Golis News
TelesomTelesom Web Banner500x90

Xisbiga KULMIYE oo go’aan kasoo saaray arrimihii xisbiga ee Noth America

Golisnews( 31 JUly 2017) xisbi xaakimdka KULMIYE ayaa go’aan kasoo saaray muran ka jiray laamaha xisbi xaakimka KULMIYE ee North America. Qoraal rasmiya oo uu ku sadxexan yahay xoghayaha guud ee xisbiga ayaa u dhignaa sidan:

“Ujeeddo: Caddayn Xileed.

Sida aad wada ogtihiin, dalalka Dibaddu waxa ay u madax-bannaan yihiin in ay doortaan Guddidooda Fulinta, guddidaas oo iska dhex doorata Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee xilalka ku magacaaban. Sidaas darteed, maadaama taageerayaasha iyo xubnaha xisbiga KULMIYE ee Waqooyi Ameerika hore u doorteen Guddoomiye Mustafe Cabdi Cartan iyo xubnaha kale ee Guddida Fulinta, Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE-na ansixisay doorashadaas, waxa aannu u aqoonsanahay in Mudane Mustafe Cabdi Cartan iyo Xubnaha kale ee Guddidiisa Fulintu yihiin Guddoomiyaha iyo Guddida Fulinta ee sharciga ah ee Waqooyiga Ameerika ee xisbiga KULMIYE.

Waxa aannu ku talinaynaa in aan doorasho Guddi Fulineed la samayn inta doorashada Madaxweynaha JSL ka dhacayso dalka. Waxa kale oo aannu soo jeedinaynaa in lala shaqeeyo Guddoomiyaha, Guddida Fulinta iyo Guddida Mus-dambeedka ah ee Waqooyiga Ameerika ee u dhisan maanta Xisbiga KULMIYE.

Maslaxadda Xisbigu waxa ay ku jirtaa in loo midoobo u diyaargarowga Ololaha Doorashooyinka innagu soo foolka leh iyo dar-dargalinta hawlaha muhiimka ah ee Xisbiga u yaala.”

ShareThis

No Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *