Akhri nuxurka heshiis ay wada gaadheen Saraakiil ka socotay dalalka ku midoobay G-20

Saraakiil ka socotay dalalka ku midoobay G-20 ayaa tan iyo xalay gudaha magaalada
Hamburg kaga shaqeynayay sidii looga gudbi lahaa farqiga dhanka ganacsiga iyo kan isbadalka cimilada ee kala dhaxeeyo usa .

Dadka wada dhexdhexaadinta ayaa isku dayaya inay isku soo duwaan bayaan kama dambeys ah oo lagu taageerayo heshiiskii cimilada ee Paris, walow uu heshiiskaasi diiday Madaxweyne Trump.

Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ee martida galisay shirkaasi, ayaa qirtay in wadahadalladu ay ahaayeen kuwo adag.

Dibadbaxyo rabshado watay oo ka dhan ah shirka G-20 ayaa soconayay tan iyo xalay saqdii dhexe, iyadoo kumannaan boolis ah oo kuwa la dagaalama rabshadaha ah ay isku dhaceen dibadbaxayaasha.

Booliska magaalada Hamburg ayaa sheegay in ay dhaawacmeen ku dhawaad laba boqol oo askar

No Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *