Waxay ahayd maalin shacabka soomaaliyeed ku wayn,waxaa soo iftiimay hididiilo dawladnimo iyo inay soomaaliya marlabaad cagaheeda dib isugu taagto, Iyado muddo 30 sanno ah ka maqnayd saaxadda caalamka,soomaaliya waxay ka baratay dagaalada ahliga, kalinimadu waxay tahay waxaa ku daatay dhiig badan waxaa ku naf waayay malaayiin qof waxaa qaxay oo guryahoodii ka barakacay malaayin kale. Soomaaliya kali ayay noqotay waxaana uraacay agoonimo! Shacabki markii aabahod dhintay waxay muddadaa soddonka sanaa ku silcaysay agoonimo! Cid usoo gurmatayna majirin,waxay bilaabeen inay iyagu isu gurmadaan waxaa la qaban qaabiyay shirkii carta ee lagusoo dhisay dawladii abdiqaasim salaad xassan. Waxaa sii socday dagaaladii qab-qablayaashii kursi doonka ahaa. Waxaa lasoo doortay muddo kadib hogaamiyihii jabhadii SSDF col:abdilaahi yuusuf axmed. Waxaa ummadi sii halaagay oo sii kala yaaciyay dagaaladii kooxihii islaamiyiinta ahaa ooo sii daadiyay dhiig badan. Xukkuno badanoo is badalay kadib iyo dhiig daatay iyo hooyooyin gablamay iyo gabanno badanoo agoomoomay,oo agoonimadii hore kusii silcay,waxaa qaan gaadhay oo hanaqaad noqday curadkii qoyska wuxuu hantay masuuliyadii aabanimo,wuxuu muddo yar muujiyay ifafaalo dawladnimo,wuxuu hal-mar tussay agoontii indhaha caalamka wuxuu dayac tiray cududii agoonta oo uu mushaharaadkoodii iyo waxay quudanayen waxaa ku kacay dadkii deriska ahaa oo aan jeclayn in mardambe agoontu cagahooda dib isugu taagto oo haybadii iyo haykalki dawladnimo dib uga hirgalo somalia, Waxaa xukunka laga tuuray aabihii ummada gacan qabanayay. Mudda dheer kadib waxaa 8feb ka dhacday waddanka soomaliya doorasho uu ku guulaystay madaxweyne maxamed abdilaahi farmaajo. waxaa soo noqday curadkii reerka Waxaa halmar u sacaba tumay ummadii agoonimada ku daahday waxaa laga soo dhaweeyay dhammaan deegaanada soomaalidu dagto si midaysan waxaa ku midoowey walalihii siyaasiyiintu isku dirtay ee eexda loo kala qaaday, Waxaa soo muuqday haykalkii dawladnimada waxaa soo muuqatay midnimadii ummadda agoomawday ee maanta curadkii hogaanka uqabtay, Waxaa soo muuqatay inaynu dib ugusoo laabanayno saaxadii caalamka ee aynu mudada ka daahnay. Waxay muujiyeen hogaamiyayaashii ka horeeyay say u aqbaleen natiijada doorashada. Waxay si kal furan usoo dhaweeyeen walalkood waxay muujiyeen bisayl siyaasadeed. Waxay inooga tageen wax qaaradda madow gacanka carabta ee hogaamiyayaasheedu xilka isku dhajiyaan iyo caddaankuba ay tahay inay inaga bartaan,waxay sameeyeen dhacda taariikhda ugali doonta sida wanaaga iyo gobonimada leh ay uwareejiyeen xilkii uguna soo dhaweeyeen walalkoodan ku cusub. Waxaa wax ka qoray qorayaasha dunnida ee ka faalodaa arrimaha siyaasada Haba ugu badnaadaan qorayaasha carbeed oo aan ka xusuusto kuwa kala ah: “أدهم أبو سلمة ad-ham abuu salama” “غمدان اليوسفيqamdaan-al yuusufi” “عباس الضالعيcabaas a-daalici” Waxay dhamaantood tilmaameed oo ku amaaneen oo tusiyeen qaaradan madow iyo carabtaba inay tahay in somalia laga barto horumarka iyo bisaylka soyaasadeed ay gaadhay. MAXAA LA GUDBOON HOGGAANKA CUSUB ================================ 1: Inuu ka dhabeeyo balan qaadyadi uusameeyay ee ahaa: A:dhisidda ciidanka somaliya B:soo celinta cadaalada. C:inuu noqonayo nabadoon uusan ahaanayn madaxweyne qudha. D:inuu soo saaro khayraadka dalka. E:la dagaalanka musuq-maasuqa. 2:Inuu soo celiyo haykalkii iyo kala dambayntii iyo haybadii ummadu lahayd. 3: inuu ku dadaalo raali galinta ilaahay. 4:inuusan marin wadadii ay mareen hogaamiyayaashii ka horeeyay ee ky fashilmay hoggaanka iyo talada ummada. 5:inuu meel ugasoo jeesto cadawga ummada soomaaliyeed ee ethopia isagaan ujarayn xidhiidhka diplumaasiyadeed. 6: in uu ka faa’idaysto taageerada shacabka uu maanta haysto intuusan berri waayin. SHACABKA MAXAA LA GUDBOON? ============================== ¤ Inay la shaqeeyaan hoggaanka cusub ee ummadu iskuwada raacday. ¤ in ay la shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka si ay uhantan ammaanka dalka. ¤ in ay hiil iyo haa la garab istaagan dawladda cusub aan kaligeed lagu hayn hawlaha iyo waajibaadka horyaal. Waxaan kusoo koobi odhaahdayda: “Ninkii tiin talaaliyo ninkii timir talaalaba taariikhdu waa warin”
Chat Conversation End
QORE ABDIRAXMAAN MAXAMUUD ASKAR
EMAIL;abdirahmanaskar1996@gmail.com
tell ;00252634922358

http://www.golisnews.com/wp-content/uploads/2017/03/17410420_1867566356814623_96426353_n.pnghttp://www.golisnews.com/wp-content/uploads/2017/03/17410420_1867566356814623_96426353_n-150x150.pngShabakada GolisnewsMaqaallo

Waxay ahayd maalin shacabka soomaaliyeed ku wayn,waxaa soo iftiimay hididiilo dawladnimo iyo inay soomaaliya marlabaad cagaheeda dib isugu taagto, Iyado muddo 30 sanno ah ka maqnayd saaxadda caalamka,soomaaliya waxay ka baratay dagaalada ahliga, kalinimadu waxay tahay waxaa ku daatay dhiig badan waxaa ku naf waayay malaayiin qof waxaa qaxay...