Health

Dhibaatada uu Qaadku ku Hayo Lamaanaha Isqaba

Burco (Golisnews.com)- Waxa aan maanta faalada Golisnews ku eegayaa dhibaatada qaadka iyo bulshada uu ku hayo Qaadku waa mukhadar cunistiisu ku faaftay dalka oo dhan waana Maandooriye dadka caqliga ka qaada,Dhina u gaysta xag Akhlaaqeed,Tacliineed,Bulshadeed.


Dalkani Somaliland waxa uu ka mid yahay dalalka sida weyn loogu cuno Caleenta cagaaran ee soomaalidu u taqaano qaadka,waxaana uu geedkani qaadku ka baxaa wadamo dhawr ah oo jaar la ah Somaliland sida Yemen.Itoobiya iyo Kenya,inkastoo qaadka ugu badani uu inooga yimaado dalka itoobiya.,dhibaato badan ayaanu ku hayaa Bulshadeena  qaadku oo ay ka mid yihiin
1.Geedka qaadku waxa uu keenaa Araq ama hurdo la,aan waxaana uu dhib u geystaa Maskaxda iyo lafdhabarta ama lafguduuda (Spinal cord)waxaana ku jira maadooyin badan oo si gaar ah u wax yeelaysa dheefshiidka

waxa uu leeyahay qaadku magacyo badan kuwaasi oo loogu yeedho marka la iibinayo waxaana kamida magacyadaasi Dadar,Jebis,Kuruus,Boondaro,Madhab iyo magacyo kale oo fara badan

Dadka ka shaqaysta qaadka rag iyo Dumarba wey leeyihiin ,raga ayaana ah kuwa ugu badan ee cuna qaadka inkastoo sanadba sanadka ka danbaysa ay sii kordhayaan dumarka cuna Geedka qaadka,waxaana lagu qiyaasaa 70%raga cuna qaadka halka ay dumarka cunaana ka yihiin 10%kiiiba.

Cilmi baadhis qoto dheer oo lagu sameeyeen Culimada xeesha dheer u leh dhirta maanka doorisa ayaa waxa ay sheegeen in qofka cuna qaadka aanu maskaxdiisu caadi ahayn isla markaana uu qaadku u geysto dhibaatooyin Caafimaad,Cudurada uu keeno qaadkuna waxa ka mida
1.Gastaric:oo ay sababto Maadada Tannanis waana maadowax toobta ama tuujisa oo ku jirta qaadka
2.Mushkilado jinsiyadeed(Sexual problemas,reduce Sexual drive)3
3.wadne xanuun
4kalyo xanuun
5Cunto Xumi
5.Calool istaag
6hurdo la,aan
7.NEERFO kicin
8.afqalayl iyo xanuuno kale oo badan
Maandooriyahani qaadku waxa uu bulshada ku hayaa dhibaatooyin fara badan
oo aan lasoo koobi karin waxaana ka mid ah Bur bur dhaqaale iyo bur bur kuyimaada qoyska,Masuuliyad darro

dadka ku hadla afka soomaaligu waa dadka gu badan ee caalamka ee cuna caleenta qaadka  sabtuna waxa weeye dadka soomaalida ahi ma helin maamul dawladeed oo ku dhisan shreecada islaamka oo uga miciina aafada xun ee qaadka,xaga qiimaha laga siiyo somaliland waa mid jaban taasina waxay sii kordhisay ama sababtay in Soomaali badani ay cunaan maan dooriyha cagaaran ee qaadka,gaaar ahaana dhalinyarada ,taasi oo xitaa Magacyo loo bixiyey waqtiyada la raamsado qaadka ,hadaan tusaale usoo qaadanoqayilaada subixii waxaa la yidhaahdaa Jabane,waqtiyada kale ee la cunana qaadka waxay leeyihiin magacyo kale sida Isqarxiska iyo Biyo raaciska

Caleentani cagaarani waxay Saamayn weyn ku yeelatay lamaanayaasha isqaba ,taasoo marka uu ninku qayilo aanu kici karin subixii oo shaqo tagi karin,waxaana halkaasi ka dhasha ismaan dhaaf aad u weyn iyo khilaaf soo kala dhex gala lamaanihii isqabay,waxayna sababtaa Burbur ku yimaada qoyska

Caleentani cagaarani dhibaato weyn ayay ku haysaa bulshadeena Somaliland sidaa darteed waxaan usoo jeedinyaa dhamaan dadka cuna qaadka in ay ka faa,iidaystaan taladani oo la xisaabtamaan nafahooda Maxaad faa,iido ah eeb aad ka haysaa qaadka isweydii?waxaad ku bixisaafadhiga qaadka ugu yaraan 6saacadood maalintii.Ma ogtahay in aad ku noqon kartid aqoon yahan oo aad ku diyaarin kartid ashahaado dugsi sare ama Jaamacadeed,waxan kusoo koobayaa qormadaydan fadlan jooji oo dabo qabo naftaada,hantidaada iyo qoyskaaga

Qailnkii: C/qaadir Maxamuud(Jookar)
Email:Coasto10@hotmail.com

Golisnews.com

Burco Somaliland

Golisnws.com


Posted in Health, Rayi/Opinion0 Comments


  • JSB Rotate Image 1
  • JSB Rotate Image 2
  • JSB Rotate Image 1

Polls

Sidee u aragtaa in wadahadal Somaliland lagasho jabhadda SSC?

View Results

Loading ... Loading ...

Choose a date

September 2010
M T W T F S S
« Aug    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930