Dhaqan & Suugaan

Maanso uu tiriyey Abwaan Yuusuf Ciiro

Waxaa xafiiska wararka ee golisnews.com nagu soo booqady abwaan ama hal abuure Yuusuf Diiriye Aadan. (Ciiro) waxuuna abwaanku siday maanso la baxday Xilbay wada doonayaan oo ku salaysan ama ka hadlaysa xaalada iyo waaqiciga ay manta marayso Somaliland .

Abwaanka oo ka hadlaya maansadan uu ugu magic daray xilbay wada doonyaan ayaa wuxuu kale oo sheegay in ay mansadani ka kooban tahay 151 line ayna leedahay qaybo kale oo kala duwan waxuuna ku bilaabay qaybtii 1aad sidan.

1) Boqollaal dibedaha ka yimi
2) Oo diyaas bare ay dheheen
3) Dorashadii Somaliland
4) Kulmiye way u duur galeen
5) Dakhali bay ku caawiyeen
6) Dadalkii ay galeen
7) Haddeer waa dabarro badan .
8) Qurbuhu waxay doollarkiyo durbaanka ku doonayeen
9) Ma ahayn deeq ay baxsheene
10) Dayn bay ku ahad kursiga
11) Xil bay u dunuunuceen
12) Oo dhamaan wada doonayaan
13) Hadday wayaan ka daran
14) Dib-bay u firaynayaan
15) Doonidaa xilku fuushan yahay
16) Doc bay ka faruurayaan
17) Oo waxay ku dadalayaan
18) Siday uba degi lahayd
19) Ma waxay duqa wada galeen
20) Heshiis aan daah-furnayn?

21) Dukaan laydii dhacdiyo
22) Baxdoba u dadaalayee
23) Xisbiga duunyada u huray
24) Iyana waa dabarro badan
25) Dawiyo magacay rabaan
26) Dooyeysigu waa i dira
27) Xilbya cid la doonayaan
28) Hadday wayaan ka daran
29) Dib-bay u firaynayaan
30) Doonidaa xilku fuushan yahay
31) Doc bay ka faruurayaan
32) Oo waxay ku dadalayaan siday uba degi lahayd
33) Ma waxay duqa wada galeen
34) Heshiis aan daah-furnayn?

35) Boqollaal wada duub-cadoo
36) Koofiyad ku daboolanoo
37) Qabiil ku dan sheegtabaa
38) Iyana soo digiri- xidhan
39) Dhamaan waa wada dumbudhan
40) Cadhiyo dood bay qabaan
41) Xilbay cid la doonayaan
42) Hadday wayaan ka daran
43) Dib-bay u firaynayaan
44) Doonidaa xilku fuushan yahay
45) Doc- bay ka faruurayaan
46) Oo waxay ku dadalayaan
47) Siday uba degi lahayd
48) Ma waxay duqa wada galeen
49) Heshiis aan daah-furnayn?

1) Dubbuhu intuu daahadee
2) Xaqooda la duudsiyiyo
3) Doorkooda kornayladii
4) Iyana waa dibad-wareeg
5) Sidayse digniin faqeen
6) Dareen laga helay qalbiga
7) Darqiiishkoodu u sheegay talo
8) Dardaaran hankoodu qabo
9) Xilbay u dunuunuceen
10) Dhamaan wada doonayaan
11) Haday wayaan kadaran
12) Dib-bay u firaynayaan
13) Doorashadii madaxtooyadana
14) Dulmi bay ku tilmaamayaan
15) Doonnidaa xilku fuushan yahay
16) Doc bay ka faruurayaan
17) Oo waxay ku dadalayaan
18) Siday uba degi lahayd
19) Ma waxay duqa wada galeen
20) Heshiis aan daah-furnayn?

21) Aqoonyahankii dulmiga
22) Riyaale ku diida yidhi
23) Siilaanyaan door-bideen
24) Sidiisa ku doorta yidhi
25) Durtaba waa caabuq-keen
26) Dhismaha way wada dureen
27) Xilbaywada doonayaan
28) Hadday wayaan ka daran
29) Iyana waa dabarro badan
30) Dib-bay u firaynayaan
31) Doorashadii madaxtooyadana
32) Wax bay daba qaadayaan
33) Doonnidaa xilku fuushan yahay
34) Doc bay ka faruurayaan
35) Oo waxay ku dadalayaan
36) Siday uba degi lahayd
37) Ma waxay duqa wada galeen
38) Heshiis aan daah-furnayn?

La soco qaybta 2aad

Posted in Dhaqan & Suugaan, Rayi/Opinion0 Comments

Madadaalada Golisnews ee Todobaadka & Farduus Siciid Dirir

Barnaamijkeena Maaweelada Golisnews ee todobaadkan waxaynu kusoo qaadanaynaa Farduus Siciid Dirir ayaa ka hadlaysa beerlaxawsiga dhex mara ragga iyo dumarka. Waxan filayaa inaad ka wada heli doontaan , haddaba halkan hoose guji si aad u dhegaysato Farduus oo u waramaysa Cali Xadhaadhe.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

La soco Golisnews mar walba iyo meel kasta oo aad joogto….

Posted in Dhaqan & Suugaan, Somaliland news0 Comments

Dhegeyso heesta badda Cas

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Posted in Dhaqan & Suugaan0 Comments

SILSILADA JOOG DHEER IYO ABWAANKA JAAMAC XAAD.

Gabaygan waxaa tiriyay abwaan Jaamac Faarax oo loo yaqaano (Abwaan Xaad) waxaanu ka tiriyay xaalad uu rabo in lala gorfeeyo qof walibana sida uu doono u turjunto oo lala qaadaa dhigo

Jamaadaan guyaal badan 

Caashaqeed u jiifee

Jambeelkiyo guduudane

Aan ka jaray waraabee

Anoon weli aroos jaga 

U ciyaarin jaan dheer 

Jibadu iga qaadee 

Misna jeerta webigiyo 

Aan ka riday jaxaaskee

Aan ku idhi jamaadeey 

Anigaa kujecelee 

Raga jiririfkiisiyo 

Juuqba nacaska haw odhan 

Iimasiin dheg jalaqoo

Waatan jiha jihaysee

Jiirkiyo aboorkiyo

Jiriqaagu canayee 

Jar jaree hugeedii 

Ayax uu jamdhaayee 

Miyaan jaahil boobiyo

Jid xumaale mehersada 

Jaajuusku kaba hadhin 

Yartu jaah wareertaye 

Horta jaalal badanaa

Jujubaati sheekada 

Ma fahmine jamaaloow 

Jog dheer hanaan qurux 

Aynibaa u joogee 

Waxan goodka jaqayiyo 

Jebisada kumaray tolow 

Jaw waan la yaabee

Jawaab mayga haysaa

Mise waa jinbacan duni

jeegada ku socotee 

jire waaya heedoow 

ha yaabine la jaanqaad

Qalinkii  JAAMAC FAARAX
Hargeysa, Somaliland

Posted in Dhaqan & Suugaan, Rayi/Opinion0 Comments

Dhaqan & Suugaan

Dhaqan & Suugaan

Posted in Dhaqan & Suugaan0 Comments


  • JSB Rotate Image 1
  • JSB Rotate Image 2
  • JSB Rotate Image 1

Polls

Sidee u aragtaa in wadahadal Somaliland lagasho jabhadda SSC?

View Results

Loading ... Loading ...

Choose a date

September 2010
M T W T F S S
« Aug    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930