Maxaa ka jira in Caruur Somaliland udhalatay in Malcaamad Hargeysa ah laga qafaashay?

Waxaa soo baxaya warar tibaaxaya in Caruur Somaliland udhalatay isla markaasna haystey dhalasho wadamda debeda ah Malcaamad Hargeysa ku taala laga qafaashay oo badhkood diyaarado lagu daabalay wadankana debeda looga saaray. Waxa laga yaabaa in wararka soo baxayaa sidaasi kaba duwanaan karaan, waxaase shaashadaha laga arkayey waalidiin cabanaysa oo leh caruurtii wax noo baranaeysey ayaa Hayado shisheeye ahi ciidamada RRUda usoo adeegsadeen oo qafaasheen.

Hadii ay tani habowdo waxay magacxumo iyo Lafo-jab ku tahay xukuumad Musuq iyo Maamul xumo la tiiceysey oo xafiis ka bedqabaa aanu jirin. Shalay uun bay ahayd markii Gudoomiyihii Hayada Maamul wanaagu uu xilkiisii isaga casiley arrimo uu ku sheegay inay ragaaiyeen Xukuumada haatan talada haysa. Bil kahor waxaa isaguna xilka ka caraabay Cabdillahi Jawaan oo luuqad adag ku sheegay in Taladii dalku DAYAC ku sugan tahay.

Waynu dhawraa halka ay saldhigato dhaliilahan isdaba jooga ah ee Musuqa, Maamul xumada iyo dayaca isa soo taraya ee muuqda.

No Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *