Posted on 05 September 2010.
Talooyin ku sabsan doorashooyinka Degaanka iyo Golayasha Barlamanka

RAMADAN KARIIN, DHAMAAN UMMADA MUSLINKU MEELKASTA OO AY JOOGTABA.
Waxaan soo dhawaynaynaa tolooyinka ay soo jeediyeen kooxda aqoonyahanada madaxa-banaan. Waxa ay soo bandhigeen talooyin wax ku oola, oo u bahan in ummada Somaliland ka doodan, si loo helo talooyin iyo go’aano la qadan karo.
Hadaba, qodabada ay tahay in laga doodo, talooyina laga soo dhiibtaa waxaa ay yihiin:
1) Dhamaystirka diiwan galinta iyo tira-koobta dadka Somaliland.
2) Furista Ururo-Siyasadeed iyo goorta la hirgalinayo gudida diiwan galinta Ururada-Siyasada.
3) Ma loo kordhiyaa Golaha Degaanka? Iyo mudo intee leg ayaa loo kordhiyaa.
4) Ma loo kordhiyaa Golaha Wakiilada? Iyo mudo intee leg ayaa loo kordhiyaa.
5) Ma loo bahan yahay Golaha Guurtida? Haddii loo bahan yahay inuu jiro Golaha Guurtu. Mudo intee leg ayaa loo kordhiyaa? Teeda kale, Beelaha ay metalaan, xaq ma u leeyihiin in ay soo badalaan xubnaha Golaha Guurtida ugu jira?
Waxaan kooxdan aqoon yahanada ku racsanahay inuu Madaxwaynahu magacabo Komishan doodahani iyo talooyinka ummada u ban dhigaya, kadibna mudo kooban go’aan ka soo saraan sidii doorashooyinka dalka looga hirgalin lahaa iyo waliba sidii loo sixi lahaa Dimuqradiyada Somaliland.
Marka hore, waa in Doorasha kasta oo dalka ka dhacdaa ay ku salaysnato hab dimuqradiya oo ka turjimaya ‘One-man-One-Vote’. Sidaa daradeed waa in Komishanka doorashooyinku ay dhamaystiraan diiwangalinta iyo tira koobta dadka Somaliland.
Teeda kale, Xukuumada iyo Komishanka doorashooyinku waa in ay sida ugu dhakhsaha badan u radiyaan kharashka ku baxaya dhamaystirka diiwan galinta, tira koobta dadka Somaliland iyo waliba doorashooyinka dalka ka dhici doona. Waynu ognahay in dawlada cusubi ayna kharash u haynin hawlahani. Markaa waa in dawladii horeba inooga cawin jiray doorashooyinka, kharashka ku baxaya hawlahani la waydiisto. Mar haddii doorashadii Madaxtooyadu u dhacday si xor ah oo xalaala, waxaa qabaa in ayna wadamadani ay diyaar u yihiin in ay dhamaystiraan hawsha ay inala wadeen.
Waa in ururada-siyaasadeed la furo, si ururada-siyaasadu 5-tii sanaba mar ula tar tamaan Xusbiyad qaranka. Saddexda Xusbi/Urur ee ugu codka bata doorashada deganku u noqdaan Xusbiyo Qaran.
Waxaanan rajaynayaa in uu Xusbiga Kulmiye ama Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo uu ka dhabayn doono balantii uu ummada la galay, oo uu soo sari doono Degreeto oo ku ogalaanayo furashada Ururo-siyaasideed, si ay doorasha Degmooyinka, ururada-siyasadu iyo xusbiyada Qaranka u tartamaan.
Waxaa jira war-war Komishanka doorashooyina iyo dadka qaarkii ay qaban oo ah, haddii la furo ururo-siyaasadeed in ay iman doonto ururo-siyaasadeed oo ku dhisan Beelo, Gobalaysi, iyo Xag jirnimo. Hadaba, si loo yareeyo cabsida dadka qaar ka qaban furista ururo-siyaasadeed, waa in dib loo eego Xeerarka dalka.
Ururada-siyasaga ee la ogalyahay waa in ayna noqon kuwa ku salaysan Beelo, Gobalaysi iyo xag jirnimo. Hadaba si loo helo ururo-siyaasadeed oon Beelo, Gobalaysi iyo xag jirnimo ku salaysnaan, waa in Xeerka Ururada-siyaasigu qeexo qodabadani:
1) Waa in la kordhiyo lacagta ururada-siyaasadu isku diiwan galiyaan. Tusaale ahaana, lacagta diiwan galinta laga dhigo ugu yaraan $5000 ilaa $10,000 oon loo celin doonin ama “non-refundable”.
2) Ururka-siyaasiga ahi, waa inuu ka jiro afar ka mida lixda gobal. Kuna lahaado xafiisyo iyo tagerayaal ururka u khasa, tageerayashani oo gadhaya 4000 ilaa 5000 qof oo dadka dalka gudihiisa jooga ah. Ama 5% – 10% dadkii doorashadii ugu danbaysay dalka ka codeeyay gobal kasta. Tageerayashani oo iska diiwan galiya degmooyinka gobaladaasi.
3) Dadka tageera ururada-siyaasadeed waa in ay ku jiraan dhalin yaro, dumar iyo odayaal. Waana in dadka mamula urur-siyaasadeedku 25% ahaadan dumar.
Haddii gudida diiwan galinta ururada-siyaasadu hubiyaan inuu ururkastaba ka soo baxo sadexda qodab ee kor ku xusani (Ama kuwa la mida). Waxaan qabaa in ay adkanayso inuu soo baxo urur ku salaysan Beelo, Gobalysi, iyo Xag jirnimo. Teeda kale, qodabadani waxaa ay koobaysaa tirada ururo-siyaasadeed ee la furan karo, kuwasi oon ka badnaan doonin 3 urur-siyaasadeed.
Urur-siyaasadeedka jabiya mid ka mida qodabada kor ku xusan, ama noqda urur ku salaysan Beelo, Gobalysi iyo xag jirnimo waa in Maxkamda Dastuurka (Maxkamada Sare) u aqoonsan Urur-siyasadeed ama Xusbi qaran.
Lix bilood gudahood waa in la furo diiwangalinta ururada-siyasada. Lix bilood ka dibna la qabto doorashada golaha Degaanka. Sida daraadeed waxaan soo jeedinaynaa, anaga oo ku racsan kooxda aqoonyahanada ah, in loo kordhiyo golaha degaanka hal sano (One year).
Golaha Wakiilad
In kasta oo ay jiraan dhaliilo badan oo ummada Somaliland ka tirsanayso Golaha wakiilada. Hadana kama fursanayso in loo kordhiyo golaha wakiilada. Waxaanan soo jeedin lahaa in sanad iyo lix bilood (one year and six months) gudahood lagu qabto doorashada Golaha Wakiilada.
Sida uu xusbiga Kulmiye balan qaday, waa in Mayarada iyo Mayar-ku-xigeenada si toosa loo doorto. Sidaa daraadeed, doorasha Golaha Wakiilada waa in lagu doorto Mayarada iyo Mayar-ku-xigeenada.
Waa in Madaxwaynuhu magacaabo gudi madax banaan (ama Komishan) dhamaystira Xeerarka Doorashada iyo Dastuurka Somaliland ee QABYADA ah.
Golaha Guurtida
Qodabada looga bahan yahay in ummada Somaliland isla eegto waxaa ka mida Golaha Guurtida. Ama in la is waydiiyo, in Somaliland u bahan tahay Golaha Guurtida iyo in kale?
Anagu waxaanu qabnaa in aan loo bahnayn Golaha Guurtida.
Waxaa jiray wakhti loo bahnaa Golaha Guurtida, oo dalka colaad sokeeya ka jirtay, wakhti dawladu ay ku dhisnayd Beelo, oo Beel kastaba haysatay hubkeeda. Hadaba wakhtigaa waa la dhafay, oo looma baahna Gole Guurtida, sababtuna waa:
1) In uu dalka muddo dheer nabad ahaa, 5 doorasho oo xor ah oo xalaal ahina ka dhaceen.
2) In ay jirto Dawlad ka kooban saddex waxood oo kala madax banaan.
3) In ay nabad galyada ahayd ta ugu mihiimsan ee loo asaasay Golaha Guurtida. Golaha Guurtiduna uu ku SAAQIDAY ilaalinta nabada.
4) Inuu Golaha Guurtidu uu 4-sano isku kordhiyeen, tani oo keentay inay lumiyeen kalsoonidii ummada u haysay golahani.
5) Waxaa ay ahayd in Gole Guurtidu ka madax banaanadan siyaasada xusbiyada, lakiin waxaa ay ku dhex milmeen siyaasadii dalka.
6) Dastuurka Somaliland waxaa uu dhigayaa in Golaha Guurtida dajiyaan Xeerarka ku saabsan: Diinta, Dhaqanka, iyo Nabada.
a) Lakiin haday Diin noqoto, waxaa jira Gudida Diinta oo madax banaan oo Dastuurka ku qeexan. Waxaa kale oo jirta Wasaarada Diinta oo xukuumada hoos timada.
b) Marka ay Dhaqanka noqoto, waxaa jira Caaqilo, iyo Suldaano Beelaha matala. Waxaana loo bahan yahay in la sameeyo Gole xidhiidhiya Saladiinta iyo Caqilada Beelaha Somaliland. Waxaa kale oo jira Wasaarada dhaqanka iyo Hidaha oo xukuumada hoos timada.
c) Marka ay Nabadana noqoto, waxaa jira Wasaarada Arimaha gudaha oo ciidamada nabad ilaaliya hoos yimadan. Ciidamadan oo kala ah ciidanka Booliska, iyo ciidanka Asluubta. Golaha Wakiilku waxaa uu leeyahay Gudida hoosed kala shaqeeya xukuumada arimaha Nabad galyada. Waaxda Garsoorka (ama Maxkamadaha dalka) oo ah waax madax banaan, waxaa ay tahay qayb ka mida ilaalinta nabad galyada dalka.
Hadaba hadii aanu ummada la jaha-wareerinaynin, maxaa looga bahan yahay Golaha Guurtida. Dalku waxaa uu ku jiraa wakhtigii horumarka, waa in dalkani sidii loo horumarin lahaa loo hawl galo, oo laga guuro habkan dib-u-socodka ah. Talada dalka waa in aan lagu halayn dad mushaharkooda ilaashanaya, oon horumar iyo haykal dawladeed waxba ka aqoon.
Kaba soo qaadaa, in Golaha Guurtidu loo bahan yahay, oo xubnaha Golaha Guurtidu iyagana la soo doorto. Markaa waxa ay noqonaysaa in Golaha Guurtidu la mid noqdaan Golaha Wakiilad. Markaa dalku waxaa uu yeelanayaa laba gole oo isku mida, iskuna shaqo ah. Xalku waxaa uu ku jiraa, in la kordhiyo tirada xubnaha Golaha Wakiilada, haddii aynu qawadnay tira golaha wakiilada, oo tusaale ahaan laga dhigo 100 xubnood, inta aynu laba gole samaynayno.
Golaha Guurtida wakhti ayaa loo bahnaa, wakhtigii dadka Somaliland u kala fadhiyeen beelaha. Waana dhab, in ODAYASHII lagu asaasay golaha Guurtidu in ay badankoodu danta dadka iyo dalka ay ka talinayeen. Manta se waxaa golahani ku jira dad badan oo dhaxaltooyo ku jooga golaha, oon danaynin dadka iyo dalka ee dantoodu tahay sidii gunada (mushaharka) ay qaatan u heli lahaayeen.
Si ummada Somaliland go’aan uga gadhan waxa laga yeelayo Golaha Guurtida, waxaan soo jeedinaynaa in Golaha Guurtida lix bilood loo kordhiyo. Inta aan loo kordhin se, waa in Beelaha ay matalaan loo ogalaado in ay soo badalan ama ay daystan xubnaha golaha u matala.
Haddaba waa in Ummada Somaliland go’aan ka gadho inuu Golaha Guurtida loo bahan yahay iyo in kale? Haddii Golaha Guurtida loo bahan yahay, sidee ayaa loo soo dooranayaa xubnaha golahani? Maxaase shaqadoodu noqonaysaa?
Gabagabdii, Marka la gaadho wakhatiga ay kaga egtahay Golaha Wakiilada. Waa in la isla famo in Golayasha Barlamanka (Wakiilada iyo Guurtida) iyo xukuumadu awodoodu sinayn, ee xukumadu codka dadka oo ay ku heshay cod-aqlabiyada ku talinayso. Lakiin Golayasha Baarlamanku mudo kordhin ku joogayaan, waa haddii loo kordhiya eh. Waa in la fahmo in ay xukuumadu leedahay awooda lagu xadidayo wakhtiga la qabanayo doorashada dalka.
Teeda kale, wakhatiga ay kaga egtahay Golaha kadib, haddii xukuumadu ku qaban karto doorashada lix bilood gudaheed, looma baahna in loo kordhiyo golayaasha Barlamanka (Wakiilada iyo Guurtida).
Somalilan ha noolato!!!!!!!!!!
Omar Abdi Yousuf
Ururka Wadaniyiinta Somaliland.