NUXURKA KULAN DHEXMARAY CALI KHALIIF IYO SARAAKIISHA KOOXDA KHAATUMO

Ninkii iska hadlayaaba ha iska hadlee Dhulbahante waa Khaatumo, Khaatumana Cali Khaliif Baa U Madaxwayne Ah” Saraakiisha Ciidanka Kooxda KhaatumoSaraakiil ka tirsan ciidanka kooxda Khaatumo ayaa ka digay in shir ka dhan ah beelaha lagu qabto degmada Buuhoodle, waxaanau sheegeen inaan marna Buuhoodle lagu qaban karin wax ka dhan danta beelaha dhulbahanate.

Shirkan oo la sheegay inay kooxo taageersan maamul goboleedka Majeerteeniya ay kaga dhawaaqeen gudaha magaalada Buuhoodle ayay saraakiisha kooxda Khaatumo ka digeen waxaanay taageero u muujiyeen shirka ay xukuumadda Somaliland iyo kooxda Khaatumo ku leeyihiin magaalada Burco waxaanay dadka deegaanka ku baraarujiyeen in dantoodu shirka Burco ku jirta halka shirarka maamulka Majeerteeniya ay duullaan ku yihiin beelaha dhulbahante, sarkaal ka tirsan ciidanka oo arrimahaas ka hadlay ayaa ugu horayn ka hadlay kulan ay saraakiishu la qaateen hogaamiye Cali Khaliif Galaydh, waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay:

 

“Madaxwaynaha waxaanu kala kulanay in nabadgelyada la ilaashado, maamulka Khaatumo iyo dadka reer Khaatumo madaxwaynaha salaan baanu uga sidnaa, waxa uu na soo faray in cid kastaaba nabagelyadeeda ilaashato, gobol iyo degmo kasta cid nabad-gelyadeeda ku soo gacan galinaysaa ma jirto, maamulka iyagaa loo daadejinayaa, Madaxwayanha waxaanu dadka uga sidnaa in shirarkaa Burco lagu qabanayo  ay Somaliland iyo Khaatumo ku wadahadlayaan in ay dantoodu ku jirto, in horumarkoodu ku jiro, in nabadgelyadoodu ku jirto, si wacan baanu u soo dhawaynay haddii aanu saraakiisha Khaatumo nahay  shacabka reer Khaatumo na waxaan leeyahay soo dhaweeya”

Sidoo kale sarkaal kale oo ka tirsan ciidanka ayaa ku hanjabay in ciddii shir ku qabata Buuhoodle ay qaadi doonto masuuliyadda wixii halkaas ka yimaadda “Shir Buuhoodlle lagu qaban karaa ma jiro haddii ay dhacdo oo lagu qabtana wallahi inaanay sidan ahaanayn ee waxa soo bixi wax kale oo ka duwan, mid Federaalka ka socda iyo mid Puntland ka socdaa haddii ay garoonkaas ka soo degaan Madaxwaynaha loo diiday wallaahi billaahi tollaahi Buuhoodle si kale ayay isku bedeli doontaa, nin kastaaba ha iska hadlee dhulbahante waa Khaatumo, Khaatumana Cali Khaliif baa u madaxwayne ah”.

No Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *