XUKUUMADDA SOMALILAND OO KA JAWAABTAY HADAL FARMAAJO KU SHEEGAY INUU DABO-GAL KU HAYO HESHIISKA SOMALILAND & IMAARAADKA EE SALDHIGA MILATARI EE BERBERA

Hargeysa (GOLIS NEWS ) Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay si kulul uga jawaabtey hadal shalay ka soo yeedhay madaxweynaha Somaliya Maxamed cabdilaahi Farmaajo kaas oo sheegay in dawladiisu ku daba joogto sidii ay u heli laheyd xogo ku saabsan heshiiska Somaliland la soo gashay dawlada Imaraadka ee magaalada Berbera saldhiga ciidan laga siiyey .

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay kal-fadhigii labaad ee baarlamaanka dalka Somaliya waxuu ka sheegay in marka uu soo helo xogtaas la wadaagi doono baarlamaanka .

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo hadalkaasi ka jawaabey ayaa hadalkaas Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ku tilmaamay mid la iska yidhi , waxaana uu wasiirku digniin u diray madaxda dalka Somaliya waxaana uu yidhi

” Halkani waa Somaliland ee madaxweynaha Somaliya iyo madaxda Somaliya waxaan uga digayaa in ay faraha kala baxaan arimahayga oo aanu ku mashquulin madaxweyne wal oo Somaliya yimaada dhaqan bay u noqotay in uu ka hadlo ama uu ku mashquulo arimaha Somaliland , ee waxaan leeyahay madaxweynaha iyo baarlamaanka dalka Somaliya ha ku mashquulina oo wakhtigu yaanu idinkaga lumin dad iyo dal aydaan u talinin , go,aana aydaana ka gaadhi Karin ee hawlihiina dayacan ee u baahan inaad ka qabataan wax ka qabta ”

Sidoo kale Wasiirka arimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku sii daray

“Somaliland waa dal madax banaan waana dal leh madaxweyne la doortey , waxaana madaxweyne ka ah madaxweyne Siilanyo , Somaliland sidoo kale waa dal leh Baarlamaan la doortey oo shacbigu soo doortey , saldhiga Military ee Berbera laga siiyey Imaraadkuna , nidaamkii saxda ahaa oo golaha wakiilada iyo golaha guurtida ayaa si wadajir ah u ansixiyey , una meel mariyey oo qoraal Baarlamaanka Somaliya ah iyo talo la weydiinayo cid kale oo Somaliya ah Waxba Somaliland kama qaadayaan oo Somaliland waa dal dhisan oo xasiloon oo nidaamkii dawladnimo u dhisan tahay ee madaxda Somaliya waxaan leeyahay dantiina raaca “a yuu yidhi wasiirka Arimaha guduhu

Source:- Geeska

No Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *