Noocyda Garta dhaqanka iyo siday u qadi jireen xeer beegtidii hore W/D, cabdiqani iimaan kooreeye

waxay ilatahay in ay haboontahay in ay Odayaasha iyo xeerbeegtida maanta nool ee garaha qaada ama doonaya inay qaadaan waxaan jeclaan lahaa inay ka faa’iidasytaan qoraalkan ka hadlay garta somalidii hore siday u qadi jireen maadam ay soooo badanyaan khlaafaadka iyo colaadah ay keenayaan muranka iyo is afgaran waaga badani .

Gartu way noocyo badan tahay, berigii horena qofku waa yaqaanay sida uu ku gar helayo iyo inay gari meesha ugu jirto iyo inkale, laakiin noocyada loo garqaado waxa ka mid ahaa ama loo garnaqsado waxa ka mid ahaa:Garaw, Dhaahin, Xaal, Muslax, Gar-cadaawe, gar-shareeco, gar-xeerbeegti, Gar-booli, Gar-jilaad iyo qaar kale, waxaana dhici jirtay in la kala gar-helo, iyadoo ay gartu noqon jirtay gar-cadaaladeed iyo gar-eexo, laakiin ninku wuu gar-qaadan jiray, taasina waxay qayb ka ahayd hiddosamida dhaqanka iyo gobanimada dadku lahaa.

Guddiga xeerbeegti ee garta qaadaysaa waxay ahaayeen kuwo yaqaan waxa ay wax ka garnaqayaan iyo waxa ay wax ku dhamaanayaan, hadii ay muslax tahay, hadii ay kala dareerin tahay, hadii ay gar cadaawe tahay iyo hadii ay gar kale tahayba, waxaase jiray wax la odhan jiray Samatalis iyo hadimo talis, kuwaas oo ahaa laba calaamo oo lagu kala sooci jiray ragga had iyo goor garaha gala, kuwaas oo u qaybsami jiray nin daacad ah oo la odhan jiray waa Samatalis iyo nin aan daacad ahayn oo la odhan jiray Hadimotalis.

No Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *