Golis News
TelesomTelesom Web Banner500x90

sidee baynu wakhtigeena u maareyn karnaa :

Waqtigu hibooyinka alle inagu mannaystay ee tirada Badan, . waqtig waa mid ka mid ah nimcooyinka ay bulshadeenu ka faaiidaysanin.

Waqtigu waa hanti hadii ay marku dhaafto aan dib loo heli karin, waxaa la yidhi , waqtigu waa nolosha iyadoo laga cabirayo qiimihiisa aan wax loo dhigaa jirin. Waxaa la yidhi, ( Time is money) “waqtigu waa lacag” iyadoo laga cabiraayo qiimaha uu leeyahay. lama soo koobi karo.alle waxuu inaga xisaabinyaa Waqtiga maalinta qiyaame.

Waqtigu waa mid ka mid ah nimcooyinka iyo hibooyinka qaaliga ah ee ALLAH mooyee aanay cidkale bixin.
Waxaa la yidhi,“waqtigu waa sida seefta oo kale hadaadan goyn isagaa ku goyn” iyadoo laga cabiraayo socodkiisa iyo oradka aan joogsiga lahayn ee uu ku jiro.

ALLAH ayaa marar badan ku dhaartay waqtiga jeer uu yidhi, taasi waxaa ay kuu bildhaaminaysaa qiimaha uu waqtigu leeyahay illeen shay uu ALLE ku dhaartay waa mid qiimo badane.

Si aad u maareyso waqtigaaga raac tilmaamahan:Ku xidhnow ALLAH oo u dhiibo arrinkaaga: ma rabtaa ballan qaad ah, in ALLAH kuu dhawro dhammaan arrimahaaga??, ku dheg oo qabso xadhigaALLE.Yeelo hadaf iyo yool: hadii aanand hadaf lahayn, wax aad u nooshayba ma jiro, sidaas la ajligeed waxa aad waqti u maareysaaba ma jirto.Sameyso waqti aad qorsheyso waqtigaaga: u qorshee si joogto ah, qorsheyntaada ha la socoto dabagal joogto ah iyo isxisaabin.

Isticmaal aaladaha kaa cawinkara arrinta sida, (Todo list) iyo waxii la mid ahba.Mudnaanta sii kolba arrimaha muhiimka ah: ha isku hana isku dhexyaacin, arrimuhu iskuma jiraane kala hormee, waxaa jira wax la dhaho (Time management matrix) oo kula saarta arrimaha afar waaxood oo waaweyn oo kala ah :

Jooji dib u dhigista: waxaa ay dhaheen ( procrastination is the thief of time, collar him), oo macne ahaan ah “ dib u dhigistu waa tuuga waqtiga ee xidh”, waxaa ay ku maahmaaheen ingiirsku,

Arrimo muhiim ah balse aan degdeg ahayn,
Arrimo degdeg ah balse aan muhiim ahayn,
Arrimo aan muhiim ahaynd degdegna ahayn,
Arrimo muhiim ah degdegna ah).

Samayso siyaasad kuu gaar ah oo aad ku hagto dhammaantood, iskana jir yaaney waqtigaaga cadow ku noqone.

No Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *