Golis News
TelesomTelesom Web Banner500x90

Maxaa Jaamacadaha Loo Xidhay?

Golisnews Friday, April 14, 2017 16:08:06 Maalintii isiintii ee ay taariikhdu ahayd10/4/2017 ayaa wasiirka waxbarashada Somaliland cabdilaahi dheer wuxuu ku dhawaaqay in la xidhay 3 jaamacadood oo dalka ku yaalla.

Waxa la ogyahay in markii la furaayey jaamacadahani loo maray habkii iyo hanaankii sharci ee furashada jaamacadaha dalka,rukhsadii shaqana la siiyey kadib markii ay buuxiyeen shuruudihii loo dhigay.

Su aaashu waxa ay tahay maxaa marka horaba loo siiyey ruqsada jaamaamacad aan ka soobixin shuruudihii loo dhigay?.

Teeda kale waxa muuqata in ay jaamacadahani shaqaynayeen muddo dheer oo ay ka qalin jebiyeen dufcado arday ahi,qaarna ay ku sii dhaw yihiin in ay dhameeyaan,halka qaar kalena ay dhigtaan jaamacadahani,

Taasi waxa ay tusaale u tahay in uu jiro dadaal dheer oo taxane ah, kaasoo qaatay maal, muruq,maskax,iyo wakhti dheer oo loo soo huray jaamacadahani.

Hadaba hadii ay soo bexeen dhaliilo aan loo dul qaadan karini waxa ay is waydiintu tahay jaamacadahani miyaanay xaq u lahayn in qalad kooda loo sheego si ay isu saxaan?.

Hadiiba loo sheegay oo ay isa sixi waayeen miyaanay xaq u lahayn in digniin la siiyo?.

Hadaba qof aan waxba loo sheegin loona digin sidee go aan kama danbays ah loogu fuliyaa?.

Hadalkii wasiirka waxa ku jirtay in uu ku qancay warbixinta ay soo diyaariyeen gudida tacliinta sare, hadaba su aashu waxa ay tahay: warbixintani ma tahay mid xaqiiqda ku salaysan oo run ah marka la eego cidii diyaarisay meelihii laga diyaariyey iyo sidii loo diyaariyeyba?.

Ugu danbayn maadaama go aankani uu yahay mid taabanaya oo saamayn ku leh mustaqbalka iyo masiirka in badan oo ka mid ah bulsha waynta reer soomaaliland waxa looga fadhiyaa wasiirka wax barashada jsl in uu la yimaado jawaab cad oo waafi ah oo lagu qanci karo.

Hadii kale warkaa wasiirku waxa uu noqon doonaa mas’uuliyad darro waxana uu abuuri karaa khalkhal iyo jaha wareer,waana fadeexad dul hogananaysa wasaaradda waxa-barashada jsl gaar ahaan wasiirka iyo guddida tacliinta sare ee warbixintan loo tiiriyey.

Fadeexaddaas oo ah:in si xun loo isticmaalay awooddii qaranka, loona adeegsaday burburinta danaha umadda.

Waxan kaaga digayaa

Inaad noqoto daab iyo

Dubbe lagu shaqaystoo

Nin dan lihi ku xoogsado.

Qore Abwaan:-C/raxmaan maxamed xassan.(khayre).

No Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *