka u qatay afkuna ila cun cunayaa in an sheego duruufta ku gadaman baarqabada Xusbiga talada ku gulaystay oo ragna laga tagayo ragna la qaadanayo kuwaas oo muda dheer ahaa rafiiq dhow.Saaxiibka Maanta Mucaaradka Bari
 
 
Axmed Max’ed Maxamud (Siilaanyo), oo 26-kii bishii June ku guuleystay doorashadii madaxweynanimo ee ka dhacday Jamuuriyada dumaqraadigaa ee Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynanimada, isagoo jagadaas kala wareegay madaxweynihii hore ee Somaliland, Dahir Rayaale Kahin.
 
Ayaa manta oo ay tahay taariikhdu 27/07/2010 aya ugu danbayntii xilka madaxweynaha la wareegay  tas o u mudo dheer uu ugu jiray in uu gaadho kusiga hasa yeeshee uu manta ku fadhiistay Mujaahid Siilaanyo, oo ah madaxweynaha jamuuriyada Somaliland waxaanu gacanta ku hayaa Liiskiisa golaha wasiirada uu doonayo inuu u xusho Golaha wasiirada jamuuriyada Somaliland
 
Dhanka kale waxa isugu tagay Xusbiga Kulmiye dhamaanba baarqadadii jamuuriyada Somaliland oo aad u badan laguna sookobi garin tiradooda  maqaal iyo laba toona kuwaas oo taariikh dadban iyo mid toosaba ku leh jamuuriyada Somaliland ahna rag in badan ku soo jiray siyaasada Soamliland iyo Somaliyaba  waxa iyana barbar socda wax loogu yeedhay qurba jog oo iyana uu Xusbiga kulmiye ku faani jiray in uu yahay Xusbiga ugu taageerida badan wadamada dabada  ee Reer Galbeedka sida Uk UA Iyo Yurubta kale oo iyana iska dhaadhiciyey Majaahid Siilaanyo oo suurada fabadana la galay madax weynaha Cusub marbana jeebka kala soo baxaya suuradahaa kuna raba Maskab.
Dhanka kale waxa uu doonayaa Madaxwynaha Cusubi Ahmed Maxamed Maxamuud siilaanyo uu soo dhisayo Dowlad tayo leh tiradeeduna aad u yartahay tasina waxa ay abuurtay Welwelka dhamaanba baarqada Kulmiye oo hada ku sugan welwel iyo walbahaar waxanay iswaydiinayaaan Su aalo badan.
1Sida Talow maku jirtaa wasiirada Cusub tallow malagaatagayaa?
2Talow maamul tayo lehi maxuu yahay maku wayasaa rabidaankaaga maskabka aad rabto.
3 talow dowladaba maka hadhaysaa oo malaha cidiba waxba kuu diran mayso
Saacadba sacada ka danbaysa waxa ay wadnahooda ku dhacaya  muujahada dhiigu tuurayo oo ah baqdin iyo tallow maxay noqonaysaa .
Iskusoo duuboo cawa rag badan aya aan seexanayn haba yaratee hurdaduna ka guuraysaa waxaan filaya waynu u wada joognaa sida xaalku noqdo siyaasadu malaha Saaxiib joogtaa ee waxa ay leedahay danjoogtaa waxa aan casuusta rag badan oo ahaa gacanta mid ee madaxweynaha Cusub hadana ku dhuumanaya  cooshada caasimada Hargeisa halka ay qaar badan oo ay siyaasada ku coleebeen ay hada yihiin xaasiib dhow oo ah gacantiisa midig taasi waxa ay shaaca ka qadasaa in ayna haba yaratee lahyn siyaasadu saxiib tinimo ay tahay mabdaha iyo waxa la isku raaco ama lagu kala baydho.
Guntii iyo gaba  gaba gabadii waxa aan inikaga tagayaa akhristow talo aan u soo jeedinayo sadaxda Gudoomiye Xusbi iyo shacabka Somalinad
 
Gudoomiyaha Xusbiga Kulmiye Ahna madaxweynaha Somaliland waxa an u soo jeedinayaa soodooro aqoon yahan xirfad looga danbeeyo oo tacliintu hagayso aqoon ku xulo qabiil haku xulan dowladii aad tidhi waan soo koobayaa shacabka waa ka sugayana ka badin tiradii ay ku sheegeen gudidii aad u xulatay katalinta dowlad tayo leh dalkana sinan iyo cadaalad ku dhaq,
Gudoomiyaha Xusibiga Udub ahan madaxweynaha xilka ka dalagaya Mucaarad qorisita hanoqone noqo mid aqoon iyo wanag ku mucarada toosiyaha dowlada cusub kaduwaha waxii aan u dan ahayn dadka iyo dalka kana ka tagin wadanka ee ku joog dalkaaga hooyo kuna biir golaha Guurtida si aad khibradaada ugaga faaiidayso dadka iyo dalkaba dalka ka maqnaade hanoqon daljooge noqo.
 
Gudoomiyaha Xusbiga UCUD  aad baad ugu mahad santahay kaalinta lama ilaawaakaa ee aad ka qadatay doorashooyinkii Somalinad tii hore iyo tan maantaba una hanbalyeysay labadii doorashaba waxa aad ka talisaa sidii aad ugu soo xulu lahayd Xusbiga cidii ku badali lahayd oo tayo leh si aad doorashada danbe ugu guulaysataan idun kuna markiina dalkana ka noqo bare macalin jamacadaha dalka si aad ugu faaiidayn lahayd wax magaratada somalinad shaqadadii aad baratay ee Ingineernimadana  ahayd waa looga bahan yahay dalka ee inoo dhis Faysalow Cali waraabow.
 
Shacabka Somalinad Mucaarad baad had iyo goor ka horgaysaan dowlad kasta  dalkiina dhista iskana daaya mucaradada badan ogaadana waxii aad doorateen hadii uu ahaa tufaax ama Muuse waa aad helaysaan hadii uu ahaa garwaana isagii baa inii soo baxaya qofkastaba waxa uu beerto ayuu helayaa.
 

Qalinkii Suleima saciid kabadhe(danjiree)
Coventry City Uk

Leave a Reply

  • JSB Rotate Image 1
  • JSB Rotate Image 2
  • JSB Rotate Image 1

Polls

Sidee u aragtaa in wadahadal Somaliland lagasho jabhadda SSC?

View Results

Loading ... Loading ...

Choose a date

September 2010
M T W T F S S
« Aug    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930