Golis News
TelesomTelesom Web Banner500x90

Kullan ballaadhan oo madaxa weftiga Kulmiye ee booqanaya UK ay kula kulmeen madaxda xaafada Tower Hamlets

Bismillah!
   
Waxaa sharaf weyn noo ahayd inaanu abaabulo kana qayb galno kullan ballaadhan oo isugu jira, soo dhaweyn iyo shaqo hawleed oo Xisbiga shaqaalaha (Labour party) ee Tower Hamlets gudoomiyihiisa Chris Weavers iyo Maayar ku xigeenka xaafada, Siraj Islam kula kulmeen Gud kuxigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Mj Maxamed Kaahin Axmed. Kullankaas ayaa ka qabsoomay xafiiska guud ee Xisbiga shaqaalaha ee Tower Hamlets.
 
Kullankaas ayaa qaybtiisii hore udhacay qaab aqoon isweydaarsi iyo dood lagu lafogurayey xidhiidhka bulshada Somaliland ee ku dhaqan Bariga London iyo xisbiga shaqaalaha iyada oo isla markaasna diirada la saaray ka midho dhallinta sidii xisbiga shaqaaluhu uga caawin lahaa Somaliland helida Ictiraaf buuxa. Gudoomiye Chris Weavers ugu horayn ka xog-ogaal waramay qaabkii iyo sidii uu Taariikh ahaan ku billowday Xisbiga shaqaaluhu, qaab dhismeedkiisa, sida ay doorashooyinka uga qayb galaan iyo weliba xildhibaanada Baarlamaanka iyo kuwa deegaanku sida ay kusoo baxaan. Chris wuxuu sheegay inuu kamid ahaa dadkii Ictiraafka kala shaqeeyey Bulshada Somaliland ee Tower Hamlets degan iyada ay yihiin xaafada keliya ee aqoonsatay London, isaga oo weliba qeexay tusaalayaal cadcad oo loo mari karo Ictiraafka Somaliland.
Waxa kale oo uu Chris carabka ku dhuftay sida sanadahan danbe kaalin firfircoon ay ugaga jiraan xisbiga xubno reer Somaliland ah oo kamid noqday xildhibinaanada golaha deegaanka oo gaadhey ilaa xil maayarnino iyo weliba golaha dhexe ee xisbiga qaybta Tower Hamlets oo ay hada ku jiraan illaa 5 (5 General Committee members).
 
Intaas kadib waxa iyaguna kaalintooda qaatay xubnaha kasoo qayb galay shirka oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Amina oo kamid golaha deegaanka Tower Hamlets, gud Xisbiga Kulmiye UK Xariir Adar, ku xigeenka gudoomiyaha Axmed Cabdillahi iyo xidhiidhiyaha Kulmiye UK, Jaamac Cali Muuse, iyo aqoonyahano ay kamid yihiin Maxed Cali Billaal, Eng Saleebaan Muuse iyo Axmed Waqaf. Kullanka waxaa si habsami  uxidhiidhinayey Abokor Qoorgaab, oo ah gudoomiyaha Ururka Somali/Somaliland friends of Labour party oo shirkana soo agaasimey. Waxa isaguna shirka kasoo qayb galay oo goobta ku sugnaa Suldaan Ibrahim Aadan Daldal.
 
Waxa intaas kadib ereyo ubadan soo dhaweyn ka jeediyey Maayar ku xigeen Siraj Islam oo kuna dheeraaday Tower Hamlets iyo taariikhdeeda, sida ay uwada shaqeeyaan isuna dhexgalaan bulshooyinka kala duwan ee xaafada kunooni iyo weliba horumarka ay sanaynayaan bulshada reer Somaliland ee halkan ku dhaqani.
Waxaa isaguna kelmado ubadan dhiirigellin iyo dardaaran halkaas kasoo jeediyey Suldaan Daldal.
 
Ugu danbayn waxa halkaas ka jeediyey hadal dheer oo uu kujeeediyey luuqada Ingiriisiga (English Language) Mj Maxamed Kaahin Axmed Gud kuxigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye waxa uu ugu horayn ka mahadceliyey soo dhaweynta qiimaha leh, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu joogo xafiiskii laga dhaqangeliyey Ictiraafka Somaliland ay Tower Hamlets siisay iyo sida ay haboon tahay in hore intaas looga sii socdo, xisbiga shaqaaluhuna ka caawiyo sidii mid buuxda looga heli lahaa UK.
Maxamed oo aad ugu dheeraaday waxa uu noqon karo doorka bulshada London ama UK kunool iyo sida ugu haboon ee ay Somaliland ucaawin karaan. Maxamed waxa sidoo kale tibaaxay taariikhdii dheerayd iyo xidhiidhlii ka dhexeeyey Somaliland iyo Ingiriiska iyo inay weliba ku suntan yihiin taageerida xisbiga shaqaalaha (Labour party) maadaama ay bulshada Somaliland noloshooda iyo shaqooyinkooda marka la eego ay aad ugu dhowyihiin xisbigan iyaga oo aan wax dabaqad ah aaminsanayn.
Maxamed Kaahin waxa uu hadalkiisa kusoo afmeeray inay la gudboon tahay bulshada Somaliland ee UK kunooli inay gacmaha isqabsadaan oo midoobaan, qorshena la yimaadaan, ayna iska kaashadaa sidii ay Somaliland iyaga oo midaysan wax ugu qaban lahaayeen.
Kullankaas ayaa kusoo dhamaaday GUUL, farxad iyo sawiro qurux badan.
Wabillahi Tawfiiq!!!!!!
Maamulka Somali/Somaliland Friends of the Labour Party.

No Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *