Buug Xiiso Leh Oo Ay Qortay Maryan Jamiila Kadib Markii Ay Soo Islaamtay

 

 

 

 

 

Waxaa Tarjumay Abshir A/Xasan [Qaybtii 5aad]

Madaxweyne Xabiib Burqiibaha Tuuniisiya waxa uu si daacad ah u raacaa raadkii Mustafa Kamaal Ataaturkigii Turkiya. Dhammaan kuwa loo yaqaano waxa loogu yeedho madaxda casrig ah  ee Muslimiintu waxa ay qayb wayn ka ciyaraan dambiyada waaweyn ee  dalalkooda ka dhaca.

Marka ay qaadayaan halgan siyaasadeed oo lagaga xoroobayo gumaysiga Galbeedka, waxa ay Muslimiinta ku beer laxawsadaan magaca Islaamka, laakiin durbadiiba marka ay hogaamiyayaashaasi qabsadaan xukunka waxa ay diinta uga dhigaan marmarsiiyo “dibudhaca” ummadda ku yimaad. Waxa ayna si naxariis la’aana ugu  dhuftaan shaanbad xun bandhig kasta fikradda iyo dhaqanka Islaamka.

 Dadka noocaas oo kale ahi dhammaantood waa hadhaagii gumeysiga. Wax aqoon ah ama jecayl ah uma hayaan Islaamka. Waxa wax lagu baray laguna soo barbaariyey Ingriiska, Faransiiska ama dalal kale oo  reer Yurub ah.

Intooda badani waxa ay qabaan naago reer Yurub ah (Burqiiba isna waxa uu qabaa naag Fransiis ah). Nolol maalmeedkooda iyo dhaqankoodaba waxa ay kaga daydaan  reer Galbeedka. Muslimiintu waxa ay hogaamintooda u yeleen si ay u heelaan madaxbannaanidooda siyaasadeed, laakiin hogaamiyayaashan reer Yurubobay waxa ay imika isku dayayaan in ay dalalkooda ka tirtiraan raadadkii ka hadhay ilbaxnimada islaamka si ay u adkeystaan una hantiyaan awoododa siyaasadeed.

Diktoor Wilfred Caantwil Ismiidh iyo anigu waxa aanu kulanay 1958 markaas oo uu i siiyey nuskhad ka mid ah kitaabka aad waraaqdaadii ku magacawday. Dadkani waxa ay si aan guuli ku jirin iskugu dayayaan in ay inoo sameeyaan Islaam cusub inaga, waxa ayna si faa’iido la’aan ah u rajaynayaan in aynu ka tagno Islaamka dhabta  ah ee Quraanka iyo Sunaha oo aynu qaadano nooca ay iyagu naftooda ku qiyaaseen. Waxa ayse ka war la’yihiin xaqiiqada ah in ay hawshoodii oo dhammi noqotay biyo col dhaanshay.

Qofka muslinka ahi waa in uu ahaado muslin dhab ah oo ah ka uu erayga “Muslim” sheegayo. Haddii uu hadaba badalo ama dooriyo Ilaahay haka hayo e, waxa uu noqonayaa mid doortay dariiq kale oo aan ahayn Quraanka iyo Sunaha. Markaas fursadda u ku waari karo islaam yacyacood ahi aad baa ay u yartahay.

Anigu waxa aan la yaabay nacasnimada quwadaha reer Galbeedka. Dhinac, waxa ay ka doonayaan muslinku in uu la dagaalamo shuuciyadda, waayo waa caqiido bilaa Ilaah ah dhinaca kalana, waxa ay u haystaan in uu Islaamku yahay khatar.

Markaas ayay isku dayaan in ay muslimiinta ka saaraan Islaamka oo ay dhiirigaliyaan wax allaale wixii ka fogaynaya kana falaagaynaya diinta.

Waa aan u naxaa dadkan aqoon la’antooda aanay fahamsanayn waxyaalaha lama huraanka ah ee ka dhasha gafafkooda. Waxa ay had iyo jeer dhiirigaliyaan kuwa dalalka Islaamka keenaya waxyaabaha ku liddiga ah Islaamka.

Ka mana daalaan cayda kuwa u halgamaya in ay soo nooleeyaan Islaamka dhabta ah – waxa ay ku tilmaamaan “Dibusocodyo” iyo “seef la boodyo”. Kumana qancaan xataa caydaasi  e waxa  ay ka dhigtaan hogaamiyayaasha cusub qalab ay ku laayaan muslimiinta u shaqaynayaa soo toosinta Islaamka. Fikradaha aan  ahayn caqligalka  ee foof daran habaabsan ee inagaga iminaya  reer Galbeedka, Ilaahay uunbaa og aakhirataanka waxa  ay ku danbayn.

lasoco ……………..

Leave a Reply

  • JSB Rotate Image 1
  • JSB Rotate Image 2
  • JSB Rotate Image 1

Polls

Sidee u aragtaa in wadahadal Somaliland lagasho jabhadda SSC?

View Results

Loading ... Loading ...

Choose a date

September 2010
M T W T F S S
« Aug    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930