Golis News
TelesomTelesom Web Banner500x90

USA: MARAYKANKA OO KALA BADH DHIMAY MIISAANIYADDII UU HAWLGALADA QARAMADA MIDOOBAY KU KABI JIRAY.

Safiirka Maraykanka u fadhida qaramada Midoobay ee Nikki Haley ayaa ku dhawaaqday in 50% ay dhimeen misaaniyadii ay ku kabi jireen howlgalada nabad ilaalinta ee qaramada midoobay aduunka ka wadaan.
Waxay sheegtay in dadaal badan kadib, guddiga misaaniyadda ee Qaramada midoobay ay dhimaan oo ka jareen misaaniyadda lagu bixiyo howgalada Nabad ilaalinta 500 Milyan oo dallar, taasi oo ku khasbaysa Qaramada midoobay in dib u habayn ku samayso howlaha ay qabato.


” waajib ayaa naga saaray dadka Maraykanka inay tusno qiimaha isticmaalka cashuurta ay bixiyaan, shan bilood gudahood waxaan ku guulaysanay inaanu ka jarno Nus bilyan oo dollar howlgalada qaramada Midoobay, hadda ayuunbaan bilownay shaqada” ayay tiri Nikki Haley.
Dowladda maraykanku waxay safka hore kaga jiraan wadamada misaaniyadda ugu badan ku bixiya howlgalada nabad ilaalinta ee Qaramada midoobay ka wadaan wadamo badan oo aduunka ku yaal oo ay ka mid yihiin Wadanka Congo, Sudaan iyo wadamo kale.

No Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *