Top Article

WAX QABADKA XUKUUMADA CUSUB IYO KU CODAYNT QALABKA ELECTRONIC-GA EE DOORASHADA 26 JUNE EE 2015

WAX QABADKA XUKUUMADA CUSUB IYO KU CODAYNT QALABKA ELECTRONIC-GA EE DOORASHADA 26 JUNE EE 2015
 
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada muslimka ah gaar ahaan reer s/land oo aan leeyahay Ramadan kariiim
Marka xigta waxaan salaamayaa saxaafada Somaliland kuwaada xilka qaran isa saaray
 
Sidaan la wada socono waxan 26 june ay shacabka Somaliland u dareereen doorashadii ugu xamaasada badanayd ee soo marta wadankani intii uu jiray taas oo ay ku doorteen madaxweyanaha waqtigan muj axmed siilaanyo iyo ku xigeenkiisa c/raxman saylici,
Iyadoo ay ku heleen codayn aqlabiyad aad u weyn oo aan doorashooyinkii hore lagu kala helin, waxaana dadka saadaasha siyaasada darsaa sheegayaan in ay ugu wacnayd wax qabadka xusbigaa kulmiye ku sheegay boogii siyaasada ee uu ololaha ku galay,
 
Hadaba maadaama oo sidii balantu ahayd xukuumada cusub shacabka reer s/land uga fadhiyaan wax qabad buuxa oo dhan walba leh inkastoo shaqo abuurista uu siiweyn tahay  hadana wax looga baahan yahay in dhexda loo xidho iyadoo la kaashanaysa shacab iyo wixii kale ee laga maarmi waayoba,,
 
Hadii aad aragto dal haru maray gaadhay waxa gun dhig u ahaa kaa faa’iidaysiga maskaxaha kala duwan ee muwaadiniinteeda ku soo maaxaaya, anigu waxaan xukuumada u soo jeedanayaa in ay qorshaha ku darsato qodob muhiim u ah haru marka iyo la qabsiga aduunka casriga ah’ taas oo ah in doorashada 26 june ee 2015 wixii gaadha shacabka ku dhaqan magaalooyinka waaweyn hadii aynan ilaa heer tuula gaadhsiinba ay ku codeeyaan qalabka electronic-ga  ah oo lagu hawl galin doono internetka xawaarihiisu sareeyo ee uu xanbaarsan yahay cableka bada hoosteeda mara, kaas oo sahlaaya wax yaabo badan oo ay ka mid yihiin in dadka reer Somaliland iyo musharaxiintuba natiijada kala socdaan Tv-ga iyo warbaahinta loogu talo galay, waxa kale oo suura gal ah in muwaadininta ku noool dalka debediisa ee u diwaan gashay in ay codeeyaan ay codkooda soo dhiiban karaan si toosa.
 
Ugu danbayntii waxa loo baahan yahay in xukuumada cusub iyo gudiga doorashooyinku ay hawshaa iyo qalabkii suura galin lahaaba ay niyada iyo shaqadaba ku darsadaan, inagoo sidaan sheegay ka faa’iidaysn doona cable-ka bada hoosteeda mara.. iyo dadaalkeena wax qabadka huwan,,
 
Waa bilaahay tawfiiq
 
Sacad ciise cumar
Berbera Somaliland
e-mail f_bihaary@hotmail.com
 

sacad ciise cumar
berbera somaliland

tell:- 252-7-9000087
tell:- 252-2-4480649
tell:- 0015672698087


Posted in Rayi/Opinion, Top Article0 Comments

Dardaarankii Nabigeena NNKH : Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu

Dardaarankii Nabigeena NNKH : Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu.

Nebigu wuxuu jiranaa 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun,habeenkii isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday.

Sayid-Bilaal ayaa aadamay aadaankii salaadda subax wuxuu istaagay albaabka guriga Nebiga, wuxuuna yiri: (Assalamu caleyka yaa rasuululaahi) Faaduma ayaa tiri: ‘Rasuulkii Illahey nafsadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, markii salaaddii cadaatay ayaa Sayid-Bilaal soo laabtay, wuuna salaamay rasuulka sidii hore oo kale, dhawaaqii Bilaal waxaa maqlay rasuulka wuxuuna yiri: ’soo gal Bilaal’, waana soo galay Bilaal isagoo ooyaya Rasuulkuna (SCW) wuxuu yiri Bilaalow jiradii ayaa igu cuslaatay ee ha tujiyo salaadda dadka Abuubakar Sadiiq. Bilaal waa baxay isagoo madaxa gacmaha saaranaya, dhahayana musiibo ayaa noo timid iyo ereyo kale oo la mid ah.

Masjidkii ay uu galay, wuxuuna Abuubakar ku yiri ‘Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaadda tujiso’ Abuubakar markii uu arkay mixraabkii uu Nebigu (NNKH) istaagi jiray oo faaruq ah wuu hanan waayay nafsaddiisa waana la miir daboolay waana qeyliyay, muslimiintii oo dhanna wey qeyliyeen, qeyladii ayuu maqlay Nebigu (NNKH) wuxuuna weydiiyay gabadhiisa Faadumo wuxuuna yiri ‘ Faadumoy waa maxay hugunka iyo sawaxanka yeeraya?’ waxay tiri Faadumo ‘Muslimiintii ayaa qeylinaya markey ku waayeen’. Rasuulku wuxuu u yeeray Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii salaaddii ayuuna ka bixiyay asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku (NNKH) la dardaarmay asaxaabtii wuxuuna yiri: ‘Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idiinku sagootinayaa cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan anigu waan faaruqayaa (ka tagayaa) adduunyada, maantana waa maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro’.

Intaa kaddib Nebiga (NNKH) waxaa la geeyey gurigiisa, Illahay ayaa u waxyooday Malakul-mowt wuxuuna yiri: ‘Hoobo (u tag) xabiibkayga (kaan jeclaa) Muxammad (NNKH) uguna tag suurad wanaagsan una dhimri (naxariiso) marka aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo laabo’.

Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena Muxammad (NNKH) isagooo u eg nin reer baadiye ah, wuxuuna yiri: ‘Assalamu calaykum ma soo galaa?’ Faadumo ayaa la hadashay oo tiri: ‘Ninyahow rasuulkii illahay wuxuu ku mashquulsan yahay Nafsadiisa’!!
Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii.Rasuulka (NNKH) ayaa
Faaduma ku yiri: ‘Ma garanaysaa ninka?’. Faaduma waxay tiri: ‘ Maya’ rasuulku wuxuu yiri: ‘waa ninka gooya macaanyaalka, kala geeya (kala wada) dadka is jecel, kharaabiya guryaha, camira Qubuurta, ilmaha agoonteeya, naagahana garoobbo ka dhiga, waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt’.
Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooysay, waxayna tiri: ‘ masiibo ayaa nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii Illahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go’ayaa wax’yigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kaddibna maqli mayno
salaantii Aabahay.
Rasuulku wuxuu yiri: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan is haleeleyno (isla kulmeyno)’ wuxuu kaloo rasuulku yiri:’ malakul’mowdow soo gal’ wuuna soo galay malakul’mowt, wuxuuna yiri. ‘Assalamu calayka yaa rasuullulaah‘ rasuulkuna wuxuu yiri ‘wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise inaad iga qaado nafta?’.Malakul-mowt wuxuu yiri: ‘waxaan kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto, balse haddii aad ii idmi weyso waan iska laabanayaa! Rasuulku wuxuu yiri: ‘malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu yiri:’waxaan uga soo tagay samada adduunyada’, isla markiiba waxaa yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna rasuulku yiri: ‘miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yiri:’waan ogahay rasuulkii Illaahayow’.Rasuulku wuxuu yiri: ‘ iigu bishaarey illaahay agtiisa waxa ii yaala oo karaama ah (wanaag ah)’.

Malakul-jibriil wuxuu yiri: ‘albaabada samada waa la wada furay, malaa’igtii illaahayna saf bay galeen iyagoo sugaya ruuxdaada, albaabadii jannada waa la wada furay’. Rasuulku wuxuu yiri: ‘iigu bishaaree siday ahaan doontaa ummadaydu maalinta Qiyaamaha?’.Malakul-jibriil wuxuu yiri: ‘waxaan kuugu bishaaraynayaa Illaahay inuu yiri: Jannada waan ka xarimay (u diiday) ambiyada illaa Nabi Muxammad (NNKH) galo, sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha illaahay oo dhan illaa ay ummadda Nabi Muxammad ka galaan’.Rasuulkuna wuxuu yiri: ‘hadda ayuu diib noqday (wanaagsanaaday) qalbigaygu, igana suushay murugtii’.
Rasuulku wuxuu yiri: ‘malakul-mowdow ii soo dhowow’. Malakul-mowt waa u soo dhawaaday naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii ka soo gaarto xudunta.Rasuulku wuxuu yiri: ‘maxaa darnaan badiyey xaraaradda (xanuunka) mowdka’, wuxuu kaloo yiri: ‘malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay fiirinta wijigayga?’. Malakul-jibriil wuxuu yiri ‘ Illaahay xabiibkiisiyow ayaa awood u leh inuu fiiriyo wajigaaga adigoo sakaraadaya’. Aanas Binu Maalik wuxuu yiri: ‘ Nabigu markay naftu ka
baxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu.

Rasuulkii Illaahay waa geeriyooday maalin isniin ah ee bisha rabiicul-awal ka mid ah, ama loo yaqaan mowliid. Haddii adduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa la dayn lahaa rasuulkii Illaahay:
Rasuulka waxaa mayray Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la karfanay, waana lagu tukaday, waxaana lagu duugay gurigiisii ee qolka Caa’isha (RC,) habeen arbaco ah ayaana la duugay Suubanaha (NNKH.)

 fadlan: UDIR.(gaarsii) walaalahaaga muslimiinta ah: adigana ajir & xanaad allaah kaa siiyo,aamiin aamiin aamiin

Posted in International news, Rayi/Opinion, Top Article0 Comments

Dhallinyarada & Maalintooda Caalamiga ah (12 August) Qaybtii Labaad

Inbadan ayaynu maqallay maalmo loo asteeyay dad gaara, waxa maalmahaas ka mid ah: maalinta hooyooyinka adduunka, maalinta shaqaalaha adduunka, maalinta Caafimaadka adduunka iwm. Haddaba dhallinayaradu inay maalin yeelato ma wax culus ayay tahay? Maya, oo waaba jirtaa maalin loo asteeyey dhalinyarada. Waa maalinta 12 August ee sannad kasta, intaan ka ogahayna Somaliland waa laga xusaa, waxana soo qaban qaabiya ururada iyo dalladaha dhalinyarada qaar ka mid ah.

Sannad walba halku dheg ayaa loo bixiyaa dabaal degga, kaas oo xoogga lagu saaro waxa sannadkaas mawduuca laga hadlayaa ku waajahan yahay. Sannadkan waxa loogu magac daray ” Dialogue and Mutual Understanding” oo ah Wadahadalka iyo Isdhaafsiga Isfahamka”. Waxana loogu talo galay in lagaga wada hadlo wadahadlka dhallinayarada kala dhaqanka iyo lodka ah dhexdooda iyo sidii ay isu fahmi lahaayeen, Iyo sida dhalinyaradu uga qayb qaadan karto dhalinta nabadda iyo horumarka.

Qaramada Midoobay ayaa maalintan u gartay inay noqoto Maalinta Dhalinyarada Aduunka, kadib shir ay wasiirada dhalinyarada ee dalalka adduunku yeesheen magaalada Lisbon, 8-12 August 1998, waxana qaraar kasoo baxay qaramada midoobay lagu socodsiiyay aqoonsiga maalintan ee dhalinyarada, taas oo si toos ah u hirgashay sannadkii 1999. Hase yeeshee waxa maalintan la xusi jiray ilaa sanadkii 1985kii.

Haddaba muhiimaddu ma aha maalintan gaarka looga soocay maalmaha kale, ee nuxurku waxa weeye in dhalinyaradu maalintaas ay wax iska waydiiyaan danahooda iyo xaaladda ay ku sugan yihiin iyo sidii ay bulshada horumarkeeda uga qayb qaadan lahaayeen. Macne badan ma samaynayso dabaaldegyo iyo xaflado maalintaas dhalinyaradu fantasiyo ahaan samayso, waxase dulucda maalintani kusoo biyo shubaynaysaa in la sameeyo doodo, aqoon iswaydaarsiyo iyo aqoon korodhsi la xidhiidha arrimaha dhalinyarada. Waa munaasabad ay dhalinyaradu ku rogrogi karto bal waxyaalaha u qabsoomay iyo waxyaalaha ka dhiman iyo yoolkoodu halka uu u jeedo.

Dood ayaa laga yaabaa inay ka keenaan dhalinyarada qaar maalintan, iyada oo muran horeba ka taagnaa maalmaha gaarka loo astaystay, hase yeeshee hubaal cidina dood kama keeni karto in dhalinyaradu isu timaado oo falanqayso arrimahooda.

Maxaa haddaba fursado ah oo dhalinyaradu ka faaidaysan kartaa sannadkan:
Iyada oo inbadan ay dhalinyaradu ka cabanayeen in aan dheg jalaq loo siin marka ay timaado go’aan qaadashada xukuumada ayaa hadda waxa jirta fursad cusub oo ah in xukuumad cusubi taladii dalka gacanta ku dhigtay, taas oo inbadan ololaheeda kusoo gashay inay dhalinyarada hiil iyo hooba la garab taagan tahay. Waxa loo baahan yahay markaas in dhalinyaradu kala xaajooto wasaaradaha ay hoostagaan dhallinayrada iyo ciyaaruhu sidii dhalinyarada wax loogu qaban lahaa, sidoo kale wasaaradaha kale ee loo baahdo sida ta shaqada in la hor dhigo ajande fiican oo ku salaysan sidii dhalinyarada qayb libaax looga siin lahaa shaqada iyo sidii aqoontoodaba kor loogu qaadi lahaa.

Talooyin kooban:
Waxan filayaa inaynaan u baahnayn in siminaaro uun aynu ku jirno, ee waxan kula talinayaa ururada dhalinyaradu inay dib u eegis ku sameeyaan yoolkooda iyo qaabka ay u hawlgalaan , oo ku bedelaan siminaarada tiro dhaafay waxbarasho, fursado shaqo, kor u qaadida aqoonta dhalinyarada, baraarujintooda iyo ka faaidaysiga caqligooda iyo fekerkooda.

Sidaas darteed, waxan odhan lahaa yaanayba dhalinyaradu sugin in wasaaradi talo waydiisato ee iyagu intay maskaxda tuujiyaan ha hordhigaan wasaaradaha iyo dawladda talooyinka ay hayaan, mana filayo in dhegaha laga furaysan karo talooyinka fiican.

Axmed M.Cilmi – Shawqi
shawqi06@hotmail.com
Journalist & Youth activist

http://shawqi.blog.com/

Posted in Rayi/Opinion, Top Article0 Comments

Dhalinyarada & Maalintooda Caalamiga ah (12 August )Q.1aad

Dhallinyaradu waa udub dhexaadka bulshada, waa kuwa lagu hammiyayo inay dalka gaadhsiiyaan dunidan dayaxa dushiisa gaadhay, waa qayb qiimo badan oo bulshada ka mid ah, inbaddana la jeclaysto ka mid ahaanshaheeda. Dhalinyarnimo waa waqti dahabi ah oo qofka bini aadamka ah soo mara, dhaafa oo qoomamo iyo tiiraanyo ama farxad iyo rayn rayn ku reeba. Dhallinyarada yoolka la doonayo inay xaqiijiso ma aha mid sahlan, waa iftiinka umadda u baxaya ee lagu hirto, waa qaybta bulshada ee firfircooni, karti, xilkasnimo, adkaysi, ragannimo iyo tilmaamah suubban oo dhan laga sugayo. Xaaji Adan Axmed Aftoosane, oo la hadlaya dhallinyarada waxa uu yidhi:
*Umaddaan shabaabkeedu hanan waa u ayaan xuma e

* Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye

* Itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane

* Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye

Abwaanku wuxu dareensiinayaa dhallinyarada oo hoga tusaalaynayaa kaalintooda kaga aadan bulshada. Abwaanka oo sii wada dardaarankiisa dhallinyarad ku jeeda waxa uu leeyahay:

Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye

* Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane
* Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye
* Ayaantii ku dhaaftana waa waxaan la eegayne
* Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane.

Haddaba, haddii dhalinyarada wax badan looga fadhiyo oo laga sugayo waxa hubaal ah in ay u guntadaan sidii kaalintooda ay uga soo bixi lahaayeen. Su’aasha markaas muhiimka ahi waxay tahay: Dhallinyarada Somaliland ma yihiin kuwo gutay waajibkii looga fadhiyay? Jawaabtaa su’aashi ma aha mid si sahlan loola soo boodi karo haddii la rabo in dhexdhexaadnimo iyo si badhaxtiran in loo jawaabo.

Haa iyo Maya labadaba waa la odhan karaa, hase yeeshee celcelis ahaan jawaab guud ayaa la gaadhi karaa.

Dadka qaar ayaa sas ka qaba dhalliisha, una arka in jawaabta MAYA haddii lagu koobnaado ay tahay eed aan geedna loogu soo gaban oo dhalinyarada lagula dul kufay, halka qaar kalena aaminsan yihiin in jawaabtaasi tahay mid aanay ku tilmaamnayn dhamaan dhalinyaradu.

Waa arrin fiican…bal haddaba aan kala qaado dhalinyaradeena, oo horeba u kala baxay. Qaybta koowaad waa kuwo gartay hadafkoodii ama u muuqdaba inay garteen, waa koox dedaalkooda intii taagtoodu dhigto goor iyo allaylba ku hawlan hiigsiga hammigooda, ka midho dhalinta yoolkooda, hirgelinta riyadooda iyo buuxinta kaalintooda bulshadu ka sugayso. Waxa qaybtan ku jira inta waxbarasho u banbaxday ee buugga iyo qalinka isdaba wadda, waxa kaloo ku jira inta bulshada u adeegaysa ee danta guud ka horraysiiya danta gaarka ah, waxa kaloo ku jira qof kasta oo dhalinyaro ah oo haysta jidka loogu talo galay dhalinyarada Qumman.

Qaybta labaad waa dhallinyaro kuwaas ka duwan, waa inta kor ku xusan lidkeeda kuwo ku astaysan. Waa koox saaxiib la noqotay bal wadaha, waqti lumiska, fadhi ku dirirka, waxqabad la’aan, kaslaanimo iyo werwer aan kala go’ lahayn oo dharaar iyo habeenba wajigooda ka muuqda.

Haddii hadaba lakala baxay , waxa habboon in dhallinyaradu gacmaha is qabsato oo hadaf keliya yeelato. Kol haddii la wada yahay unug keliya, kama maaranno koox inaga mida oo debed yaal noqotay oo derbijiif iyo balwadi qaadatay. Waxa hawsha koowaad ee inoo taalaa tahay sidii kooxdaa aynu magaca wadaagno uga saarno dib u dhaca ku yimi. Dhallinyarada toosani ma noqon karaan kuwo lagu aflaxay haddii ay ka tagaan kooxdaas oo ganafka ku dhuftaan, waa qayb innaga mida oo dayacan oo boog yeelatay, sidaas darteed waa in la daweeyo, haddii kale inteena fayow ayay saamaynayaan.” Baruur baa baruuro qudhmisa”.

Inbadan waxan u soo joogay shirar dhallinayaradu leedahay, markasatana waxad moodaa inay ka muuqato kala faquuqnaan iyo isaaminaad darro.” Tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara” inta dhallinyaradu dhexdooda kala faquuqan tahay lagama yaabo in ay kob doog leh kasoo toosaan. Haddaba, caqliga saliimka ahi wuxu ina farayaa inaynu dhexdeenna wanaajinno kahor intaynaan ta deriskeenna u gudbin. Dhallinyaro, waxa la joogaa waqtigii aynu gacmaha is qabsan lahayn, oo noqon lahayn ul iyo diirkeed. Waxaynu haysanaa fursado badan oo ay ugu horrayso tan dhallinyarnimadu, waxa kale oo fursad dahabi ah xukuumadda cusub oo aynu arrimaheena kala xaajoon karno. Ka hor intaanse arrinkaas lagu dhaqaaqin waa inaynu dhexdeenna iska abaabulnaa.

Dhallinyarada dhibta iyo rafaadka haysta waxay la qabaan bulshada inteeda kale, inkasta oo ay jirto waxyaalo badan oo iyaga u gaar ah. Waxay dhallinyaradu in badan ku taamaysaa inay talada dalka wax ka yeelato, waxase taa ka horraysa oo badanka jawaab celis looga madaxda dawladdu uga dhigaan in dhalinyaradu la timaado garaadkii, aqoontii iyo kartidii lagu hanan lahaa mansabadda dawladda. Ma aha oo keliya hammi iyo doonitaan ee waa in wax ku lammaanaadan.

Shaki kuma jiro in qayb badan oo dhallinyarada Somaliland ahi qaadeen wadada toosan ee ay ku gaadhi lahaayeen yoolkooda, balse weli waa qayb aad u yar oo ka mida dhallinyaro waynta Somaliland. Taas waxa daliil u ah, inta maanta ka arradan tacliinta , inta maqaaxiyaha waqtiga ku luminaysa, inta fadhi ku dirirka ah ee qaadka iyo sigaarka ku feegan, inta balwadaha kale faraha kula jirta, inta shaqo la’aantu hayso, inta jeelasha ku jirta, inta tuhunka loo haysto iyo qaar kaloo badaniba waa dhallinyaro. Inta haddaba aqoonta baranaysa ama wanaagsani saami intee leeg ayay ka noqonayaan dhallinyaradaas faraha badan.

Culimada nafsigu waxay  sheegeen in dhallinyaradu leedahay tamar farabadan oo ay samaan iyo xumaanba ku fulin karaan, haddii markaas ay waayaan wax mashquuliya oo ay kaga faa’idaystaan waqtigooda hubaal waxa ah inay dhanka khaldan u isticmaalayaan awooddaas qaaliga ah. Waa run , oo maanta haddii dhallinyarada loo abuuri lahaa shaqooyin, aqoonta farsamada gacanta , bar kulano ay kaga hadlaan aayahooda, garoomo kubadeed ama jimicsi oo ay waqtigooda dheeraadka ah ku qaataan, waxay Somaliland wax la qaybsan lahayd ummadaha hore u maray.

Guntii iyo gunaanadkii, dhalinyaro waa in dhexdeena aynu ka saxno waxa aynu ka doonayno debedda. Waa run oo wanigii kor ku xusay in ay jiraan caqabado badan oo ina hor yaala hase yeeshee waxa habboon inaynu u babac dhigno oo adkaysi la nimaadno. “Samraa sedkii hel”.  Qof walowba naftaada kaga bilow, oo ha sugin berrito, hana u debcin inta ku niyad jabinaysa ee buur kaaga dhigaysa hawsha aad waddo, la kaalay go’aan raggannimo. “Raggu waa arrin keen ama aqbal keen”

La soco qaybta labaad… insha Allah dhowaan

Axmed Maxamuud Cilmi -Shawqi

shawqi06@hotmail.com

Journalist and Youth Activist.

http://shawqi.blog.com/

Posted in Education, Rayi/Opinion, Top Article0 Comments

The Conflicting Interests in Somaliland

The Conflicting Interests in Somaliland

Self Interest is a poison to our being. Each and everyone of us is eager to accomplish his/her wants- to be a minister, a director or the likes. All these are at the expense of the common interest- the nationalism and patriotism, development, well fare and brotherhood. All of us refuse Tribalism. Even we despise those who are known for Tribalism. At the end of the day, we end up playing its cards. Tribalism is like a drug. When you try to wean some of us off this drug depenency,They are likely to react violently and resist vehemently. 
 
Maintaining self interst together with Tribalism is what made us lagging behind fifty years from Independence. You may disagree with me to some extent , arguing that I am living in stone age since I am talking about Tribalism and its evil image. If I am not wrong, we decided to make our political system democratic with multiple parties. For sure, it was a right step taken forward. We were making an effort to diminish Tribalism as it was very difficult to eradicate it at once. Somalis are known to be clans, but the problem is not clanship or with clan based life. The problem is that we practice Tribalism on the basis of clanism. This is what is going on nowadays in Hargeisa and Somaliland in general. The last few days, our local newspapers and media were transmitting  and broadcasting sad news about clan leaders and Cheifs putting almost all  their efforts to maintaining clans interests- the number of ministers in the cabinet. I was disappointed to see that our community leaders, politicians and even some educated figures are competing for a position in the new government. This is a clear contradiction to our level, and to the “CHANGE” we were seeking and were thursty for. Are we so greedy for positions? Are we maintaining self-interst at the expense of common and natioanl interest? What is wrong with us? Why do we prefer our small interest from the broad national interst?. Shame on you those who are willing to get positions in the name of clans and tribalism. Shame on you those who are claiming that they are educated, patriotic and smart , then waiting to be appointed for a ministry on the basis of cheap self interest.
 
What we know is that many of our important figures are letting us down by putting pressure on the newly elected president and his vice, moving in and out from Maansor Hotel, begging to be appointed for ministries in the name of clans. What a shame to those who are stealing the properties of this nation during the transitional period. Let our actions and dreams be alike, let our hearts talk freely about  the change we were shouting for. Is the change;removing plate numbers from governmental cars and fixing a new private car numbers to it. Is patriotism taking a new land illegally and in the black market?. The problem is that we are not still mature to be patriotists, if so we wouldn’t destroy our country on our hands. If the new goverment is on its first days from the womb, why can’t we act responsibly, wait for selections to the new cabinet, keep the government properties peacefully and diminish the pressure we have on the new government. Do we need to make every clan happy, or we are in need of peace, prosperity, honest leaders selected according to their ability, education and experience?. I am sure that we can’t make each and every Tom Dick and Hurry happy for getting a position , but we can make them happy with peace, development, justice and well being.
 
It is high time we must regard ourselves as grown up citizens, who are willing to secure their land and act responsibly towards our properties and assets. It is time we must know that “Change” is not getting a new positon, or acheiving a promise from the government, but Change is Knowledge, responsibility, Development, Health, Good infrustructure, High security and Prosperity. History will niether forgive nor forget those who were yesterday calling for a “Change” and today are on the front line asking the new president the share of the CLAN.
 
Ahmed Mohamoud Elmi-Shawky
youth and social activist and journalist
shawqi06@hotmail.com

Posted in Rayi/Opinion, Top Article0 Comments

Gabaygii Ugu Horeeyey Ee MDX Cusub MJ Siilaanyo Lootiriyo:Waxaa la yidhaahdaa

Gabaygii Ugu Horeeyey Ee MDX Cusub MJ Siilaanyo  Lootiriyo:Waxaa la yidhaahdaa

                                                   HEENSEEYA GEENYADA NINKAAN  HABINAA YIMI


Waxa aan Marka Hore Salaan iyo Bogadin u dirayaa dhamaan shacabka Jamuuriyada Somaliland ,Marka xigana waxa aan salamayaa Ciidanka Qaranka Jamuuriyada Somaliland iyo Booliska dalka Marka ugu danbaysa waxa aan salamayaa Halgamayaasha Qaranka ee Sanadka waa Komishinka Jamuuriyada Somaliland

Intaa waxa aan ku darayaa  Bahda Golisnews oo ah isha Wararka iyo Gudbinta Fakarka Xalashaa kana reebta ka buka iyo ka xanuun sanaya una taagan dadaalka Dalka Somaliland iyo sida ay wararka caalamka noogu soo turjumaan hadana aan inii kala baxo idinka iyo gabaygii

GABAYGA WAXAA LAYIDHAAHDAAA HEENSEEYA GEENYADA NINKAAN  HABINAA YIMI

Kolhadii halyeeygii heley oo heeso lootiriyey

Oo hawraarta gabay giyo murtida hoga tusaalaynta

Fanaaniintu heegan u yihiin waa hal aan rabay

Ee Hadhawt iyo wixii imanay iyo hawsha kuba began

Hordhaceed ayaa laga gartaa waana lahubaaye

Isna inuu hormuud culus yahay ayaan hadal Kataaagnane

Heenseeya  geenyada ninkaan haybinaayimiye

Maandeeqna hadhuubada u dhiga waalama huraantiiye

Hilin wacan inuu marinayana waa mid aan hubo

Humaagii ku jiray buu rabaa inuu ka haadshaaye

Hal abuurka waxa uu rabaa inuu gaadho heer sare’e

Hamigiisu wuu weyn yahoo hoos u noqod diidyey

Dalkana in laga haajiriyo haarib nimo diidyey

Haloosiga wadadii aan rab niyo hilin barwaaqaad dheh

Halkii aan la doonayey iyo hoyga nabdeed dheh

Cirkoo heego soo kiciyey iyo roob loo hanweyn yahay dheh

Hin disaha wanaag iyo cilmiga heerar kaan rabay dheh

Dhalin too halkeedii aan gabin iyo horu mar soo baxay dheh

Huga sharafta Somaalilaan calamkoo helay dheh

Hayadaha aduunyada jiroo heebgan noo yimi dheh

Dhamiday waxaan habin jirey oo male ii huray dheh

Halgan kaan usoo geli jiriyo heegan dirireed dheh

Maaansada hogaan dhigi jiriyo heeso aan qoray dheh

Farxad iyo hilaad soo baxdiyo nolol hagaageed dheh

Somaliland Guul iyo Gobanimo iyo garasha waarta

Abwaanka Weynee Ahmed Cabdilahi Maxamuud(Axda)

Posted in Other links, Rayi/Opinion, Top Article1 Comment

Maxa looga baahan yahay madaxweynaha cusub ee somalilnad muj. ahmed silaanyo

Waxan  dhamaan hanbalyo udiriyaa  shacabweynaha reer soomaliland meelkasta oo ay joogan guda iyo dibadba Waxan jecelhay anigoo ah muwaadin reer soomalilnad ah in kala qaybqato farxada iyo raynraynta shacabweynha soomalilnad ku jiraan waxa wax illahay loogu mahadnaqa ah sida fiican ee ixtiramka iyo isxaqdhowku  ku dheehan tahay  dorashadi madaxtooyadu inoogu dhacday.

Taas aad usoo dhaweyeen dadka reer somalilnad iyo inta jecel somalilnadba   marlabaad waxa  farxad lama ilaawan ah  sida wadaniyada leh ee ay usoo dhaweeyeen dhamaan xisbiyadii tartamayay iyo tageerashooda natiijadi komishan doroshooyinku ku dhawaaqen in ku guulaystay xisbiga kulmiye ee midnimada iyo horumarinta Somaliland ee gudoomiyaha ka yahay muj. ahmed Mohamed mhamud siilanyo ahna wakhti xadirkan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland


 Hadaba madaxweyne  Ahmed Mohamed mohamud sillanyo maxa looga bahan yahay.Marxalada guusha ka bacdi khaasatan qaybaheeda hore waa marxalad runtii aad uga adag ugana dhib badan tii hore gudoomiya nimo, waana marxalad aad ugu baahan isu ururinta  shacabweynihii  kala taageersana sadexda xisbi qaran oo laga wada shaqeeyo midnimada iyo  jiritaanka Somaliland

 Dhankale waxay ka  hortegaysa ururinta shacabku ,cadawga soomaliland   cadawga gudaha  iyo mid dibadeedba oo ay meel uga soowada jeedayaan cidi isku dayda in dhawac u gaysato jirintaanka soomalilnad.Gabagabadii maqaalka oo aad iigu dheeraaday, waxaan kusoo koobayaa marxaladan wakhti xadirkan  aynu maraynaa waa marxalad ay masuuliyada u badani saarantahay madaxweynaha cusub somaliland ahmed mohamed mohamoud siilanyo  iyo masuuliyiinta sarre ee xisbiga kulmiye  guud ahaan, gaar ahaan , marxalad u baahan in laga  fekero sidii geedi socodka iyo hananka dowladnimo ee soomaliland  marayso   hada sidii halkaas looga siii wada laha ee dib loogu noqon,

  illahyna dowlada cusub  mid  anfacda dalka iyo dadkaba  ha inooga dhigo

Allahu ma aamiin


Mohamed abdi aynab (tiger)

Bilaal_85@hotmail.com


Posted in Top Article0 Comments

Kimishanka Dorashooyinka ayaa ka qaaday xilkii Xubnihii uga wakiil ahaa Magalada Borame

Hargiesa(Golisnews.com) Gudida Doorashooyinka qaranka ayaa  xilka ka xayuubiyay xubnihii Kimishanka ee degmada Boorame ka dib markii ay ku kaceen falal la xidhiidha kaadhadh bedelkii oo ay u diideen dad sida waraqaha cadaynta iyo kaadhadhkii soo hadhay oo ay ku wareejiyeen masuuliyeen  ka socota  xukumada sida ay  sheegeen dad xogogaal ah

 Gudoomiyaha gudida doorashda ayaa sidaas sheegay laakiinwaa uu ka gaabsaday in uu wax tasaafiil ah ka bixiyo isaga ooo ku sababeeyay hawshooda shaqo awgeed iyo xilgudasho la aan.
Xubnahan shaqada la joojiyay ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyihii degmada Boorame ee Kimishanka doorashooyinka Xasan Nuur Maxamuud iyo ku Xigeenkiisa Abdulahi Mahamuud Guuled si doo kakel waxaa is casishay Xoghayihii kimishanka ee degmada Borame Khadra jamac Muxumed.
 Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in ay Kimishanku dhakhso u soo magacaabaan xubno cusub iyada oo wakhti yar oo keli ah ka hadhsan yahay maalinta Doorashadu dhacayso oo ah 26 bisha june ee lagu jiro.
XAFIISKA WARARKA EE GOLISNEWS 
HARGIESA

Posted in Top Article0 Comments

Cabsi laga qabo in Israel weerarto markabka labaad ee Qaza u socda

Cabsi laga qabo in Israel weerarto markabka labaad ee Qaza u socda

Bariga Dhexe (Golisnews)04/06/2010- Dawladda Malaysia ayaa ku boorrisay dawladda Israel inaanay wax dhib ah u gaysan markabka ay Maalgalisay dawladda Malaysia ee laga leeyahay Ireland ee kusii jeedda deeegaanka Qaza. Wasiirka Arrimaha Debedda Malaysia Anifah Aman, ayaa war qoraala oo uu warbaahinta siiyay ku sheegay in uu Israel ku guubaabinayo inaanay faraha la gelin markabkaas oo ay u ogolaadaan in laga dejiyo agabka saaran. Markabkan ayaa ah kii labaad ee kusii jeeda Qaza, wuxuna sidaa qalab isugu jira dawooyin,agabka dugsiyada iyo sibidh oo dhamaantood ah qalab Israel mamnuucday in laga soo dejiyo Qaza., waxana qalabkan maalgalintooda bixiyey urur uu hormood ka yahay raysal wasaarihii hore ee Malaysia waa Mr Mahatir Mohammed.  Markabka waxa sidoo kale saaran 11 qof oo u ololeeyaha arrimaha bini’aadamnimada iyo in la jebiyo go’doonka lagu hayo dhulka Falastiiniyiinta gaar ahaan gobolka Qaza.
Raysal wasaaraha Irelnad Brian Cowen, ayaa isna dhankiisa ka dalbaday Israel inaanay wax dhib ah u gaysan markabkaas sida deeqda bini’aadanimo oo loo ogolaado inuu si nabadgelyo leh ugu soo xidho dekedda Qaza.
Haseyeeshee, dawladda Israel ayaan diyaar u ahayn inay u hogaansanto talooyinkan loosoo jeedinayo, waxana raysal wasaarahoodu Avigdor Lieberman sheegay inaanay sinnaba u aqbali doonin wax markab ah oo kusoo xidha Qaza. Dadka saaran markabka ayaa sheegay inaanay hubaysnayn oo ay dad rayid ah yihiin, ayna diyaar u yihiin inay hadafkooda gaadhaan inkasta oo cabsi wayni jirto.
Markabkan oo loogu magac daray gabadh Maraykan ah oo ciidamada Isreal jiidhsiiyeen cagafcagafta nooca loo yaqaaano Bulldozer waqti ay gabadhaasi diidanayd in la burburiyo guri qoys falastiiniyin ahi leeyihiin sannadkii 2003.

Salaasadii ayay ahayd markii ciidamada Komaandoosta Yuhuuddu dileen 19 qof oo saarnaa markabkii Flotilla ee laga lahaa dalka Turkiga , kaas oo meel 60 Km biyaha badda caalamiga ah soo socday isaga oo usoo jeeday Qaza. Dhacdadaas foosha xun ayaa xiisad ka aloostay mandaqadda waxana dunida Islamka iyo meelo kaleba laysugu soo baxay mudaharaadyo cadho ah halka Turkiguna ku hanjabay inuu talaabo ka qaadi doono Israel.
Shirkii Jaamacadda Carabta ee magaalada Qahira ka dhacay shalay ayaa laga soo saaray go’aano uu ugu muhiimsanaa in la jebiyo go’doonka lagu hayo Qaza. Sidoo kale shrikii Turkigu ku baaqay ee golaha Ammaanku yeesheen laba casho ka hor ayaa lagu cambaareyey falkaas waxana shanta xubnood ee codka diidmada qayaxan ku leh golaha ammaanku ku baaqeen in sharci darro ay tahay go’doominta Qaza sidaas darteed Israel qaado haseyeeshee dawladda Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Israel ayaa ka gaabsatay inay si cad go’aan ka dhana Isreal madasha ugaga dhawaaqdo.
Isku soo wada duuboo, cabsida la qabo ayaa ah in isku dhac ka dhalan karo u dhexeeya Israel iyo dawladaha Malaysia ama Turkiga amaba Ireland haddii ciidamada Yuhuuddu markan isku dayaan inay weerari doonaan markabkaas ama waxyeeleeyaan dadka saaranba. Maalinta berrito ah ee sabtida ayaa markabku kusoo beegan yahay Qaza.

Bariga Dhexe (Golisnews)04/06/2010- Dawladda Malaysia ayaa ku boorrisay dawladda Israel inaanay wax dhib ah u gaysan markabka ay Maalgalisay dawladda Malaysia ee laga leeyahay Ireland ee kusii jeedda deeegaanka Qaza. Wasiirka Arrimaha Debedda Malaysia Anifah Aman, ayaa war qoraala oo uu warbaahinta siiyay ku sheegay in uu Israel ku guubaabinayo inaanay faraha la gelin markabkaas oo ay u ogolaadaan in laga dejiyo agabka saaran. Markabkan ayaa ah kii labaad ee kusii jeeda Qaza, wuxuna sidaa qalab isugu jira dawooyin,agabka dugsiyada iyo sibidh oo dhamaantood ah qalab Israel mamnuucday in laga soo dejiyo Qaza., waxana qalabkan maalgalintooda bixiyey urur uu hormood ka yahay raysal wasaarihii hore ee Malaysia waa Mr Mahatir Mohammed.  Markabka waxa sidoo kale saaran 11 qof oo u ololeeyaha arrimaha bini’aadamnimada iyo in la jebiyo go’doonka lagu hayo dhulka Falastiiniyiinta gaar ahaan gobolka Qaza.

Raysal wasaaraha Irelnad Brian Cowen, ayaa isna dhankiisa ka dalbaday Israel inaanay wax dhib ah u gaysan markabkaas sida deeqda bini’aadanimo oo loo ogolaado inuu si nabadgelyo leh ugu soo xidho dekedda Qaza.

Haseyeeshee, dawladda Israel ayaan diyaar u ahayn inay u hogaansanto talooyinkan loosoo jeedinayo, waxana raysal wasaarahoodu Avigdor Lieberman sheegay inaanay sinnaba u aqbali doonin wax markab ah oo kusoo xidha Qaza. Dadka saaran markabka ayaa sheegay inaanay hubaysnayn oo ay dad rayid ah yihiin, ayna diyaar u yihiin inay hadafkooda gaadhaan inkasta oo cabsi wayni jirto.

Markabkan oo loogu magac daray gabadh Maraykan ah oo ciidamada Isreal jiidhsiiyeen cagafcagafta nooca loo yaqaaano Bulldozer waqti ay gabadhaasi diidanayd in la burburiyo guri qoys falastiiniyin ahi leeyihiin sannadkii 2003.

Salaasadii ayay ahayd markii ciidamada Komaandoosta Yuhuuddu dileen 19 qof oo saarnaa markabkii Flotilla ee laga lahaa dalka Turkiga , kaas oo meel 60 Km biyaha badda caalamiga ah soo socday isaga oo usoo jeeday Qaza. Dhacdadaas foosha xun ayaa xiisad ka aloostay mandaqadda waxana dunida Islamka iyo meelo kaleba laysugu soo baxay mudaharaadyo cadho ah halka Turkiguna ku hanjabay inuu talaabo ka qaadi doono Israel.

Shirkii Jaamacadda Carabta ee magaalada Qahira ka dhacay shalay ayaa laga soo saaray go’aano uu ugu muhiimsanaa in la jebiyo go’doonka lagu hayo Qaza. Sidoo kale shrikii Turkigu ku baaqay ee golaha Ammaanku yeesheen laba casho ka hor ayaa lagu cambaareyey falkaas waxana shanta xubnood ee codka diidmada qayaxan ku leh golaha ammaanku ku baaqeen in sharci darro ay tahay go’doominta Qaza sidaas darteed Israel qaado haseyeeshee dawladda Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Israel ayaa ka gaabsatay inay si cad go’aan ka dhana Isreal madasha ugaga dhawaaqdo.

Isku soo wada duuboo, cabsida la qabo ayaa ah in isku dhac ka dhalan karo u dhexeeya Israel iyo dawladaha Malaysia ama Turkiga amaba Ireland haddii ciidamada Yuhuuddu markan isku dayaan inay weerari doonaan markabkaas ama waxyeeleeyaan dadka saaranba. Maalinta berrito ah ee sabtida ayaa markabku kusoo beegan yahay Qaza.

Posted in International news, Latest News, News, Somaliland news, Top Article, Videos0 Comments

XIDHIIDHKA ETHIOPIA IYO SOMALILAND. By A.S.Botan.

Waxaan Salaamayaa Saxaafada iyo macaamiishaba, waxaan Illaahay Kheyr u weydiinayaa Ummaddisa Raacday jidhkiisa, gaar ahaanna magaca Soomaalida, intaas ka dibna kuwa Reer Somaliland Aamiin aamiin.

Waxaan inyar ku darsanayaa Doodaas ku saabsan maxay reer Somaliland ka faa’iideen xidhiidhka dalka aan jaarka nahay ee Ethopia, waana xaqiiq in su’aashu timaado, waayo shay kastaa waa waajib inaad ogaato khasaare iyo faa’iido kiisa kugu badan, hadduu faa’iidadu badnaato waad sii wadeysaa isticmaalkiisa, haddii khasaaruhu batona waa inaad meel kale uga wareegtaa, arrintaas noolaha ayaaba u abuuran, xataa Xoolaha ayaa kala yaqaan meesha u daaq badan iyo meesha aanay waxba ka goyneyn, kana maaga inay u dareeraan meel aanay wax badan ka faa’iideyn.

Aan ku soo noqdo dulucda arrintan, ee Kelmidda Xidhiidh waa arrin u dhex ah laba qof,Qoys. Qabiil,ama labo Qaran, halkaas waxaa ka cad waa Madaahilo, iyo wadaag oo ah  isii, aan ku siiyee, sidaas darteeed ayaan labadan Waddan ama Ummaddood ay yihiin inay wadaagaan, isna weydaarsadaan waxyaabaha ay isaga baahin yihiin, ee aanay lakala maarmeyn, iyagoo ka illaallinaya waxyaabaha ka xumeynaya Cilaaqaadkaas, xumeyn kara, sida isagoo mid doona inuu isagu qaato faa’iidada oo  dhan ama Bursado, taas waxaa u Daliil ah waxyaabihii keenay Dagaalkii Ethopia iyo Elerea oo Milez Doonay inuu qaato 80% ninkii kalena diidey waa taas aad arkeysaan maanta halka ay gaadhay, ilaa ay Colaadaasi saameyn weyn ku yeelato Dhamaan meel Soomaaliyi joogto sida Jabouti,Somaliland ama Somaalida kaleba oo mar aad Waddanka Eretea aad u soo dhoweyn jirey.

Aan eegno qodobo kooban Sida Dhaqaalaha, Nabadgelyada, Siyaasadda Arrimaha Debedda iyo Gudahaba ee labadan Ummadood:

1) Nabadgelyada:- Xadkaas dheer ee inoo dhaxeeya, iyo Kilalka Shanaad oo ay degaan ama ay leeyihiin Dad Soomaaliyeed oo ay Dawladda Ethopia gacanta ku hayso waxaan ka kaafinay Waddanka Ethopia inaan xidhiidh wanaagsan kala sameyno, inkastoo marmar lagu talax -tegay, iyaguse ilaa intaan gaadhney hagrasho weyn baa ka muuqata, waxaanaad moodaa Colaada ka Unkantay ONLFta iyo Dadka ka soo jeeda Somaliland inay Huriyeen Sirdoonka Ethopiaanku, Baabuurta la gubeyna dhaqankaasi muujinayo cadaawad shisheeye ama aan ka iman dad leh dhaqan Islaam iyo mid Somaliyeed ka madhan yahay, xataa haba sameeyaan ONLFtuye waa kuwo u adeegaya Cadaawad ajinebi.
Tan labaad Ethopiaanku waxay hagradeen dhaqaalihii uga baaqday gacantaas ay ka heleen Reer Somaliland inay u bedelaan Horumar ummadnimo.

20 Xagga dhaqaalaha waxyaabihii in badan laga wada hadlay oo ah in Ganacsi xor ah uu dhexmaro labadan ummaddood, si dhaqaalahoodu kor ugu kaco, Bangiyada laga furo dhammaan magaalooyinka waaweyn, la dejiyo Sarifka lacagaha, la is dhaafsado Alaabooyinka daruuriga ah, la jaangooyo sixirka Cashuuraha, la wadaago Ashcaarta, la fududeeyo habka isu socodka Alaabooyinka, la sameeyo Rugaha Cashuuraha iwm, waxaa soo dhan waxay ku hadheen Waraaqahii lagu qoray, waxii faa’iido ah ee ka yimaadana Ethopiaanka ayaa iska leh, xagga reer Somaliland waa fadhiidh uun.

30 Siyaasadda Debedda iyo Gudaha:Waa jiraan wax yaabo aan badneyn, ama waa Dalka inoogu dhow xagga Arrimaha Debedda oo way jiraan Tanaasiilaad xooggaa ah, laakiin haddii ay doonayaan inay Somaliland wax la qabtaan gaar ahaan xagga Ictiraafka way qaban kari lahaayeen intaas in ka badan, waxaadse moodaa inay iyaga iyo Kenyaba ku heshiiyeen in aan Qaran xoog badani kaba dhalan Somaaliya Guud ahaan ay noqdaan meelo yar yar oo maamulo ay iyagu Xukumaan uun ka jiraan,weliba Ethopia waxay ka dhigatay dhammaan Somalida inay gacanteeda ku jirto, waxaanay ogeynina ka bixin soona gelin, waad ogeydeen waxaa ka dhacay maamuladii Abdulaahi yuusuf iyo Qaasin, waad ogtihiin kuwan ay iska yeesheen ee Putland, waad ogtihiin dhacdooyinka Kilalka-Shanaad, iyo dhammaan meesha ay ku dambeeyeen raggii soo xumay K.5aad.

Arrimaha Gudaha: Waxaad ogtihiin sharciga Caalamiga ay ku sheegaan, Waddanna, ma fara-geliyo Arrimihiisa Gudaha Waddan kale bal aan eegno’e taasi ma ka jirtaa Ethopiaanka, iyo Somaliland, amaba Somalida kale, anigu waxaan qabaa waa maya, waxaad moodaa maamaulka Ethopia inayba iyagu ka taliyaan Arrimaha Gudaha ee Somaliland, taas bal meel ka eego waxaa jirey Nin aqoon yahan ah oo haysan jirey Sirdoonka Somaliland oo la odhan jirey Xuseen Kenyaati, Xuseen intii uu gacanta ku hayey Sirdoonka, waxa uu Waddanka ka badbaadiyey Hagardaamooyin badan, markki la eryeyna waad ogtihiin ilaa Madaxtooyadii la Hirdimey, warar Xogagfaal ah ayaa sheegaya cida ugu weyn ee uu meesha uga tegey tahay Ethopiaanka, waad ogtihiin Hubkii lalahaa Mudug baa laga keenay ee Wasiirka Arrimaha Guduhu ku eedeeyey Reer Galguudeed cidda qaadatay, iyo meesha ay ku dambeysey, waxaa soo dhammi waxay muujinayaan waxaan wanaag badan oo waara keeneyn, haddi aan madaxda Ethopiaanku la iman Hab ka xeeldheer oo ka duwan kan ay wadaan.

Waxaan ku gebagebeyynayaa, waqtigii Halganka Xaaladu sidaas waa ke gedisneyd oo Ethopiaanku baahi badan ayey u qabeen Jabhadaha, gaar ahaan SNM IYO SSDF, ilaa ay markii dambe isku dhaceen SSDF oo ay Gudoomiyahoodiina Jeel dhigeen, waxaa Itoopiya ku socday Halgankii Jamhadahii Tigree iyo ELeteriya markaas baahidaas ay qabeen ee badneyd oo Ruushkiina ka joojiyey Taageeradii ayaa qasbeysey inay Tanaasulaad badan bixiyaan maantase waa Baar-qabeynayaan, waxaad ku quduro qaadataan dhammaan maalin qudh ah ayey u wada yeedhayaan Shariif, Faroole, iyo Madaxweyne Riyaale, waxayna farayaan waxay doonayaan, kii yeeli waayana waa ka qaadayaan meesha uu joogo,haddii kale waa inuu sidaas u hoggaansamaa, taas waxaa u xaqiiq ah maxaa maanta ku dhacay Faroole in maamulkiisii la yidhaahdo kaa ma rabno, kaana keen, Sharrifkana waa sidaas, maxuu kaga duwan yahay Mudane Riyaale Raggas aan soo sheegnay?.

Maxaa ku dhacay Korneylkii waalaa ee u yeedhay Itoobiya, meeyey Cabdi-Qaasin iyo Ina Cumar Geelehii is watay, meeyey Cali khaliif Galydh?.

Hadal iyo dhamaantiis waxa Xaalku yahay Kalluulka weyni waxa uu ugaadhsadaa ka yaryar, Itoobiyaan waa 75 Million, Ciidan waalan oo aan loo Aabbo-yeeleyna waa haystaa, Siyaasadduna ay wax kuwadaan Tigreeguna maanta ma fiicna, sidii Mareykanka ayuu Geeska isku wadaa, sidaas daraadeed jawaabtu waxaa weeye Wadaagii ma muuqdo, waxaadse ogaataa Nin gabadh meheriyey ayaa lagu yidhi war maxaad gabadha aan maaligeedi joogin ku Meherisey, markaasuu yidhi dee Faataxada ayaan u cuskaday, markaas ayaa lagu yidhi oo ma mahersameysaa, markaas ayuu ku jawaabey, oo haddaa miyey uga dareysaa, arrinku waa sidaas, cid aan uga cararnoba maanta ma haynaa?

Kolay dedaal iyo maamul Hufanna maynaan helin oo doodooda marsan kara oo inaga dhexdeena ayaaba isku basaasna, Qaranimo cid aad ugala doodeyna waa yar tahay, iyana niman wax badan ogol maaha, taasiba waa ta keentay Dagaalkii u dhaxeeya Elateriya oo la aqoonsan yahay, dee ka warran kuwo aan laba ictiraafin, Quwad iyo Xoog lagaga baqona aan lahayn.

Ilaahay haynala jiro dhamaan Soomaalidana wax ka xumaaday ee daciifiyey ha tuso ee u kaday kheyr kood iyo kheyr xigahoodba, welina wey ku socdaan Jidkii Dulliga ilaa Jabouti laga soo bilaabo.

Posted in Top Article0 Comments

Waxa keliya ee aduunku maanta inoogu soo joogsanayaa waa Xukuumada Riyaale oo meesha ka tagta.

Markaad eegto dayaca danyarta iyo muwaadiniinta haysta, iyo sidaan Xukuumada Riyaale wax dan ah uga lahayn, waxaad xasuusanaysaa xiliyadii qadhaadhaa ee ay umadani soo martay. Umadii waxay noqotay in  gaajo iyo cuduro la ildaran iyo wax badaha isku tuuray kadib markii ay arkeen inaan ciridkan ay arkayaan ilka ka soo jeedin. Waxaa taas u sii dheer shacabkii oo la bahdilay oo ilaa haweenkii la marayo in NSS laga dhigo.

Waxaa naxdin iyo murugoba mudan in Xukuumadii umadu dooratay ee ay horumar iyo itijaah ka sugayeen ay  dadkii  ina  mu,aamarad ku layso qaarna  si badheedh ah u disho. Xukuumadu waxay umada ku tijaabisey boqolaal mu,aamaradood oo ay doonaysey inay iyaga iskaga horkeento.Markii taasi socon weydey, waxay maanta maraysaa in ciidankii Somaliland Saraakiishoodii safka hore ee dagaalka ku jirey ee wadanka difaaciisa naftooda u hurey in midba sifo gaara loo dilayo qaar la yidhaahdo xabad  qarax ayaa ku dhacdey  iyo qaar la  yidhi cidiba ma garanayso cidii dishay. Shacabku marna may maqal Xukuumada Daahir Riyaale oo umada ka qancinaysa dilka Saraakiisha Ciidanka qaranka. Mar hadii Xukuumadu ka bixin weydey hadalo waafiya oo ay ku qancinayso ciidamada qaranka iyo Shacabka Somalilandba, waxaan shaki ku jirin inay jiraan Shirqoolo siyaasadeed oo Xukuumadu dan ka leedahay, kuwaasoo dil iyo qorshayaal kaleba loogu geysanayo Saraakiisha tayada leh ee jooga goobaha dagaalka. Arinkaasi wuxuu u egyahay Mu,aamarad qaawan oo lagu beegsanayo saraakiisha.

Waxaad maqasheen in Xukuumadu ay Somaliland ku riday go,doon siyaasadeed oo ay maalin walba aflagaado cay ugaystaan madaxda caalamka.Waxay kaloo go,doomisey dhamaan ganacsigii shacabka Somaliland la lahaa qowmiyadaha deriska la ah Somaliland. Xukuumadu waxay candadowshay oo ay rajci iyo khasaareba u geysatey geedisocodkii doorashooyinka Somaliland iyadoo gees martey dhamaan wixii uu qorayey dastuurka Somaliland. Waxay kaloo dhibaato iyo dhogordhaanba u geysatey golihii Guurtida ee ay dadku doonayeen in golahaasi noqdaan halka keliya ee marjaca u noqonaysa jiritaanka iyo  wadanoolaanshaha Shacabka Somaliland.
Xukuumadu waxay guurtidii u bedeshay meel xukuumada  markhaati beenaalaha looga furo ama laga dibindaabyeeyo umada. Xukuumadu waxay guurtidii ka kaxaysey dadnimadii iyo sharaftii qofka guurtida ah lagu yiqiiney ee ahayd cadaalad inay u sameeyaan umada ay markaa metalayaan. Maanta guurtida jirta waxaynu odhan karaa maaha guurti ee waa guuris, maskaxdey guurisey, dhaqankiibay guurisay, sharcigii iyo dastuurkii ayey guuriyeen. Ragii hore markay guurtida sifaynayaan waxay odhan jireen Sadex markhaatiga iima galaan: Nacfi jiid, Naas Jiid , iyo Lug jiid , Nacfi jiid waa laaluush cune, naas jiid waa ninka u eexda reer abtigii, lug jiid waa ninka u eexda xididkii. Taasi waxay ku tusaysaa sida uu u adkaa sharciga guurtinimadu ee ay uga madhnayd eexda dhuuni raacnimada, nin jeclaysiga iyo wax lamid ahi.

Waxay kaloo Xukuumada Riyaale candadowshey oo ku tumatey qaab dhismeedkii  maamulka  dawliga ah lagu yiqiin. Waxay samaysay Wasiir,Wasiirul Dawle,Wasiir ku xigeeno, iyo DG. Dawladii Somaliland waxay u ekaatay tii ay samayn jireen qab-qablayaasha Somalia. Taasoo looga jeedo in Wasiirkuna beel noqdo,wasiirul dawluhuna beel noqdo,Wasiir ku xigeenkuna beel kale noqdo, DG-guna beel noqdo ujeedada keliya ee ay ka leedahay Xukuumada Riyaalena waa si ay u helaan taageerayaal, balse Xukuumadu marna ula ma jeedin arin ay uga maarmi weydey maamul ahaan.

Hunguri Xumada Xukuumada waxaa kamid ah iyadoo aan wax dan ah ka lahayn jiritaanka,karaamada iyo Xuduudaha Somaliland. Waxaa in laga murugoodo mudan in Ciidamo ka soo talaabay Xuduudka Jabuuti ay qabsadeen degaamo ka tirsan galbeedka dalka.Waxay taasi markhaati u tahay siday Xukuumadu xitaa ugu fashilantey ilaalintii xuduudaha dalka.

Shacabka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay ka tashadaan kana horyimaadaan Xukuumada Riyaale, isla markaana iyagoo u hiilinaya dastuurka dalka ay xukuumada ku qasbaan inay doorasho dalka ka dhacdo. Waxaan kaloo ka codsanayaa shacabka Somaliland inay taageeraan agendayaasha siyaasadeed ee xisbiyada Mucaaradka ah, Siiba hadaanu nahay xisbiga weyn ee Kulmiye Waxaa naga go,an inaan umada u hiilino oo maamul wanaagsan ugu hiilino waxaanuna umadayada kula balamaynaa inay naga go,an tahay inaanu umada ka saaro aafada musuq-maasuqa iyo aqoondarada ragaadisay horumarkoodii.

Kulmiye sidii looga bartey wuxuu mar walba difaaci doonaa karaamada iyo jiritaanka Somaliland.

Gudoomiyaha Kulmiye-Minesota

Ahmed Nur FAhie Ali

Posted in Top Article0 Comments

Xildhibaan Nanac, Alle haw gergaaro’e. Tusaale nool oo Mas’uuliinta aanu rabno ah ayuu dhigey. Dr. Cali Cabdi Muxumed

Nimaan dhulmarini , Dhaayo la’. Dal la’aan waxa afar erey oo aanad weligaa illoobin kaa odhanaya Ilmaha yar ee Falastiiniga ah!! innaguna 70 jirkeennii ayeynu ka muslaxaynaa, waar u tudh ummadda iyo Dalkaaga!! Qarni walba dunuubta bulshadiisa ayaa u sameysa astaamaha uu ku hanaqaadayo, Casrigan haddaba Madaxa lagu sooconayo, ee Beentii ,runta noqotey ee Baadilkii xaqa noqdey,Xaqiina baadilka noqdey, ee Ma gudbihii Madax noqdey, Aqoonyahankiina suuq-joogga noqdey, Muwaadinkii Mujaahidka ahaa federaalka noqdey, qaran-diidkiina waddaniga noqdey, waxa mar keliya aragti tusale oo gaaban ka bixiyey Xildhibaan Dr. Nacnac, Madaxnimo qaayadda looga jeedo waxay tahay. waxa uu innaga furtey Xil kaar weyn ku hayey inta muwaadin dhiigle ee ka warhaysey, Xaaladaha laba hooyo oo qiimo weyn ku lahaa ummadda oo wiilashoodii u horeen naftooda Madax-bannaanida aynu maanta haysanno. Midina ay mujaahid lixle hooyadii ahayd, midina mujaahid Axmed Dhagax , Alle Ha u naxariisto’e.
Labadan hooyo iyo Hooyooyin kale oo badanba , ummadda wixii ka nool xilweyn baa ka sarraa. Xildhibaanku damiirka nool ee dadka ayuu baaq ku toosiyey oo maanta labadii hooyo guryo Hantiya ayey leeyihiin !! Muuqaalkooda haddaad aragtona , maalintii iyo Maanta faraq weyn ayaa u dhexeeya, wayo waxa u caddaatey in ay innamadoodu la dhasheen dad u haya hooyooyikan kalgacalkii innamadooda oo ay ku illoobeen ayaamo adag oo soo maray!! Waxa uu xildhibaanku jeebkiis isugu xilqaamay direyskan Ciidanka ee habeenkii laydhku iftiimiyo uu muujiyo, kaas uu Ciidanka waddooyinka gaadhsiiyey, waqtigan xaadirka ah, oo waddooyinka controolku ku batey, askar badan ayaa ku naf-waayi lahayd haddan wax sidan oo kale ugu muujiya gaadiidleyda aanay gtashaneyn. Waxa kale uu Xildhibaanku ka hawlgaley, Jidadka Bilicda leh ee Bulshada Deegaanka Axmed Dhagax ku sameysaneyso Degmadooda oo ay isu qabaan kharashka hawlahaas.
Maamulkeygan Ilkaha dadka Dalka u adeega ku eegaya, waxa la gudboon uu garan la’yahay , kol haddii aanad xilkii laguu dhiibey sidii la rabay u wadin, bal ha ku masuugin
inaad Muwaadiniinta muteysata Abaal-Gudka qaranka ee u adeega ummaddooda aad muujiso !! si ay tusaale qaran ugu aadaan jiilasha dambe. Mas’uuliinta Dalkan waxaan mar labaad ugu Baaqayaa in ay Suumanka sharafka ee qaranka ka simaan, Mr. Colaad, Mulkiilaha Sharikadda  Daalo Airlines, Mr. Mamaed Siciid Ducaaleh, Mulkiilaha Sharikadda Dahabshiil, Sheikh Aadan Siiro, Dr. Nannac, Marwo Adna Aadan ismail, iyonkii Dayaaradda helikoppterka ah ku sameeyey Hargeysa, Intooduba Alle raalli ha ka noqdee, waxay adeegyo aad u qiimo badan u fidiyeen ummadda Somaliland.
Ummad aan Mas’uuliinteedu kuwa ugu dambeeya ee naftooda ka fikira noqon ilaa ay nolosha dadkooda meel iska dhigaan, may gaadhin jaranjaradii Mas’uuliyadda!! Ummad aan mahadsanid aqoonna, ma laha xadaarad, wax jirana maaha. Aynu dib ugu noqonno Mawduuca , Ceelasha ay motoorradu ka fadhioyaan Gobollada bari oo loo kiciyo, wax badan ayey ka khafiifin lahayd culeyska abaarta halkaa ka taagan. Dhulka Hawl-fududeynta loogu waageerey, Calooshooda la ciyaarro caanteyno bixiyey, waxa ay meesha ka saartey, qorshihii loogu seereyn lahaa Bulshada reer-guuraaga ah si qorsheysan, dhul daaq oo sidii hore u dhici jirteyba ,waqtiyada jiilaalka iyo aafooyinka cimilada,xoolaha lagu bedbaadin jirey. Biyo Xidheenno wixii aynu ku samayn lahayn Dalka wey yaallaan, injineerro (dhisme iyo laydhba) wey joogaan, Maamulku haddii uu Masnaca sibidhka waa hore ugu bandhigi lahaa saamiyo Bulshada ama malaayuuntan meel ay martey la la’yahay ee tan Maxjarka berbera ugu dambeysey, Dawladdu kaga shaqeysiiso, waxa yar ee u baahantahay, Biyaha Roobka ee ay Dooxyadu Badda ku daraan waa loo qaban lahaa , Biyo Xidheenno Tamarta kooraanka laga dhaliyo, kanaallo waraabin-beereedyo ahna laga sameeyo, Nabaad-guurkana dhulka lagaga ilaaliyo, dadka , Xoolaha iyo Duurjoogtana aan harraad dambe looga baqeen sow lama awoodeen?
Ummaddu waxay u baahan tahay Mas’uuliin ficilkoodu ka warramo ee qaar afkoodu ka warramo maaha, qaar haddii ay hadlaan , macno ku hadla danta ummadu ka muuqdo ee aan qaar iyaga isugu dhiiba ama wanjalaya noqon, qaar xaafaddiiba Bukaan-socod-eeg, carruurta iyo maxasta laga daweeyo u sameeya, qaar qab iyo han qaran leh oo wax ka beddelka habka dhaqan/dhaqaale ee Bulshadu yahay hadafkooda iyo in ay bulshooyinka
Caalamka ka dhex muuqata Somaliland. Xoghayihii Guud ee UDUB oo beryahanba qori dable kula wareegayey Gobollada Bariga, body-Guardkiisii nasiib-darro ayaa Muwaadin Askari ah ku diley Toogasho Magaalada caynabo, Udub waa taas!!
Dr. Cal;i Cabdi Muxumed

Posted in Top Article0 Comments

GUURTIDA IYO XAALADOODA WAQTIGAN‏

FURE,IYO XULAFADIIDU WAXAY CADEYSTEEN KU TUMASHADA DASTUURKA IYO XEER-HOOSAADKA GOLAHA GUURTIDA.
Mj.BOTAN.

Waan idin salaamay sidii caadada inoo ahayd Saxaafadda iyo Macaamiishaba, Illaahay hayna waafajiyo Talada teeda ugu wanaagsan, haynoo dooro, ma dooran-naqaane.

Waxaan filayaa dhammaan dadweynaha reer Somaliland waxay maantana Markhaati ka yihiin, waxa ku gedaaman Golaha Guurtiga, khilaafka hadheeyey, waxaad kaloo aan is weydiin lahayn, oo aynu goob joog ka wada ahayn meesha uu ka bilaabmay oo ah in labada Guddoomiye-kuxeen sameeyeen wax ka bedel aan Qorshe Guud iyo sharci midna ku iman, ay sameeyeen, iyagoo aan wax Talo ah ka weydiin Guddoomiyahoodii oo nool, khilaafkii ka yimina sabab u noqday Xidhitaanka Golaha, gebi ahaanba ay joogsadeen hawlihii Qaranka Somaliland ee ka socdey Golahaas, ilaa ay soo dedijiso soo noqoshada Guddoomiye Saleebaan.

Haddaba, waxaa la yaab leh, khaladku waa dhacaa, bini-Aaadamkana waa caadi inuu gefo, laaakiin waxaa yaab ah in marka la garto la sixiwaayo, ama qofku noqdo mid macangeg ku ah qirashada khaladkiisa si loo helo sax, waxii xumaadeyna loo maareeyo, taas oo ah Ceeb labaad, iyo Xalka oo dheeraada, marba marka ka sii dambeeya,intaas ka dibna abuura arrimo aan lagaba fekerin inay dhici doonaan.
Haddaba, Mudanayaal, iyo Marwooyin Golaha waxaynu siinaa Mushahar, waxaynu u diranay wax-qabbad, iyo Illaallinta Qarannimadeena, waxa uu leeyahay Xeer, hadduu qofku soo shaqo-tegiwaayo, gooyona hawshii loo idmaday maxaa innagaga waajib ah, taas waxaan ugu jeedaa waad ogtihiin inta jeer ee uu soo Xaadiwaayey Guddoomiye-Kuxeenka kowaad iyo nimankii kula bahoobey Burburinta Golaha, waxaad ogeydeen inuu isaga kuxigeenka labaad, lagu eedeeyey inay Madaxweynaha kula Xulufoobeen murankan taagan maanta,waxaa weliba caado noqotay in maalin walba lagu xanto Musuq, iyo Laaluush ilaa iyo muddo hore oo ku simman maamuladii hore, waxaase iska caado noqay inaan laba baadhin,loona saarin mar qudh ah Guddi soo baadha arrimahaasna aan marna lagu deyin, dabadeedna layska caadeystey in laaluushkuba yahay wax iska Xallaal ah, oo aan laysuba raacin, taasoo ah ta ugu weyn Qaranka, masuuliyaddii aad u qaaday ee aad u dhaaratay Burinteeda ah, taasina gaadhay Golaha Wasiirada, madaxweynaha, Agaasimiyaasha iwm. Waxyaabahaas ayaa maanta maamulka Hagaasiyey, Tarhiibta keenay, shaqo la’aanta abuuray, sababtu tahay wax-qabadkii Ummadnimo ayaa iyo adduunkii lagu maareyn lahaa ayaa Qeydhinka lagu qeybsaday, Sh. Furena waxyaabihii ku tegey, iyo Ballantii u galay  ayuu u garqaadan la’yahay, haddii kale magac ha loo bixiyo, waxa uu u garqaadan la’yahay, ama u abuurey murankii dadka daashadey oo maalintii horeba uu ahaa isaga iyo Saciid jaamac, cidda lagu xammaneyey kala qeybsanaantii Guurtiga madaxweynuhu Gurigiisa ku xereystay, si ay ugun kordhiyaan.

Waxaa iga xasuus ah dadweynow ka warama hadduu madaxweynuhu dalka ka dhoofo, Waddanka kaga tago madaxweyna kuxegeenka intaas ka dibna Axmed Yaasiin Bedelo dhammaan Wasiiradii ama isku shaandheeyo sida uu isagu doono, ma ka yeelayaa madaxweynuhu, sharciguse ma siinayaa inuu sidaas sameeyo, taas waxaa ka dhigan waxyaabaha uu sh.Fure sameeyey, waxaa ka sii daran ku tumashada weli uu ku tumanayo Sharciga taasina waxay ka marag kacaysaa Jaahinimada Fure ee aanu daneyneyn waxa dadweynuhu u idmaday ee uu ka doorbiday waxyaabaha u gaarka ah, ee qarsoon ee ay madaxweynaha si gaar ah ugu midoobeen, hana ogaado mudane Fure in Qaranku ka qaalisan yahay shakhsi iyo adduun intaba, dadweynaha dhammaan waxaan filayaa inay u bannaan tahay in tallaabo laga qaado dadka awoodeenii u adeegsadey sida ay iyagu jecel yihiin gabayna Hawshii Qaran ee aan u magacaabaney, laguna saamixi maayo arrintaas Mudane Fure lacala Saciid waaba Soo xaadiray oo Golaha yimi, laakiin Sh.Fure iyo Waraabe Illaahay iyo Ummaddaba ha Xeeriyaan, hana ka Xishoodeen, hana muujiyaan Waaweelnimada ka muuqata korkooda, Illaahayna haydin haddeeyo Aamiin.

Waa Axmed Saciid Bootaan

Posted in Top Article0 Comments

Jowhary oo gaadhy UK

Madaarka markii aan ka soo degay waxaan la kulmay dhalinyaro igu sugeysey waxaan siiyey war hordhac ah oo ku saabsan hadalkii ka soo yeedhay Dahir Rayaale iyo labada Xisbi Mucaarad:
Waxa hubaal ah in Xisbiyada Mucaaradka ahi ay la mabda’yihiin Dahir Rayaal oo aan la odhan karin mucaarid ayey ku yihiin waayo saddexdooduba wadanka wey u heshiiyeen iney iyaga oo kaliya ay xisbiyo u ahaadaan raalina ay ka noqdaan sida Dahir Rayaale wax u wado,
war saxaafadeed uu sii daayey Madaxweyne Rayaale dhawaan wuxuu ku sheegay in doorashooyinku isasoo wada gaadhayaan, mana oga inuu isagu ka mas’uul yahay oo danbigaa uu ka galay dalka, todoba sanadood oo uu Madaxweyne ahaa wax ka dhaca mooyee wadanka waxba kumuu soo kordhinin, wuxuu sheegtaa inuu saddex doorasho qabtay intuu madaxweynaha ahaa taasna waxba kama jiraan oo qofkasta oo reer Somaliland ahi wuu ogyahay in qorshaha doorashooyinkii qabsoomay uu sii dhigay Ilaahay ha u naxariistee  Cigaal. Waxa hubaal ah haddii uu wadanku sidaa ku sii socdo in xoriyadda Somaliland meel dheer laga baadidooni. Labada Xisbi ee mucaaradka lagu sheego
Dahir Rayaale waxay wadanka ka galeen danbi wada jir ah, saddexdooduba waxay daneynayaan dantooda gaarka ah ee kuma jirto wadaniyadi. Dhibta maanta haysata reer Somaliland waxa u keentay Xukuumadda dalka ka jirta iyo laba Xisbi Mucaarad. Maxjarka Bangiga Islaamku inoo dhisay ayaa dawladdu lacag ku siisaa nin la yidhaahdo Jabiri, Foostada bitroolka ah $17 oo dheerada ayaa saaran cid qaadatana la garanmaayo, dhakhtarka Hargeysa gabadh aan haysanin $50 kuma umuli karto gobolada kalena hadalkooda daa, reeraha saboolka ah caruurtoodu waxbarasho ma hesho, dhibta ummada haysataa wey fara badantahay oo lama soo koobi karo, arrimahaas oo dhan mucaarad ku sheegu waa kula heshiis xukuumadda kamana hadli karaan.
AHMED MOHAMED (JOWHARI)

Posted in Top Article0 Comments

The Djibouti Experience: The Shrieking Rage.

“Djibouti learns from Somaliland, and the later from the former”.

I did come to Djibouti in September 1st, 2008. It must have been, i should admit, the first time i did stay more than a month; it goes back to 1972. I am a learned man this time with some huge expectation to be seen, and to be welcomed normally. And ‘Employment’ seeking, during such circumstances, occupies high on my personal agenda, so that i could make some positive contributions for my own people. There were some obstacles here the most notable of which was age, a phenomenon that has left its mark on this issue; i can see the point from their prospective though there were much more aged folks about at the time. There was the pension saga that was away for quite a while, but usually it occurs that the ‘Universities’ in the World over do seek professionals of higher quality. And it remains to be seen whether this point becomes the case at ‘Djibouti University’. Anyway, i was employed on hourly basis. This matter kept me bankrupt because i was paid for any job attended to, nothing else. The second year did come round, and i was asked to operate along these lines. Moreover, there were some Eighteen Posts for ‘Teaching English To Specific Purposes’ for which i would have been the first to qualify, after taking examinations, interviews etc. but to no avail, as the Advertisement strongly encouraged that Djibouti Nationals should apply; i did not apply to being a British National. This idea made me say ‘English Language Tongue did die in Djibouti’. And there were other malpractices done there, as guys who failed in an ‘Examination’ were given the Diploma; i did write about the ‘Diploma Disease’ prior to this very issue, knowing the naive mentality of the guys there.

I did give the whole issue a serious thought, and i did come up with a negative response, arguing the notion that, being the best trained tutor there,  i did deserve a better treatment than being worked on hourly basis.
I did make noises during my first year however disencouraging. There are officials who do represent people from various communities towards the former’s agendas in the public domain. I was given a cold shoulder full stop. And being a Social Policy issues Analyst, it is not fair to disengage yourselves from your ‘Constuencies’ in their various agendas, and personal demands. This is because the public’s votes determine your fate, and perhaps future. It is, in fact, the public who should open their eyes wide, and possibly choose helpful individuals for their different inquiries, and demands.
My case is vivid, and is a living example for the purpose just said though the issue of opening doors for somebody, quite a stranger, but perhaps a remarkable person for the benefit of the country in particular. And the more one opens doors for the community members the well recognised this community becomes in this closed society, and hence its elected members in the Government.
I leave my ferocious point of choosing the right individuals on the one hand, and the elected members should be catalysts in their respective communities’ opening doors, and actively tending to its demands.
I did write a book about the subject discussed earlier on. My book will obviously improve the ‘University’, and its various routines. It is always positive for constructing the matter as far as writing about it is concerned.
It is alright to voice your concerns towards issues, as throwing it out-of-your system is more healthier than bottling yourself up. It is said that the “best way to conjure up your emotional problems is to talk about it”. And writing it is like talking about it.
I did mention the valid point that the book will tremendously improve the ‘University’, and its various routines earlier on, by actually addressing the sensitive security aspect of many young men, and women. This will encourage the ‘University Authority’ to call upon all visitors to come, and to sign a book that will enable the ‘Establishment’ to easily check up who visited there, when s/he did pay it, and for what purpose?
This easy follow-up of all visitors purposes as well as giving their respective visits will certainly address the security issue of many bright youngsters many of whom will run this country for the years to come in future. This point takes care of the security aspect, as none can trust anyone under this climate of fear. And it will obviously become a bonus for the current situation.
It is said that in my writing that Djibouti learned from Somaliland, and visa-versa. This is actually a private matter, and is due to the dead silence experienced whilst seeking assistance, or sort of. The scenario rings a bell, and probably recalls the exact replica of the scene gone through, or at least a similar case, to say the least. It is about my source of seeking assistance who did snore like the very source there in Somaliland.
Conclusions:
The ‘University’ is, in fact, producing the manpower capability of this country. It is the preparatory ‘Establishment’ of the place without which no such a thing will have been available. And it is my privilege to say that i was busy in communicating with almost all the major ‘Universities’ in the World over during my service there to extend helping hands to it.
It is, as such, to be handled with care, and proper sensitivity, as it is the home base of our will be leaders for tomorrow. The needs of teaching personnel of the Establishment must be addressed, and should be given what is called in Education in-service training to keep abreast with the changes occurring in their respective fields. This reminds me of Mr. Henry, A White Tutor in America. He did teach for the White Population students for about thirty years. His Preparation, during those thirty years was more or less the same. He did make thorough preparations after that period, simply because of the changes that did happen to the composition of his fellow students; the later did consist of Blacks, Hispanics, Working Parents, Single Parents etc whose needs were all different, and hence some complete preparations were required. The case here is different because of the nature of the very force that ought to deliver teaching, as tutors are born, and made, educationally. And time is of the essence.
God bless the students & their families.

Professor Abdillahi Aden Hassan.
(An Educational Professional
).

Posted in Top Article0 Comments

Yaa lagu tuhunsan yahay ku lug lahaanshaha / Maxayse wadagaan qorshayashii Dilka & isku dayga ee Laascanood iyo Hargeysa S/land ka dhacay waqti isu dhow.

Jama Soyaan Gaaxnuug  12/12/09
Somaliland ayaa waxaa ka dhacayey bilahan dhagaro dilal siyasadeed oo qorshaysan sida Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa waxaa Magaalada Hargeysa, isku-day dil ah 4-tii bisha Nov 09 ay saddex Nin isku dayeen in ay goor habeenimo ah toogasho ku dilaan, balse uu ka badbaaday. Dilkaas oo ahaa qorsha uu Madaxweyne Rayaale wax ka ogyahay, ka dib markii uu Madaxweynuhu amar ku bixiyay in la sii daayo Taliyihii Dembi-baadhista ee G/Saaxil oo ahaa Eedeysanihii 1aad ee u xidhnaa arintaa kuna luglahaa, ayaa kiiskaasi Madaxweynuhu ku guuleystay inuu sharciga is hortaago oo gebihaanba baabiiyo.
Sidoo kale ayaa Bishii  November 1, 2009 : Waxaa qarax miino lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Rabi haw naxariiste Gaashaanle Sare Marxuun Cismaan Yuusuf Nuur isaga oo maraya magaalada Laas Caanood dhexdeeda, oo isagana uu ku eedaysaysanaha 1aad yahay Taliyaha Sirdoonka G/Sool Cabdifataax Muuse Yuusuf.
Falalkan ayaa Shacabka S/land ku tilmaameen wax laga xumaado ka dib markii lagu eedeeyey masuliyiintii dowladii amniga u qaabilsanaa qaraxa lagu dilay taliyaha Q/12aad iyo iskayga dilka ee xildhibaan Qabiile.
Qaraxan iyo isku-dayga dilkuba waxay ahayeen kuwii ugu horeeyey ee noocooda oo kale ah ee lagu dilo ama laguna sigo masuuliyiin ka tirsan dowlada Somaliland .
Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda wax warbixin ah ka soo saarin qaraxyadan  Alle haw naxariiste 1 November, 09 lagu dilay taliyihii qaybta 12aad ee ciidanka Qaranka Somaliland Marxuum Cismaan Yuusuf Nuur iyo Isku-daygii dilka ahaa ee 4 November 09 laysku dayey in lagu khaarajiyo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile.

Ilaa iminkana Hay’adaha ammaanka ee Somaliland ayaan wax baadhis ku samayn cidda falalkaasi ka dambaysay iyo weliba arrimo kale oo la xidhiidha cid kasta oo ku lug lahayd falalkaasi ,Waxaanay madaxda Somaliland wakhtigaas sheegeen in ciddii  falka Laascanoood ka dambaysay tahay cid cadow ku ah Somaliland., waana wax afka baarkiisa ah oo ilaa maanta oo laga joogo qaraxa laascanood 42 Maalmood lama hayo wax warbixin ah oo la soo saaray iyo weliba natiijada baadhis ah mudadaas la waday, iyadoo ay Xukuumadu faraha kala bixi weyday.

Waxaana Madaxweyne Riyaale dadaal ugu jiraa sida xukuumadu caadada  ah in Eedeysanaha 1aad oo ah Taliyaha Sirdoonka G/Sool Cabdifataax Muuse Yuusuf.iyo eedaysanayaal kale in Hargeysa  in loo wareejiyo ,si loo danbabaso, taasna waxaa ganafka ku dhuftay ciidamada Qaranka oo iminka wacad ku maray in dacwadaa ay ka socoto Laascanood oo ah halkii dilku ka dhacay , sida sharcigu ogolyahay goobtii iyo gobolkii uu ka dhacay si ay ula socdaan xaqiiqada iyo sida ay dacwadu u socoto .
iyadoo uu Madaxweyne Riyaale ka hadhiwaayey oo iminka wasiiro degdega u diray sida  warar hoose ay shaaciyeen Xubno Wasiirro ah oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland,ay Laascanood u tegayaan kiiska dilka Taliyihii , Sida ay ilo xogogaalka ahi tibaaxeen, socdaalka Wasiiradaa Xukuumadda ka tirsan waxaa sheegay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, waxa la filayaa in Wasiiradan Daakhiliga Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Maxamuud Axmed (Sandule) iyo xubno kale ay socdaal degdega ugu baxaan Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.oo wararka qaarkood sheegeen inuu weheliyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka waxaa ay yihiin rag aad ugu dhuundaloola sida ay wax yihiin , waxa sida la sheegay ujeedada ugu wayn ee safarkoodu la xidhiidhaa kiiska dilka Taliyihii qaybta 12aad ee Ciidanka Milateriga marxuum Cismaan Yuusuf Nuur, maadaama dadka dacwada loo haysto uu ka mid yahay Taliyaha Sirdoonka gobolka Sool Cabdifataax Muuse Yuusuf, kaasoo sida warku sheegay ay doonayaan inay u soo qaadaan dhinaca Hargeysa, oo ay Ciidamada Qarankuna wacad ku mareen inaanay suurtagelin .

Waxaana dadweynaha Somaliland dareen weyn ka muujiyeen tegitaanka la sheegay ee Wasiiradu ugu baxayaan  Laascaanood. “waxaanay Xukuumaddu diiday inay hawshaa faraha kala baxdo, iyadoo waxbadan og, doonaysana in aanay soo shaacbixin ciddii soo abaabushay falkan naxdinka lahaa.

Waxaana ay dad badan oo Somaliland ay garwaaqsadeen in labadan fal ee dilka ee  Taliyihii qaybta 12aad ee Ciidanka Milateriga iyo Xildhibaan Qabile ay iska shabahaan waxyaalo badan oo ay ka mid yihiin

* in loo kala xidhay Eedaysanayaal 1aad Taliyihii sirdoonka ee G/Sool iyo taliyihii C.I.D G/Saaxil

* Markasta ay saraakiisha ammaanku ka gaabsadaan inay weli baadhisi socoto. Mana jecla inay ka hadlaan umaddana ay u soo bandhigaan .

* Waxaana xabsiga la dhigo waa la siidayaa inta badan Hargeysa Iyo  Laascaanood.

* waxaa faragelin ku haya Madaxda dowlada oo iyagu si toosa faraha kula jira sida Madaxweynaha Somaliland oo ugu horeeya.

* laba fal oo isku –waqti dhacay Nov09 horaanteedii  …

Si kastaba ha ahaate, xukuumadda Somaliland gaar ahaan hay’adaheeda ammaanka waxa looga fadhiyaa inay soo saaraan natiijooyinkii ka soo baxday baadhista labadaa fal ee midna laysku dayey midna lagu khaarijeyey laba masuul ee Somalilanders ah, Islamarkaana ay shacabka Somaliland u cadeeyeen sheekada rakhiiska ah ee afka baarkiisa ah cidda uu cadowgoodu yahay ee ka dambaysay falalkaasi foosha xumaa  oo la fuliyay labada Masuul maalmihii lagu guddo jiray xuska sannad guurada 1aad ee ka soo wareegtay weeraradii argagixiso ee magaalada Hargeysa ka dhacay 29 Oktoobar, 2008
Dilka qaybta 12aad ee ciidanka Qaranka Somaliland  iyo iskudayga dilka xildhibaan Qabiileayaa durbadiiba la soo qabtay rag lagu tuhmayo inay gaysteen, waxaana loo tirinayaa inay salka ku hayaan arimo Siyaasadeed waana sababta ay xukuumadu faraha ugala bixi weyday oo loo aanaynayo dhamaantood arimo siyaasadeed, waxaana la wada xusuusan yahay dillkii murugada ee jidka loo galay gebiley iyo Boorame dad shiciba oo ay xukuumadu waxbadan ka ogtahay, Wadadii reer Burco oo iyagu isdhiibay taasina fashilisay Dowlada oo ujeedo kale ka lahayd , W/Xigeenka Talaabo oo wada G/Sanaag hawlo abaabul loo xilsaaray oo ku saabsan in ay shabaab goobo ku leedahay ama ay Qubuuro burburiyeen , taas oo ay ganafka ku dhufteen dadweynaha Sanaag in aanay waxba ka jirin , qaar kalena ay soo socdaan intaan doorashada la gaadhin.

hadaba Yaa ka dambeeya Dilalkan iyo qaraxyadan abaabulan?
Siyaabaha ay  u dhaceen dilka iyo iskudayga
Marka la eego Profile-ka ama san saanka arimahan ayaa waxay la arki karayaa muuqaal ku qotoma abuurida jawi aan deganayn oo dano siyaasadeed ka dambeeyaan, waxa kale oo la dheehan karayaa weeraradan ayaa had iyo goor lagu soo beegay xiligii doorashada iyo masuuliyiinta dowlada ee tuhunku galay, .
Dilkii TQ/12aad iyo isku gayga dilka xildhibaan Qabiile ayaa dadaal xoog leh loo galay in aanu keenin xaalad colaadeed oo ka dhex dhacda shacabka Somaliland, taasi oo sida muuqata lagu guulaysatay,

qorshaha weeraradan dilalka ee taxanaha ah ayaa waxay muujinayaan inay yihiin kuwa qorshaysan oo siyaasad ku lug leh.

Yaa ka dambeeya Dilalkan
Dilalkan ayaa waxaa inta badan loo muujiyaa inay yihiin kuwa ay ay ka dambeeyaan ciddii soo abaabushay , balse aan la cadayn weli cidii uu ka yimi ama cid kale oo reer Somaliland ah oo demiyadan loo aanaynayo, markaa waxa la odorosi karayaa in arimahan oo idil laga abaabulay Somalilland dhexdeeda, isla mar ahaantaana ay ku kooban yihiin gudaha S/land,  tuhunka, daba galka iyo weliba wax ka qabaarintan ayaa ah mid xilkeeda ay leedahay dawlada talada haysa, oo sarakiisheedu lagu tuhunsanyahay.
Ujeedada laga leeyahay
Ujeedada laga leeyahay Dilalka Madaxda iyo hawl wadeenada dawlada ee xiligan oo ay xaalada nabadgelyo S/land Adduunku wada majeerto ayaa looga gol leeyahay in caalamka loo tuso in Somaliland aan xasiloonayn,Doorashana aanay ka suurtagalayn sidoo kalena lagu fashiliyo hanaanka Dimuqraadiyadeed ee la higsanayo iyo weliba Somaliland oo mudadii koobnayd ee ay jirtay ku talaabsatay is bedel fiican oo caalamka yididiilo geliyay.

Falalkan oo aad loogu eedaynaayo inay  Lug weyn  ku leyahiin Dowlada Somaliland , Maxay noqon marka si mug leh loo helo halka ay ka yimadeen iyo ciddii ku lug lahayd  .

By Written Jama Soyaan Gaaxnuug Hargeisa/Somaliland

Posted in Top Article0 Comments

Maxaa lagu hadoodilayaa caleema saarka ugaaska beesha CIIS

Magaalada Saylac waxay ka mid tahay kuwa ugu taariikhda dheer ee

ka tirsan dalkan Somaliland.Waa magaalo ay quruumahii hore degenaan

jireen,boqortooyo badanina soo martay,dagaalo kala duwan ayay ka

soo gudubtay,waa magaalo waa hore bakhtiday balse haatan aad

moodo inay dib u soo noolaanayso.

Maantana waxa lagu caleema saaray ugaaska beesha Ciise oo qayb ka

tirsani degto dalka Somaliland.Waana qaybta ugu yar ee Ciise marka

la barbar dhigo qaybaha kale ee kala dega labada dal ee ay Somaliland

jaarka la tahay.Waana Etoobiya oo qaybta labaad degto iyo dalka

Jabuuti oo qaybta ugu tirada badani degto,maamulka dalkaa ka taliyaa

iyo madaxweynahuba ka soo jeedaan beesha Ciise.Sidaa darteed waxa

la odhan karaa magaalada jabuuti waa caasimada deegaanka beesha

Ciise.

Marka beesha Ciise deegaankeedu sidaa yahay ee ay caasimad u gaar

ahna leeyihiin, xulashada goobta caleema saarka ugaaska ee loo cugtay

magaalada Saylac kana tirsan dalka Somaliland,ma waxaynu guusha

abaabulka u cumaamadnaa dawladda Somaliland iyo waddaniyiinta

Ciise ee Somaliland mise waxa jira dabino lagu gaadayo kala

daadinta Somaliland hadii ay ku dhici waydo qabta ay dawladda

Jabuuti u dhigtay Somaliland hadii ay dib ugu laaban waydo Somaliweyn

oo madaxweynaha dalka Jabuuti sidaynu ognahay taariikhduna qorayso

geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay siduu isugu keeni lahaa Somaliya

iyo Somaliland!

Waa arrin ugub ah oo dabaysha siyaasada dawladda Jabuuti maantana

ku raadinayso hab-beeleed laga curiyo dalka Somaliland si loogu

xaadho xeeladaha wejiyada badan ee uu madaxweynaha Jabuuti ku

darsaday talada.Waxa suurta gal ah gabaara-gurdaynta hoose ee

dawladda jabuuti waddo inay kaba warqabaan xubno ka tirsan dawladda

uu hogaanka ka yahay madaxweyne Riyaale ee dalkan Somaliland.

Waxa taa kuu iftiimanaya hab-dhaqanka iyo abaabulka caleema saarka.

Si bilicsan oo aan taariikhda hore ugu xariiqnayn ayay uga soo qayb

galeen madax ka tirsan labada dawladood ee Jabuuti iyo Somaliland,

madaxdhaqameedyo iyo shacab tiro badan oo ka socda beesha Ciise

ee kala deggan saddexda dal ee jaarka ah.Balse waxa aan goobta ama

magaalada Saylac ee ugaaska lagu caleemo saaray haba yaraatee ka

soo xaadirin xisbiyada mucaaridkaa ee labada dal Jabuuti iyo Somaliland.

Arrinkaasina shacabka Somaliland iyo shacabka Jabuuti waxuu ku noqday

boholo xargigan oo daboolan.

Xaaladu markay sidaa tahay,dawlada jabuuti-na ay casaan saartay

aqoonsiga Somaliland,una qabto gobol ka tirsan Somaliya,ugaaskuna

aanu ahayn waddani Somaliland ah,ma waxaynu isku maaweelinaa inuu

arrinku yahay mid ka madhan siyaasad! Waxa kale oo aynu soo qaadan

karnaa cadawga Somaliland inuu wejiyo badanyahay,dhinacyo badan-na

daan-daansi ka wado,dabino siyaasadeed kuna lid ah Somalilad-na ay

jiraan ma la odhan karaa maantana waxa la soo dhex hagoogtay

hab-dhaqameedkii beelaha ee ay ku caleemo saaraan Ugaas-yada,

Suldaanada iyo boqorada.

Ugu danbayn waxa aan hambalyo u dirayaa Ugaas Mustafe,waxa aanan

u rajaynayaa nolol khayr qabta. Waxa kale oo aan Madaxweynayaasha

labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland leeyahay: Maxaa lagu hadoodilayaa

caleema saarka ugaaska beesha Ciise ee Saylac.

Allaah ayaa mahad oo dhan iska leh.

Xuseen Badmaax

Hargeysa/Somaliland

Posted in Top Article0 Comments


  • JSB Rotate Image 1
  • JSB Rotate Image 2
  • JSB Rotate Image 1

Polls

Sidee u aragtaa in wadahadal Somaliland lagasho jabhadda SSC?

View Results

Loading ... Loading ...

Choose a date

September 2010
M T W T F S S
« Aug    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930