Golis News
TelesomTelesom Web Banner500x90

DAAWO:– QAAR KA MIDA CULIMADA DALKA SOMALILAND OO KA HADLAY XABAALO CULIMO KU AASNEYD OO DHAWAAN LA SOO FAQAY

hargeysa golis news Qaar ka mida culimada dalka ayaa si adag uga hadlay xabaalo dhawaan la soo faqay oo ay ku aasnaayeen odayaal culimo ahi.

Culimadan oo ah culimada la yidhaaho Ahlusunaha ayaa sida fiinta uga qayliyay xabaal oday sheekh ahi ku aasan yahay oo iyada oo la qodanayo lagu arkey magaalada Arabsiyo.

Waxaanay culimadani sheegeen in mudo imika saddex sanadood ahba xabaalaha la qodanayay taasina ay tahay wax laga xumaado.

Midka odayaashi culimada ahaa oo isagu halkaasi ugu horeyn ka hadlay ayaa yidhi “Illaahay waxaa uu yidhi bini’aadamka waanu karaameyna, caqli ayuu ku karaameeyay oo caqli aan xayawaanka kale laheyn ayuu ku karaameeyay Illaaheyna u yeelay waananu uga mahad naqeynaa, karaamada Illaahey bini’aadamka karaameeyay haduu nool yahayna waa uu karaameysan yahay haduu dhintayna waa uu karaameysan yahay, ixtiraam iyo karaamadiii ayuu leeyahay waxaana inagu soo kordhay in magaalada Arabsiyo sheek ku aasan iyada oo rag waa weyni qodanayaan laga war helay, ilaa saddex sanadoodna in xabaalaha la qoto waanu ogeyn hase ahaate waxaanu is nidhi waxba idinku dadka haka horeynina

No Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *