Rayi/Opinion

Eid Mubarak






Wishing you & your loved ones the warmest greetings.
May Allah accept our fasts, prayers and good deeds
and may he bless our lives with prosperity and happiness.
 
Eid Mubarak.كل عام وانتم بألف خيربمناسبة قرب حلول عيد الفطر المبارك أتوجه إليكم بخالص التهاني وأرق الأمنيات، وأسأل الله الولي  القدير أن يتقبل صيامكم وقيامكم وأن يعيده عليكم وأسركم بكل خير وعافيه.وعساكم من عواده
Abdulaziz Mahmoud. Al-Somaliأخوكم:  عبد العزيز محمود الصومالى


Abdulaziz M. Al-Somali

AREA INFORMATION TECHNOLOGY DEPT.   CA I & M GROUP,

 wiilbari2@gmail.com’:+XXXX-XXX-XXXX

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

Somali Women’s Eid Celebration 2010







Asalaama Calaykum Waraxmatullaah,
 
Please find attached.
 
As some of you may be aware  Al-Huda Masjid is in the middle of Live TV fundraising Appeal. there are other activities to raise funds for the masjid as well  like this event (attached) for the Somali Women, Kindly let you wifes and daugthers participate this event and therefore raise much needed funds for masjid expansion.
 
Wasalaam
Zeki

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

Cawiloow Anagoo Shacabka ah ayaa Wasiirada shirkooda ku qanacsan ee Xoolihii umada meel kaga waran Adeer ????

(Fakrada  Akhris Golisnews.com)




Ramadaan Kariin, and Ciid Mubaarak dhamaan Muslimiinta, gaar ahaan Reer Somaliland, ilaahay Bisha Barakaysan Khayrkeeda ha ina siiyo AAMIIN.
 
Walaalayaal waxaan aad ula yaabay  Hadalada ka soo yeedhaya Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland Cawil, ninbaa beri yidhi markaan Geela u heeso ayaad Gorayada u heestaa kkkkk, waxaan uga jeedaa  Ex Wasiir Cawil iyo asxaabtiisii waxaanu u tirinaynaa Hantidii Umada ee ay sida Gafanaha uga dhergeen markaasay weli hadlayaan, waxaanu shacbi ahaan is weydiinaynaa siday ku suura gashay in Cawil iyada oo uu lunsaday hanti umadeed ( Public fund) Cadayntediina lagu hayo  uu jeelka u geli waayey.
 
Waxaan leeyahay waxaan ahay dhalinta dalkan mustaqbalka ka sugaysa laakiin hadii aad idinkii waaweynaa musuqmaasuq noo horseedaan ogaada halkaas uun baanu ka wadaynaa, isbedelka aanu raadinaynay wuxuu ahaa in Dalkana horumar la gaadhsiiyo denbiilahana la qabto si masuuliyiinta danbe ay cashar ugu noqoto.
 
Adeerkay cawil waxaan leeyahay  Wasiiradii hore Midba been ayuu meel kula dhuuman jiray oo ilaa madaxweynihii idin hor joogay ayaa cadeeyey oo yidhi waxaanu ku dhacnay sidaanu aniga iyo Axmed Yuusuf Yasiin Dhagax beena Berbera u dhigaynay ayaa nalaga daalay, markaa idinka ayaa kalsoonidu idinka maqnayd oo aan hayn weji aad koox meel ku soo fadhiisataan, ee noo amaan geli madaxda sharafta leh ee umadooda u iftiiminayey Bil keliya waxay ku qabteen ilaahay ha noo daayo sidaas ayaanu Happy ku nahay oo aanu weligayo ku taageersnahay, waxaan filayaa shan sano ka dib in aanu gacmahayaga subag ka leefi doono, halka adiga iyo xertaadiina aad Hantidayada  Shandada uga buuxsateen ee dibadaha u dirateen.
 
Adeer Cawiloow waxay kaaga dhegtey Obama ayaa deyn ugu yimi Maraykan, waa dhici kartaa laakiin waa wax basar leh oo la hayo sharcigay ku baxday iyo meeshii ay ku baxday laakiin adiga Xisaabiyhii guud ayaa kugu cadeeyey in aanu kuu hayn wax lacagtaasi ku baxday oo sharci ah iyo sababta ay deyntaasi ku timi ee loo galay toona, ee waxba marba qar ha isku qaadin ee Cadee Xoolahayagii meeshaad gaysey, walaahay in aanaan if iyo aakhiro toona ku saamaxayn adiga iyo kuwii kula boobayba hantida umada ee agoomihii SNM ka gaajoonayaan idinkuna aad Caalamka daafihiisa kala dhigateen, Hadii Xukuumada Siilaanyo noo kiin qabanweydona Ilaahay ayaa Garsoore ah oo aanu idinku reebnay.
 
Ugu danbayn waxaan dhamaan golayaasha, qaranka, hayadaha sharciga iyo Shacbiga reer Somalilandba leeyahay waa in talaabo Sharciga waafaqsan laga qaado masuul kasta oo ay ku cadaatay in uu ku tagri falay Hantidii umada, iyo kuwii shacbiga ku hayey cabudhista iyo caga juglayna, iyo kuwii iibiyey iskuuladii caruuraha iyo guryihii dawlada ee  umada ka dhexeeyey, anigu waxaan maxkamad saari lahaa oo Denbi ku cadyahay.
 
1- Daahir Rayaale
2- Cawil
3- C/laahi Ciro
4- Siciid Sulub
5- Saqadhi Dubad.
 
   ( Cadhada Shacabka )
Wa bilaahi towfiiq
Ifraax Jamaal Keyse
Hargeysa
Somaliland

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

Yaan Gollayaasha Muddo loo kordhine hala kala diro ama saamigii Xisbiyada ee Natiijada Doorashada Madaxtooyada halagu saleeyo


waa fekerka akhristaha Golis
Hargeysa( Golisnews.com)Maadaama Shacabka Somaliland iyo mucaaradkuba ka xanaaqi jireen Mudo kordhin loo sameeyo Gollaha Guurtida, Gollaha wakiillada iyo Gollaha Xukuumadda, waxaan soo jeedinayaa inaaan la samaynin wax Mudo-kordhin ah ee lagu saleeyo Shax boqoleey ah (%) oo lagu sargooyo intii Xisbi waliba ka helay Natiijadii Doorashadii Madaxtooyada ee ugu danbaysay inta waqtiga doorashada Xukuumadu diyaarinayso.
Ka dibna in xukuumadda talada haysaa diyaariso mudo aan Sanad iyo Lix billood ka badnayn in Doorashada Gollayaasha Qaranka lagu qabto iskumar oo la is raaciyo hal mar si dalka looga dulqaado culayska Doorashooyinka ee markasta joogtada noqday oo ay u noqoto wax mudo cayiman oo loogu soo hagaaga yeesha sida dawladaha caalamka ka dhisan.
Taas macnaheeda oo ah yaan Gollayaasha Muddo loo kordhine hala kala diro ama saamigii Xisbiyada Siyaasada ee Natiijada Doorashada Madaxtooyada halagu saleeyo.
Tusaale ahaan Doorashada Mudanayaasha Guurtida iyo wakiillada Kuraasida 82-ka ah hadii lagu saleeyo codadkii natiijada Doorashadii Madaxtooyada ee dhacday 26 June,2010 waxay noqonayaan sidan:
Magaca Xisbiga                  Codadka                          Kuraasida uu helayo
KULMIYE                                49.59 %                                         40.66
UCID                                      17.18%                                          14.10
UDUB                                    33.23%                                           27.24
Marka ay noqoto Doorashada Gollayaasha Degaankana ha lagu saleeyo inta xisbi kastaaba ka helay Gobolkaas iyo Degmadaas doorashadan u danbaysay ee Madaxtooyada.
Taasi waa fikrad meesha ka saaraysa inaanay dhicin wax la yidhaaho mudo kordhin oo la isku afgaran waayo ama Mudanayaasha Guurtidu ugu marmarsoodaan dhaameelkii ay cuni jireen ee ay u barteen ka dibna xukuumadda aanay shuruud ugaga dhigin inaanay Mudada golayaasha kordhinaynin ilaa la siiyo Laaluushkaas ay barteen.
Waxa kale oo ay taasi soo bandhigi doontaa habka iyo nidaamka xisbi waliba cadaalad ugu saleeyey beellaha reer Somaliland ee kuraasida uu helay u qaybiyey, waxa kale oo ay waxtar u noqon doontaa haweenka iyo dadka laga tiro badan yahay inay helaan cid u metesha golayaasha qaranka inta la gaadhayo doorasha aan Mudadeedu ka badnaanin Sanad iyo badh.
Hadii qorshahaasi u suuro geli waayo waxaa madaxweynaha sharciyan u banaan inuu kala diro labada Golle ee Guurtida iyo Wakiiladda , taasina waxay suuro gelinaysaa in hab xulasho ah oo ku salaysan natiijaddii Doorashada madaxtooyadda lagu saleeyo soo xulitaankooda, Sababtoo ah imikaba waxaa gollaha Wakiiladda ka mid xubno badan oo ku yimi nidaamka isxambaarka oo sidan la mid ah.
Mubarak Qoorubaxay
Sweden.


Posted in Rayi/Opinion0 Comments

Hambalyo: Agaasimaha Ugu Da’da yar ee soo mara SONYO

Ugu horeyn ,waxaan hanbaliyo iyo bogaadin mareegta u marinaya Agaasimaha cusub ee dalada dhalinyarada heer qaran ,Mudane Siciid Maxamed Ahmed.

Haddan in yar milicsado xusuustayda ama aqoonta aan u leeyahay Agaasimaha cusub,Siciid wuxu ka mid ahaa dhalinyaradii ku jirtay ururada dhalinyada lixidii sanadood ee ugu danbaysay halkaas oo uu dhigaalo iyi waayo aragnimo bulsheed ka dhaxlay.sidoo kale wuxuu ka mid ah dhalinyaradii ka qalinjabisay jamacada Hargeysa sanadkii 2009 kii, isagoo door laxaad leh ka  qatay arimaha ardayda jamacada,intii u jamacada ku jirayna ahaa wiil ay dhalinyarada dhigiisa ahi ma jirtan,haday tahay  hadalada geedaysan ee duxda iyo iidanka lahaa ee afkiisa ka burqanayey.Siciid wuxu ka mid ahaa dhalinyaradii loo xilsaaray yagleelida ama ka talo bixinta constitutionka  student unionka.

Siciid wuxuu ku sifoobay sifooyin hogaamineed, hawlkarnimo, hawrarsan, akhalaaq qayim ah iyo hiigsi fog. Had iyo jeerna wuxu wakhtigiisa ku qataa ka hadalka horumarka iyo xaalinta  mashaakilka dhalinyarada.

Waxaaan leeyahay Alle(SWT) ha ku fududeeyo masuuliyada mug le ee aad qaaday.


By : Abdi Ali

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

Fahamka Zakatul Fidriga

Alle (SWT) ayaa mahad iska leh ina soo gadhsiiyey akhirka bishii barakaysand ee Ramadan inaynu mahadino oo amaanona waajib inoogu leh.. Akhriste waxan wax ka odhan doona, Eebe intii uu iga garansiiyo zakatul fidri ,anigoo inoo soo naqliyay kalamka ehulu cilmiga,waxaan u dhigi doona qaab su aalo iyo jawaabo ah.Ilaahayna waxay waydiisanaa inuu inagu gallado naxariistiisa iyo danbi-dhaafkiisa. S. Waa maxay xikmada ku duugan zakatul fidriga? J.Waa zako laga bixinayo qofka jidhkiisa, iyadoo Alle(SWT)looga mahadnaqayo baaqi yeelitanka uu jidhkiisa bariyeelay sannadkii dhamaaday, sidaa daraaded buu Alle(SWT) ugu waajibiyey qof yar ,mid weyn,qof soonka lagu leeyahay iyo qof kalaba. S.XUKUNKEEDU WAA MAXAY? J.Xukunkeedu waa wajib faral ah,waxaana u daalil ah xadiiska Cabdulahi bin Cumar ee bukhari soo wariyey..Rasulkii( SCW)wuxu nagu faral yeelay zakatul fidri…..alxadiis. S.YEYEY KU WAAJIBTAY ZAKATUL FIDRIGU? J.Qof kastoo muslim ah,oo haysta wax dheerad ka ah qudkiisa ama quudka cida uu masuulka ka yahay, maalin iyo habeen; loomana shardiyo qaninimo ama xoolo zako goys ah. S.ZAKATUL FIDRIGU GOORMA AYEY WAAJIBAYSAA,WAKHTIGEEDU GOORMA AYUU KA BILAABMAYAA? J. Sida loo badiyo, markay qorraxdu dhacdo, habeenka iidu soo galayso (maxaa yeelay zakada waxa lagu magacaabay zakatul fidri….zakadii la bixinayey Ramadan marka laga afuro, niyo Ramadan laguma waabarisanayo maalinta iida. Waxa ka ratibmayaa ama ka dhalanaya masooliyin fiqi ah siday culumadu sheegaa:

 1. qofku haduu muslimo habeenka iida soo gashay ……zako laguma laha;

2. gabadha la guursado markay qoraxadu dhacdo….ninka guursaday zako laguma laha;

 3.ilmo dhashay qoraxadu markay dhacday….zako laguma laha;

4.adoon la iibsaday qoraxadu markay dhacday…..zako laguma laha cida iibsatay wakhtigaasi.

Waxa banaan in la bixiyo zakada, maalin, labo ama saddex cisho ka hor Iida; waxa u daliil ah xadiiiska Bukhari soo saray ee Nafic ibnu Cumar wariyey in laba cisho ka hor uu ibnu cumar bixin jirey zakatul fidriga. · Waxa ugu fadli badan siday tibaaxan ehelu cilmigu waagu marku baryo ilaa inta udhaxaysa salada iida, · Wakhtigeeda ugu danbeeyana waa salaada iida….daliil xadis ibnu cabas. ¬ Haddii cudurdaar meesha yimado, sida qof uu wakiishay oo dayacay, marka uu ogaado ayuu bixinayaa.. ¬ Wakhtiga oo si lama filaan ah u soo gala,sida duhurkii oo oy ku dhawdahay in la ogaado ina maalinta tahay maalin iid ah. ¬ In la waayo dad mutastay (fuqaradii iyo masaakiinti),sida safar badda ah ayuu saran yahay. ¬ Hadii uu ilaabay,marka uu xasuusto ayuu bixinayaa.

 S. MAXAA LAGU BIXINAYAA(Nooca Raashinka).

J. Waxa lagu bixinayaa shay kastoo rashinka dadka markaa inta badan isticmaalaan (qutul qalib).

S. INTEE AYAA LA BIXINAYA(QADARKEE).

J. Sida laysu wafaqsan yahay xadiiskan ku cad:SAAC,oo u dhigma afar mud(labada sacab oo laysu geeyey oo buuxa,qof dhexdeexad ah) · Miisanka culumadu qaar laba iyo badh, qaarna saddex ayey leeyhiin.

S. ZAKATUL FIDRI,NAQDI AMA LACAG MA LAGU BIXIN KARAYAA?

J. Culumada badankoodu maya ayeey leeyihiin,ilayo daruuro mooyane.

 S. ZAKATUL FIDRI,AYAA LA SIINAYAA?

J. Masakiinta iyo fuqarada. · Yaa faqiir ah:qofkii aan waxbaba haysan · Yaa miiskiin ah: qofkii wax haysta lakiin aanay ku filnayn xajadiisa.

 S. MA BANNAAN TAHAY KOOX ZAKADOOD IN QOF QUDHA LA SIIYO.

J. HAA. S. QOF MIISKINI QOF MIISKAN ZAKADA MA SIIN KARA? J. HAA. S. HALKEE AYAA LAGU BIXINAYAA?

A. Asalku waa inaanu u rarin beled kale,oo uu ku bixiyo meesha uu joogo. Q. MA BANAAN TAHAY IN QOFKU QOF WAKIISHO? A.HAA Q. WA BANNAAN TAHAY IN LABA NOOC (JINSI) OO RAASHIN AH OO KALE DUWAN LAGU BIXIYO? A.MAYA , MA BANNAANA. Q.MA BIXIN KARA IYADII OO LA ARKAYO AMA QARSOODI MA U BIXIN KARAA? A.LABADUBA WAY BAANAN YIHIIN. Wabilaahi tawfiiq. By:

A.Rahman Ali A. Jiciir

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

The Ultimate Solution of Piracy

They come out of the darkness in the waters off the coast of Southern Somalia, zooming up in speedboats to the sides of massive cargo ships, armed with grappling hooks, AK-47s and rocket-propelled grenades. Quickly, these modern-day pirates climb aboard their prey: cargo ships that contain food, machine parts and, most recently, oil or enough weaponry to supply a small army. Most of the time they meet no opposition only frightened, unarmed crews who find themselves prisoners and held for ransoms that have exceeded $1 million.

Based in Southern part of Somalia, these pirates are only a little like the images of the daring, swashbuckling thieves who have gallivanted through Hollywood movies or adventure stories that have been passed on for generations. These pirates typically use the Global Positioning System to coordinate attacks along major shipping corridors in the Indian Ocean and Gulf of Aden. Piracy off south Somalia’s coast has long been a symbol of that African nation’s instability. Now attacks on shipping are soaring and becoming more brazen, heightening concerns about the safety of shipping from oil-rich areas in Africa and the Middle East at a time of global economic instability. The potential for Somali renegades to send tremors through the world’s economy was clear, when pirates captured their biggest prize to date: the Sirius Star, a Saudi supertanker brimming with 2 million barrels of oil (estimated value: $100 million). This led to only negotiate the possible ransom with pirates who boarded the oil tanker more than 450 nautical miles from the Kenyan port of Mombassa by the ship owners Vela International Marine.

The pirates’ raid of the Sirius Star — and hijackings others in the Gulf of Aden of a Thai ship with 16 crewmembers and an Iranian cargo vessel with a crew of 25 — are signs that attacks by loosely organized bands of south Somali pirates are “a criminal enterprise which has gone completely out of control. Now these series raids will show me personally to underscore worries that terrorists could dive into the same lawless seas off East Africa, capture booty to finance their operations or mount a spectacular attack with a seized ship.

“There is serious concern that terrorists see piracy as an opportunity for themselves, because “It can provide the means to generate enormous amounts of money, or to capture a boat with more disturbing prospect of a huge oil tanker as a floating bomb to target countries against global terrorist activities including Somaliland which recently its essential places of the capital were bombed ‘the Presidential Palace, Ethiopian Embassy and the UN office in Hargeisa in what is described as the biggest coordinated terrorist attack in the horn of Africa so far. The car bombs were detonated in front of these three key institutions, which represent the state and its main foreign collaborators. In Somaliland, at least 24 civilians were killed in the coordinated attacks, which bear the fingerprint of al-Qaeda, because the attacks in Somaliland were perpetrated by suicide bombers. The terrorists launched the attacks with cars laden with explosives. Heavy casualties and material damage have taken place. The terrorist attack comes as Somaliland kicked of its electoral registration program two for the first time of this process, for the reason not to prepare the country for general elections. Somaliland, contrasting the rest of Somalia, has a well-functioning and democratically elected government with multi party system, all government institutions, territorial integrity, military and police forces as well as marine force, which require technical assistant from the international community after its missions of success and no doubt that any activities of piracy has been extraordinary eliminated by this forces, which Somalilanders are more proud of. The country has also the entire signs of an independent country and legally it deserves to be recognized.

The recent marvelous democratic power transfer between the former elected President and the newly elected incumbent President was a historic event in the developing world. Somaliland therefore has been a thorn in the eye for extremists wanting the Horn region to fall into total chaos. This is not the first time terrorists manage to enter into Somaliland and mount attacks with an aim of destabilizing the country. Earlier terrorist attacks focused on foreign aid workers, with the aim of causing these to leave the country and thus increase misery and discontent in Somaliland. Terrorists so far however have not succeeded in destabilizing the country. This caused by the fulfilled role of the government, unity and cohesion of the people of Somaliland who prevented and captured several terrorist attempts as well as pirate formation for the first time in the country.

 Whilst there is no any kind of international community support to Somaliland that can backed the development and the security measures in Somaliland to serve the region, which is worsening, day by day in a gradual stage when in March, the Pentagon confirmed that U.S. forces attacked a suspected al-Qaeda terrorist in Somalia. Pirates already are driving up the cost of shipping and insurance. Some shipping lines have begun avoiding the shipping corridors near Somalia and their shortcut to the West through the Red Sea and Suez Canal, which can add between five and 10 days to a trip from Asia to Europe, which each extra day at sea costs about $30,000. In addition, environmental catastrophe looms if a supertanker is punctured during an attack or purposely sunk.

The Obama administration is trying to coordinate efforts to stop the pirates, although military officials declared pirates cannot be stopped because there are too many ships in a huge area to protect. They are trying to work with other members of the Security Council right now to see if there are actions that they can do to more effectively fight against piracy and prevent it, which still seems a thoughtless mission to the wrong path. Meanwhile, the pirates continue to operate with near impunity across broad swaths of the Indian Ocean. They often anchor their seized boats near the ungoverned south Somali coast and wait for the ships’ owners to pay increasingly lucrative ransoms. This year, pirates have attacked at least 95 ships near Somalia, including 38 hijackings. More than 740 crewmembers have been taken hostage. There has been one fatality, and hijacking could become increasingly violent. Last year this was fewer than 25 attacks. As recently as 2004, pirates made just five raids.

 During the last week alone, pirates attacked 11 ships off south Somalia and in the Gulf of Aden. The pirates’ targets usually are slow-moving cargo ships that cannot match the mobility of the pirates’ small, swift 15-foot skiffs powered by outboard engines. The pirates zip around the larger ships, locate a low deck and climb aboard with rope ladders. The shipping vessels’ small crews — the huge supertanker had just 25 aboard — often is armed lightly, if at all, and is easily subdued by pirates with automatic weapons. Clearly, they are tactically proficient at what they do, and they mostly from fishermen who fed up the 18 years anarchy of the south Somalia for the illegal fishing from greater countries utilizing the lack of government for almost 20 years in Somalia now. Those fishermen believe themselves as nationalist protecting their neglected coast for the years. Believe me there are others more who directly and indirectly also involve these missions and are member of senior Somali marines, politicians, indigenous elders, government members, extremists and expert negotiators as well as elites in the south Somalia. At first, the pirates worked in the waters close to the shore. Now, they are ranging into open waters, expanding their range with so-called mother ships. These vessels, often fishing trawlers, can hold several skiffs and travel hundreds of miles offshore to menace shipping lanes. For now, money appears to be the primary motive for piracy. A few years ago, ransoms in the tens of thousands of dollars were common.

Last year, pirates gathered ransoms of a few hundred thousand dollars. In 2008, they have been topping millions. Ransom payments could total $30 million this year. In one case, I have made a contact with some pirate individuals during my working days in Puntland, especially Eil where ships anchored and waiting to last negotiations to get the ransom. This ransom was paid in cash delivered by boat to the pirates on the captured ship. After splitting the cash, the pirates slipped away at night and evaded capture. When coalition warships board pirate ships, they dispose of the weapons, but have to let the suspects go. “That is the single biggest shortfall that they have. They could have a huge effect if they could solve that problem.” Fighting back The challenge of protecting more than 16,000 ships that move through the region is enormous. Ships from the fifth Fleet, NATO, Russia and other countries cruise the waters. However, the pirates’ hunting grounds are vast: more than 1 million square miles. That is an area roughly four times the size of Texas or the Red and Mediterranean seas combined. They can be everywhere, because they can be fishermen and 10 minutes later, they are on the vessel, and once they are onboard the vessel, the world has a hostage situation.

 In recent months, there has been some success in fending off pirates. Last month, pirates captured 31% of the ships they attacked compared with 53% in August, according to the fifth Fleet. For example, the Indian Navy encountered a suspected Thai pirate mother ship in the Gulf of Aden towing two speedboats, an Indian government statement said. The suspected pirates, seen brandishing rocket-propelled grenade launchers, fired at the Indian ship; they returned fire and sank the ship.

 By: Mohamed Omar Hajji

Think-Tank and Operational Manager Shilcon

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

Maxay tahay Sababta Wasiirka Duulista & Hawada Dabdamiska Burco loogu Xagxaganaayo






Maxay tahay Sababta Wasiirka Duulista & Hawada Dabdamiska Burco loogu Xagxaganaayo………….

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaaliland oo aan leeyahay Ramadaan kariim …………
Marka xiga waxaan doonayaa inaan wax yar ka idhaahdo arin Waayadanba ay Mareegaha Somaliland qaarka midihi qorayeen  Arin ka hadlaysey dabdamiskii Madaarka Burco oo Wasiirka Duulista & Hawada Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi uu si Ku-meelgaadh ah ugu Wareejiyey Madaarka Weyn ee Berbera.
Arintaasi  ayaa waxaa ay doonayaan dad Siyaasiyiin sheeganayaa oo adeegsanayaa Saxaafada Somaliland qaar ka mida in ay si ka duwan sida ay tahay rabaan inay Shacabka ugu fasiraan.
Kuma ayaa ahaa Wasiirku:- Sida ay taariikhdu xusayso ama aynu wada ogsoonahay Wasiir Maxamuud Xaashi dadweynaha G/Togdheer taariikh badan ayuu ku leeyahay ,isagoo ahaa Mujaahid dhalinyaro SNM ah ayaa loo magaacabay Gud, degmada Burco xiligii ugu adkayd ee dalka lagu soo laabtay 1991kii markaas oo waxkasta laga soo bilaabay xaga hoose, Wasiirku waxuu xoog saaray waqtigaa xaga nabadgelyada oo uu qayb weyn ka qaatay dibu-heshisiintii isla markaana waxuu Gobolka ka hirgeliyey  Mudane Maxamuud ciidamada nabadgelyada oo mushaharkooda uu kafaalo qaaday una dhamaystiray direyskooda iyo qaar ka mida qalabkooda, Isla waqtigaasi waxuu ka suurtageliyey Magaalo Madaxda Burco inuu u sameeyo 6Gadiid ah oo dowlada hoose kaga hawlgasho dhinaca shaqada nadaafada.
1993kii shirkii Boorame ayaa loo magaacabay Xildhibaan Barlamaanka Somaliland , ka dib wuxuu sameeyey xilwareejintii waqtigaasi ee xilka maayarnimada , marka laga reebo Gaadiidka u sameeyey iyo qalabeynta xafiisyada D/hoose Burco , waxuu kaloo wareejiyey $125,000 Dolar Cash ahayd.
 Markii loo magacaabay Xilka Wasiirnimo :- waxuu markiiba safaro shaqo ugu baxay Magaalada Berbera halkaas oo uu kormeer ku soo maray madaarkeeda iyo sida hawlihiisu u socoto , ka dibna safarkiisii shaqo ee ku xigay waxa uu ku tegay Magaalada Burco oo Wasiirku ka soo jeedo,  sida aynu la wada soconoay wasiirku waxa uu socod ku tegay Madaarkaasi Burco oo muddo aad u badan xidhnaa Xukuumadii horena ay marar badan dhega-ka furaysatay sababta madaarkan burco diyaaraduhu u soo fadhiisan waayeen , isla markaana aanay wax dadwaynaha Burco qanciya u soo bandhigin iyo sababta uu Madaarkoodu weli u xidhanyahay.
  Hadaba wasiirkan Cusub ee Duulista iyo Hawada ayaa ka dhawaajiyey in madaarka Burco aanu dib u xidhnaan doonin , sida ugu dhakhsaha badana uu rajeynaayo in dib loo furi-doono ,madaama burco ay tahay Caasimadii 2aad Somaliland.
   Hadaan u soo noqdo ujeedada Maqaalkayga:-  ee ku saabasan dabdamiska ah waa run Burco gaadhigaa dabdamiska ayaa joogay waxaana iska lahaa madaarkeeda,
Madaama aanu shaqayn madaarku lana dhamaystiraayo, mudadaasna wasiirku gartay in si ku meelgaadh ah ugu hawlgalo Madaarka Berbera maadaama oo ah ka keliya ee Somaliland shaqeeya , maalintiina ay dhawr duulimaad yimaadaan, xukuumadii hore ay ka hagratay in madaarku yeesho dabdamis , khataraha badana ka iman karaan aynaan iska indho tireyn arintaas.
 Sidaa daradeed aragtidayda  waxaan u arkaa inuu Wasiirku qaatay go,aan sax ah , ujeedadiisuna ay tahay in masuuliyadi ka saarantahay Madaarada Somaliland oo dhan isla markaana Burco iyo Berbera ay isku mid yihiin.
  Dooda ku saabsan Markii dabdamiska Burco laga soo qaaday ayaa guryo badan gubteen
Orta waxkastaaba qadarka ilaahay ayey ku dhacaan gaadhiga dabdamiska ahi Magaalada Burco wuu joogay  , waxaana aan la soconay Xaafadan Oktobar iminka la sheegayo markii 2aad ee guryo badan oo dad danyari ku gubtaan ama ku shufbeeleen ,
 Waxaa ka horaysey goobo ay ugu weynayd goobtii Ganacsiga ee balaadhnayd kuna taalay Badhtanka Burco oo hore u shufbeeshay oo aan wax ka baxsadayna aanay jirin dad badan oo ganacsato ahina ay ku caydhoobeen , Guryaha kale oo kala duwan oo gubtayna  aad bay u badnayeen markaa waqtiyadaas oo dhan dabdamiskani wuu joogay magaalada Maxay ahayd sababta uu u badbaadin waayey ileen Burco wuu joogay?
  Hadaba waxaan hadalkayga ku soo koobayaa , anigoo aan amaanayn Wasiirka Mudane Maxamuud Xaashi  , Aqoon badan ay u leeyihiin dadweynaha G/Togdheer , wax uu u qabto mooyaane aanu waxba u dhimi doonin, laguna ogyahay Shaqsi ka fog waxkasta oo ku saabsan eex iyo nin jeclaysi kuna sifoobay waxqabad iyo hawlkarnimo , waxaan filayaa in ay tahay ujeedadu in la dacaayadeeyo wax qabadka uu ka dhawaajiyey iyo inay ka  go,an tahay in madaarada Somaliland wada shaqeeyaan inta uu xilka hayo.
Weliba wakhtiyada dhow , waxaana leeyahay dood aad u gaaban weeye, hadalada aan macnaha iyo xigmada lahayn , kana fog xaqiiqada jirta .
waxaan leeyahay waar waxqabadka wasiirka halaga warsugo, xagxagashada halaga daayo, waxna tarimayaan hadalo aan xaqiiqo ahayn kuna saabsan Masayr siyasadeed.
 
 
        -Allaa Mahad Leh-
 
By, Adan Yusuf Elmi, UK

Posted in Rayi/Opinion1 Comment

Talooyin ku sabsan doorashooyinka Degaanka iyo Golayasha Barlamanka

Talooyin ku sabsan doorashooyinka Degaanka iyo Golayasha Barlamanka

 

 

 

 

RAMADAN KARIIN, DHAMAAN UMMADA MUSLINKU MEELKASTA OO AY JOOGTABA.


Waxaan soo dhawaynaynaa tolooyinka ay soo jeediyeen kooxda aqoonyahanada madaxa-banaan. Waxa ay soo bandhigeen talooyin wax ku oola, oo u bahan in ummada Somaliland ka doodan, si loo helo talooyin iyo go’aano la qadan karo.


Hadaba, qodabada ay tahay in laga doodo, talooyina laga soo dhiibtaa waxaa ay yihiin:


1)    Dhamaystirka diiwan galinta iyo tira-koobta dadka Somaliland.

2)    Furista Ururo-Siyasadeed iyo goorta la hirgalinayo gudida diiwan galinta Ururada-Siyasada.

3)    Ma loo kordhiyaa Golaha Degaanka? Iyo mudo intee leg ayaa loo kordhiyaa.

4)    Ma loo kordhiyaa Golaha Wakiilada? Iyo mudo intee leg ayaa loo kordhiyaa.

5)    Ma loo bahan yahay Golaha Guurtida? Haddii loo bahan yahay inuu jiro Golaha Guurtu. Mudo intee leg ayaa loo kordhiyaa? Teeda kale, Beelaha ay metalaan, xaq ma u leeyihiin in ay soo badalaan xubnaha Golaha Guurtida ugu jira?


Waxaan kooxdan aqoon yahanada ku racsanahay inuu Madaxwaynahu magacabo Komishan doodahani  iyo talooyinka ummada u ban dhigaya, kadibna mudo kooban go’aan ka soo saraan sidii doorashooyinka dalka looga hirgalin lahaa iyo waliba sidii loo sixi lahaa Dimuqradiyada Somaliland.


Marka hore, waa in Doorasha kasta oo dalka ka dhacdaa ay ku salaysnato hab dimuqradiya oo ka turjimaya ‘One-man-One-Vote’. Sidaa daradeed waa in Komishanka doorashooyinku ay dhamaystiraan diiwangalinta iyo tira koobta dadka Somaliland.


Teeda kale, Xukuumada iyo Komishanka doorashooyinku waa in ay sida ugu dhakhsaha badan u radiyaan kharashka ku baxaya dhamaystirka diiwan galinta, tira koobta dadka Somaliland iyo waliba doorashooyinka dalka ka dhici doona. Waynu ognahay in dawlada cusubi ayna kharash u haynin hawlahani. Markaa waa in dawladii horeba inooga cawin jiray doorashooyinka, kharashka ku baxaya hawlahani la waydiisto. Mar haddii doorashadii Madaxtooyadu u dhacday si xor ah oo xalaala, waxaa qabaa in ayna wadamadani ay diyaar u yihiin in ay dhamaystiraan hawsha ay inala wadeen.


Waa in ururada-siyaasadeed la furo, si ururada-siyaasadu 5-tii sanaba mar ula tar tamaan Xusbiyad qaranka. Saddexda Xusbi/Urur ee ugu codka bata doorashada deganku u noqdaan Xusbiyo Qaran.


 Waxaanan rajaynayaa in uu Xusbiga Kulmiye ama Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo uu ka dhabayn doono balantii uu ummada la galay, oo uu soo sari doono Degreeto oo ku ogalaanayo furashada Ururo-siyaasideed, si ay doorasha Degmooyinka, ururada-siyasadu iyo xusbiyada Qaranka u tartamaan.


Waxaa jira war-war Komishanka doorashooyina iyo dadka qaarkii ay qaban oo ah, haddii la furo ururo-siyaasadeed in ay iman doonto ururo-siyaasadeed oo ku dhisan Beelo, Gobalaysi, iyo Xag jirnimo. Hadaba, si loo yareeyo cabsida dadka qaar ka qaban furista ururo-siyaasadeed, waa in dib loo eego Xeerarka dalka.


Ururada-siyasaga ee la ogalyahay waa in ayna noqon kuwa ku salaysan Beelo, Gobalaysi iyo xag jirnimo. Hadaba si loo helo ururo-siyaasadeed oon Beelo, Gobalaysi iyo xag jirnimo ku salaysnaan, waa in  Xeerka Ururada-siyaasigu qeexo qodabadani:


1)    Waa in la kordhiyo lacagta ururada-siyaasadu isku diiwan galiyaan. Tusaale ahaana, lacagta diiwan galinta laga dhigo ugu yaraan $5000 ilaa $10,000 oon loo celin doonin ama “non-refundable”.

2)    Ururka-siyaasiga ahi, waa inuu ka jiro afar ka mida lixda gobal. Kuna lahaado xafiisyo iyo tagerayaal ururka u khasa, tageerayashani oo gadhaya 4000 ilaa 5000 qof oo dadka dalka gudihiisa jooga ah. Ama  5% – 10%  dadkii doorashadii ugu danbaysay dalka ka codeeyay gobal kasta. Tageerayashani oo iska diiwan galiya degmooyinka gobaladaasi.

3)    Dadka tageera ururada-siyaasadeed waa in ay ku jiraan dhalin yaro, dumar iyo odayaal. Waana in dadka mamula urur-siyaasadeedku 25% ahaadan dumar.


Haddii gudida diiwan galinta ururada-siyaasadu hubiyaan inuu ururkastaba ka soo baxo sadexda qodab ee kor ku xusani (Ama kuwa la mida). Waxaan qabaa in ay adkanayso inuu soo baxo urur ku salaysan Beelo, Gobalysi, iyo Xag jirnimo. Teeda kale, qodabadani waxaa ay koobaysaa tirada ururo-siyaasadeed ee la furan karo, kuwasi oon ka badnaan doonin 3 urur-siyaasadeed.


Urur-siyaasadeedka jabiya mid ka mida qodabada kor ku xusan, ama noqda urur ku salaysan Beelo, Gobalysi iyo xag jirnimo waa in Maxkamda Dastuurka (Maxkamada Sare) u aqoonsan Urur-siyasadeed ama Xusbi qaran.


Lix bilood gudahood waa in la furo diiwangalinta ururada-siyasada. Lix bilood ka dibna la qabto doorashada golaha Degaanka. Sida daraadeed waxaan soo jeedinaynaa, anaga oo ku racsan kooxda aqoonyahanada ah,  in loo kordhiyo golaha degaanka hal sano (One year).


Golaha Wakiilad


In kasta oo ay jiraan dhaliilo badan oo ummada Somaliland ka tirsanayso Golaha wakiilada. Hadana kama fursanayso in loo kordhiyo golaha wakiilada. Waxaanan soo jeedin lahaa in sanad iyo lix bilood (one year and six months) gudahood lagu qabto doorashada Golaha Wakiilada.

Sida uu xusbiga Kulmiye balan qaday, waa in Mayarada iyo Mayar-ku-xigeenada si toosa loo doorto. Sidaa daraadeed, doorasha Golaha Wakiilada waa in lagu doorto Mayarada iyo Mayar-ku-xigeenada.


Waa in Madaxwaynuhu magacaabo gudi madax banaan (ama Komishan) dhamaystira Xeerarka Doorashada iyo Dastuurka Somaliland ee QABYADA ah.



Golaha Guurtida


Qodabada looga bahan yahay in ummada Somaliland isla eegto waxaa ka mida Golaha Guurtida. Ama in la is waydiiyo, in Somaliland u bahan tahay Golaha Guurtida iyo in kale?

Anagu waxaanu qabnaa in aan loo bahnayn Golaha Guurtida.


Waxaa jiray wakhti loo bahnaa Golaha Guurtida, oo dalka colaad sokeeya ka jirtay, wakhti dawladu ay ku dhisnayd Beelo, oo Beel kastaba haysatay hubkeeda. Hadaba wakhtigaa waa la dhafay, oo looma baahna Gole Guurtida, sababtuna waa:


1)    In uu dalka muddo dheer nabad ahaa, 5 doorasho oo xor ah oo xalaal ahina ka dhaceen.

2)    In ay jirto Dawlad ka kooban saddex waxood oo kala madax banaan.

3)    In ay nabad galyada ahayd ta ugu mihiimsan ee loo asaasay Golaha Guurtida. Golaha Guurtiduna uu ku SAAQIDAY ilaalinta nabada.

4)    Inuu Golaha Guurtidu uu 4-sano isku kordhiyeen, tani oo keentay inay lumiyeen kalsoonidii ummada u haysay golahani.

5)    Waxaa ay ahayd in Gole Guurtidu ka madax banaanadan siyaasada xusbiyada, lakiin waxaa ay ku dhex milmeen siyaasadii dalka.

6)    Dastuurka Somaliland waxaa uu dhigayaa in Golaha Guurtida dajiyaan Xeerarka ku saabsan: Diinta, Dhaqanka, iyo Nabada.

a)    Lakiin haday Diin noqoto, waxaa jira Gudida Diinta oo madax banaan oo Dastuurka ku qeexan. Waxaa kale oo  jirta Wasaarada Diinta oo xukuumada hoos timada.

b)    Marka ay Dhaqanka noqoto, waxaa jira Caaqilo, iyo Suldaano Beelaha matala. Waxaana loo bahan yahay in la sameeyo Gole xidhiidhiya Saladiinta iyo Caqilada Beelaha Somaliland. Waxaa kale oo jira Wasaarada dhaqanka iyo Hidaha oo xukuumada hoos timada.

c)    Marka ay Nabadana noqoto, waxaa jira Wasaarada Arimaha gudaha oo ciidamada nabad ilaaliya hoos yimadan. Ciidamadan oo kala ah ciidanka Booliska, iyo ciidanka Asluubta. Golaha Wakiilku waxaa uu leeyahay Gudida hoosed kala shaqeeya xukuumada arimaha Nabad galyada.  Waaxda Garsoorka (ama Maxkamadaha dalka) oo ah waax madax banaan, waxaa ay tahay qayb ka mida ilaalinta nabad galyada dalka.


Hadaba hadii aanu ummada la jaha-wareerinaynin, maxaa looga bahan yahay Golaha Guurtida. Dalku waxaa uu ku jiraa wakhtigii horumarka, waa in dalkani sidii loo horumarin lahaa loo hawl galo, oo laga guuro habkan dib-u-socodka ah. Talada dalka waa in aan lagu halayn dad mushaharkooda ilaashanaya, oon horumar iyo haykal dawladeed waxba ka aqoon.


Kaba soo qaadaa, in Golaha Guurtidu loo bahan yahay, oo xubnaha Golaha Guurtidu iyagana la soo doorto. Markaa waxa ay noqonaysaa in Golaha Guurtidu la mid noqdaan Golaha Wakiilad. Markaa dalku waxaa uu yeelanayaa laba gole oo isku mida, iskuna shaqo ah. Xalku waxaa uu ku jiraa, in la kordhiyo tirada xubnaha Golaha Wakiilada, haddii aynu qawadnay tira golaha wakiilada, oo tusaale ahaan laga dhigo 100 xubnood, inta aynu laba gole samaynayno.


Golaha Guurtida wakhti ayaa loo bahnaa, wakhtigii dadka Somaliland u kala fadhiyeen beelaha. Waana dhab, in ODAYASHII lagu asaasay golaha Guurtidu in ay badankoodu danta dadka iyo dalka ay ka talinayeen. Manta se waxaa golahani ku jira dad badan oo dhaxaltooyo ku jooga golaha, oon danaynin dadka iyo dalka ee dantoodu tahay sidii gunada (mushaharka) ay qaatan u heli lahaayeen.


Si ummada Somaliland go’aan uga gadhan waxa laga yeelayo Golaha Guurtida, waxaan soo jeedinaynaa in Golaha Guurtida lix bilood  loo kordhiyo. Inta aan loo kordhin se, waa in Beelaha ay matalaan loo ogalaado in ay soo badalan ama ay daystan xubnaha golaha u matala.

Haddaba waa in Ummada Somaliland go’aan ka gadho inuu Golaha Guurtida loo bahan yahay iyo in kale? Haddii Golaha Guurtida loo bahan yahay, sidee ayaa loo soo dooranayaa xubnaha golahani? Maxaase shaqadoodu noqonaysaa?


Gabagabdii, Marka la gaadho wakhatiga ay kaga egtahay Golaha Wakiilada. Waa in la isla famo in Golayasha Barlamanka (Wakiilada iyo Guurtida) iyo xukuumadu awodoodu sinayn, ee xukumadu codka dadka oo ay ku heshay cod-aqlabiyada ku talinayso. Lakiin Golayasha Baarlamanku mudo kordhin ku joogayaan, waa haddii loo kordhiya eh.  Waa in la fahmo in ay xukuumadu leedahay awooda lagu  xadidayo wakhtiga la qabanayo doorashada dalka.


Teeda kale, wakhatiga ay kaga egtahay Golaha kadib, haddii xukuumadu ku qaban karto doorashada lix bilood gudaheed, looma baahna in loo kordhiyo golayaasha Barlamanka (Wakiilada iyo Guurtida).


Somalilan ha noolato!!!!!!!!!!


Omar Abdi Yousuf

Ururka Wadaniyiinta Somaliland.

 


Posted in Rayi/Opinion0 Comments

Shiikh Umal ma shalay buu qaldamay mise maanta? Qalinkii: Mahad Mohamed Salad.

 

 

 

 

 

Shiikh Umal ma shalay buu qaldamay mise maanta? Qalinkii: Mahad Mohamed Salad.

Marka hore waxaan ku bilaabayaa magaca eebe ee naxariista mid guud iyo mid gaar ahaaneed ba. Marka  xigta hadaan  gudo galo ujeedada igu dhalisay inaan qoro maqaal kaan ma ahan  mid aan ugu tala galay inaan wadaado gaar ah wax uga sheego amase wax ugu dhimo, laakiinse marka wadaadada qaarkood qaldamaan oo diinta la siyaasadeeyo, la iskuna dhax daro danaha gaar ka ah iyo diinteena suuban, waxaa muhiim ah in lays xasuusiyo qalad ka jira, umadana looga digo, waana taas mida igu dhalisay inaan qoro maqaalkaan:  

Waxaa la wada xasuustaa dagaalkii cuslaa ee ay la galeen Shiikh Umal iyo saaxiibadiis natiijadii ka soo baxday Shirkii Jabuuti iyo weeraradii aan kala joogsiga laheyn ee ay ku qaadeen wadaadadii ka qeyb galay shirkaas.  

Shirkaas Jabuuti oo ahaa mid ay ku heshiinayeen Dowladii TFG-da, iyo Isbahaysigii ASMARA garabkii uu hugaaminayay Shiikh shariif sababna u ahaa in Ciidamada Itoobiya wadanku ka baxaan oo ay Koonfurta Soomaaliya ka soo muuqato Rajo Nabadeed.

 habeen kii Jabuuti lagu doortay Shiikh Shariif maalintii ka dambeysay waxaa magaalada Nairobi ka bilowday kacdoon ay horseed ka ahaayeen Sheikh Umal, Sheikh Shibile iyo wadaado kale oo ay isku jaal yihiin, kacdoonkaas oo ay ku muujinayaan in natiijada ka soo baxday Jabuuti aan la qaadan karin oo waxa halkaas ka dhacay ay ahaayeen arrin diintii iyo masiirkii umada loogu badashay Kuraas.

 Aad ayaa loo xasuustaa khudbadii caanka aheyd ee Shiikh Umal furka ku tuurtay markii la doortay Shiikh Shariif, Shiikh Umal ayaa khudbadaas ku tilmaamay in nimankaaas diinta sheeganaya waa sida uu hadalka u dhigaye ay u hogaansameen Gaalo banaankana ay ku tuureen ku dhaqankii Shareecada islaamka, Shiikh Umal ayaa khudbadaas ku dhaleeceeyay si farsameysana ugu gaalaysiiyay raggii xaadiray Jabuuti oo ay ugu horeeyaan kuwa wadaadada ah asagoo hoosta ka xariiqay in ragaasi ay ku dhaarteen dastuur uu ku tilmaamay ilxaadi oo ah meesha ugu xun gaalnimada ee aan jiritaanka Allaah soo galeyn.

 Sidoo kale Shiikh Umal iyo xertiisa (Alictisaam) waxay ku eedeeyeen garabkii ASMARA ee uu hugaaminayay Shiikh Shariif inay gaalo uhugaansameen ayna dhabar gabiyeen mujaahidiintii dagaalka kula jiray ciidamadii itoobiya ee xiligaasi ku sugnaay magaalada mugdishu, maadaaba ay go’aan sadeen in xal aan lagu gaari Karin qoriga caaradiisa oo kaliya ee loo baahanyahay in wada hadal iyo dublimaasiyad na lagu daro.

 Sidaasi mid lamid ah Shiikh Umal iyo Shiikh Shibile ayaa aad uga xumaadeen ugana gubteen Dagaaladii dhexmaray Xisbul islaam iyo Al-Shabaab gaar ahaan dagaaldii Jubbooyinka ee lala galay Axmed Madoobe, waxaana ay arrimahaas ka duubeen Muxaadarooyin aad u badan oo ay kaga digayaan “daadinta dhiiga muslimiinta”, Muslimiintaas oo ay ula jeedaan Xisbul islaam iyo Al-Shabaab, mana aysan dhicin  in xitaa hal muxaadaro oo lagu dhaleecaynayo ama looga digayo daadinta dhiiga dadka muslimiinta ta ah ee lagu daadiyo maalin kasta magaalada muqdisho, shabeelada dhexe, hiiraan iyo gobalada dhexe.

 Hadaan marka usoo laabto ujeedada maqaal kaygaan waxaa ayaan taan la isla dhax marayay heshiiskii dhaxmaray jabhada UWSLF iyo dowlada itoobiya, marka hadaan wax yar oo tafaasiil ah ka yara bixiyo jabhada UWSLF ama Jabhada Xoreynta Soomaali Galbeed Waa Jabhad Itixaad ah oo ay dhidibada u taageen rag ay ugu horeeyaan Shiikh Umal iyo Shiikh Shibile, haatana labadan Shiikh ayaa majaraha u haya waxeyna usha u dhiibteen oo Madaxtinimada Jabhadaas ugu magacaaban Shiikh Ibraahim Maxamed oo loo yaqaan Sheikh Ibraahim Dheere. Shiikh Ibraahim Dheere kuma dhaqaaqi karo tallaabo aysan raali ka aheyn Shiikh Umal iyo Shiikh Shibile iyo Culumada kale ee Ictisaam ka ah ee kula jirta jabhadaas.


Jabhadan UWSLF waxey afka ka sheegan jirtay in dagaalkoodu uusan joogsaneyn inta kitaabka Alle la isaga xukumo oo Soomaali Galbeed helayso madax banaani, aysan furneyna wado lagula heshiiyo Itoobiya maadaama Dowlada Itoobiya aysan ogoleyn in Diinta islaamka la isku xukumo iyo in Soomaali Galbeed ay ka go’do Itoobiya.

 Laakiinse dabayaaqadii bishii July ee sanadkaan 2010  ayaa waxaa dhacay in jabhada UWSLF ay heshiis lasaxiixatay dowlada itoobiya, mana aysan dhicin sidii caadada ahayd ee Shiikh Umal iyo Shiikh Shibile uga hadli jireen arinta soomaaliya, gaar ahaan marka isbadal nabad loogu raadinayo koofurta Soomaaliya uu soo muuqdo, inay uga hadlaan heshiiska dhax maray itoobiya jabhadii ay labadoodu dhibada utaageen, taas oo dad badan shaki galisay sababta ay uga aamuseen arintaan iyo inay arintaan wax ka ogyihiin iyo inkale.

Intaas kadib waxaa dhacay in bartamahii August ee isla sanadkaan 2010 wariye katirsan TV ga caalamiga ah ee Aljazeera ee afka carabiga ku hadla uu Shiikh Umal waraysi kaqaaday kadibna waraysigaas lagu daabacay boga koobaad ee TV ga Aljazeera, malaha ma aysan dhicin in wariyiihii waraysiga ka qaaday Shiikh Umal wax usheego sidii Shiikhu rabay, isla maalmihiina waxaa dhacday in Shiikha iyo ragiisii ay bayaan soo saareen ay  ku sheegayaan in Shiikha lagu been abuurtay ayna soo saari doonan bayaan ay ku faah faahinayaan sida ay u arkaan heshiiska dhax maray jabhada UWSLF iyo dowlada itoobiya.

21 August 2010 ayaa Shiikh Umal iyo afar Shiikh oo ragiisa ah waxay soo saareen bayaan kii ay ka balan qaadeen aqrista yaasha, bayaankaas oo ay ugu muhiimsanaayeen: waxa ay ka qabaan heshiiska dhax maray jabhada UWSLF iyo dowlada itoobiya, iyo Xukunka raggii heshiiska galay, bayaan kaasina wuxuu uqornaa sida tan soo socota:

1)   “Markay xabad joojintu soo baxday, si rasmi ahna loogu dhawaaqay, ayna muuqatay in loo socdo heshiis dhamaystiran oo lala galayo dowladda Itoobiya, si taxadar leh ayaan usoo dhawaynnay arinkaas guud ahaan.” Taasoo micnaheedu yahay inay raali ka ahaayeen heshiis dhax mara itoobiya iyo jabhadii ay hor jooga yaalka ka ahaayeen, ayaga oo sabab uga dhigay in intii jabhadu itoobiya dagaalka kula jirtay ay wax guul ah oo lataaban karo aysan kasoo hooynin, taas badalkeedana laga faa’iiday dagaal kaas: dib udhac dhanka tacliinta, horumar ka iyo amniga.


2)   Waxaa si cad ugu qeexan quranka & sunnada nabiga (S.C.W.) in gaalada dagaalku nagala dhexeeyo lala geli karo heshiis nabadeed, haddii ay maslaxada muslimiintu sidaa ku jirto.


3)   Waxaa kale oo sugan inay dhici karto hadii ay duruufi keento in ayadoo qayb muslimiinta kamid ah dagaal kula jirto gaalo, qayb kalana uu heshiis dhexmari karo, waana masalada loo yaqaano (تجزؤ العهد) arintaana waxaa cadeeyay quraanka aayada (72) ee suuratul anfaal iyo sunnada sida ku cad qisada Abubasiir ee saxiixulbukhaariga ku timid, iyo qisada xudeefa iyo aabihii ee saxiixulmuslim ku timid.


4)   Waxaa kale oo quraanka & sunnadu cadeeyeen in jihaadka hubaysani uu wasiilo u yahay jihaadka kalimada, (dacwada) & inuu tirtiro ama yareeyo shirkiga & in dadka diinta laga fitneeyo, sida uu Allaah yidhi (وَيَكُون الدِّين كُلُّهُ لله وَقَاتِلوهُم حَتى لا تَكُون فِتنَة)


5)   Hadii ay mas’uuliinta jabhadda (UWSLF) iyo culimadoodu u cadaato in qorigii uusan xaqiijinnin maslaxadii shareecadu ugu talagashay, raja badanna aan laga qabin inuu hadda kadib wax soo kordhin doono, isla markaana laystuso inay kubadalan karaan jihaadkii kalimada & dacwada ee asalka ahaa, waa arin sharciga iyo caqliguba fahmi karaan mudnaanteedana leh.


6)   Waxaa noo suurto gashay inaan walaalaha waydiinno waxa ku kalifay inay arintaa aqbalaan oo ay saxiixaan, waxayna noogu jawaabeen inay isku qanciyeen in uusan u furnayn khiyaarka diidadu, oo ay ku qasbanaayeen (مكرهين) haysatayna xaalad ay rukhso u heli karaan inay saxiixaan qodobka ku saabsan dastuurka iyo qawaaniinta Itoobiya, ayna tahay sidii Allaah yidhi: { مَن كَفَرَ بِالله مِن بَعدِ إيمانِهِ إلا مَن اُكْرِهَ وَقلبُه مُطمَئِن بِالإيمان}iyo {إلا أن تتقوا منهم تقاة }


7)   Waxaa kale oo aan shaki kujirin in labada mas’alaba ay ka qarsoomi karaan in badan oo culimada kamid ah, iyo ardayda (طلبة العلم) caamada iskaba daaye, sidaa darteed waxaa khalad iyo xad gudub noola muuqda in la gaalaysiiyo ragga heshiiska galay lafahooda, (تكفيرالأعيان) oo riddo lagu xukumo, ayadoo ay caddahay inay ahaayeen muta’awiliin (متأولين ) ama markay ugu yartahay ay jirtay shubhatul ikraah ( شبهة الإكراه ) .( ) Waayo waxaa la ogyahay in mad-habka saxaabada iyo salafku uu ahaa inaan muta’awilka noocaas oo kale ah lagaalaynsiin Karin ilaa xujada lagu oogo shubhadana laga zuuliyo, inta ay shubha jirtana aan qofka xukun iyo xuduud lagula deg degin.(لاتكفير لأهل الخطأ في التأويل السائغ حتى تقام عليهم الحجة وتزال عنهم الشبهة ).


Waxaa is waydiin mudan aqristoow:

1)   Maadaaba la ogolyahay in gaalada dagaalku kaala dhaxeeyo lalagalo heshiis maxaa diidaya ninka walaalkaa ah ee soomaaliga ah aad heshiis lagasho, sidii dhacday markii Shiikh Shariif iyo ragiisii ay galeen heshiiskii jabouti.


2)   Hadii la ogol yahay in qolo muslimiinta kamid ah ay heshiis lagali karaan qolo gaalo ah oo dagaal kala dhaxeeyo maxaa shalay loo lahaay Shiikh Shariif iyo ragiisii mujaahidiintii ayay qiyaameen oo jihaadkii ayay dhabar jabiyeen.


3)   hadii jabhada UWSLF loo ogalaaday inay wada hadal galaan maadaaba dagaalku uusan wax natiijo ah keenayn maxaa loogu diidanaa nimankii shalay lahaay war xabad kaliya waxaba kuma xalin karnee wada hadal ayaa galaynaa, waliba waxa lala hadlayay amase heshiiska lala galayay waxay ahaayeen soomaali isku diin, isku dhaqan iyo isku deegaan ah.


4)   Hadii aysan banaanayn in lagaalaysiiyo nin gaalo heshiis lagalay maxaa loo gaalaysiinayaa kuwa islaamka ah (soomaali) ninka heshiiska lagalay.


isku soo wada duube waxay aniga ilatahay, raga bayaan kaan soo saaray inay kadoor bideen dacwada islaamka oo laguto iyo dad ka qaldan oo lasaxo qabiilaysi iyo xarakaysi, sababtoo ah shanta shiikh ee bayaan ka soo saaray Sh. Maxamed Macallin Cabdi Umal, Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar, Sh. Maxamed Shaafici Khaliif, Sh Maxamuud Sh. Maxamed Shibli, Sh. Xasan Ashkir Ibraahim, shantoodu waxay ka tirsanyihiin xarakada Alictisaam (Alitixaad), shantooduna isku gobol ayay kasoo jeedaan, sadex ka mid ahna waa isku hal beel.

 Shalay markii culimadii koofurta soomaaliya daganeed ee hor muudka uhaayeen Shiikh Bashiir Salad iyo Ahmed Daahir Aways, ay isku xil qaameen in la dhaxdhaxaadiyo dadkii muslimiinta ahaay ee xabada isla dhacayay  Shiikh Umal wuxuu ku jiray ragii wax laga wadi waysanaa ee sababta u ahaay in shirkii muqdishu culimadaasi kulahaayeen uu jiitamo mudo laba asbuuc ah, wuxuuna ku andacoonayay inay arintu tahay masiirkii umada soomaaliyeed aysana u oolin qabiil gooni ah, iyo gobal gooni ah iyo culima gooni ah.

Marka sheekha waxaan leenahay ilaahay ka yaab oo hadii diinta iyo dacwada aad hada sheegayso dar alle kaa tahay waxa laga hadlayana ay tahay masiirkii umada soomaaliyeed (ogaadeeniya) talada wax ka sii culimada kale ee aadna isku xarakada, isku beel iyo isku deegaan ka ahayn, sidoo kalana uqiil raadi dadka dhiigooda, maalkoodii iyo cirdigoodii lagu banaysatay gaalnimada (Murtad ayaad tahay) ayagoo udaliishana fatwadii aad adigu soo saartay, ee  aad xayn daabka islaamka uga saartay ragii shirkii jabouti ka qayb galay, sida aad ugu qiil raadisay UWSLF markii ay itoobiya heshiiska lagashay, aadna uga digtay inaan labanaysan karin dhiiga, maalka iyo cirdiga ragii heshiis kaas lagalay dowlada itoobiya, aana lagu tilmaami karin gaalo, sida ku cad bayaan ka aad soo saarteen adiga iyo ragaaga 21/8/2010.

W/Q: Mahad Mohamed Salad

mmsalad@yahoo.com 


Posted in Rayi/Opinion0 Comments

Fadlan Codkaaga Ugu Hiili Una Hibee Suxufiga Dhallinyarta Ah ee katirsan Shaqaalaha Hadhwanaagnews Jamaal Halkaraan Oo U Sharaxan Doorashada Baarlamanka Degmada Flen Ee Dalka Sweden.






Fadlan Codkaaga Ugu Hiili Una Hibee Suxufiga Dhallinyarta Ah ee katirsan Shaqaalaha Hadhwanaagnews  Jamaal Halkaraan Oo  U Sharaxan Doorashada Baarlamanka Degmada Flen Ee Dalka Sweden.
 Flen –(HWN)-Suxufiga caanka ah ee katirsan Shaqaalaha Hadhwanaagnews ee ku sifoobay hawl karnimada, iyo daacadnimadda ee lagu magacaabo Jamaal Halkaraan, ayaa ka mida musharaxiinta ku loolamaya doorashada Baarlamanka deegaanka ee degmada Flen dalkaSweden oo dhawaan la qabanayo.
 
Musharaxan Soomaaliyeed ee Jamaal Halkaraan ee isu taagay doorashadan ayaa si weyn uga jeelan una sugaya in ay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Swedan ay ku garab istaagaan kuna taageeraan codkooda si ay ugu suura gasho in uu si balaadhan wax ka qabto horumarinta danaha dadka Soomaaliyeed ee dalkaa ku nool.
 
Sidaa daraadeed, waxa la gudboon dadka Soomaalieed ee dalkaa ku nool in ay u hiiliyaan uguna deeqaan codadkooda si marka uu guulaysto uu beri ka maalin uga shaqeeyo danaha dadka Soomaaliyeed ee ku nool Sweden dhinac walba.
 
Hadaba Jamaal Halkaraan waxa ka xigta in uu ku guulaysto doorashadan dadka Soomaaliyeed  oo codkooda ku garab gala oo siiya. ololaha uu ku jiro  bulshada inteeda kale ee ku kalsoon hadey codad badan ku siiyaan waa hubaal inuu hamiga ku hayo siduu bulshada u horumarin lahaa waxeyna noqon guul inoo soo hoyata dhamaan Somalida sumcad fiicana aan ku muteysano.
 
Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Swedan waxa mar kale si sharaf, xushmad, qadarin, maamuus, tixgalin, iyo Muslinimo ku dheehan tahay looga codsanayaa in ay muujiyaan taageerada ay u hayaan Musharaxoodan oo ay codkooda siiyaan si uu anfaco.
 
Ballanteenu waa in aynu codadkeena u hibayno Musharaxan


Posted in Rayi/Opinion0 Comments

Hanbalyo Meherka Boqorka Khadar Sicid Ducale iyo Boqorada Hodan Abdirahman C/lahi






Hooyo Anab Ibrahim
Sadam Abdirahman Cllahi
Adan Abdirahman Cllahi
Roda Abdirahman C/lahi
Amira Abdirahman C/lahi
Ayaan Maxamed Omar
Daauuud Abdilahi  Axmed
Amina Maxamed Omar
Kaltuun Cisman Nuur
Yusuf Ciman Nuur
Cali Baashe
Hasan Cisman Nuur
Yousuf Abdi Faroole
Faysal Bashe
Ahmeddeeq Cisman Nuur

Waxay Hambalyo Iyo Salaan Aan La Soo Koobi karayn Hawada U Marinayaan

Khadar Sicid Ducale
Hodan Abdirahman C/lahi

Oo Meherkoodu ka dhacay 30/08/2010 Magaalo Madexda Labad Ee Somaliland Burco waxay leeyihin noqda kuwii isku waara ee ubad khayr qaba kala hela Amiin Amiin Amiin

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

Hanbalyo Meherka Boqorka Yasiin Mohamed Aadan iyo Boqorada Khadra Ahmed Ibrahim






Elmi Jamac Ducaale Iyo Xaskiisa Kaltuun Cisman Nuur
Ayaan Mohamed Omar
Hodan Abdirahmaan Cabdilahi
Hassan Cisman Nuur
Yusuf Cisman Nuur
Ahmed Deeq Cisman Nuur
Ali Baashe
Faysal Baashe
Yousuf A Faroole

Dhamaan Dadkaasi oo wada Kala Jooga Dalka Dibadiisa Iyo Gudihiisaba Waxay Hambalyo Kal Iyo Laba U Dirayaan

Boqorka Yasiin Mohamed Aadan
Boqorada Khadra Ahmed Ibrahim

Oo Meherkoodii 30/08/2010  Uu Ka Dhacay Magaalo Madexda Labaad Ee Somaliland Burco

Waxaanu leenahay noqda kuwii isku waara ubad khayr qabana kala helaa miin Amiin Amiin

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

CIYAARTOYGA GOBALKA TOGDHEER WAXAA KALA DILA WASAARADA SPORTS KA


Waxaan halkan ka salamayaa dhamaan shaqalaha shabakada golisnews meelkasta oo ay aduunka ka joogaan waxanan ugu mahad celinyaa sida ay shacabkooda fikirka iyo warka u kala gaadhsiiyaaan.

waxaan halkan ka salamayaa dhamaan dhalinyarta somaliland gaar ahaan Gobalka Togdheer meel kasta oo ay joogaan aduunka. Bacda salaan waxaan ka damqaday ama aan ka ad kaysan kariwayaay dhibaatada haysata dhalin yarada gobolka togdheer gaar ahaan Bahda sportska.waxaanan idinka hayaa su aalo farabadan oo aad kolay ka wada warhaysaan jawaabahooda kana damqaataan dhamaantiin balse aanan arag ilaa hada a wax ka hadla.
 
Walalayaal waxaan robaa inaan wax idinka way diiyo waxaa ciyaaraha gobalka togdheer ay uga danbeeyaan gobalada kale marka aan lee yahay way ka danbeeyaan maaha xag ciyaareed iyo xirfad, ee waa xaga hurumarka iyo wasaarad xumada iyo wax qabsasho la,aanta. Hadaba walaalayaal su aasha aan idin haya waxa weeye ma Gobalka ayaan lexjeclo inaga hayn ma wasaarada sportska ee gobalka ayaa inala hadhay ma inaga isla hadhnay.
 
 Marka kowaad aan anigu isu jawaabo, ma nihin ciyaartooy isla hadhay ee waxan nahay sports is jecel oo dadka walaaleeya naftoodana isu hura. balse waxaa inala hadhay inay tahay wasaarada Gobalka togdheer ee ciyaaraha ha ahaato ta iminka jirta ama tii soo jirtay 19  sanadood  ee somaliland jirtayba. Hadaba waxaan inaga qarsoonayn ama ay naan iska indho tiri karin dhibka ina haysta oo ina soo haystay 19 years.  1AAD kala qayb sanaaan, 2AAD garoomo la aan,3AAD horyaalo ama koobab aan laqaban, 4AAD sanadkasta in uu xulka gobalka togdheer ee kuubada cagta uu ku bixijiray iska wax u qabso ama qarbo qarbo iyo soo uruuriya,5AAD shirkadaha ama ganacsatada ama wasaradaha dawliga ah oo aan gacan qaban 6AAD koobkasta oo somaliland loo dhigo in lagu qabto hargaysa oo aan la soo gaadhsiin magalo madaxda labaad ee somaliland.
 
 
Hadaba waxaas oo cudur ah waxaa daawo u haya ama u hayn jiray, wasaarada gobalka Togdheer ee ciyaaraha balse nasiib daro aan marqudha aan soo gaadh siin daawada ay ku daaween la haayeen dhibka gobalka ka taagan. waayo wasaarad waliba waxay tayo wax qabad iyo hurumar u samaysaa  gobelkeeda halka inaga wasaradeenu inaga seexatay.  Sabaabta oo ah waxay ka baabiin kari waayeen kala qayb sanaantii iyo xaafad xaafadii inta badan soo jiitamaysay dhibka ugu wayna ay taa tahay. Sida ay wada ogsoon yihiin dhaman ciyaartoyga somaliland inay u wada ciyaari jireen xaafad xaafad. Balse ay wasaarad waliba ay ka tir tirtay gobeel keedi.
 
Hadaan tusaale idinku soo qaato ciyaartoyga gobalka Hargaysa waxay u ciyaari jireen xaafad xaafada balse waxaa ka masaxday wasaar
ada iyo wasiiradii sportska.  Taas oo ay sameeyeen laba kooxood oo awood leh si ay uga hadho xaafad xaafadaasi. waxayna sameeyeen Kooxdii ( QARANKA EE GAASHAAN) oo loo soo ururiyay ciyaartoogii xaafadaha ee ugu wnaaagsanaa. Waxaa kale oo la sameeyay Koox labaad  oo u ciyaaarta (POLICE ka EE GOODIR) Taas waxay ciyaartooygii hargaysa ka reebtay xaafad xaafadii  waxay na la jaan qaadeen caalamka.Hadaba ma waxaynu is waydiinaynaa ciyaartooyga hargaysa ma iyagaa waxaas samaystay mise Wasaaradooda ayaa u samaysay. jawaabtu waa wasaaradooda ayaa u samaysay halka inaga teenu ayna xasuusanba.
 
 Mida kale wasaaradu waxay awood u leedahay inay ciyaartoyga khasbaan oo ay gobalkaba kubada ka ganaxaan ilaa sida ay robaan la yeelo mooyaane, garoonkasta oo burco kuyaalna aan cidi ku ciyaari karin, kadib marka ay ciyaartoyga isku dhexkhaldaan shirkad waliba waxay diyaar u tahay inay qaadato kooxaha magaalada waayo imika cidina qaadan mayso koox xaafad ah. waxaa iminka mudo dhawr sano laga joogo aan la qaban wax horyaal ah ama koobab ah dhalintiina ay kala qaybsan tahay wax yaabo kale ku mashquuleen.
 
Hadaba dhalin yaro waxaa inoo furan laba wado in gobalka togdheer laga ganaaxo ciyaaraha inta isbadal ka dhacayo iyo in ay ciyaartooygu isku hufmaan oo is dhexgalaan inan walibana uu kooxda uu  rabo tago una ciyaaro. waayo magalo waliba waxaa ay lee dahay WEST, EAST,SOUTH AND NORTH hadana kooxo badan oo iski dhaxjirayaa ayaa ka jiraa.sida aad calaamka ka wada aragteen. amar xaasil saaxiibayaal howshan aan wax ka qabano si aysan ugu soo kicin dhalinyatada inaga danbeeyaaa oo aan soo afjarno.  waxaan la dar daaarmayaa dhalin yarada u dhalatay Gobalka togdheer inta joogta iyo inta maqanba ee ka warhaysaa dhibkaa in ay wax ka badalaan . (waayo Wasaaaradna uma Maqna Garoona uma dhisna)

 Waar yaynaan runta ka biqin oo lakala xishoone inta ay goor goor tahay aan waxqabsano inaga oo iskug duuban TOGDHEER. Because The future is anybody’s guess, but if we try to speculate or understand what sports would be like next 19 years, we have to look back, what we have achieved last 19 years. Hadaba wixii ay dan ama lexjeclo ka hayso wadankii hanagala soo xidhiidhaan ciwaankayga hoos ku qoran sidii aan wax uga badali lahayn Gobalka togdheer iyo SPORTS KA..

ALLA MAHAD LEH
Abdi Qani Haaji Ahmed C/qani X octobar)

mrburco@hotmail.com


Posted in Rayi/Opinion0 Comments

Open letter to President Barack Obama


Dear Mr. President,
I am an American citizen of Somali descent, an unaffiliated voter who also happens be in your e-mail list, and you Mr. President, the first lady, the vice president, the DNC and many other Democratic Party officials’ e-mails are regularly finding their way into my inbox.
Allow me Mr. President to pick a bone with you as it regards to the genocide against the civilians in Mogadishu. Somalia.
Al-shabab is undoubtedly a terrorist group, and is partially responsible for the deteriorating situation in Mogadishu, but there are not the only terrorists in Somalia.
The worst terrorists in Somalia are the Ugandan and Abyssinian troops who Are not in Mogadishu to fight the insurgents, but to savagely massacre the Innocent, non- combatant civilians, the women, children and old folks
Mr. President why on earth would you keep propping up the worst dictators In Africa? Why would you give Billions of dollars so badly needed by the struggling American single mothers and the unemployed Millions of Americans to the Tyrants of Uganda and Abyssinia, whose only wish is to starve their own people and mercilessly murder innocent civilians in Mogadishu.
They are continuously and persistently committing genocide against the already devastated, poor and defenseless civilians of the god forsaken, down Trodden city of Mogadishu, and trust me Mr. President any level headed Person knows how a peacekeeping force should behaves, those whose peace is kept live it, the other concerned parties and those with stakes in the matter feel when a peace is kept, and the African troops in Mogadishu are in no way trying to keep a peace or even slightly take into account the safety and the well being of the civilians in Mogadishu.
For the last ten days alone hundreds of civilians were massacred, majority of them by heavy and sustained, intentional, indiscriminate shelling of the African troops who as reported never bothered to strike the al-shabab positions half a kilometer away.
Those African troops would rather mercilessly commit genocide against the Already devastated civilians of Mogadishu than to conventionally engage The al-shabab insurgents.
I am certain Mr. President, there are millions of American voters who are disappointed and disillusioned with how their tax dollars were sent to the likes of Ugandan and Abyssinian dictators to wage expansionist wars across Africa and commit genocide against un-armed civilians and with all due respect Mr. President that is no way to lead the greatest, most powerful nation on earth.
The united States economy is in shatters as a direct consequence of your action or lack thereof, millions of Americans lost their employment under your watch, and you are Mr. President sending billions of dollars that Should have been invested in the homeland to the aforementioned African Dictators. Mr. President, why is it you pay a lot of attention to such a tyrannical foreign countries and murderers? Do you realize Mr. President It is us, the American voters who elected you and not by those foreign Dictators?
Mr. President, the American people are demanding your full and undivided Attention to the problems here at the homeland, and I am certain millions of Americans would want you to please stop giving away their tax Dollars to those foreign warmongers and tyrants, and instead help our veterans of Iraq and Afghanistan wars, the unemployed Americans, the youth, the uninsured/underinsured and the single parents who are barely breaking even.
Mr. President, Please understand that the Billions of Dollars your Administration gives to Ugandan and Abyssinian dictators are causing Hundreds of civilian lives in Mogadishu every week and the African troops in Mogadishu and elsewhere in Somalia are unwittingly showing off their Military prowess and it so happens that they have your unequivocal consent to strike civilians at will, and are fully aware of your diplomatic, financial and Military giveaways, and as such do not feel constrains, and are therefore exploiting your excellence’s indifference to the plight of the victimized Civilians.
Your excellence’ collusion in facilitating the Ugandan and Abyssinian tyrants’ genocide in Mogadishu will forever be remembered, as you will undoubtedly have a dark spot in the history books, but Mr. President it is never too late to correct a wrong or heal a wound.
An American author by the name Gregory Winger once said: In matters of war, America must be wary of an ally who greets her with a beggar’s hand. This is the case with Ethiopia and its involvement in the war on terror.
It is assuredly crystal clear that the tyrants of Uganda and Abyssinia along with the al-shabab terrorists are hell-bent to commit atrocities against the civilians in Somalia, and in Mogadishu in particular. The daily indiscriminate shelling of the innocent Somali inhabitants of Mogadishu by both the insurgents and the African forces are intolerable act of savagery, a crime against humanity, is unacceptable and uncalled for to say least. It’s a genocide not only sanctioned b y the so-called international community, but it’s undoubtedly being ordered by same international community. It’s a daily massacre orchestrated equally by Abyssinia and Ugandan dictators, funded by your administration Mr. President and I have no doubt that the resources you so willingly spend in these misdeeds should have been invested more wisely here at home.

Qeys Hagi

USA

Posted in Latest News, Rayi/Opinion0 Comments

Hanbalyo Iyo Bogaadin Ku Socota Sheekh Aadan Seero

Iyo Wadaaddada Kale ee Somaliland-nimodu Ka dhabka Tahay. By: Cali Kayse Kabadhe

Salama Calaykum Waa Raxmatullaahi Waa Barakaatuhu.
Ramadaan Kariim Dhamanba Shacabka JSL guddo iyo Debbed.

Waxaan Maanta anigga oo aan in muddo ah waxba qorin qalinka u qaatay in aan halkan hanbalyo iyo bogaadin uga dirro halyey Somalilander, Mudaawin Xalaal ah,Geesi aan Gaban, Sheekh Qaariya oo Qaderin Mudan Kamidda Culimadda Somaliland kuwooda ugu Sharafta Mudan Siddoo Kalena ay ka Dhab tahay Somaliland-nimadu, oo ah sababta aan ugu hanbalyaynayo. Waa Kuma Haddaba Halyaygaa Wadaadka Ahi Waa Sheekh Aadan Seero ALLAHA awoodda badan waxaan uga baryayaa in uu danbigiisa dhaafo, Waxaan ALLAH awooda badan ka baryayaa in uu Culimada Somaliland oo dhan Aadan Seero oo Kale Ka Wadda Dhiggo,Waxaa Hubaal ah oo aan caad saarayn in Sheekh Aadan Seero Yahay Halyey Qaran oo ay ka go’an tahay Somaliland-nimadu, Hadddii Culimadda Somaliland Sidda Sheekhaas ay Somaliland uga dhab tahay ay iyaguna Noqdaan Waxaa Hubaal Ah in aynu Ka badbaadayno Dagaalka Ka Socda Koonfur Somaliya Iyo Kooxaha is gaalaysiiya ee Qoloba Qollo Gaallo Ku Sheegto,Waxaa Hubaal ah In Wadaaddo badan oo Somaliland jooga ay Qarsanayaan Wax aan Somaliland Dani ugu Jirin oo Meello Kale looga gacan haadinayo. Waxaa Hubaal ah kooxaha Wadaaddo badan oo Somaliland Dhexdeedda jooga oo imika gacan shisheeye ku jirto haddiii ay jaanis innoo hellaan in sidda loo daba qabateeya dheeraandoonto.

Haddaba Haddii aynu nahay Shacabka JSL wa in aynu gacansiinaa wadaadda Somaliland-nimadu ka dhabka tahay ee aan waxba hoosta ku qarsanayn mowqifkooduna yahay Somaliland, si aan uga guulaysano kuwa Cadowga ku Ah Jirritaankena Iyo horumarkeena Nabaddeena ee gudaha Somaliland iyo Debbeddba jooga. Waxaan Sheekh Aadan Seero Iyo Wadaadda Kale ee Somaliland jiritaankeedda Daacadda ka ah ugu hanbalyaynayaa Mowqifka Geesinimada leh ee ay is taageen iyo Hadalka Geesi Nimada leh ee ay shacabkoodda u jeediyaan Maalinkasta.
Waxaan Kale oo ugu bushaarraynayaa Haddii aanu Nahay Dhalinyarada Somaliland Gaar ahaan Kuwa Qurbaha jooga in aanu Somaliland Difaaceedda Naftayadda iyo maalkagaba Ku Bixinayno Haddii ay Noqoto In jiritaanka SOmaliland Dhiig loo Shubbo aano u shubayno Si aanu Qarankeenna iyo Jiritaankiisa U difaacno. Waxaan Sheekh Aadan Seero iyo kuwa la midka ah ee Geesiyada ah ugu celinayaa In aad Shacabka ka Wacyi Gelisaan Kuwa danaha Gaarka ah leh ee doonaya in aynu Xamar oo kale noqono, weliba anaga ayaa idin garab taagan ee aad farta ku fiiqdaan oo tidhaahaan hebel iyo hebel SUN ayay qaybinayaan ee hala qabto.

F.G: Sheekh Aadan Seero isma Naqaan Laakiin Waxaanu Walaalo Run ah ku nahay Somaliland-nimad.

ILLAHAY waxan shacaka Somaliland uga Rajaynayaa in uu Danbgigoodda dhaafo badheedhaha iyo Nabaddana u siyaadiyo.

Cali Kayse Kabadhe
Netherlands/ Amsterdam
calikayse@live.com

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

Wasiirka duulista hawadu reer burco inuu wax u qabto mooyaane waxba ka dhicin maayo

marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada reer soomaaliland oo aan leeyahay ramadaan kariim
marka xiga waxaan doonayaa inaan wax yar ka idhaahdo arin beryahan ba ay websaydyadu qorayeen  oo ka hadlaysey gaadhigii dabdamiska burco ee wasiirka duulista hawada Maxamuud xaashi cabdi uu si kumeelgaadh ah ugu wareejiyey madaarka berbera
arintaas oo dadku si kala duwan u fasireen
sida aynu ogsoonahay wasiir maxamuud markii la magacaabay safarkiisii shaqo ee  ugu horeeyey waxa uu ugu baxay magaalada berbera halkaas oo uu kormeer ku soo maray madaarka berbera iyo sida hawlihiisu u socdaan dabcan waxaan filayaa in dadka badidiisu warbaahinta ka dhegaysteen wasiirka iyo wixii uu kala kulmay madaarka berbera.taa marka aynu ka gudubno safarkiisii shaqo ee ku xigay waxa uu ku tegay magaalada burco oo wasiirku ka soo jeedo,  sida aynu la socono wasiirku waxa uu socod ku tegey madaarka burco oo madaarkeedu mudo aad u badan xidhnaa xukuumadii horena marar badan lagala hadlay sababta madaarkan burco diyaaraduhu u soo fadhiisan waayeen hase yeeshee aanay wax dadwaynaha qanciya u soo bandhigin oo ay xukuumadii jirtay dhegaha ka furaysatay,
hadaba taa bedelkeeda waxa uu wasiirku ka dhawaajiyey in magaalada burco oo ah caasimadii labaad ee soomaliland aanu madaarkeedu dib u xidhnaan doonin  sida ugu dhakhsaha badana u furi doonaan.
taa marka aynu ka gudubno ee aynu ka hadalo gaadhiga dabdamiska ah waa run buco gaadhigaa dabdamiska keliya ayaa joogay gaadhigana madaarka ayaa lahaa inkastoo aanu shaqayn madaarku .
markaa hadii wasiirku gartay in gaadhiga si ku meelgaadh ah loogu bedelo berbera maadaama oo madaarka keliya ee shaqeeyauu yahaymaalintiina ay dhawr diyaaradood yimaadaan madaarkiina aanu dabdamis lahayn khataraha ka iman karana aynaan iska indha tirayn aniga iyo inta ila aragtida ahiba waxaanu u arkaa inuu ku saxan yahay anigoo aan u eegayn reer burco iyo reer berbera toona ee ka eegaya ka madaar ahaan.
teeda kale hortawax waliba idam ilaahay bay ku dhacaan gaadhiga dabdamisku isagoo burco jooga ayaa guryo badan oo dad danyari leedahay ku gubteen oo ku shufbeeleen taa waxaa kahoraysey goobtii ganacsiga ee ugu wayneyd ee burco oo iyadana 
shufbeeshay oo aan waxba ka baxsan ganacsato farabadanina ku caydhoobeen ,guryaha  caadigaha ee gubtayna ee aan waxba ka bixinina aad bay u farabadan yihiin markaa gaadhiga dabdamisku muxuu u badbaadin waayey ileen burcuu joogay?
hadalkayga waxaan ku soo koobayaawasiir maxamuud xaashi cabdi waa nin reer burco wax qabadna ka dhawaajiyey markii uu lahaa waxaa iga go,an in madaarkaasi sida ugu dhaqsaha badan u shaqeeyo gobolo kale ayaa ka masayray oo sidoo kale iyana madaaradoodu aanay shaqayn  markaa waxaan leeyahay waar indhaha furo oo wasiirka xagxagashada halaga daayo
          M. A. Muse
         khaliifaqabe@gmail.com
 
 

Posted in Other links, Rayi/Opinion0 Comments

Qiimeynta Abwaanka Sannaadka 2010 By Mudiir Shevodinio Mohammed Ahmed

Marka hore waxaan idiin soo dirayaa salaan qaali ah
Bahda shabakaadda calamiga ah golisnews  iyo
Asxaabta sharafta badan ee somaliland mudanooyin iyo marwooyin
Ramadaan kariim,

Anigoo ah guddoomiyaha uruurka S.y.n-Eu
sannaadkasta waxaanu qiimeyn ku sameeyna
abwaanka ugu wacaan xiligaa
sannaadkan 2010 bishii koobad
waxaanu u aqoonsanaay abwaanka ugu wacaan qaaradda yurub
 abwaan cabdinaasir axmed muuse
“cabdinaasir macalin”
wuxuu yahay Halabuur leh curin murti leh iyo
aftahanimo aan la dhayalsan karin,
hibbo gaar ah alleh wuxuu u siiyay abwaan cabdinaasir axmed muuse
sameeynta laxaamka heesaha mar waa abwaan marna waa fanaan
heeso u lee yahayna waa la dhagaysta
waxaa lagu xasuusta abwaanka gabayadiisa ah guubaabada iyo wadaniga ah,

Gabaygaan waxaa layidhaahda  Xigmadii-Tasowday
waxaa midhahiisa curiyey ama sameeyay abwaanka
Sannaadka 2010 Abwaan cabdinaasir axmed muuse
“cabdinaasir macalin” ,
 
isagoo tusaale ka bixinaaya wuxuu yidhi sidan
saaxiib mudiir shevodinio mohammed ahmed
haddaan ku sharaaxo markii aan arkay
suugaantii oo la boobayo iyo bilaado la sheegano sida maanta ka jirta qaaraddan yurub
oo copyga laga caadaystay xaga heesaha iyo gabayada iminka waxaay gaadhay ina buuggtii
ina la copy gareeyo saaxiib yaabaye hadmaa sidan loo rogaay,
abwaanku xaquuq ayuu lee yahay fanaankuna xaquuq ayuu lee yahay qooragu xaquuq ayuu lee yahay
marka waxaa wanaagsan ina la ilaaliyo xaquuqda suugaanta
waxkasta adduunka waxaay lee yihiin dastuur ilaaliya oo loo raaco
asxaabta sharafta badan waxaan idiin lee yahay ilaaliya xaquuqda suugaantu lee tahay
gabaygii Xigmadii-Tasowday
waxaan ku billaabay sidan,
 
 Tada gabayga anoo tagaan
baan toobiyeen jiray
tabaalada adduunyadda
haddaan kubeese tiigaaloo
Murtida raggii toosin jiray
wuu ka sii tagay
todobaadba Ninkii taarikh leh baa
toonka joogsada
inaan heeso tiriyaan
intaa tarastii siiyaa
ina tarabi iyo qays
ayaan ciddi u tookhayn
xassan ganey tabtiisii
ayaan togog hiraabaa
ereyadduu tukaaleba lahaa
bay ragg tiriyeenee
waxaay toos u sheegteen
inay taffo sameeyeene
xigmadii tasawdoo
ragg baa tuugo leexsadayee
catiiqaa ku heesoo
cidleey tororog laysaa
sidii todob hilaacoo
xareed teeska kicinaayaa,
 Ama turud irmaanoo
Nin lihi
goruf ka soo tuujaay
dhallinyaro tamuuxaa ka badan
wada taxaashaysa
siday qurux u taabeen
ayaan tixxo sameeystaa
tu kastoo timaadanna
run baa tamar lasiiyaa,
 
 Taladaba haddaan lagu
tuusayn maba tisqaadaysoo
haddaan tooska loo wadin
cid baan tabo ku gaadhayn
tawaawaca yabaal kaba
hadduu waranka kuu tuuroo
tasbiixdiyo  salaadii iyo ducaduu
marnaba yanay kaa tagin
haddaad tiishka fuushiyo
haddaad torinka u taagtoo
nasiibkuba halkii u tabdhigo
waa la tagayaa
rabbiyow na tageer
adaay taadu socod taa.
 
 Waa bilaahi tawfiiq
jaw nabad
thanks
ilaah ba mahad iska leh
 
Manager S.y.n-Eu Mudiir Shevodinio Mohammed Ahmed
“Mudiir Shevodinio”
E-mail shevodinio7707@hotmail.com


Posted in Other links, Rayi/Opinion0 Comments

DAYAACADAHA UDUB MA XAGAAL DAACIN KARAAN MARNAAMIJKA SIYAASADEED EE XUKUUMADA CUSUB

Waxaad moodaa in durba loo labo laxaadsaday sidii loo curdan dhadhin lahaa dawlada cusub ee madaxweyne axmed maxamed siilaanyo soo dhisay taasoo ku timi rabitaanka shacabka, waxaa wax lala yaabo ah in dawladii inta badan la naawilayey ee xataa culumada sirta ee reer Somaliland sii saadaaliyeen inay maalin maalmaha ka mida  talada dalka kala wareegi doonto xukuumadii  fadhiidka ahayd ee udub in durba la nashuushadeeyo oo dayaacado raqiis ah lagu furo isla markaana lagu shaanbadeeyo weedho raqiis ah oo meel waayey
 
Horaa loo yidhi nin daad qaaday xunbo cuskay kooxdii hogaanka talada dalka lagala wareegay ee udub durba ma waxay bilaabeen dayaacado raqiis ah oon sal iyo raadtoona  lahayn kolkay waayeen waxay u barteen miyey dayaacad miciin moodeen  BALANTEENU MAXAY AHAYD, MAXAY AHAYD BALANTEENU MAXAY AHAYD,  WAXAY U BARTEENO BERYAHAN LA WAAYEY BAAFINAYAAN, BEENLOW IYO TUUGU HAYNAGA BAXO, LOOMABA BAAHNEE HAYNAGA BAXO, BOOGI KU TAALEE HAYNAGA BAXO
 
Dacaayadahan raqiiska waxaa fidintooda loo adeegsadaa kana qayb qaata saxaafadii gacan ku rimiska ahayd ee ku hadli jirtay afka udub taasoo gabalkeed dhacay noqotayna  haad geed waayey ka dib markii laga jaray masaariiftii xoolaha ummadda ee lagu naasnuujin jiray, waxaa shacabka reer Somaliland u beryey waa cusub cidina idinka dhegaysanmayso weedhihiina oohinta iyo baroorta ah ee aad dariiq walba la taagan tihiin kana fidinaysaan dawlad aan bil wax ka badan jirin, bal aan isweydiinee dawlad bil wax ka jirtay maxaa laga fili karaa, dayaacadase laga fidinayaa ma tahay mid daw ah hadiise lays weydiiyo mudadii dawlada cusubi jirtay maxay qabatay saw indhihii caafimaad qaba ma arkaan inay durba bixisay mushahaarooyinkii shaqaalaha ee is gaadhay mudada 5 bilood ah iyo inay dibuhabayn ku samaysay ilihii dhaqaalaha iyo maamulkii dawlada sawtaas mushaharkii markii la bixiyyey khasnadihiina buuxaan maxaa kale ee laga rabay ee ay bil gudaheed ku qaban lahayd hadii cidi wax qabanayso mudo sideed sano ah ayey udub talada dalka haysteen ee maxay qabteen ee aan hanti boob iy musuqmaasuq ahayn
 
Hashii garowna ma hadlayaa, ma nimanka wareejiyey daynta 40 milyan ee doolar isla markaana aan shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qaranka wax mushahar ah siin mudada shanta bilood ah ayaa weliba hadlaya oo dawlad bil jirtay wax ka sheegaya runtii haday damiir leeyihiin maaha kuwii hadli lahaa ama cid kale wax ka sheegi lahaa ee way isku qajili lahaayeen hadalna uma banaanadeen laakiin marka damiirku kaa dhinto waxaa luma qayb dareenka ka mida qofkana waxyaalo badan ayaa iskaga dhex qasma mana kala saari karo wuxuu xaqa u leeyahay iyo wixii xaqa loogu leeyahay indhihiisuna waxa san ma arkaan sidaa waxaa ka dhigan saxaafada caadaystay weedhaha calaalka iyo oohinta ah taasoo awal ku hadli jirtay afkii xukuumadii dhacday ee udub sida wargeyska yool iyo shebekada qarannews oo mataano ah labadana uu lahaa wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada cawil iyo iyana shebeda harowo oo ku hadli jirtay afka madaxweynihii hore ee daahir riyaale kaahin waxaa kale oo ka mida saxaafada udub wargeyska waaheen taasoo uu maamulo axmed xuseen ciise oo ah aqoon yahan aan aad ugu hanweynaa laakiin aad moodo inuu hoos uga soo dhacay maqaamkii laga filayey iyo qaar kale
Ma xuma inaad mucaarid noqoto iyo inaad dhaliisha dawlada sheegtaa laakiin tiinu mucaaridnimo maaha ee waa xin iyo xasadnimo xataa cadaawadiinu waxay idinla gaadhay inaad dalkii ku soo hogaamisaan cadawyo shisheeye, idinkoo leh dalkii waxaa qabsaday dawlad alshabaab ah, mucaaridka caafimaadka qabaa waa ka dalkiisa u tudha waana ka waqti siiya maamulka la doortay sidoo kale  waa ka talaabada wanaagsan ee la qaado ku taageera laakiin maaha ka isku daya inaan talaabo hore loo qaadin sidiina oo kale, wax kale iska daayo waxaa ka hadasheen xidhiidhka Somaliland iyo itoobiya idinkoo leh dawlada cusubi waxay xumaynaysaa xidhiidhkii Somaliland la lahayd dawlada itoobiya,  goorma itoobiya doonyo qaadka u noqoteen, dawlada itoobiya iyo Somaliland waxay leeyihiin  xidhiidh iskaadhi iyo wax wada qabsi kaasoo qolo walba dani ugu jirto sidoo kale ilaalinka xidhiidhkaas iyo horumarintiisuna waa mid labada dawladoodba ku waajib ah midna aan idin xusuusiyo  xidhiidhka itoobiya iyo Somaliland waa mid soo jireena oo ka fac weyn intii udub talada wadanka haysay, 
 
Waxaa kale oo durba durteen dawladii cusbayd ee madaxweynuhu soo dhisay taasoo la odhan karo waa dawladii ugu tayo fiicnayd ee Somaliland loo dhiso waayo raga la soo magcaabay ee golaha wasiirada ku jira inkastoo ay u badan yihiin rag ku cusub saaxada siyaasada hadana waxaa shacabka indhahooda soo jiitay dhawr qodob oo lagu dhaliili jiray xukuumadihii ka horeeyey oo la odhan karo xukuumadani waa kaga duwan tahay kuwaasoo kala ah sidan hoos ku qoran
 
1. waa niman cibaadaysta oo salaad sax ah oo aad masaajida kula kulmaysid xili kasta, cibaadaduna waxay kaa joojisaa wixii xumaan ah ama faasiq ah
2.waa niman aqoon yahano ah oo badankooda aqoontooda lagu soo xulay una heelan inay dadkooda u shaqeeyaan
3. waa niman aan wax balwad ah lahayn taasoo u saamaxaysa inay shaqada soo galaan xili hore kana baxaan xili danbe iyo weliba inay xoolaha ummadda ee ay ka masuulka yihiin ka nabad gasho isla markaana aan joogista meel xun lagu xamayn
4. waxay u badan yihiin niman dhalinyaro ah oo magac doon ah oo siyaasada ku cusub isla markaana aan hore loo soo daawan
 
isku soo wada duubo saw waajib maaha in golaha wasiirada ee sumcadaas wanaagsan leh lala shaqeeyo lana soo dhaweeyo waqti ku filana la siiyo si aynu u gaadhno waxaynu higsanayso,  mida kale kaadi badane waa loo gogol badiyaa ayey soomaalidu tidhaahdaaye udubeey dalka waad soo xukumasay waqti ku filan waa lagu siiyey waxba waad qaban weyday hadana waa laguu kordhiyey misana waxba maad qaban hadana mar 3aad ayaa laguu kordhiyey misana waxba maad qaban markaa maxaad maanta noo sheegaysaa ee aanu kaa dhegaysanaa markii doorashada lagaa helay, joojiya hinaasaha, xinka iyo xasadka dawladan waxaa doortay shacabka reer Somaliland boqolkiiba 50% waxaana ilaashana oo gaadh ka haya shacabkii doortay waxaana aanu leenaay nin lagu seexdow ha seexan xilbaad sidaa ha seexan  idinkana af aad ku hadashaanba idinma yaalo waayo horaa laydin soo daawaday waxaa la mid tihiin kuwii allaa yaa raxmi cabdi iidaan ku lahaa tixahan hoos ku qoran
 
 Dul-ka-muummin baa tahay
Uur-ka-Daallin baa tahay
Dibno Kacaana baa tahay
Isha bidixna kuu daban
Dalba-Juuqahaaguna
Wax la dedo ka xeel dheer
Allow yaa ku dooxoo
Haddana aan ku dilinoo
Waxaad damacsantee kale
Debedda ula soo baxa
 
Jaamac cabdillaahi suleymaan
Cigaal215@gmail.com
Berbera somaliland
 

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

hambalyo ku socota badhasaabka gobolka saaxil

marka hore waxaan salaamaynaa golisnews oo marwalba dadwaynaha ugu adeegta si daacadnimo ku jirto salaantaa kadib waxaan halkan hanbalyo aan la soo koobi karin hawada u marinaynaa badhasaabka gobolka saaxil mr.maxmuud cali saleebaan ramaax    waxaana ilaahay i uga baryeynaa inuu hawha u fududeeyo aamiin  1.ahmed caydiid cabdillaahi  2.maxamuud saleebaan qodax 3.cali handule muuse  4.saleebaan kaahin cashuur  5.cawil kaahin liibaan oo ah dhamaantood quba jooga reer doha ee dalka qatar wabilaahi tawfiiq    ahmed caydhaf doha

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

hambalyo ku socota maareeya ku xigeenka dekeda Berbera

marka hore waxaan salaamaynaa golisnews oo marwalba dadwaynaha ugu adeegta si daacadnimo ku jirto salaantaa kadib waxaan halkan hanbalyo aan la soo koobi karin hawada u marinaynaa badhasaabka gobolka saaxil mr.maxmuud cali saleebaan ramaax    waxaana ilaahay i uga baryeynaa inuu hawha u fududeeyo aamiin  1.ahmed caydiid cabdillaahi  2.maxamuud saleebaan qodax 3.cali handule muuse  4.saleebaan kaahin cashuur  5.cawil kaahin liibaan oo ah dhamaantood quba jooga reer doha ee dalka qatar wabilaahi tawfiiq    ahmed caydhaf doha


Posted in Rayi/Opinion0 Comments

Xil magacaabis ururka Horseed

bismilaahi raxmaani raxiin
ilaahaybaa mahadi u sugnaatay swc
Rabadaan Kariim Dhamaan Shacabka Reer Somaliland meelkata oo ay jogaan.

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada Somaliland ee Horseed ayaa maanta magacaabay Gudoomiyeyaasha uu yeelan doono Urur Siyaasadeedka Horseed ee Wadama kamida dunida.
hadaba Gudoomiyaha Ururka oo ka duulaaya Dastuurka u yaala Urur Siyaasadeedka Horseed, waxaa u soo baxday inaanay laga maarmaan ahayn inuu yeesho Ururku Gudoomiyeyaal kala jooga dhamaan daafaha dunida iyo  meelkasta oo ay jogaan Shacabka Reer Somaliland gaar ahaan Dhalinyarada Somaliland.

si kastaba ha ahaatee waxaa uu Gudoomiyahu ka duulay qodobo faro badan oo runtii lagama maar maan ahayd loona baahnaa inuu ku guulaysto Ururku si ay hawluhu habsami ugu socdaan, hadaba waxaa maanta lagu dhawaaqay afar Gudoomiye oo uu yeelan doono Urur siyaasadeedka Dhalinyarada somaliland oo ka shaqayn doona fadhiisimadooda ama wadamada ay jogaan iyo wixii la halmaala intaba, afartan Gudoomiye oo runtii lagu soo xulay ama lagu sameeyay talooyin faro badan oo Gudoomiyaha loo soo jeediyay una soo jeediyeen dhamaan mas uuliyiinta, waxgaradka, aqoonyahanka, iyo weliba taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Horseed,ayuu gudoomiyuhuna ku soo xushay arimo dhowr ah awgeed oo ay ka mid yihiin, firifircoonidooda, aqoontooda,waayo aragnimadooda,iyo weliba aqoonta ay u leeyihiin xaga siyaasada iyo baahiyaha jira awgeed.

waxaa kale oo uu gudoomiyhu fariin u dirayaa dhamaan Shacabwaynaha Reer Somaliland gaar ahaan Dhalinyarada Somaliland, farintaas oo ah in lala shaqeeyo Gudoomiyeyaashaa cusub ee loo magacaabay wadamada hoos aanu ku sheegi donoo haddii ilaahay yidhaahdo,laga bilaabo maantana ay si rasmi ah u meteli doonaan Uruka iyo arimihiisa.

Gudoomiyaha wadanka Malaysiya. C/qani jaamac c/laahi
Gudoomiyaha wadanka Sweden   Maxamed cali faarax
Gudoomiyaha wadanka Uganda   Ismahaan raabi yuusuf
Gudoomiyaha wadanka  Uk         Maxamed yusuf axmed

Gudoomiyaha Urur Siyaasaasadeedka Horseed
C/xakiim cawil x aadan

Posted in Rayi/Opinion2 Comments

Weli Akhlaaq wanaagsan oo aad sameysey dad ma ku soo Islaameen,Qaybtii 1aad.

Weli Akhlaaq wanaagsan oo aad sameysey dad ma ku Islaameen

 Islaan weyn oo Belguim ah ayaa alaab culus oo ay sidatey la daalaadhaceysey,
Gabadh Marookaaniyada oo akhlaaq u saaxiiba,xijaabkeedii Allaah amrayna sidata,
ayaa aragtey islaantan Dhibaateysan,dabadeed raxmadii Islaamka ee ilaahay ku abuurey
awgeed ayey Islaantii ku caawisay ,iyadoo alaabtii u qaadey,markii ay gurigeedii gaadhsiisey
ayey alaabtii u dhigtey,dabadeed Islaantii Belguimka ahayd ayaa bilowdey inay inantii caydo,
bal aduu waxaad sawirataa qof bani,aadama oo aad caawisey oo haddana  halkii uu waad
mahadsantahay ku odhan lahaa ku caayaya cajiib, Inantii Akhlaaqda ilaahay ku manaystey
intey qososhay oo dhoolacadeysey ayey ku tidhi waad mahadsantahay cajiib kale,
qof  caawiyey qof kale oo cay loogu abaal gudey oo haddana leh (thank you).
Gabadh Belguim ah oo agtaagnayd arkeysayna  qisada labadan qof dhex dhexmartey ayaa
intey inantii usoo dhawaatey bay ku tidhi:naa Islaantu waxay ku leedahay ma fahmaysaa
waxay is tidhi mindhaa qoftan la caayayo ee haddana( thank you) lehi,mindhaa luqadaanay
fahmayn,inantii baa ugu jawaabtey waan fahmayaa laakiin Diinteydaa i amraysa sidaas,cajiib:
Gabadhii intey yaabtey ayey iska tagtey,laakiin arrintaasi quluubteeda marna kamay bixin,ilaa
ay Islaamka baadhitaan ku samaysey,aakhirkiina ay ku Islaamtey .

Inan yarroo oo Hollandiisa oo aan aqaano ayaa iyana ku Islaantey akhlaaqdaa wanaagsan oo kale,Tuullo ay deganayd ayaa waxaa iyana la deganaa reer Somali ah,carruurta reerkaas
ayey la ciyaari jirtey,markaska oo ay gurigooda soo gasho,Cuntada Guriga taal ama Cabitaanka sidii gurigoodoo kale ayey free u ahayd,oo ay isticmaali jirtey,calaashaan
Gurigaa waxay kala kulantey nolol aaney horre uga baran dadkeeda ay isku waddanka
yihiin,wakhtiyada  la qadeynayo hadday soo haddasho oo tidhaahdo waan imanayaa
cuntadeedu miiskay u sii saarneyd,metalan haddii ay reer Hollandiisa sidaas ugu tegi lahayd
laba goor markey iska timaado ,mar saddexaadka albaabkaa laga soo xidhan lahaa,oo weliba
la odhan lahaa,markaad imanayso balan soo samayso,waa dhaqanka waddanka yaal,marka
qof  Aabihii u imanayo  muddo ka hor ayuu soo sheegayaa oo lagu sii talo gelayaa,haddii markaa uu qof kale soo raaco, oo aan horre loo ogeyn ,lama aqbalayo,Aabuhu maalintaa
Aabe la mahadiyo noqon maayo. Inantii yarreyd Akhlaaqdaa iyo macaamilkaa islaamka
ee fiican bay ku soo Islaamtey ilaa ay hadda iyadu Diintaba dadka barto,oo ay ilaa heerkaa
ka gaadhay.Waxaan uga goleeyahay oo aan u soo qaatey,intaynaan dad kale gaadhinba
inagu sideynu u wadda dhaqanaa ,dadkeena walaalaha ah ee isku Diinta ah,Isku midabka ah
isku afka ah,halka waddan ku wadda nool,bal waxaad eegtaa waxa  xasad ,cuqdad,is nacayb
dhexdeena yaal,ee qofna aanu qofka  kale wax u ogaleyn,Waxaad arkeysaa nin ku leh,reer hebel,Tuuladayadii way ku soo badanayaan,hadda reer hebelkaa uu sheegayo waa isku abtirsiinyo,oo waa isku qabiil amaba aan sida kale u dhigee,waa abtiyaashii,Kuma xisaabtamayo dhulku intuu baaxad la ,eeg yahay,iyo inuu malaayiin qof ka badanyahay,
iyo qofkan inta goor ee ay wax isu noqonayaan,iyo qofkani inuu tuullo kale leeyahayoo
Berritaba taas la wadda degayo,waa caqli buka aad u jiran,kuma xisaabtamayo,in isaga amaba walaalkii Yurub ama North America ku nool yihiin ,Dad aanay isku qaarad ahayn
isku midab ahayn,isku af ahayn isku Diin ahayn,isku afkaar ahayn,iney aqbaleen oo
soo dhaweeyeen,oo ay isaga iyo ninkii waddankaa u dhashay calaashaan aan wax faraq
ahi u dhaxayn,hadday tahay dhinac walba nolosha,qofkaas  caqliga ka bukaa(jirani)
umuu noqon diintiisoo mu akhriyin Quraanka ilaahay iyo Siiradii rasuulka,hadduu caqli
saaxiib u yahay,waxaaba ku filaan lahayd xadiiskii Rasuulka SCW ee ahaa(qofkiin iimaan lagama helin,oo imuu rumeyn ilaa uu Walaalkiis la jeclaado waxa uu naftiisa la jecel yahay).
Haddaba dariiqu wuu dheeryahay lagu gaadhayo Horrumarka adduun iyo ka Aakhiraba,
ilaa la helo Ummad walaalo ah ,oo is jecel,oo mideysan oo isku fekera,oo shaqeysanaysa,calaashaan gacantooda aaminsan,ee aan hayad ajanaba aaminsanayn
ee ilaahay aaminsan,Ninkan ajanabka ahi cirka kamuu soo dhicin ee sidaaduu 9 Bilood ku
dhashay,ee u shaqeyso siduu u shaqeystey,uurka Hooyadii Galaydan uu ku siinayo kalamuu
soo bixin,ee isagoo qaawanoo oo weliba ooyayuu uurka hooyadii ka soo baxay.

Waxaan ku dardaarmayaa  inaan quluubteena mideyno, fikirkeena dheerayno,ilaahay u noqono,
ficilka shaydaankana ka tagno, ee ah anaa Qabiili ah oo reer hebel ka ba,an,
(Anaa reer hebel ka badan iyo anaa reer hebel ka ba,an  Bunduqa loo iibsadoow,waxaad laysaa
bahdaa belaayo markay dhacdana halkoodii kugu banaan),qabiilkasta inta ay kaneeco hal bil ka
disho,50 sanno  qabiil kale  kama dilin,amaba,garanmayno waar qaaxadan iyo kaneecadan yarree
ina dhammaysay sidee baynu  isaga qabanaa dhammaanaybee,laakiin haddii qabiil walaalkoodii
20 sanno ka hor si dhacdo ah nin uga dilay ,weligeedbaa waynu guuxaynaa oo  cuqdadaysanahay,
oo qadhmuun iyo goormaydin reer hebel ka aarsandoontaan iyo goormaydin sammada soo ridi doontaan
baa inaga guuxaysa, Allaah xaqqa ha ina tuso oo ha inagu hanuuniyo,sidii aynu u noolaan lahayna ha ina barro.

Wa bilaahi tawfiiq.

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

tacsi marxuum xasan axmed sagal

 

 

 

 

 

inaa lilaahu wa inaa ilayhu raajucuun

jaliyada reer somaliland ee ku nool dalka kenya waxay tacsi halkan kagaadhsiinayaan iyaga oo katiiraayaysan geeridii kutimi marxuum xasan axmed sagal oo kugeeriyooday magaalada burco 31.8.2010, waxay jahliyadu marxuumka ilaahay uga baryaysaa inuu naxariistii jano kawaraabiyo qoyskii iyo qaraabadiina uu samir iyo iimaan kasiiyo amiiiiiiiiiiiiiiin amiiiiiiiiiiiiiiiin
compass87@hotmail.com
yusuf omar nairobi/kenya

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

Tacsi: Cabdillahi Askar Barkhad, Geesi ka baxay Somaliland

Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu tacsi tiiranyo leh gaadhsiinayaa qoyskii, asxaabtii iyo dhammaan umadda reer Somaliland meel walbooy joogto ka dib geerida naxdinta leh ee ku timid Mujaahid Cabdillahi Askar Barkhad oo ku geeriyooday Axaddii dhaweyd caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa.
 
Waxaanu marxuun-ka ilaahay uga baryaynaa innuu naxariistiisi jano ka waraabiyo oo uu qabriga u nuuro, qoyskii uu ka baxay iyo guud ahaan umadda reer Somaliland-na samir iyo iimaan inaga wada siiyo, aamiin.
 
Ilaahay waxaanu uga baryaynaa intii inaga baxday bishan barakaysan ee aynu ku jirno innuu albaabada janada ee furan wada galiyo oo uu u wada dambi dhaafo iyaga iyo dhammaan muslimiinta oo dhan, aamiin.
 
Wa bilaahi tawfiiq,
 
Maamulka West London Somaliland Community

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

WAXA AAN OGAYSIINAYAA DADWAYNAHA HADAANU NAHAY BEESHA CIDAGALE INAMA METALAO NINKA ISKU SHEEGAY BOQOR RAABI WAXA UUNAGA YAHAY DAYRO

dhamaan waxa aan halkan kasalamayaa shacabwaynaha somaliland meelkastoo ay dunida kajoogaan, waxa kale oo aan salamayaa saxaafadaha somaliland intooda dhex dhexaadka ugu shaqaysa .
Maanta waxaan jecelahay inaan wax yar ka idhaahdo, waraysi uu bixiyey, ninka isku magacaabay ‘BOQOR’ Raabbi, kaasi oo uu ku sheegay ‘ In haddii mudaharaadyo la sameeyo, uu isNa soo kicin doono qabiilkiisa oo mudahaaraad ka horjeeda kan axsaabta abaabuli doono’. Waa yaab! Boqor Rabbi ma xisbi qaran baa, maxa xisbi iyo qabiil isu keenay. Tan kale cabudhintii uu shalay diiday ee ka hadlayey, ma maanta ayuu oggolaaday?
Sida aan ka wada war qabno, ninkaa Raabbi la yidhaahdo, wuxuu ka mid ahaa, dadka tirada yar ee ka soo jeeda Somaliland ee ka qaybgalay, shirkii lagu sheegay dibu-heshiinta Soomaalida ee Xamar lagu qabtay 2006kii, kaasi oo Abdullahi Yusuf doonayey inuu ku hoosaasiyo ra’yul caalamka inta uu dhammaystirmayo xasuuqa iyo barakicinta beelaha Hawiye. Waa ninka qudha ee ka socday madax dhaqameedka Somaliland ee shirkaa hadimada iyo godobtu ku dheehan tahay ka qaybgalay, isagoo waxooga lacag ah, ka qaatay Warlord Ali Mahdi Mohamed iyo Abdullahi Yusuf. warqad u diray Cabdillaahi Yuusuf isaga oo leh waxaan ahay Boqor haysta taageerada beel waynta Garxajis ee degta, Ceerigaabo, Ceelafweyn, Oodwayne, Burco, Barbara, Hargeysa, Gaashaamo bari, Moholi, Xodoyo illaa Awaare. Waa tii aynu ogayn waraysiyadii uu bixin jiray ee odhan jiray, ” Beesha Isaaq ayaan metelaa, Beesha Isaaq shir haysugu timaado ay danaheeda kaga tashato”. Waa tii la xidhay dabayaaqadii 2006kii markuu uu ku soo noqday Somaliland, waxaan xasuusta waraysi ay ka qaaday wakhtigaa webka Qarannews oo uu kaga hadlayey kicinta belaha somaliland  waxa aan kusoo gabagabaynayaa gabaygii abwaan yuusuf gadhle oo u dhigan sidatan

Maskaxdaadu yay noqon,
Maqal lagula leeyahay,
Yaan toban muftaax iyo,
Lagu furan masaabiir,
Waxaad shalayto mudatiyo,
Mahadhada xusuusnoow,
Halkii qorigu kaa muday,
Mar labaad lugtaadiyo,
Cagtu yaanay kula marin,
waxayna khuseysaa oday Raabbi iyo inta la halmaala ee sidooda u fekeraya;
Midigtaadu yey noqon,
Mid tolkeed u muruq weyn,
Murjinkaagu yuu noqon,
Magli dila walaalkii,
Magacaagu yuu noqon,
Mid xumaan ka marag-kaca,
Sida macawisaa qaar,
Ninba maalin yuu xidhan,
Hadba kii muraadle ah,
Hawga dhigin maqaar-saar,
Mar waxaad dhandhamisiyo,
Mijin qaad ah haw dhiman,
Hana talin masiibiyo,
Wax makhluuqa kala dila

Jamaal Cabdibile Yusuf

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

MADAXWAYNAHA HAWLA TAGINA BEESHAYADA WAXBA LAMA SIIN EE ULA TAGA WAXBA DAWLADAADU MAY QABAN

waxaan salamayaaa dhamaan warbaahinta.waxaan  arkay intii madaxwaynuhu ku  dhawaaqay  dawladiisa  cabashooyin  isasa  soo taraya waxaanan dareemay balanqaad yadii madax waynuhu galay iyo ,kuwa kaleba in  culays lagu saaray beel kasta inuu wax siiyo.waxaan arkay  in  maqaalo  beelaysan  oo  dadku  oo qaarna dawlada difacayaan qaarna dhalilayaan.hadaba madaxwaynuhu  mucaarid  iyo  muxaafidba  waa u madaxwayne  cidina waa ka soo hor jeedsanysaa  cidna waa raacaysaa  isna labadaba waa uu ogyahay markaa  cida madax waynaha  difaacaysaay waa madxwaynihii  somaliland  ee ha layaabina in la dhaliilo.cida ka soo hor jeedana waxaan xasuusinayaa horta dawlada yaree  iyo  beelwalba wax sii isma gasho xilkana  cid waa loo dhiibi karaa  cidna waa laga qaadi karaa madaxwaynahana  culayska ka daaya  oo  qaarbaa   ka soo siiban doona   uu madaxwanuhu  meel saarayeee  iska suga  waxaase  ku eedaysaan madaxwaynaha wax  qabadla aan  waayo  beelo  waa la yahay  lakiin  waa  inaynu ka  gudubnaa  madax waynuhu dadkuu doortay waa  dad ku cusub siyaasada intooda   badanani  waxana la odhan karaa  waxa uu  wadada u xaadhay  da yarta  siyasada ku cusub  ayuu gar daadinayaa  mida kale   madaxwanuhu  ma joogo  wakhti  la mucaarido waa bil iyo  maalmo  markaa ha samir darnanina ee suga  inta  ay lamaha dawladu wax qabanayso madax waynaha waxaaban odhan lahaa  reerna  haw  joojin  10 nin oo walala  ahna  keenoo  wadanka waa in wax loo qabtaa uun.dhalinyaradanawaxaan  lee yahay waa  wax laga xishoodo nin leh beeshayada  oo  hadana dhailn yar  ah.madaxnuhu waa  nin waayeela waxaan filayaa inuu   wadanka wax u qaban doono inagana  waxa laynaga rabaa  dul qaad iyo inaan u samirno.hana lagu simo  inta  lagaga caban lahaa  dawlada cusub

Yassin o yarre,   uk

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

Dawladda Cusubi waa inay wax ka qabataa xasuuqii ka dhacay hargeysa 21/10/1994

Oo uu ku dhintay aniga aabahay iyo 7 qof oo kale:
Muj:Jaamac Doolaal.

Waxaa sida laga wada war qabo ka dhacay 21/10/1994 maqaaxi ku taala badhtamaha magaalada Hargeysa dil Ama xasuuq fool xun oo lagu gumaaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo ku caweynayay halkaa , Hadaba dadkaas rayidka waxa laayay koox hubaysan oo laga so abaabulay daan ka mid ah magaaladda ayna so abaabuleen rag dano siyaasadeed ka lahaa, kuwaas oo la wadda garanayo oo hadda qaarkod ku sugan yihin gudaha Somaliland kuwo kalena ay joogaan dalalka deriska ah gaar ahaan Soomaliya oo ay qaarkood xilal ka hayaan ama ka hayn jireen.

Hadaba xasuuqan oo dadka lagu gumaaday ay ahaayeen Odayo waaweyn Sidda aniga aabahay ALLE haw naxaristee Maxamuud Adan Caws, Nadif Cajab Cawaale Iyo mujahid Cawil Cadami Burhaan iyo 4 nin iyo qof dumar ah oo kale ayaan ilaa iyo maanta wax garawshinyo iyo dhaahin toona laga bixin iyaddoo aanu kala hadalay dawladihi ka horeeyay tan maanta dhawr goor oo hore, balse ay ku guul dareysteen inay wax ka qabtaan dhacdaddaa foosha xun ee lagu xasuuqay birmageydadda.

Ugu danbeybtii waxaanu ugu baaqaynaynaa Dawladda cusub ee madaxda ka yahay Muj: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu wax ka qaqbto dhacdadaa la wadda ogaa una saaro Guddi wax ka xukunta. Maadaama aanu mudo dheer samraynay in arintaas wax laga qabto haddii waxba ay dawladda cusubi ka qaban waydo siddii kuwii ka horeeyay dee markaas wixii dhibanayaashu ku kacaan eed malaha oo waa nalagu kaliifay!

ALLAA MAHADLEH

Muj:Jaamac Maxamuud Aadan (doolaal)

Posted in Latest News, Rayi/Opinion0 Comments

Ma Madax Dhaqameedbaa, Mase Waa Siyaasi. Boqor Faashlaha Tunka wayn lehi.?? By Dacar USA Ca.

Run ahaantii waxa wax laga Xumaado ah, Odayada ama raga isdoortay, ee isi siiyey Titalka Boqorka ama Suldaanka Kuwaas oo aan waxba ka oqoon Anshaxa, iyo Asluubta looga Baahnaa Madaxdhaqameed, iyaga oo ku dhex milmay, Siyaasada isla markaana aanay Garanaynin meel ay u jeedaan iyo meel ay ka jeedaan Bari iyo Galbeed Midana.

Madaxwayne Siilaanyo Isaga ayaa Dadwaynaha Somaliland u egmadeen inuu soo dhiso Dawlada tayo leh oo ka duwan tii hore, mana aha inuu raali geliyo qof wal oo Samaliland ah isaga oo leh Siyaasad iyo Mawqif aad u qoto dheer kaas oo uu ku hagaayo ama ku hagaajinaayo sidii uu usoo dhisi lahaa dawlad lagu nasto, isaga oo ka Fekeraaya Mustaqabka dheer ee soo Socda iyo Mustaqbalka dhow labadaba.

Boqor Faashle, Madaxwayne Siilaanyo kaagama baahna talo, iyo wax u soo jeedin taa waxa Madaxwaynaha u qaabilsan Boqolaal Xafiis oo kala danbeeya oo ilaa iyo Day One kii la soo halgamay, la soo dhisay Xusbiga Kulmiye, u Samray, ay isu dhaarteen, oo aaminey Hogaankiisa, u ololeeyey kawaas oo ay ka dhaxayso is aaminaad iyo kalsooni dheeraad ahi.

Boqor faashle adiga oo ahaa kuwii Ugu Necbaa Siilaanyo Xiligii Ololaha, aminkana faashlaynaaya oo aan Jeclayan in dawlada Siilaanyo Guul gaadho waxa hubaal ah inaan talo iyo tusaalayn midna aan lagaa waydiinayanin dhismaha dawlada, iyo ka Hogaanka Siyaasada Midnaba.

Kuwa Ku cadhoonaaya reerkaygii ayaa Wasiir la siin waayey ama Agaasime la siin waayey waa cadow Somaliland waana kuwa Somaliland u hoos jooga Dhadhanka, iyo Cuntada oo aan wadaninimo u hoos joogin Somaliland.

Cabdi Qadir jama Ismail dacar
USA Ca
Gobanimodoon@sbcglobal.net

Posted in Rayi/Opinion3 Comments

Reer Burco oo Magacii Axmed Silaanyo u bixiyen ahaa Rooble .waxay ugu badalen Axmed

(Fakradaha Akhristaha Golisnews.com)


 
 



Tan iyo intii Somaliland lala soo noqday 1991 waxaa Jamuuriyada Somaliland isu badalay 4 Madaxweyne,   3 ka mida waxay ka soo jeeden  Gobolka Togdheer waa labada Marxuum  ilaahay haw naxariiste  Mujaahid Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo  IHN Maxamed Xaji Ibraahim  iyo Mujaahid Axmed Silaanyo isna “Siilaanyo wuxuu ku dhashay tuulada Dheryalay oo ka tirsan Togdheer halka Madaxweynihi hore Dahir Riyaale oo kaliya ka soo jeday  Awdal .
 
Hadaba Togdheer oo magalo madaxdisu tahay Burco waa meel taariikhiya oo ah Hooyada Somaliland nasib iyo halgana ku heshay waxyalo badan oo anay haysan gobolada kale Somaliland .
 
Burco waa magaladi cidamadi xaq u dirirka SNM oo ah hooyada Somaliland marki ay Somaliland qabsaden waa magaldii ugu horaysay xabada ka ridaan isla markana qabsadan 27.may.1988.  Burco waa magaladi 18 May 1991 calanka Somaliland laga hor tagay lagu qabtay shirki dubu heshisinta beelaha walaalaha Somaliland isla markana lagaga dhawaaqay Somaliland .Burco waxay ahan jirtay Casimada Somaliland wakhtiigi Ingiiriska balse marki xakinki Reer Burco haystay maxakamada u xukun cadaliya ku riday nimaanki ingirska xukunki  hal iyo dalolked oo ahaa xukunkeeni oo wafaqsana Shareecada islaamka ayuu ka raray waxaanu u raray Hargeysa .shirki Burco 18/51991 iyaado hargeysa BURBURSAN tahay oo burco dhiisan tahay ayaa hargeysa laga dhiigay casimadi wadanka .
 
 
Hadan u soo dhadhaco ujeedada maqaalkayga  3 madaxweyne reer Togdheer ahaa waxaa ugu fiicna Reer burco marnaba anay ilaaway ilaahay hawnaxariste Cabdiraxmaan Axmed Cali oo togdheer siyay xaqeedi  iyo cadalad balse nasibku ku soo beegay wakhtii xun xasaasiya  umadana ay horboodayen sarakil Snm oo xurguf ka dhaxaysay. marki wadanka la soo galay balse Mujaahid Cabdiraxman  axmed Cali Talo ayaanu Burco uga dhiisayna hawshina waa lagu jira .
 
 
Axmed maxamed Maxamuud (Silaanyo  oo madaxweynaha hada laga soo doortay Togdheer  oo si an hagra sha lahayn loo saray kursiga iyaado Togdheer isku duban tahay taarikhda marki ugu horaysay Togdheer isku dubni meel u wada maran waa xaga siyaasada iyado la oga inu Axmed Silanyo danbi badan ka galay gobolka iyo dadka dega ahaana wasirki qorshaynta dawladi la dagalantay Garxajis . hadana waxaa  la saray kursigi  oo cadaynteda leh galbeedka burco oo reerkisu degin uu ka helay cod badan halka odweyne ka helay cod badan .Guusha waxaa leh iyo isku dubnida Togdheer ka shaqeeyay Mujaahid Maxamed Kahin iyo Dr Cabdi Aw dahir   oo labadoodaba bananka dhiigay .hadaba suaasha iswaydinta leh waxay tahay .
 
Axmed Silanyo kursigi waa ku guulaystay   Reer Burco waxay u bixiyen Rooble   maxaa ku xigay Axmed Silaanyo horta labadi nin Togdheer lo bada tagna wuu turay .kumu soo darin dawladisi .siyaasadina wuu ka saray marba xil anu uqalmin yidhaahda   halka Maxamed Kahin u tagay yidhi faraha iga qad xil kama rabo .mar hadad ki I qalmaayey I qudhi wayday .cabdi awdahir la taliye anu war ka hayn  arinta   .lamana filayn  af kala qad ayey noqotay .mida labad  togdheer dawlada uu dhiisay   waxba kamu  sin Ree Burco  waxay ku maqan yihin  af kala qad  .waxaa taa ka sii daran ilaa hada kamu hadlin Silaanyo wasirki Hawada iyo Cirka Maxamuud Xashi Cabdi  oo intuu Burco yimi ka qaday dab  damiski kaliya ay lahaayen  .geyayna Berbera  waa wasirki laga filayay inu Madarka Burco Furo ayaa into burco yimi ka qaday .waxaa taas ka sii daran waxuu ku yidhi reer Burco marku la shiiray ku soo heeshiya reer Burco madarka laga dhiisi doono waqooyiga Burco waa yab isku dir reer Burco ah .  waa wax lala yabo.in togdheer in wax la siyo iska daye la bililiqaysto wasirki ugu dhoowa maxamuud xashi reer burco isku diro  . Reer Burco  way ka badalen Axmed Silaanyo magaci ay bixiyen ahaa Rooble waxayna ka dhiigen Axmed Hungo
 
Shacabka Reer Togdheer waa mid mana aqbali karaan cadaalad daro iyo bililiqaysi .Axmed Hugo waxan lenahay  “Kud ka guur oo qanjo u guur” iyo  halgan danbe umada Somaliland wada gasho sidi loo ridi lahaa dawlada Axmed Hungo
 
Reer Burco waa ka kow sidi loo ridi lahaa dawlada Axmed HUNGO
 
Farax Osman Guleed
Burco. Somaliland

Posted in Rayi/Opinion0 Comments

  • JSB Rotate Image 1
  • JSB Rotate Image 2
  • JSB Rotate Image 1

Polls

Sidee u aragtaa in wadahadal Somaliland lagasho jabhadda SSC?

View Results

Loading ... Loading ...

Choose a date

September 2010
M T W T F S S
« Aug    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930