Qeybinta Kaadhadhka Codbixiyeyaasha Somaliland Oo Maanta Ka Bilaabmatay Gobolada M/jeex Iyo Togdheer+Aragtida Mas’uuliyiinta

hargeysa golisnews Guud ahaan waxa maanta si rasmiya uga bilaabmey gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer qeybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha,waxaana goobaha ay ka socdaan qeybinta kaadhadhku kormeeray madaxwayne ku xigeenka Somaliland, guddiga komishanka qaranka iyo mas’uuliyiin ka kala socdey saddex xisbi qaran.
Guddida koomishanka doorashooyinka Somaliland ayaa si weyn uga qayb qaatey wacyigelinta bulshada labaadsi gobol ku nool sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhadhka codbixinta.
Tiradda guud ee goobaha gobolka Togdheer laga qaadanayo kadhadhka ayaa lagu sheegay 222 goobood. Halka gobolka Maroodijeex ay isna tiradda goobaha laga qaadanayo kaadhadhka tahay 342 goobood, sida ay sheegeen komishanka doorashooyinku.
Qaadashadda Kaadhka Codbixinta ayaa goboladaasi ka socon doona muddo 7 maalmood ah wejiga hore oo ka bilaabmaysa maanta oo ay bisha July tahay 8 socona doonta ilaa 14-ka bishan July, iyadoo ka dibna la yarayn doono tiradda goobaha si fursad loo siiyo dadkii aanay u suurtogelin inay kaadhadhka qaataan wejigii hore.
Gobolka Maroodi Jeex waxay qaadashadda kaadhka codbixiyuhu tiradoodu tahay 342 goobood oo ku kala yaalla afarta degmo doorasho ee gobolka Maroodi Jeex, oo kala ah degmadda Hargeysa, degmada Gabiley, degmadda Salaxley iyo degmadda Baligubadle.
Gudaha degmadda Hargeysa waxaa kaadhka codbixinta laga qaadan doonaa 218 goobood, Gabiley 73 goobood, Salaxley 28 goobood iyo degmadda Baligubadle oo ah 27 goobood.
Natiijada sawirka doorashada somalialnd

Gobolka Togdheer ayay isna bixinta kaadhka codbixiyaha ka qabsoomi doontaa saddexda degmo doorasho ee gobolkaasi uu ka kooban yahay oo kala ah, degmadda Burco, degmadda Buuhoodle iyo degmada Oodweyne.
Tiradda goobaha kaadh bixinta ee degmadda Burco ayaa lagu sheegay 55 goobood, iyadoo si la mid ah sidii goboladii ay hore uga soo qabsoontay qaadashadda kaadhka codbixinta ay wejiga hore goobahaasi ka socon doonto 7 maalmood.

No Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *