Golis News
TelesomTelesom Web Banner500x90

DAAWO khasaaraha miino ka qaraxday magalada laascaanood

Laascaanood golis news :– Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajucuun,Mukhtaar Faarax bile oo ah wiil yar oo 11-sano jira ayaa kana mid ahaa dadkii soo guurtada ahaa ayay miino ku dishay duleedka magaalada Laascaanood, ee deegaanka Dhuyuxuusho.

Taliyaha ciidanka booliska ee magaalada Laascaanood ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keentay qaraxa miinada wiilkan yari ku naf waayay waxaanu yidhi “Saaka wiilkan yar ayaa halkan miino kula qaraxday waxaanu wiilkan yari ku geeriyooday cisbitaalka magaalada Laascaanood oo markii hore dhaawiciisa loola soo cararay, waxaana la yidhaaha Mukhtaar Faarax Bile waana dadka reer guuraga ah, waana dadkii soo guurtada ahaa ee reer miyiga ahaa waxaa deegaankan ku nool dad aad u faro badan oo xoola dhaqato ah, waxaana ka jira dhibkaa aad aragtaan, hay’addihii mina baadhistuna kama shaqeeyaan dawladana waxaan ugu baaqaynaa in arrimahan wax laga qabto oo baadhitaan lagu sameeyo, dadkana waxaan ugu baaqaynaa inaanay gargaraacin biraha ee ay soo sheegaan waxaa ay arkaan”

Wiilkan yar ee miinadan ku nafwaayay awoowgii oo isaguna warbaahinta la hadllay ayaa ka warbixiyay sidii ay wax u dhaceen waxaanu yidhi “Wiilkan yar ayaa markii xooluhu soo dareeren ayaa wiilkankan yar ee Marxuun Mukhtaar Faarax Bile ayaa meeshi adhiga daaqisa ahaa miino kala kacday wiilkiina waa uu dhintay, dhawr iyo toban cisho ayaanu naalay goobtan”

Halkan Ka Daawo

No Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *